site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cabdi Guleed Fargayax Was Gadidka KMG yaa masuul ka ah maatidii xabashiddu ku laysay B/Xaawo

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Cabdi Guleed Fargayax Was Gadidka KMG yaa masuul ka ah maatidii xabashiddu ku laysay B/Xaawo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Monday, January 22, 2001 - 01:11 pm
Jannadi Allaha ka waraabiyo dadki xaqdaradda askarta xabashiddu ku dishay ee lagu layay B/Xaawo. Dhawacayagana kuwi ka kaca allaha ka dhigo.
Yaase ka masuul ah? Maxaa Gedo keenay Cabdi Guleed,muxuu Garbahaarey iyo dhulka aysan Amaxaardu jogin ugu ekaan wayay?
Muxuu Mareexan uga siday dowladda KMG: hub,lacag,ciidan,daawo?
Ma mogaa in Amaxaraddu dadka ay leyneyso hadii loo soo bananbaxo imashadiisa?
Shanta ruux ee naga dhimatay iyo dhaawaca ma waxaa kala wayen kursi ceebedka Mareexaan magaciis lagu baabiyay ee uu aqbalay?Mise yaan laga qadin yuu is yiri? Intaas hadan kaga baxo tobigaas,waxaan soo jedinayaa afti furan:
Ma xaq baa in rayidka Mareexaan noqdo gashaan looga gabado xabadda askarta Itoobiya?
Ma xaq baa in sagaal kursi iyo wasiir u yaal ay qayb u helaan?
Ma awaad lagaga hor tago Itoobiya yaa Mareexaan leyahay,mise dowlad soomaaliyeed oo difaaci karta yaa jirta?
Soomaaliya manta dowlad kama jirto tan ku meel garka ahna meesha aan kaga naal waa muqataa waxaa talo ig ah in aan wax waliba ka hor marino babaadada rayidka masaakinta ah inti laga helayo dowlad caadil ah dadkeedana difaan karta istaahishana in nafta loo huro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdisalaan

Tuesday, January 23, 2001 - 12:51 am
Bismillaah!

Ninka Deeq la baxayoow kula doodi maayo. Taas sababteeda wuu garan karaa qof kastoo (carruurna ha ahaatee) arka waxaad sare ku qortay. Waxaanse jeclahay in aan kuu bayaaniyo qodob yar oo kaa maqan.

Waxaad tiri Wasiirku muu tago Garbahaarreey oo maxaa Gedo keenay.

Haddaba, qalin iyo warqad qaado oo kororso aqoontaada:

I. Gedo waa magaca gobolka. Ma jirto magaalo magacaas sidata.

II. G/haarreey waa caasimadda gobolka Gedo.

III. Wasiirku ma tegin B/xaawo oo ah meeshii xasuuqu ka dhacay.

Sidaan billowgii farriintaan ku sheegayba kula doodi maayo, laakiin talo yar iga hoo.

Been sheeg oo been run u eg sheeg. Taas waxaan ka wadaa haddii ay kaa fursan weyday inaad sheegato reer aadan u dhalan ugu yaraan bal u kuurgal xaaladda iyo degaanka reerkaas si aadan isu ceebayn!

Mahadsanid
Cabdisalaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil Sade

Tuesday, January 23, 2001 - 03:12 am
Cabdisalaan waa ku sugtay, salkaa waa Janno, afka iyo gacmaha Eebbe kaama gooyo hadalna adigaa dhammeeyee mar dambe how jawaabin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeq

Tuesday, January 23, 2001 - 11:03 am
Cabdisalaan waa Deeq. Xisaabta latiinka ma bowsatay waa ila tahay madama PONCTUATION dhib badan kaa heysto. Waxaan qoray: Maxaa Gedo keenay Cabdi Guleed,muxuu Garbaharey iyo dhulka aysan Amaxaraddu joogin ugu ekaan wayay? Hakad baa u dhexeeya Cabdi Guleed iyo santeniska qayebtiisa kale waxaana loola jeedaa in labadda santenis ay kala madax bananyihiin tasoo la mid ah anigoo qoray: muxuuse Garbahaarey ugu ekaan wayay oo ku watay in uu yiraahddo reer B/Xaawo ha ii soo bananbaxaan.

Walaalkey oon wax u kordhiyay wakhti iigama lumin. Waxaase taas iiga walwalbadan xalaadda Sade ee maxaad ka leedahay su'aalaha maanta jawaabta u bahaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARWAA JECEL

Friday, January 26, 2001 - 01:04 am
Deeq waad mahadsantahay. Marka kobaad waxaad ku mahadsantay in aad farta ku fiiqday cadaqatayaasha in Guleed fargayax ka mid yahay ee Xamar jooga ee boqolka dolar lagu kireysto laguna masalo in ay SADE hogamiyaan. Wase laga bixi donaa mar dhaw.

Marka labaad waxaad ku mahadsantahay sida damiinka wax sheeg is yiri aad wax ugu kordhisay.

Magacaa jir noolow weligaa

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.