site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HABEEN MADOW BUU LA WAREEGAY HABEEN MADOWNA WAA LAGALA WAREEGAY

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : HABEEN MADOW BUU LA WAREEGAY HABEEN MADOWNA WAA LAGALA WAREEGAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waa Taariikh

Sunday, January 28, 2001 - 08:09 am
WQ. Maxamed Xaaji (Ingiriis), Muqdisho, Soomaaliya.
(SomaliNet) January, 26, 1991, waxay ku beegnayd maalintii xukunka qoriga caaraddiisa lagaga tuuray keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya qori caaradiis isna ku qabsaday 21, October, 1969. Waxa uu dalka xukumayey muddo 21 sano ah. Habeen madow bishii January 26, 1991 ayay ahayd markii keligii taliye Maxamed Siyaad oo ku dhex jira dabaabad dagaal oo nooceedu yahay T-55 uu ka baxay magaalada Muqdisho.

Waxa ay ka dambaysay bixistiisu dagaal faraha looga gubtay oo socday muddo bil ka badan oo dhex maray ciidammadii daacadda u ahaa iyo maliishiyooyinkii jabhaddii USC. Habeen madow oo bisha October tahay 21, 1969 ayaa Jen. Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo horkacaya raxan saraakiil ah, waxa uu talada dalka kula wareegay afgembi milateri oo aan dhiig ku daadan.

Saraakiisha oo tiradoodu ahayd 25, waxaa ugu caansanaa Jen. Maxamed Caynaanshe Guuleed oo bilowgii horeba noqday ku xigeenkiisa iyo Jen. Salaad Gabayre Kediye oo noqday Xoghayihii Gaashaandhigga ee dowladdii ugu horreysay. Saacado kaddib markii uu talada la wareegay, waxa uu qalabka warbaahinta dadka uga jeediyey khudbado u badan hantaatac iyo hadal-tiro. Waxa uu ballan qaaday inuu la dagaallami doono qabyaaladda, qaraabo-kiilka, eexda iyo laaluushka. Waxaa kaloo uu ballan qaaday inuu dib seeskiisii ugu soo celin doono dhaqaalaha ciiray ee afka aadiyey ciidda. Waxa uu hoosta ka xariiqay in dalku muddo gaaban gaari doono isku filnaansho. "Waxaan doonaynaa annagu dad sharciga u hoggaansama. Waxaan doonaynaa inaan ku tillaabsano in la baa bi’iyo laaluushka, qaraabo-kiilka, qabiilkii xumaa inaan baa bi’inno ee nagala soo galaayey ee ajnabi markay na xumeeyaan ay lahaayeen adigu yaa tahay, adigu xaggee kuu dhalatay" ayuu ku yiri khudbaddiisii koowaad.

Dhammaan waxyaabaha uu sheegay waxay ahaayeen arrimo bulshadu la ildarnayd. Sagaal sannadood oo dowlado rayid ah ay dalka ka jireen (1960-69), waxaa lumay haykalkii iyo anshixii, waxaana dhashay in ka badan 80 xisbi oo wata afkaar qabiil. Dhammaan axsaabtaas oo ka qayb galay doorashadii March 1969 ee kuraastii Golaha Baarlamaanka oo ka koobnaa waqtigaas 123 kursi, waxaa liqay kacaankii ciidammada.

Shacabka ayaa durba si indho la’aan ah u soo dhoweeyey hannaanka cusub. Dabcan, shacabka Soomaalidu, waa u caado in wixii cusub ay soo dhoweeyaan. Waa dad is beddelka jecel. Waxay u arkeen kacaanka cusub ee isku magacaabay "Towradda barakaysan" midkii ku duwi lahaa tubta toosan.

Hooyooyin iyo dad xiiqsan oo hayuun badan u qaba is beddel sal iyo baar leh oo lagu sameeyo hannaanka maamul ee dalka ayaa waaberigii 21-ka Oktoobar waxay isugu soo bexeen afaafka hore ee xerada Afisyooni oo ay shir ku lahaayeen saraakiishii afgembiga xalay dhigay.

