site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAY HAWIYUHU U HESHIIN LA' YIHIIN

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: MAXAY HAWIYUHU U HESHIIN LA' YIHIIN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dahir Guuleed

Friday, January 26, 2001 - 01:48 pm
Sida aynu la socono somaliland waxaa ka jira hanaan maamul oo damaanad qaaday daryeelada dadweynaha soomaliland,sidoo kale maamul goboleedka puntland waxaa ka jira hanaan maamul,nabadgelyo baahsan,iyo dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo kor u qaaday baahida dadweynaha goboladaas,si intaa ka soo horjeeda ayaa ka jirta caro hawiye oo ah khilaaf balaaran oo u dhaxeeya qabaa'ilka wada degan,.waxaa muuqata weli ineysan u bisleyn horumar iyo midnimo soomaaliyeed
waayo dhacdooyinka ka dhaca muqdisho iyo fikradaha ay qabaan mas'uuliyiintooda ayaa ah kuwo aan marnaba abuureyn jawi nabadeed.
hadaba ma tahay in hawiye loo abuuro mar kale nabadgelyadii ay burburiyeen 10sano ka hor,mana dhici kartaa in dib loogu dhiso magaaladii loo qarameeyay 40sano ka hor

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 27, 2001 - 01:09 am
Asalamu Calaykum.

Aan ku weydiiyee ninyahow madaa markii hore u dhisay nabadgalyada magaalada Mogadishu, maadaase u qarameeyey 40 sano ka hor. Anigu waxay ila tahay jawaabta ay u adag tahay in lagu heshiiyo Xamar waa inta ku nool, meelaha aad magacaawday 10 laabkood oo dad ah ayaa ku nool, nin kaligiis ku amar ku taagleyn karana waa yar yahay, sida meelahaas aad sheegtay oo aan Jornal wax qori karin, qof aan oran karin hebel waa qaldan yahay.

Asalamu Alyakum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad

Saturday, January 27, 2001 - 12:50 pm
nin reer banaadiri ah, ayaan waa la kulmay runtiina wuxuu igu yiri hadal qiimo weyn,wuxuu yiri waxaa la riday dawladii kaligii taliyihii, marxuum mohamed siyaad barre, lakiin wax bedelo ma helin oo magaaladaynii sharafta lahayd waxaa burburiyay hawiye, waxaana maanta haynaa waa kuligood taliyayaal, wax loo taliye iyo wax taliye lama kala yaqaan.
dhibka maanta haysta hawiyana waa taas koodii waxbartay, koodii xamaalka ahaan jiray,koodii tuuga ahaan jiray, koodii waalnaan jiray xitaa maanta talada ayuu dhinac kaga jiraa. marka arinta xagaa ayay ka fadhidaa, halka soomaalida inteeda kale la yaqaan hogaamiyayaal iyo siyaasiin kooban.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 27, 2001 - 04:13 pm
dadku ama waxbay xukumaan ama waa la xukumaa, waxaan arkay Cali mahdi oo ku qudbaynaya "HAwiye waxna ma xukumi karo waxna laga xukumi waa" bal hadalkaas u fiirso, Cali mahdi laguma yaqaan nin xikmad badan balse waxaan la yaabay sida hadalkaasi ugu so dhacay, waa xaqiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gare

Saturday, January 27, 2001 - 07:18 pm
dhamaan waxaan meesha ku xusayaa dadkayga oo dhan oo ah HAWIYE WAYNE iyo inta kula nool dagaanka xamar iyo nawaaxigiisa .
waxaan ugu baaqayaa qaldaamiinta iyo
muxulufadeeda sida amxaarta iyo dadka qaxootiga ah ee ay amxaartu wasto waa qaldaamiintee in aanu ku soo celinayno soomaalinimadii waayo uma adkaysnkarno in xataa nimankii qaldaamiintu ay amxaaradu wasto ka dibna ay garaacdo .taasna waxaa u dheer in xataa caqli ay isku celiyaan aanay la hayn , qaldaamiinta waa loo talinayaa waxaana loogu talin qori caaradiisaiyo in aan soo celino janaraalkii GEEDISHAANBOW oo ay dowladu dhawaan u magacawday in uu ka taliyo Hargaysa iyo nawaaxigeeda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaabane

