site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDA ITOOBIYA LOOGA HORTAGAAYO

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : SIDA ITOOBIYA LOOGA HORTAGAAYO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Monday, January 15, 2001 - 03:11 pm
Waxa aynu ka dheregsanahay sida Itoobiya ay maanta koox walba ay si gaar ah ula socoto. Taasoo ayna midna taageero buuxda siinayn, waayo waxa ay dani ugu jirta burburka Soomaaliyeed. Waxa ay si jaban ku isticmaashaa bedda Berbera, isla markaas umay fidin Soomaaliland aqoonsiga ay aad ugu baahantahay. Isla markaas waxa ay dhistaa Ciidamada Puntland oo dal ay isku haysataan Somaliland.

Waxa ay soo dhoweysay Cabdiqaasim, waxayna go'gosha u fidisay Shaatiguduud, iyo kooxaha mucaaridka ku ah DKG.

Waxay aniga ila tahay Soomaali inayna cidina dhisayn, hadday iyaga gacmaha is jarayaan. Haddaba, waxa ay tahay in la doono sida aynu wax u wado qabsan karno. Ma aha in lagu dhigo wax aan suurtagal ahyn xilligan. Ogow siyaasaddu waa in la helo xalka ugu habboon ee suurtagal ah.

KOlkaas horta waa in kooxaha Xamar isku haysta ee isla beesha ihi, dadkooda ooda ay ka qaadaan oy dadkan ay kala xidhayn isu furaan. Wa inay ka waantoobaan baratanka ay ugu tartamayaan dhinaca Itoobiya.

Tan xigtaa, waa in la ogaadaa in dadka Somaliland badankoodu maanta aanu sina diyaar ugu ahayn inay dib u dhisaan Somaaliyadii hore. Waxa haddaba habboon in sidooda loo daayo. Lana yeesho daris wanaag,iyo heshiisyo dhaqan,dhaqaale, iyo mid difaac iyagoo laba dal ah. Waxa taas ku soo biiri doonta dhinaceeda Jabuuti. WAxa la helo seddex dal oo Soomaaliyeed oo u furan dhammaan in dadkoodu isu socdo,ka ganacsado, kana shaqaysto shuruud la'aan.

Middan ay bogsiin karta nabarada weli damqanayaa ee leysu geystay. Taas ayaa dib u abuuri karta himmiladda Soomaaliweyn. Waqtigeedana kicin karta walaaladeen ay addonsadaan Itoobiya iyo Kiiniya.

WAxan u baaqayaa in siyaasiinto karta xilka arrintan ka saaran.Waa inay gaadhaan talada ugu habboon ee suurtagal ah. Waa inay iska arkaan cadowga kala jabkooda ka faa'iideysanyaa. Haddii cadceeda la waayo dayaxa lagu socdaa.

Waxaan jecelahay in arrintan si fiican looga soo baaran dego. Fadlan, adigoon kooxna eegin,qabiilna og aayo xumadiisa, soo bandhig talada ugu habboon ee MAANTA SUURTAGAL AH. KOLKA AAD TAAS SHEEGAYSO FADLAN KU SALEE WAAQICA RUNTA AH.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.