site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Beesha Cayr waana na moodi lahayd Abgaalaa seexday

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Beesha Cayr waana na moodi lahayd Abgaalaa seexday
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmadeey

Saturday, February 03, 2001 - 03:18 pm
Aniga waxaan ahay wiil soomaaliyeed hadaan isukiin sii sheegona waxaan ahay reer Banaadir. Reerkeena waxaas ka koobnayn qoys 5 caruur ah iyo hooyadood aabahoodna ma horeeto uus xijaabtay aniga iyo laba ka mida shanta aan walaalaha nahay waxaan iminka ku noolnahay USA hooyaday iyo laba caruurteena ahna Xamaray joogaan waxaan Xamar ku lahayn guri Dabaq ah xaafada xamarweyne hantida aabahayo nooga tagay ayuu ahaay qaybta sare ee guriga waxaa bilowgii dagaalada xoog ku soo dagay dhalin yaro hubaysan kuwaasi oo markay soo dagaayeen reerkeena intiisa kaleeto ka saaray aqalkooda balse waan waan kadib waxay ogolaadeen in aan ka dagno guriga qaybta hoose haba noo ogolaadeene ma nooga harin waxay dhaheen waa inaad bixisaan lacag waardiye ah maadaamayto aan guriga kuwa bililiqaysan lahaa aan ka ilaalino aniga waxaan dalkii ka imid iyadoo sidaas xaal yahay markii oo maxkamada islaamiga ah la sameeyay ayaa hooyaday u tagtay maxkamada Xamarweyne nasiib xumo waxay maxkamadii tiri anaga xaalkan wax kama qaban karno oo beeshooda uga dacwooda beeshooduse waxay ahayd tii oo go'aanka horeeto anaga noogu danaysay say la hayd waayee sidaas ayaa hooyo kusoo noqotay guriga iyadoon maxkamadii u suuro galin inay ka joojiso baada kirada aqalkeeda ay ka bixiso ah.
Markii la dhahay dawladaa dhalatayna hooyo niyadaa gashay waxay telefoon igu dhahday maandhaheey rajaan qabnaa in oo xaqeena nanoo soo cesho ah waxay hooyo ii sheegtay in 200 ee Doolar ee aan u diro ay qiyaastii 70 dolar ku bixiso nimanka gurigeena kirada nooga qaata meeshaan anaka ka qaadi lahayn kirada.
Dhawaantan markii uu Cabdiqaasim u soo magacaabay gudoomiyooyinka dagmooyinka gobolka Banaadir ayaa hooyo mar kaleeto ugu tagtay xarunta dagmada Xamar Weyne ninka loo soo magacaabay dagmadaas oo nimanka gurigeena haysta ay isku beel yihiin walibayto nimankaan Cabdiqaasim laf tigiisa sidaas uma kala foga oo halbeel oo Habargidiray isla yihiinoo.