Sunday, January 28, 2001 - 06:15 am
Ku: Gare

Sxb waa hubaayoo caqligii ciddiinaa waa leedahay, wasmo maahee wax kale kamaadan hadlin, laakiinse waxaan la yaabanahay kuwa leh ha tashadeen ama wax ha utaliyeen! nin caqligiisii iyo cilmigiisii uu wasmo noqday muxuu talin? Ilaah baa idiin maqan.

Yaabane

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, January 28, 2001 - 06:48 am
lol@gare

waa nasiibkiina in maanta kuwii la islahaa waa hawiye dibad jooga oo wax badan ayuu arkay ama waa ka dhiidhiyi doontaan sida wuxuushnimada leh ay dadkooda u nool yihiin ay ku hadlayaan waxaan dadnimo u soo kordhinayn, war isku xishooda, waxaa halkaas ka cad in aad tihiin waxa soomaalida kale idinku sheegayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad

Sunday, January 28, 2001 - 09:10 am
gare su'aal ayaa lagu weydiiyay ee ka jawaab mise soomaaliga ayaadan aqoon.
maxay hawiyuhu u heshiin la'a yihiin?.

ee cid wax kuu dhintay ma lahan si hufan uga soo jawaab ama isaga aamus reerka ceeb ha u soo jiidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaamuud

Sunday, January 28, 2001 - 11:52 am
hawiye,waa dad fara badan oowaxaa ku jira ku wax bartay,mid caqli leh iyo mid dadkiisa isaga nool,waxayna taa kala mid yihiin ummadda ay isku wadanka yihiin qabiil kasta ha ahaadeene.haddaba haddiiaan u soo jeesto su`aashaadda jawaabteeda,waxaan dhihi karaa hawiye waxay u heshiin wayeen kadib markii soomaalidii kale oo idili ku heshiiyeen in aysan heshiin.taasna waxay kuu caddeeynaysaa in ay yihiin soomaali sax ah.
laakiin hal shey ayaad mooddaa in ay kagga duwan yiihiin soomaalidda kale taas oo ah in aysan marnaba hablahoodii iyo dhulkoodda maxaaro u hibeeyn.miyeeysan ahayn mid hawiye ugu faani kalo inta kale?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad

Sunday, January 28, 2001 - 12:49 pm
wax kale ma tihid gare kale, war adinka miyaadan dhiiban karin ra'yigiina adinkoon caayin dumar iyo waalid.

wali yaa ka soo jawaabi kara hawiye maxay u heshiin la'ayihiin oo ay u samaysan kari la'ayihiin maamul matalo?. soomaalidii kale oo idil waa ay heshiiyeen waa kaa aad arkayso sida nabada ah ee ay dhulalkooda u maamulaan ,waxaa laga yaabaa in xaga siyaasada lagu kala duwan yahay, laakiin danta guud waa u hal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gare

Sunday, January 28, 2001 - 03:57 pm
TO.Salaad,hawiye waa dad ka soo horjeeda dadka beenta isku sheegaya ee dabada ku wata amxaaro iyo qashin
marka aad beenta isku sheegaysiin waa dadka sheeganaya in ay maamul samaysteen.
tan koowaad ma maamulbaa ka jira gobalada waqooyi oo ay dhamaan dadka u dhanyahiin oo dimoqoraadiyo ah oo aan qabiil loo fiirinay , tusaale u soo qaado waxaa ku nool qabiilo badan oo aan ahayn isaaq oo xoog lagu haysto sida Ciise,Dhulbante,gudabiirse,iwm. waxaana la ogyahay in dhammaan qabiilada aan isaaqa ahayni ay ku diidanyahiin in la gumaysto oo amxaar u talisu balse waxaa nasiib daro ah in xoog lagu maquuniyo oo , marka waan in aad iska ilaawdaan riyada ah Somaliland oo noqota wadangooni ah waayo isaaq ma noqon karo wadan ,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diiriye