Maxamed Siyaad oo u soo baxay dadkaas waxa uu carrabka la raacay in wixii ka dambeeya markaas aanay jiri doonin maamul la siyaasadeeyo. Waxa uu sheegay in qabiilka la aasi doono, ina adeerna walaal lagu beddeli doono, hase ahaatee waxa uu horseeday qabyaalad qaawan iyo caddaalad darro fool xun oo laga xishoodo. Taageeradii dadku ku muujiyeen sida laab-furnaanta leh, waxaa caddeyn u ahaa suugaantii loo tirinayey Taliska. Mikrofoonka kooxihii kala duwanaa ee ay ugu horreysay Waaberi ayaa ahaa astaan muujinaysa dareenka shacabka.

Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ah ah maanso-ruugyada ugu caansan Soomaaliya ayaa daqiiqado kaddib markii uu kacaanku dhashay afka furtay. Waxaa Raadiyaha laga dhegaystay heestii caanka ahayd: Caqli toosanoo, caafimaad qabaad, nagu caymisee, cimrigii jiryow jiryow, caynaanka hay, weligaa hay. Waddadii cagayd, cagta saarnayee, ku caraabiyow, cimrigii jiryow, jiryow, caynaanka hay, weligaa hay.

Cabdi, waxa uu seefta galka kala baxay markii Kacaanku qarameeyey 1972-kii ganacsigii gaarka ahaa, waxaana uu goostay inuu ka baxo wararkii ay oran jireen dadka siyaasadda odorosa ahaa ee ahaa berri ma hubtide gadaashaa soco, wuxuuna af buuxa ku yiri: Xaaraan quutayaashii, xaqiray shacabkee, xaqiisii maroorsaday, haddaad naga xureyseen, xamdi baan idiin naqaynaa. Kuwii xaasidkiyo, qabiilkiyo, Soomaali kala xiray, haddaad naga xureyseen, xamdi baan idiin naqaynaa.

Sannad kaddib markii uu xukunka xoogga kula wareegay ayaa Maxamed Siyaad Barre waxa uu dalka ku soo rogay nidaamka foosha xun ee Hantiwadaagga. Waxa uu tilmaamay in la qaadi doono dhabbihii ay jeexeen Lenin, Angelis iyo Markis.

Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlayey 1972-kii qarameyntii bankiyadii gaarka ahaa iyo hantidii dadweynaha, waxa uu farta ku fiiqay in kacaanku go’aan adag ku gaaray inuu la dagaallamo faqriga iyo gaajada. Waxa uu yiri "gabar baa walaalkeed naaska ka taabtay, naaska walaalkey iga taabtay, hadba waa saan ka dhigto ayay tiri, haddaba ganacsatadu tallaabadan aan qaadnay hadba waa sey u arkaan."

Qacdii horeba, Maxamed Siyaad Barre, waxa uu maydkooda ka tallaabsaday saddex ka mid ah saraakiishii afgambiga u ahaa udub-dhexaadka, kuwaas oo kala ahaa; Jen. Maxamed Caynaanshe Guuleed, Jen. Salaad Gabayre Kediye iyo Col. Cabdiqaadir Dheel. Waxaa lagu toogtay saraakiishaas fagaaraha Iskuula Buluusiya iyadoo dadweynuhu ay daawanayaan. Mid ka mid ah saraakiishan oo deggenaa xaafaddii aan ku dhashay ayaa habeen madow waxaa gurigiisa soo weeraray raxan ciidammadii daacadda u ahaa Maxamed Siyaad, sida ay iiga sheekeysay ayeeyadey Madiino Guuleed. Waxaan ku soo baraarugay ayay tiri saq dhexe iyadoo ciidankii milaterigu ay garba-duub u xireen oo ay saareen gaari ay wateen, xaaskiisuna ay ka daba barooranayso.

Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlayey toogashadii Salaad Gabayre Kediye oo dadka qaar ku doodaan inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay afgambiga, waxa uu qeexay inuu muddo saddex bilood ah dusha ku sitay maydkiisa. "Waxaan ku iri Salaad jooji waxa aad waddo, wuuna igu diiday" ayuu yiri. Waxa uu sheegay Siyaad in ilmihii Salaad Gabayre uu kacaanku korin doono.

"Carruurtiisu marka ay maqlaan geerida aabbahood, way ka naxahayaan, markase ay maqlaan inuu kacaanka ku hayey dibindaabyo way ku farxahayaan" ayuu ku daray. Tallaabada ugu muhiimsan ee kacaanka lagu ammaano ayaa waxa ay tahay hirgelintii qorista farta Soomaaliga. Inkastoo qorista farta Soomaaliga ay billaabatay kacaanka ka hor, haddana ku faafintii miyiga iyo magaalada ayaa ahayd mid ka mid ah howlihii dardarta iyo xowliga ku socday ee kacaanku ku dhaqaaqay maalmihii hore.

