site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Itoobiya raga soomaalida maxeey jagooyinka u siisay?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: Itoobiya raga soomaalida maxeey jagooyinka u siisay?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamuud axmad

Wednesday, February 14, 2001 - 04:45 am
walaalayaal marka hore dhamaantiin waan idin salaamayaa salaanta islaamka asalaamu calaykum .walaalayaal waxaan maanta damcay in aan walaayaashay soomaaliyeed bal in aan ra'yigooda ku saabsan arintan wax ka ogaado.walaalayaal waxaan la soconaa in aay itoobiya rag badan oo soomaali ah oo layaqaano ay jagooyin siisay hadaba maxeeytahay arintu....
dad badan ayaa waxeey leeyihiin waa wadan daris nala ah oo soomaalida ayay jecelyihiin ,qaarna waxeeyleeyihiin waxay isku dilayaan soomaalida waxayna sabab uga dhigteen (in safiirka itoobiya ee qaramada midoobeey u fadhiya dalka itoobiya waa soomaali ,markii aay dawlada KMG AH ee soomaaliya eey horotay arji ku saabsanaa faragalinta aay itoobiya ku hayso soomaaliya ,waxaa ka jawaabay c\najiib oo soomaali ah intaysan dowlada itoobiya ka jawaabin ,marka waxeeyleeyihiin soomaaliya hadeey soo andacooto waa inaay naga soomaalida ah ee itoobiya eey jagooyinka siisay in ay ka jawaabaan)dadka qaarna saas baay leeyihiin,.marka soomaalidii dhexdeedii baa isku qilaafsan.kaba soo qaab maanta aniga hadeey itoobiya jago weyn isiiyaan ma aneey igu sharfeen mise siyaasad ayay udanleeyihiin.walaalyaal in dad aan diinlahayn aay maskaxdeena ku cayaaraan waa liidkayaga aan isliidnay iyomeesha aan is dhignay.walaalayaal hadal badan haan ma buuxsho ayay soomaali ku maah maahday walaal aniga su'aalshan waan ka jawaabi doonaa bal marka hore adinka ra'yigiina dhiibta ama jawaabtiina .asalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.