Sunday, January 28, 2001 - 04:12 pm
Gare waaruntaa intey qabiilada waqooyiga dega ee aan isaaqa ahayn, xitaa qaarkamida isaaqa iney go aan. laakiin su aashii kamaad jawaabin. kawaran hadaan bedelo suaasha, baltan kajawaab. moqdisho manoqonkartaa nabad, maadaama aytahay caasimad safaarado malaga furikaraa? dadkii hantida kulahaa makusoo noqonkaraan hantidoodii? maxay hawiye rabaan, waxaa lasiiyey madexweynihii, caasimadii, lacagtii?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL HAWIYE

Monday, January 29, 2001 - 01:46 am
MAJEERTEEN TAB IYO XEEL KALE MA WEYDEEN AAN AHAYN INAAD HAWIYE ISKA DHIGTAAN OO IDINKU ISU JAWAABTAAN. HAWIYE ILAAHAY BAA SARE U QAADAY ADNA HOOS KUU DHIGAY, EE ILAAHAY BARYA, QABIILLO HAWIYE AH OO DIRIRSAN MA JIRAAN DADKUNA TAAS WAA OG YAHAY, MUQDISHO DOWLAD BAA JOOGTA MUCAARADNA WAA JIRAA WAX IS DILAYANA MA JIRAAN WAANA MEESHA GEESKA AFRIKA OO DHAN BADEECOOYINKA UGA DHOOFAAN MARKA ADDUUNYADA LAGA KEENO GANACSIGA UGU WEYN EE DALKA SOOMAALIYANA XARUN U AH. QABIILOOYIN SOOMAALIYEED OO DIRIRSAN MA JIRAAN MAANTA LAAKIIN WAXAAD ARKEYSAA DAAROOD AAN LA IS TUSI KARIN SIDA MAJEERTEEN IYO MARREEXAAN, MAJEERTEEN IYO ABSAME, MAJEERTEEN IYO DHULBAHANTE/WARSANGELI, ANIGU MA AQAAN WAXA DAAROODKA KALE MAJEERTEENKA AY KU ARKEEN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad

Monday, January 29, 2001 - 08:05 am
lol@real hawiye

walaahi wanaag weyn ayay noqon lahayd in aan aragno hawiye oo maaul leh oo kala danbayn helay, laakiin nasiib xumo uma jeedno waxaanse jeclaan lahaa inaan ogaado waxa u diiday inay dawlad dhistaan oo sida qabaa'ilada kale looga helaa masuuliyiin matala si loo soo afjaro dhibaatada soomaaliya ka jirta.
waxaan wali la'ahay su'aashaas cid iiga soo jawaabto.
maalin kasta dhulalka ay degaan qabaa'ilada hawiye ka dhaca dil,dhac,kufsi iyo jidgooyo aanan lagu arag dhulalka kale, maxaa shacabka hawiye u diiday inay ka dhiidhiyaan xumaantaas,oo ay iska tuuraan qabqablayaasha dagaalka oo maalin walba mid cusuub loogu soo caleema saaraa, sida kii ugu danbeeyay ee d'jibouti lagu soo caleemo saaray abdiqaasim.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofi-dhuub

Monday, January 29, 2001 - 09:48 am
salaad,
markii aan arkay su`aashaadda waxaan kuu maleeyey shaqsi soomaaliyeed oo su`aashu maskaxdiisa waqti badan ku soo rafanaysey,laakiin waxaad isu bedeshey nin fikirkani ku dhashay ka dib shir beeneedki ku burburay ceel-berde.haddaba haddii aad doonayso jawaabta su`aashaada fadlan aqri hadalka xaamuud,kaas oo iila muuqda in uu xaqiiq yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

laascaanoodi

Monday, January 29, 2001 - 06:28 pm
Salaan Dhamantiin

1.Hawiye in loo taliyo mooyee ma talinkaro....

