site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDA ITOOBIYA LOOGA HORTAGAAYO

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : SIDA ITOOBIYA LOOGA HORTAGAAYO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Monday, January 15, 2001 - 03:26 pm
Waxa aynu ka dheregsanahay sida Itoobiya ay maanta koox walba ay si gaar ah ula socoto. Taasoo ayna midna taageero buuxda siinayn, waayo waxa ay dani ugu jirta burburka Soomaaliyeed. Waxa ay si jaban ku isticmaashaa bedda Berbera, isla markaas umay fidin Soomaaliland aqoonsiga ay aad ugu baahantahay. Isla markaas waxa ay dhistaa Ciidamada Puntland oo dal ay isku haysataan Somaliland.

Waxa ay soo dhoweysay Cabdiqaasim, waxayna go'gosha u fidisay Shaatiguduud, iyo kooxaha mucaaridka ku ah DKG.

Waxay aniga ila tahay Soomaali inayna cidina dhisayn, hadday iyaga gacmaha is jarayaan. Haddaba, waxa ay tahay in la doono sida aynu wax u wado qabsan karno. Ma aha in lagu dhigo wax aan suurtagal ahyn xilligan. Ogow siyaasaddu waa in la helo xalka ugu habboon ee suurtagal ah.

KOlkaas horta waa in kooxaha Xamar isku haysta ee isla beesha ihi, dadkooda ooda ay ka qaadaan oy dadkan ay kala xidhayn isu furaan. Wa inay ka waantoobaan baratanka ay ugu tartamayaan dhinaca Itoobiya.

Tan xigtaa, waa in la ogaadaa in dadka Somaliland badankoodu maanta aanu sina diyaar ugu ahayn inay dib u dhisaan Somaaliyadii hore. Waxa haddaba habboon in sidooda loo daayo. Lana yeesho daris wanaag,iyo heshiisyo dhaqan,dhaqaale, iyo mid difaac iyagoo laba dal ah. Waxa taas ku soo biiri doonta dhinaceeda Jabuuti. WAxa la helo seddex dal oo Soomaaliyeed oo u furan dhammaan in dadkoodu isu socdo,ka ganacsado, kana shaqaysto shuruud la'aan.

Middan ay bogsiin karta nabarada weli damqanayaa ee leysu geystay. Taas ayaa dib u abuuri karta himmiladda Soomaaliweyn. Waqtigeedana kicin karta walaaladeen ay addonsadaan Itoobiya iyo Kiiniya.

WAxan u baaqayaa in siyaasiinto karta xilka arrintan ka saaran.Waa inay gaadhaan talada ugu habboon ee suurtagal ah. Waa inay iska arkaan cadowga kala jabkooda ka faa'iideysanyaa. Haddii cadceeda la waayo dayaxa lagu socdaa.

Waxaan jecelahay in arrintan si fiican looga soo baaran dego. Fadlan, adigoon kooxna eegin,qabiilna og aayo xumadiisa, soo bandhig talada ugu habboon ee MAANTA SUURTAGAL AH. KOLKA AAD TAAS SHEEGAYSO FADLAN KU SALEE WAAQICA RUNTA AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jija

Sunday, February 25, 2001 - 11:32 am
Aniga oo ah jija waxan qaba in horta la fahmo etopia waxa eey no tahay qof kasto oo somali ah mel kastoba ha joge etopia wa no cadow wadan naga heysta ana jecleeyn in marnaba somaliya nabad noqoto ano ujeda gobolada marka maxa kenay in aan la tashto cadowgeyga anaga ama aan kala noqono laba dowladod ama mid howshasi waxey quseysa somali keliya aniga waxey ila tahay marka hore anaga aan is fahamno oo xaalkena aan ku dhameysano sidi somalida lagu yiqin wada hadal mahee yanan ciirsi modin cadow kuwa cadow walal moday ilahey haso hadeyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anon

Sunday, February 25, 2001 - 12:45 pm
Weeydii su'aashaan Marexaanka heeshiiska qarsoodika hadda la galay Ethiopia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 08, 2001 - 12:25 pm
Wallaal waa talo wanaagsan in marka hore soomali fahan taa cadawgeedu inuu yahay ethiopia oo marnaba jeclayn inay somaliya dib u soo noqoto hadaba waxa wanaasan in marka hore in soomali garato danta guud ka dibn laysa meeldhigo sidii loo qaytami lahaa nolosha soomaliya waa dal wayn oo qani ah dhinac walba maxaan nollosha iskugu cidhiidhinayna etiopia barbara boorkeeda riqiis bay ku heshay iyo kuwo kaleba markaa aan danteena aan garano oon ka gudubno qabiilka waad walaalah soomaliyeed ee qaaliga ahaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcale

Friday, March 09, 2001 - 03:50 am
Maanta cadawgaygu waa C/qaasim iyo mooryaanta. dadka masaakiinta guryahooda haysta, markaan kuwaas iska xorayno, markaas kabacdi aan ka hadalno Ethiopia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.A.A

Friday, March 09, 2001 - 04:39 am
Nacalad ha ku dhacdo itoobiya iyo wixii la sha qeeyo ((( waa ah lu naar dhamaantood )))

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A.A.A

Friday, March 09, 2001 - 04:43 am
to:jimcaale !!!
sxb waad waalan tahay soow naahan ee waxaad dhah daa alloow i cafi .mar kaad c/qaasim dhe heeyso afka soo cadayo ok man c/qaasim afka laguma caday do sxb ee allaha ku cafiyo..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Sunday, March 11, 2001 - 01:51 pm
kan qaldanka ah ee kor u ku soo qoray in hawiye xamar ku heshiiyo ka dibna soomaali isagu timaado waxaan kuu sheegayaa in aad indhah kal furto cidda nabd in ay ka dhacdo soomaliya hortaagan waa qaldaamiinta hadey somalinimo dooni lahaayeen kol hore ayey soomalinimo sameen lahaayeen wax dowlad la yiraahdo ooo qaldaanland ah aanu aqbaleynaa ma jirto ama cismaan caato casuum oo u sheeg in uu xamar kuu burburiyo soo raac somali waxey dooraty in midnimadeeda muqadas tahay iskana iloow iidoorland teeda kale kan dhahaaya abdiqasim baan ka aarsaneynaa iyo moryaan faqsh faqash dhashay oo riyooneysa baad tahay miyaadan la soco wixii ku soo maray nabad baa laguu qaatay rag walaaloow waxuu ku dhaamo la waa soo raac ummadda soomaaliyeed guri iyo sheeko inta iska dhaafto waa in la fahmaa qaldaanka rabba in uu dalkeena kal gooyo dabcan hadii hawiye dowlada uu madax yahay waa dad soomaaliyeed adiga ayeey ku jirtaa sidaad dalkada am gobolkaaga u dhisan laheed...soomali ween muqdisho ayaa laga xukumayaa ama diid ama doon......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

from cerigabo

Friday, March 30, 2001 - 02:23 am
To: deeq aad baad u fikrad fiicantahay, lakiin tan isku sheegtay ahmed maskaxda jiir baa kaaga jira.

aniga waxay ilatahay hadii la rabo inay somali heshiiso waa in marka hore layska daayaa dadka somaliland ha go´aan hadii ay rabaa.
ta labaad waan in koonfur xaal loo helaa si ay doolad u wada sameysan lahayen
kadibna s/land iyo somalia waxay noqon lahayeen laba dal oo jaar ah oo wada shaqaysta. markaas baa
layska difaaci karilahaa itopia iyo cadowga kale

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.