Hooyo hadday xaalkii arinkeeda u sheegtay ninkii oo la dhahay gudoomiyaha dagmada Xamar weyne waayo wuxuu ugu jawaabay eedo adiga wax dhiba ma qabtidee u kaadi xaalkaan intii ragii horay u galay ku dhameeyeen uu ku dhamysanyahee.
Nimankii guriga ku jiray arintii dacwada hooyaday ay gudoomiyaha dagmada gaarsiisay aa loo sheegay waxayna hooyaday u gaysteen hanjabaad aakhirkii lagu dhameeyay inay aamusto kiradana kordhiso 100 dolor ku dhawaad hadda laga dhigay inaan ka bixino gurigeena.
Arinkii odayaasha cidayada ah ayaa maray Cabdiqaasim la kulmaayeen u sheegay isagana jawaab na anfacdo ma naga soo gaarin wuxuuseytoo dhahayaa la yiri arintaan gudoomiyaha dagmada aas dhamyhaayo markii loo sheegayna in gudoomiyuhu wax ka qaban waayay wuxuu yiri dawlada wakiilkeeda isaga waaye ee isaga kala xaajaysta.
Aniga Xaajaystadaan Cabdiqaasim ma fahmin.
Soomaaliyeey idinka Amxaaro aad ka cabanaysaan ee waxaan idin waydiinaa reeraha Soomaaliyeed ee Biilka Adis-ababo aad ugu dirtaan miyaa Amxaaro labadii boqolba boqol uga qaadataa? Jawaabta waa maya oo waan la socdaa taas inayan jirin Kenyaa askarteedu soomaalida baadaa laakiin Amxaaradase baasaboorkoodaanba anigan Kenya ku soo galay intaanan ka soo bixin xeradii Banaadiriga ee Mombasa Kenya oo anaaba Adisababa ku noolaa kolka aniga waxaan idin waydiinaa aniga ma Amxaaraan cadaw ka dhigtaa mise Beesha Cabdiqaasim ee sidaan ii gashay fadlan ikhyaarta Boogaan soo gashay iga soo jawaaba su'aashaydatanto idinkoon qabiil idin khaadin ee dacadiina waramaaya.
Runtii kuwaan haddii Abgaal cusmaankaan dabeecad ka saynay uusan seexan lahayn kuwaan Cayr waa na moodi lahaayeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Sunday, February 04, 2001 - 12:27 am
To ahmadeey Sxb qoraalkaaga dheer mar denbibaad sheeganaysaa marna waxaad leedahay hadaan abgaal seexan lahayn cayr waana moodi lahaay sideed doonaysaa marka in hooyadaa kirada looga daayo hadaad sidan u hadlaysid maxaad isugu diraysaa dadka walaalaha ah
anigu horta saaxiib waxaan aaminsanahay waxaad sheegaysid in ay been yihiin mana jiraan waqtigaan cid sidaa loogu hanjabi karo nimanku ciday doonaan hau dhasheen maxkamadaha islamiga ah intaan dowladu imaan iyagaa meesha dowlad kaáhaa cid qabiil loogu eexanayana majirin maka waxaad maqashay uun habargidir ayaa xamar weyne degan waa dacaayada reerkan laga sameeyo. marka ninyahow hadaad reer xamar tahay iyo hadii kalaba waan kaadiiday arinkan dulmiga xanbaarsan ee bal meel kale ku fiiri jaaw!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Imaam

Sunday, February 04, 2001 - 12:55 am
sxb walaahi waad iga ooysiisey ninkase u moodo waxaan iyo kuwa kaxun ineysan dhicin hageestaan qolo kasato waxaanse aboowe ku dhihi lahaa ilaah talo saaro abgaal iyo nin kale midood maanta wax matari karo waa aragtey imisa qoom ayaa si sahal lagu halaagey anigase marna mafilayn in xamarcade uu saas ku dambeyn doono.Waxaan rajeyneyaa maalin maalmaha kamida haddii aad run shegeso inaad adigu madax kanoqotid walaal wacaleykum salaam.

You can reach me sallaam@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XaayoowXanaaqay

Tuesday, February 06, 2001 - 12:39 pm
Aryaa saan xey eheed eeboow hiindaayda ku dhashay nabee waa asiibeen nimankaan iljeex..aryaa xaan samaynaahee bal adiga noo sheega minay dawldad jirto iyo minaysan jirin goofkaan xamar la yiraa anaa leh ee ii sheeg xaan kuugu kaalmeey karaa eeboow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samra

Tuesday, February 06, 2001 - 02:19 pm
cabdulaahi waa qaldantahay hadaad aaminsantahay inaysan waxaas dhicin ee waa dhacdaa iyo mid ka daran.axmadeey aboowe anagaba guryaheena iyo hantideenaba baad baa lagu haystaa 10 sano ee ilaahay baa xaqeena na siinaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moorasaante