Sannadkii 1974-kii, waxa ay Soomaaliya ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta. Isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu Maxamed Siyaad caddeeyey in sababta Jaamacadda Carabta ay ugu biirtay Soomaaliya ay tahay inay kaga baxdo jahliga iyo ciriiriga.

Waxaa ka dambeeyey dilkii 10-ka wadaad iyo meel ka dhicii ay u geysteen diinteenna saliimka ah ee Islaamka. Maxamed Siyaad, waxa uu si xishood darro ah u sheegay in diinteena sharafka leh ay tahay nusqaan, wuxuuna la barbar dhigay diimaha aan kaamilka ahayn.

Sannadkii 1975-kii ayuu ku dhawaaqay in wiilka iyo gabadha Soomaaliyeed ay siman yihiin, isku xaqna ka yihiin dhaxalka, "waxaan caddeynayaa in Golaha Sare ee Kacaanku go’aan ku gaaray in gabadhu haddii aabaheed dhinto ay iyadu leedahay dhaxalka" ayuu yiri, isagoo intaa ku daray "rubuc, tumun, sudus, wal qaamus, wal jinni waxba kama jiraan, wax walba way siman yihiin." Waxa uu aad u weeraray kuwa uu ku tilmaamay qur’aanka dulleeyaha, islaanka-halleeyaha iyo wadaad xumaha. Waxaa cad ayuu yiri inuu iga daba gunuunici doono kii aan oran jiray wadaad yare, "hase yeeshee jawaabtiisa hadda ayaan sii siinayaa" ayuu yiri.

"Guuleed Bin Cubeyd iyo Rod Philips oo labo taajir ah oo xoolahooda daafacaya miyaan lahayste u ahaanaynaa?" ayuu is weydiiyey, waxaana uu daba dhigay "dad gaajeysan maxay diin ka garanayaan, hadday naag tahay dabaday roganaysaa, maxaa wacay waa xaq inay noolaato."

Waxa uu yiri oo kale "waa gar inaad ila yaabtaan, maxaa wacay waa laydinku shubay, waa laydinku shubay, weligiin laydinkama shubin, anna hadda ayaan idinku shubayaa, wallaahi baan ku dhaartaye aniga ayaa idiin roon oo idiin nasteexeynaya."

Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa waxa uu ka mid ahaa culumaa’uddiinkii ka dhiidhiyey hadalkaas. Waxa uu sheekhu ku baaqay in la reddiyo hadallada Maxamed Siyaad Barre uu diinta ku ijaafeeyey. Waxaa arrintaasi ka dambeeyey xariggii culumada. Isla sannadkaas, waxaa dalka ku dhuftay abaar kulul oo galaafatay kumannaan Soomaali ah. Xusuusta dad badan ayay weli ku dambaysaa abaartii Daba-Dheer, waxaanse la illoobin gacantii ciidanka Xooggu ka haystay samata bixinta dadkii ku tabaaloobay.

Halhayskii Maxamed Siyaad ee "dib u gurasho waa xeelad dagaal" ee ay ku soo jabeen Ciidankii Xoogga Dalka oo ahaa mid ka mid ah quwadaha Afrika ugu xooggan ayaa ahayd jallaafo kale oo xanuun ku keentay Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay weligeedba u dhexeysay colaad gaamurtay, dhammaan dagaalladii dhex maray, waxaa ugu caansanaa kii xoreynta Soomaali Galbeed ee 1977-kii oo lagu soo dhiciyey badi dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta Itoobiya. Waxaa kale oo aan shar yareyn kii Togwajaale ee 1964-kii iyo midkii Balanbale iyo Yeed ee 1982-kii. Aafadii ciidanka ka soo gaartay dagaalkii 1977-kiii waxaa loo tiriyaa Maxamed Siyaad oo doonayey sida la sheego inuu kala yareeyo ciidanka.