A) sababta uusan uu talinkarina maaha in uusan nin ahayn ee waa midkastaa wuxuu rabaa inuu taliyo
isma ixtiraamaan
ma yaqaanaan sida loo kala dambeeyo

2. ragiina leh Xabashi baa sidana ama Xabashi baa sidaas ah

xabashidu waa shalay intaad dalkii iyo dadkiiba baabi seen baad leedihiin hadeer xabashi baa sidan ah ama sidaas ah

waar aamusa oo islayaaba hadal idiin ma banaana e

qashin baad tihiine

xaar ibnu xaar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad

Monday, January 29, 2001 - 06:32 pm
KOOFI DHUUB

su'aashaa jawaabteeda waxaan u maleenayaa inaanan halkan ku arkin waxa kaliya oo ii muuqda waa kuwa magaca reerka ku sii cayaaraya, waxaan jeclaan lahaa waxa hawiye ka hortaagan inay is maamulaan oo looga helaa cid matasho.
ma waxaa leader u ah cali mahdi mise cabdiqaasim, mise hussain caydiid, mise muuse suudi, mise bood,mise caato, mise qanyare.
yaa u ah mas'uul oo la dhihi karaa sida soomaalida kale waxaa horseed u ah isaaq mohamed hagi ibrahim cigaal, daarood abdulaahi yusuf ahmed, digil iyo mirif xassan nuur shaarguduud.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 30, 2001 - 11:09 am
Salaad inta aad sheegtay waa qoysas yar yar (marka loo fiiriyo Hawiye) Hawiyena waa qabiil aad uga weyn uga ballaaran Soomaalida inteeda kale kana daacadsan. Hawiye marna kuma fekerin maamul goboleed waxaan qarannimo aheyn oo qancin kara ma jiraan meesha qolyaha kale kaga fekerayaan maamul goboleed gobol ku kooban oo qoyska berrinkaas dega u gaar ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAQIIQLOW

Tuesday, January 30, 2001 - 01:45 pm
THE PERSON WHO CALLED HIM SELF REAL HAWIYE IS A REAL DREAMER. ALL I WANT TO SAY IS HAWIYE IS LOWER THAN LOW AND IT IS UNDER MY SHOES.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Patriot

Tuesday, January 30, 2001 - 07:01 pm
soomaaliya cid samaysay census ma jirto, nin walba tiisaa la badan, waxaad tiri hawiye waxaa qanciya qaran wax ka yar, ma qanciyaan.
maalintii uu mohamed siyaad barre uu magaalada xamar idinkaga tagay magaaladii aad sheeganayseen waa dhisnayd, oo wax walba oo lagu yiqiin magaalo ayay leeyahay, aaway qaran jacayka maanta kugu beeran, maxay kaaga hor istaagi weyday inaad magaalada xamar dhawrato inta aad madfac la dhacaysay oo wax walba ka sokow 30,000 oo shacab hawiye ah aad ugu laysay within sadex bilood magaaladii bilicsanaydna ka dhigtay ghost town.
markaad gurigaada hagaajisato ayaad rag kale wax la hortagi kadhaa, inta aad foolxumadaas ku jirtid oo aad leedahay xamar ha la iigu yimaado wax ha la ila dhiso waa doqonimadaa in maanta magaaladii xamar aad gacantaada ku burburisay oo soomaali oo dhan aad ka xigsatay inaad la soo fadhiisatid xamar hala ila dhiso,war taada ku tasho, haddaad leedahay dadnimo aan isku maamulo ma lihi taas waa gooni oo waa la idiin garaabayaa laakiin haddii aad la soo taagan tahay ana ma tashanayo dadkuna sideeda oo kale ha noqdaan waa doqonimadaada iyo maangaabnimadaada.
waxaad sheegaysaan soomaaliya in la kala gooyaa la rabaa yaad is leedihiin waad ku sasaban kadhaan, mise yaa maanta ku bartay oo aad u sheegaysaan soomaali soo ma ahan kuwii aad kala disheen , sooma ahan caruurtii aan gaajada ugu layseen baydhabo iyo bakool, soo soomaali ma ahan kuwa aa ilaa hadda gabdhahooda xooga ku haysataan iyo gurayhoodii oo idiin bixiyay mukulaal madow(reer banaadir).
soomaali waxay ku qurxoon tahay sida ay maanta tahay inay kala nasato,oo nin walba tiisa ha ku tashado ileen qaarna waa reer miyir qab qaarna wali waxbaa u harsan, goortay isku soo toostana aan wada dhawrno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 30, 2001 - 07:26 pm
hawiye waa heshiiyeen, maxay ku heshiiyeen?
waxay ku heshiiyeen inay waligood heshiin.
markaan qof runta ka hadlaayo arko,waan ku taageeraa,
hawiye waxay la heshiin la'a yihiin waa waxa haysta cuqubadii ay shacabkii ay laayeen ka galeen, hawiye intuu dagaaladii sokeeye socday waxay ku soo kordhiyeen colaada , waxaan dhaqan soomaali u ahayn, waa dadkii caadaystay inay caruur dilaan, waa shacabkii caadaystay inay culumo dilaan, inay haween inta kufsadaan dilaana, waa shacab aan u aabo yeelin deriska xitaa kii la deganaa 30 sano.
markaa waxa ku socda waa wax laga gudaayo ilaahay danbiga aad adoonkiisa ka gasho meel kaaga ma tagayo, ma is leedihiin waxaa laga cafinayaa hawiye danbigii gabdhihii reer shingaani ay masaajidka dhexdiisa ku qabsadeen, mise waxaa looga tagayaa caruurtii digil iyo mirif ay gaajada ku laayeen.
ma laga yaabaa in looga tago dhiigii ummada qaarkood ay u daadiyeen oo kaliya waa reer hebel.
let hawiye inay gurtaan mirihii ay beerteen.
waa kaas arintooda maalinba maalinta ka sii danbaysa ay sii cakirmayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Real Karanle