Wednesday, February 07, 2001 - 02:59 am
Hawiye waa midgo midgana lalama derso....walee inaan Hawiye madaxweyne noqonayn, Xamarna magaala madax danbe noqon doonin.....waxan dawladan la dhisayo waa madadaalo wax soconaya maaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baarka

Wednesday, February 07, 2001 - 04:23 am
ku abdullahi.
waryaa ninkaaga qaldan ma maantaa soo bandhigtey habargedir baad kuma heysato xamar meelo ka mida
waryaa ilaahaaga ku uuntey kmaadan baqan ee ku noqoisaaa ku abuurtee beena ha ka sheegin xaqa.

ku axmadeey.

walaalo axmedey runtii aad ayaan uga xumaadey tan reerkiina ku dhacdey ilaahey waa caadil waxna kama qarsoona isagaan kula tuugeynaa in uu sahal uga kiciyo habargedi xamar oo dhan kuna celiyo dhulkii engagnaa ee ay ka yimaadeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GarsooreAbgaal

Friday, February 09, 2001 - 08:53 am
Kow,Kow,arimahaan oo kaale anaa aqaan oo calaashaan anaa gar gooy jiree ma ogtihiin,igaarkaan warow keenay,horta sidaa sheegeyso oo inaa reer Banaadir tahay hadii ee run tahay ninyahow waa la idinka gar daran yahay xaqiinana waa in la idin siiyaa,shaqadaasna dawlad wax kama qabo karto ee odayaasha tolka xaajada la socodsiiya,beesha cayr waa dad lala dhaqmi karo oo daris leh marka waxaa samaysiin odayaasha u dira,hadaase reer Banaadiri eheen oo tahay kuwii birigii hore dhulka laga xureeyay waaxaga inaysan kuu soo noqoneynin waa ogtahay ee maxaa isku daalineysaa,aniga uma malaynaayoo wax xalaal eh qofkii lahaa inuu ka cararaayo maahee wuu ku dhimanaa ilaa dhibicda dhiigiisa ugu dambeysa laakin dadkaas waxay la carareen waxay eheed ewelba waxaan ma shaqaysan oo ma tacban bilaash ee ku heysteen marka maxee noloshooda halis u gelinaayaan,Dhooraha meeshaan ku caaytamay waxaan ku leeyahay waxaa la yiri Daanyeerka waligiisba waxow gaari waayo uu caayaa...Saas aan uga baxay aniga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HARTI-Abgaal

Saturday, February 10, 2001 - 02:25 am
Axmadeey Salan ka dib waxaan rabaa inaan ku weydiiyo marka hore anigoo ka xun arinta dhibka ah ee leydin geysanayo, markii hore guriga aad sheeganayso inuu aabahaa ad ka dhaxasheen ma guri xalaal ah baa mise mise bililiqo buu ku soo galey guriga?
Anigoon xumaan ka wadin qolodaada ma hindi baa mise reer hamar mise kuwii dalka hore u biliqeystay?
Hadii aad reer Hamar ama Hindi tahay oo gurigana xalal yahay waa lagaa gardaran yahay waana arin aanba u baahneyn inay garto Madaxweynaha Somaliyed
Nin Alle iyo ninkii xalaal quute ahaa wixiisii waa heystaa ilaa mid xaraan iyo xalaal isku darsdey oo boobey dhul iyo maal uusan laheyn hadana sheeganayo.
Marka walaal tan kale isku dirka aad ku soo geba-gebaysayna raali kama ahi anigoo kugula hadlayo magaca toweyne Abgaal Cusmaan.
II soo gudbi magaca iyo guriga aad shegeyso waxaan isku dayayaa inaan wax ka qabto hadii aan awoodo ama raga meesha joogo aan kala tashto hadiise ay been iyo dacaayaad raqiis tahay iskala aamus oo waxaan oo kale mar kale hanoo so sheegin Axmadey.

kaliimoow@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.