site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma cidluu Gudayaa C/majiid Mise waa Calooshiisa ushaqeyste aan cidna ka naxayn

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Ma cidluu Gudayaa C/majiid Mise waa Calooshiisa ushaqeyste aan cidna ka naxayn
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahamud

Saturday, February 10, 2001 - 08:42 am
Maqaal: Safiirka Ethiopia u Fadhiya Qaramadda Midoobey

Date: 10/2/01

Ma cidluu Gudayaa C/majiid Mise waa Calooshiisa ushaqeyste aan cidna ka naxayn.


Sida lawada ogsoon yahay waxaa dhawaanahanba kasii darayey xiriirka ka dhexeeya Dawladda deriska nala ah ee Ethopia,iyo Dawladda Kumeel gaarka ah ee Soomaaliyeed Xidhiidhkaas xumaaday oo loo aaneynayo dawladda Ethopia oo waayahan danbeba faragalin ku haysay dhulka Somaliya diidayna in shacbiga Soomaliyeed isagu aayatiinkiisa ka tashado,
-dawladda Ethopia waxay qabsatay qaybo kamid ah dhulka jamhuuriyada Soomaaliyeed
sida Doolow Beledxaawo, Luuq, Bakool,Hiiraan.
-dawladda Ethopia waxay ciidan xoog leh keentay Gobolka Hiiraan,Bay, Bakool, iyo Gedo.
-dawladda Ethiopia waxay hub ku daldaleysaa dagaal oogayaasha nabada diidan.
-dawladda Ethiopia waxay noqotay guri ay isugu tagaan nabad diiidayaasha iyo dagaal
oogayaasha dhibka ku haya shacbiga soomaaliyeed.
-dawladda Ethiopia waxay diiday oo dhan ka noqotay rabitaankii shacbiga soomaaliyeed iyo geedi socodkii nabada ee uu hogaamiyaha u ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geele.
-Ugu danbeyntii dawladda Ethiopia waxay dabada ka riixaysaa kooxaha nabada diidan ee dhawaan ku shiray Ceelbarde, iyadoo danta kaliya ee la odhan karo way ka leedahay ay tahay kala qayb qaybin shacbiga Soomaliyeed iyo fogeynta xalka nabada ee Soomaaliya.

Waxaa intaa dhinac socday inkiraad raqiis ah iyo is diidsiin cadaan ah, oo ay dawladda Ethiopia ku cel celinaysay;
-Inaysan dhulka Soomaaliyeed ku jirin.
-Inaysan diidaneyn in shacbiga Soomaaliyed aayantiinkiisa isagu ka tashado.
Iyadoo isla markaana ay cadeyneyaan bahwadaagta caalamka iyo hay’adaha samafalka in Ethopia ay ku jirto dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.


Waxaa iyana afkala qaad ah in Ethiopia ay u adeegsatay been abuurkeedaa iyo boodh isku qarinteedaa qayaxan, shakhsi isagu Somali ah(C/majiid Xussen) dhalasho iyo sinjina nala wadaaga, kaas oo iminka ku sifoobay qalab (instrument) ay Ethiopia isticmaasho una adeegsato burburinta iyo fogeynta nabada ee Jamhuuriyada Soomaaliya, hadaba waxaa is weydiin mudan ( Safiirka Ethiopia ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa);
-C/majiid Xussen ma siday ka noqotay oo waa la khalday.
-Ma la marin habaabiyey.
-Ma qalab loo adeegsanayo inuu dadkiisa uu firka la wadaago baabi,iyaa.
-Ma cidluu gudayaa C/majiid mise waa calooshiisa u shaqeyste aan waxba ka naxayn.

C/majiid maxaa u diiday inuu noqdo xidhiidhiyihii isku xidhi lahaa labada dawladood, halka uu daaha ka saarayo daandaansiga iyo burcad nimada Ethiopa ay ku hayso dhulka iyo danaha Soomaliayeed.

Ugu danbeytii waxaan usoo jeedin lahayn C/majiid inuu ka waantoobo waxyaabaha damiirka iyo dadnimada suuban dhaawacaya oo uu ka guuro colaada iyo daris xumada una guuro nabada iyo dariswanaag kuwada noolaanshaha.

C/majiid miyaadan garaneyn ninkii yidhi gudinyahay badhkay baa kugu jiree imaad goyseen.


Mahamud Yusuf
Email: yahii69@hotmail.com
Tel: (252-1) 526042

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.