Tuesday, January 30, 2001 - 10:57 pm
Waxaa tiraahdeen Hawiye ma heshiin karo, oo maamul ma dhisan karo, laakiin dadka kale waa dhisteen.
Waxaan idin leeyahay alaha khayrkaa idiin siyaadiyo, laakiin maxaad dhulkiinii ugu laaban waydeen, wax ka soo qaxaya ma ahane, wax ku noqonaya ma laha!.
SOMALILAND&PUNTLAND, waxaa ka jira maamul, hadana waxaad jaleecaysaan muqdisho., oo waxaad leedihiin
may naga heshiiyaan, miyaadan hawiye la,aantiis tashan karin?
Ama aan baaba,no ama aan heshiino, waxaan idiin hubaa inaaydnaan arkayn nin hawiye ah oo ticket u goosanay laba LAND, EE niman yahow waxba hana cuskaninee lugihiina isku taaga!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

badhan

Wednesday, January 31, 2001 - 12:42 am
´reer karaan
sxb ala maxaad naftiina khiyaali ugu sheekeyseen idinmaan aqoone ilayn adhi gudayaa ahaydee dadkan aad leedahay soomaliland iyo puntland bay ka yimaadaan waa intii afweyne la shaqaysan jirtee aan waxba uu oolin meeshaa iyo in danteeda wadatoo qasin lacag ay kaga qayilaan ula jooga iyana jacayl uma joogaan oo wax yaala muqdishaan jirin hawiyaa isku cunaya markay cidkalay cunaan waayeey bay guriyiihii ay dadka kale ka tageen isku dilayaan
yaa idiin iman muqdishona somaaloo dhan baa dhisatay idinkaana iska dumiyay mar labaad inay idiin yimaadaan oo ay idiin dhisaan ha sugin ee naftiina beenta ka saara ka buuxda intaad qalbigiina ka saartaan khiyaaliga idinku dib isu waraysta.
hawiya labaray waa dad bililiqo kooda qurbaha yimaadaa dadka kale ka fool xun oo ka madow oo ka dayacan ilayn cuqubaa ka buuxda iyo xaaraan