Saraakiil uu hor boodayo Col. Maxamed Sheekh Cismaan (Cirro) ayaa bishii April 9, 1978 isku dayey afgembi dhicisoobay. Waxa uu amar ku bixiyey Siyaad in qudha laga jaro koox saraakiil ah oo uu ku jiray Col. Cirro. Bishii May 1986-kii ayuu Maxamed Siyaad shil ku galay waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Dhaawac soo gaaray awgiis, waxaa loo qaaday dalka Sacuudiga. Durba wiilkiisii Maslax Maxamed Siyaad iyo adeerkiis C/raxmaan Jaaamac Barre oo ay Maxamed Siyaad ilmo adeerro yihiin ayaa seefta galka kala baxay, iyagoo midba midka kale ku riixay inuu xukunka maroorsado. Gumaadkii shacabka waqooyi 1988-89 ee uu keligii taliye Maxamed Siyaad u soo kireeyey calooshood u shaqeystayaal kexeeya diyuuradaha dagaalka ayaa ahayd mashaqo kale oo mahadho leh. Waxaa lagu xasuuqay Muqdisho iyo Hargeysa boqollaal dad ah oo aan waxba galabsan oo u dhintay haybta "yaa tahay."

Markii 1990-kii ay soo dhowaadeen jabhadihii isku magacaabay "xaq u dirirka" ayuu mar kale Siyaad ku baaqay wada hadal iyo is afgarad. Waxa uu sheegay in dagaal aanu wiil ku dhalan, inuu ku dhinto mooyee. “Haddii talo murugto maankaa la kulmiyaa ee taladiinna isugu geeya in xabadda la joojiyo, anigu cimri ayaa i wadaya ama daal baa i wadaya" ayuu yiri.

Waxaa taariikhda u galay halhays caan ah oo ah "dal waan ka tagayaa, laakiin dad ka tegi maayo." Kaddib 21 sano oo uu dalku ku jiray calaacasha Maxamed Siyaad, ma ahayn wax sahlan in xukunka laga tuuro. Jabhado habaaran oo wadaaga xarafka (S) ayaa cirif walba dalka waxa ay ka rideen dagaalllo qaraar. Markii Muqdisho ay soo galeen jabhadihii qamaamayey ayuu qalabka warbaahinta mar kale dadka uga sheegay inay beerahooda fashaan.

Burburkii dagaalladii hoobiyaha iyo madaafiicda maato layska ee magaalooyinka dalka ay ka rideen hoggaamiyeyaashii halganka hubeysan ee yoolka ay higsanayaan uu ahaa awood qabiil inay ku gaaraan madaxtinimada ayaa noqotay kud ka guur qanjo u guur. Jabhadihii dagaalku, markii ay talada dhankooda u soo wareegtay awood uma yeelan inay xasladaan. Waxaa ugu weynaa jabhaddii USC oo lagu naynaaso (Ururka Soomaali Ceyrteeyey). Waxaa ku xigay SNM oo ku dhawaaqday goosasho (Somaliland) bishii May sannadkii 1991-kii, iyadoo SSDF iyo SPM-na aanay yeelan qorshayaal siyaasadeed oo cad cad. Tirada jabhadaha, waxa ay la mid noqdeen 80-kii xisbi ee kacaanku maasheeyey.

Aqoonyahankii dalka ayaa waxaa ku dhacay maskax shuban (brain drain). Kummannaan dalkooda wax u bartay ayaa u yaacay dibadaha. Dad waayeel, carruur iyo qoysas u badan ayay sababeen inay bado ka tallaabaan iyagoo dalal shisheeye qaxootinimo u maciin bidaya. Musiibada jabhadaha ee tobonkii sano ee silica iyo saxariirta, waa mid wax la iska weydiin doono tobonka sano ee soo socota, midda Siyaadse kuma eka intaas oo keliya, waana bad aan badiil ka soo daray.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ka dhalatay shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti ee sannadkii dhowaa, maamullada dalka ka jira iyo ururrada kale ee siyaasadda midkoodna ma soo hadal qaadin maalintii Siyaad laga tuuray xukunka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, January 28, 2001 - 10:04 am
sida taariiqdu na bareyso ogow. (meel walba sida aad ugu timid inaad uga tageyso)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Sunday, January 28, 2001 - 01:47 pm
waxyaabo been ah ayaad ku dartay hadalkaaga ee taariiqda waa lagaa og yahay gabankaagan yari ee sheeko macaaneyska ka daa ee xaqiiq u hadal

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.