site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ABAAL WAXA IGU

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: ABAAL WAXA IGU
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyoos

Tuesday, January 30, 2001 - 02:58 pm
Qoraalkan waxaa qoray mid ka mida culumada Puntland isaga oo dadka uga degaya nimanka diinta ku qaraabanaya ee mogdisho jooga. akhris wacan

ABAAL WAXA IGU LEH ETHIOPIA.

Janayo 1991, Febrayo 1991, Marso 1991, markii aannu naftayda, nafta qooyskayga iyo nafta eheladayda meel aannu dhigno weyney!!! Oo aannu Muqdisho kala baydadnnay!!! Markii dhiggayaga, sida dahabka iyo dheemanta iyo luulka loo raadinayay!!! Markii ilaa Doolow mindida la ila dabajoogey!!! Eithiopia ayaa iigu horreysay meel aan nabad u fariisto!!! oo nabad u seexdo!!! Oo nabad u soo tooso!!! Daaalkii iga muuqday!!! Diiftii igu tiilley!!! Dacdarradii waxaa iga reebtay Ethiopia!!! Waxaa iga baanatay Ethiopia!!! Waxaa iga-naxday Ethiopia!!!

Gabdhihii iyo ganboolaydii Muqdisho balas-laha ka bilaabay, waxay ku nasteen suufta!!! Doolow Addo!!! Negeyle io Awaasa!!! Iyo shashabane iyo Addiis!!! Wadaadka Muqdish-ow!!! Calammo gube!!! Boolida cantuuge!!!

Haddii aad maanta calankii Ethiopia gubtay, shalayna kii Soomaaliya ayaad gubtay!!! Diintaadu xaggee ayay ku maqnayd markii saddexjirka iyo sagaashan jirkaba lagu kufsanayay Jaamaca Xamarweyne!!! Masjidka Sheekh Cali Suufi!!! Maqaamka Sheekh Nuur!!! Masjidu-Raxmaha Shibis!!! Sheeg meesha diintaadu ku maqnayd!!! Sanduuq furihiisu kaa lumay miyay ku jirtay!!! Ku bartay ilmarooje!!! Issir colaadshe!!! Waxaa kaa

Muslinsan wadaadka negeyle!!! Waxaa kaa Islaamsan wadaadka Adari (Herer)!!! Waxaa iiga kaa nasteexsan Imaamka jaamaca Al-Anwar ee Addis-Ababa!!! Muslinka Muqdisho waxaa ka fara badan Muslinka Addis-Ababa!!! Muslinka Banaadir ee Maanta waxaa -badankooda ka daacadsan Muslinka Buurta-dheer deggan!!!

Ethiopia waa ubucda Islaamka geeska Afrika!!!

Wadaadka Muqdishow!!! Ku bartaye, ha isku deyin inaad diinta iigu soo dhuumatit!!!

Ha moodin adiga iyo Muslinka Ethiopia iaan adiga ku xigsanayo!!! Ha isku deyin inaad Ethiopia bahal iiga dhigtid!!! Wadaadka Muqdishow!!! Ethiopiana igu xuuxi!!! Ina Salaad-boy-na iidda ha ku tujiyo!!!.

GABAY:-

1. Darmaanxoodan maantaan Badweyn Duhurki soo taagay.

2. Kun dirays gashani Maalintay damacday dhiiggeyga!!!

3. Habro duubmay iyo maalintii doqonba ii baanay!!!

4. Ducaali iyo Caddoodiyo kuwuu ii danqaday jiidhku!!!!

5. Dufle waalanbaan ahay haddaan daaro Reer Hagare!!! Ismacil Mire!!!



Wadaadka Xamarow!!! Sharacalla cinda qayrak!!! Wadaadka Xamarow!!! Wadaadka galbeed ayaa kaa wadaadsan!!! Anigana Ethiopia ayaa igu leh abaal qara-weyn!!! Oo Dufle waalan baan ahay haddaan daaro Reer Here!!!

Qore Sheekh Axmed Shekh C/raxmaan Sheekh Ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 02:47 pm
tani waxay u eg tahay xaq feerahuu ka dilaacaa, ninkii dadkiisa balo u horseedana waxii ku dhaca isagaa ka masuula, marka nimanka xamar u cararay waa ku macdahay waxa ku dhacay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Wednesday, January 31, 2001 - 02:50 pm
wadaadada Xamar warkooda iga dhaafa, mama maqli karo, waxay qabyaalad ku dareen diinteenii macaanayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Drawiish

Wednesday, January 31, 2001 - 05:06 pm
To Gaalkacyo run ahaantii waxaad tahay nin qabiilka lafaha uga jiro ala ha ku caafiyo, mideeda kale dagaal sokeeye Somaliya oo dhan ayuu ku habsaday cid kasta dhib ayaa soo gaartay marka waxaan la yaabsanahay hadii nin kasta maslaxada Somali weeyn uu u diidan yahay qabiilkiisa dhibkii soo gaaray darteed yaa dalkeenii u maqan,Ethiopianka aad ka dooratay maslaxada dalkaada ma waxaad u maleeysaa in uu kala jecel yahay Daarood , Isaaq, Hawiye iyo wixii soo raaca jawaabtu waa maya ma kala jecla marka saaxiib caqligaadu xaguu jiraa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalloocanboy

Wednesday, January 31, 2001 - 05:51 pm
to gaalkacyoos:

Adoogaa Alla Cadaab!. Magaalada magaceeda ii dhaaf. Diintu ninkaysan daacad ka ahayn waa adiga. Anigiyo itoobiyaah. Nin tigree raacay oo hadana ku faanaya!
Waxba haygu beer laxawsan nin aan munaafiq ahayn warkaaga maqli mayo.
Ma itoobiyaan jeclaadaa iyadoo habeenkaan dhashay curadkii aabahay dishay?
Ma itoobiyaan jeclaadaa iyadoo maalin cad adeerkay ku dishay masaajidka magaalada Gallaadi?
Ma itoobiyaan jeclaadaa iyadoo geelii aabahay oo dhan soo qaqabatay dabadeedna xabad ku wada laysay?......

Ninkii aabahay dilay
Awawgey ninkii adoon saday
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
an ooyee albaabka ii xira.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoosh

Thursday, February 01, 2001 - 05:29 pm
Mr Gaalkacyoos habar gidir warkeeda ha maqal, gaashaanka hay, wax yar baa u haray habar gidir, waana la israacin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ugaas

Friday, February 02, 2001 - 06:43 am
waxaa naxdin leh in mooryaanta xamar joogta ay ilaa 1991 iyo hadda isku si u fakarayaan, dantoodu waa fowdo iyo qas ilaa somalida kale ay is dhiibaan, waxaysan ogayn in somalida kale awal sugayeen inta nimankani ka daalayaan si heshiis kaama lo gaaro, maanta waxaa cad in Somalia inteeda badani ka siyaasad ama caqli duwan tahay dadka Xamar jooga, bal eeg Somaliland, puntland, Hiiraan, iyo 6-da gobol ee mudane Shaati guduud madaxda ka yahay, marka haddii somalidii kale diiday qiyaamada xamar lagu hayo, oo la fahmay qiyaamadii ay ku soo maleegeen tuulada Carta, miyaan markaas la dhihi karin waqti yar ayaa inaga xiga in la kaamilo dawlad qarameed loo wada dhan yahay.
Somalia ha noolaato, mooryaantuna you know ....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.