SOOMAALIDA HALKAN KU JIRAbal eega meelahaad degantiin hawiyaha degani say yihiin waa wada dayac iyo mooryaan meel walba inay cunaan bay jecelyihiin kooda aad meel la joogtaana magaca soomaali ayuu kaaga ciyarayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bbbb

Wednesday, January 31, 2001 - 06:06 am
qan isaaq ee laascaanoodi labaxay. hawiye fikradkasta aan kahaysano, laakiin xabishi iyo gaalo waanecebnahay waligeyana waanecbeyn barina waa necbaaneynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 09:03 pm
hadda ka hor ayaa odey reer xamar ah booqday laba nin oo dukaan fadhiya markii xoogaa la joogay ayaa mid ka mid ah ku dhahay kii kale hebeloow orodoow nooga soo qaad sharaab kii hawiye ee biibitada lahaa, intuu odeygii naxay ayuu ku dhahay ilaah ma ka baqdiinoo maskiinkaan ilaahaygiisa lee hawiye ka dhigay jees jeeska iska dhaafa.
inta labadii nin is dhugteen ayay ku dhaheen odeygii adeer hawiye waa qabiil ma ahan oraah xun, odeygii ayaa ku jawaabay waligay ma maqal dad hawiye la dhahaayo oo ayagana ogol in loogu waco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOTEEYE

Wednesday, January 31, 2001 - 10:52 pm
badhan & anon
Afkiina ku ciil baxa, koley cudud ma haysaan , ciilna waa idin dilaye.
laakiin soomalida ayaa tiraahda inan iyo baeesaba afkooda ayay isku dilaan,.
gabdho ayaa tihiin, fulay marna caaytamaya , marna cararaya waan aqaan sida la yeelo, dhirbaaxo ayaa bab looga siiyaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, February 01, 2001 - 08:31 am
hawiye wali ma bislaan laga yaabo inay bislaadaan 50 sano ka dib marka dadkaan iska daaya ha iska hurdeene, maxaad hurdada uga soo jafaysaan, horay ayaa sidii loo lahaa hawiye dagaal iska maanacyay meelkasta oo uu joogaa, hal mar bay dab qaadeen markiina waxay kula kor dhaceen dumarkii iyo caruurtii iyo shacabkii aan hubaysnayn, hadda waxaan idin leeyahay we do n't want to repeat the history the same mistake that we have had before.
guys give then their time, time will come when they will wake up from deep sleep.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

uranium

Thursday, February 01, 2001 - 07:04 pm
Markaan aqriyay qoraaladaan oo dhan, i came to conclusion that somalida waa jaahiliin or they ignorant. But before i tell you the base of goaankaan gaaray, let me answer the writer of the original article. Saaxiib marka hore, suaashaada waa in eey ahaato mid xaqiiq ah. Somaalida heshiisay yaaa waaye saaxiib. Isaaq,haa, waa heshiis, waa doowlad. Laakiin, daaroodka heshiiyay yaa waaye saaxiib. I don't see it that man. Hawiye the same. Marka, saaxiib ama caytan oo qabiil ku caytan ama iska ciilbax, laakiin, i'm really sorry for all the dead after the overthrow of dictator siad. But if i go back to my first point, somalis are ignorant: Idinkoo hal qabiil ka socdo, daarood, victim aa iska dhigeysaan. But i'm sorry hadii sida africa(dark continent, ay ahaanleheed sidii europe, lacagaa ka dhargiliheeydeen, laakiin i'm sorry its not. So my conclusion is , somali oo dhan waa dhiban yihiin, ee aan is cafino.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mryuu

