site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somaalidiidka waa kuma

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Somaalidiidka waa kuma
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Sunday, January 28, 2001 - 12:45 pm
Soomaalida inkastooy ku maahmaado ninwaliba qumanihiisaa qoorta ugu jira waa iga su'aale waa kuma, Soomaaliga wase kee Soomaalidiidka, Waxaynu wada ogsoon nahay in xuriyada maanta la heysto ay ka soo shaqeeyeen niman dhalinyarro ah oo soomaaliyeed,qaarkoodna ay maanta nool yihiin,oo ay ciil la hadli la, yihiin,Dhowr jeer ayaa shirar la qabtey oo dowladdo farabadan ayaa la dhisay, oo ragbaa ciideeyay waliba dhiig farabadan ku daadiyay, si isagga iyo xulafadiisa oo kaliya wax u maamulaan.kaasi miyaanan ku tilmaami karin Soomalidiid, mise waxaan kaliya oo aan tilmaannaa kan dhibaatadda inteeda badani ku dhacdey oo haddana lala damacsan yahay mid tii hore ka daran ileyn dhibaatadda ninkaasi lagu hayay waa mid soo jirtey kontankii sonno ee aan soo dhaafney kaasi oo hadda kasbadey saxiibo farro badan ha ahaato mid gudaha iyo mid dibbaddaba. kaasi oo doonaaya
inuu hello maamul gobolleed u gaar ah,si uu uga badbaado dhibaatadda ay la damac san yihiin walaalihiisa kale ee Soomaaliyeed.
Kaasi ma waxaan ku tilmaannaa Soomaalidiid, ileyn haddii uu ogolaada talada somaalida qaarkeed wuxuu noqonayaa mid lakala boobo,balse waxay aniga ilatahay in marka hore cid waliba oo Soomaaliyeed Qaladkeeda ogaato,ninwaliba markaa uu qaladkiisa ogaaddo, uu sameeyo tanasulaad kadib waxay ila tahay in la heli karo Qaran Soomaaliyeed. waddii la waayo taa ninka beertiisa gurrigiisa lagu jiro ama laheysta halganka xoreynta reerkiisa joojinmaayo,marka addigga Calaacal,ama catoow ama qaraw, oo eeda dusho kaga xoor dowladdo ama dowlad kula deris ah.waxay anigga ila tahay Somaalidiidka
waa kan doonaaya boobka, sinaan la'aan cadaaladaro
eex,iyo sedbursiga.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.