Friday, February 02, 2001 - 09:32 am
to dhamaantiin
saaxiibayaal salaan waqtiga yuusan idinka dhumin
daarood iyo hawiye iyo isaaq dhamaantood wey wada noolaan jireen
laakinse rag ayaa ku qaraabta magacyadaas si ay u helaan lacag iyo jago marka waxaan idiin sheegayaa nin walboo naar ka baq ,nin kii tiisa dar yeela ayaa tu kale ku dara
marka saaxiibayaal nin walbooba wax baro jaahiliinta ayaa been idiin sheegtay
waxaan idiin sheegayaa inta aad ku jirtaan reer hebel iyo jaad cun ayaa qiyaamihii idiin imaan doonaa
dadka ku qarabanaya qabiil waa mid dan ka leh
tusaale
qabiiloyinka dhamaantood dadkooda dhibaateysan waxba ma taraan ,kooda tuuga ah wey taageeraan
ogoontiina ma daryeeshaan
danahiina kama hadashaan
xin iyo xaasidnimo ayaa idin heysa
laakinse aan aragno kii reer hebel baariid ku helo
nimanka jabhadaha oo qaatiliin ah yeysan been idiin sheegin
hadii hawiye wax qaribey 1991 waa qaldanaa
hadii horey daarood dadka xoolihiisa iska biilan jirey waa qaldanaa
saaxiibayaa maantey yurub waa one
waxey doonayaan in dadkale ay ku darsadaan si aduunka gacantooda u galo
waxaan idiin shegayaa nin walooba meel gal
bye
joojiya beenta iyo isku dirka
dadka ku hadlaya magaca daaroodka saaxiibayaal naga daaya cey ma fiicnee si cilmi ah wax ugu sheega
hawiye midka ku hadlayoow saaxiib si jawaab fiican uga gar bax suaalaha ha ceytamin hana xanaaqin
saaxiibayaal dooda cilmi iyo daliil ha ku saleysnaato
waa ceeb in la is caayo
nin walba qaladkiisa ha qaato ha la kala faaideysto
anaa bilaabaya
1 hawiye maxaa xamer u dimiseen walina isbaaro ugu heysataan
2- daarood maxaa xamer u diideen oo maamul gobaleedyo u rabtaan
jawaabta isiiya si cilmiyeysan
macsalaama
waa mryuu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Friday, February 02, 2001 - 07:33 pm
aniga runtii waxaan u arkaa waxa halkan ku qoran inaysan ahayn mid been abuur ah, waxaana tusaale ugu fiilan sida ay qabaa'ilada hawiye aysan diyaarka ugu ahayn inay ka mid noqdaan future somali weyn ay isugu imaado, ma garanayo waxay ku diidan yihiin inay dhulkooda xasiliyaan oo ay u samaystaan nidaam dawli ah inta aan loo gudbin tan guud, ileen horaa loo yiri tiisa daryeelaa mid kale ku dara, ama charity starts @ home.
ma garanayo waxa ilaa hadda hor istaagan hawiye oo ay dadkooda maalin walba afar afar ugu le'anayaan oo intaa fawdada uga jecel yihiin nidaam. aaway wax garadkii hawiye, aaway aqoonyahankoodii, aaway culimaa'uidiinkii ka dhashay beesha, aaway duubabkii beelaha, waxaa tusaale ka soo qaadataan sida beelaha kale isaaq, iyo daarood, iyo digil mirif oo ugu danbeeyay ee nidaamka u sameeyay inta ay ka taliyaan.
haddii runta laga hadlo ma ahan in qabiil wax laga sheegay, dad baa isku qaldaya xaqiiqda iyo wax kale.
mruu haddii aan u soo noqdo jawaabtaadii daarood ma diidana in somalia isku timaado laakiin waxay doonayaan in soomaali mar kale ay isku dumin oo si nidaam ah oo wax walba waa in laga soo bilaabaa gunta ilaa kor, hoos ka unug kor u dhis si shacabka uu helo awood uu ku soo doorto mudanayaashiisa. halka dadka qaar ay doonayaan in hal mar la isku yimaado oo la yiraahdo hebel waa madexweyne hebelna ra'iisal wasaare ama wasiir.
iyagoo aanan ka haysan aqlabiyad ama ka socon shacabkii.
mryuu soomaaliya si kale dawadeeda kuma jirto waa iyadoo nin walba tiisa uu ka soo baxaa , ka dibna sidii dhaqankeenii ahaa inagoo wada leh maamulo cid walba matalo ama aysan jirin cid la xaqiray ay isugu yimaadaan gogol halkaasna looga taliyo aayaha ummada.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.