ina calangube | Friday, February 16, 2001 - 09:01 am in hanatida umada (agoonta, masaakiinta, shacbi waynaha)la dhaco ma xaqbaa!!!? waxaa layaab leh inay isku soo aadeen lacago la soo daabacay oo dalka dhawaan yimi iyo dayaarado saddex ah oo ay soo gateen ganacsato gacan wayni ka dhaxayso dowlada ku meel gaarka ah ee aan dhamaanteen u wada naqaan dowlada kmg ah ee carta. waxaa cad in lacagtaasi ay tahay hantidii shacbi waynaha soomaaliyeed dad badani waxay isu suaalayaan siday bay u tahay hanti shacab; waxaan isku dayayaa in aan si la wada fahmi karo u fasiro: dowlad kasta ee aduunka ka jirta oo aan u danayneen shacabkeeda waxay awood u leedahay inay hantida shacabka ka qaado oo ay gacantooda soo galiyaan, waa waxa ay hada samaysay dowlad kmg ah ee loo yaqaan carta. dowladaha westernka ah ayagoo og in falkaa xun ay dowladi ku kici karto ayaa waxaa awooda ay dowladu ku leedahay bankga dhexe la yareeyay amaba loo xilsaaray gudiyo culimo dhaqaalaha aad wax uga yaqaan iyo odayaal daneeya danta wadankooda iyo shacabkooda (ganacsato, religous ppl etc) sidee hadaba ayay suaashu tahay ay u samaynkaraan arinkan reer carta ku kacday: hada anagu waxaynuba ka hadlaynaa dowlad aan central bank lahayn laakiin, arinta ka taagan soomaaliya hada oo ay ku kaceen ragan loo yaqaan carta oo uu hogaaminayo ina qasin salad hasan. arinkaan waxaan caan ku ah oo mar walba tusaale ahaan loogu soo qaataa wadanka zaire, oo ay dhacday hadan ka jirto in jawaano lacag ah ay dadku caadiyan wataan. hadalkii ayaan ku dheeraaday aan bilaabo expalnationka waxa ku dhacaya dhaqaalaha wadanka iyo sida ay dowlad ku sheegtada ay u dhici karto hantida masaakiinta: lacag waxaynu isku wada raacsan nahay inay tahay hanti, hantidana ay muhiim tahay in la ilaaliyo qiimaheeda, intaynaan guda galin micnaynteena aanu u aragno lacagi inay tahay badeecad (sida: guri, gaari, jawaan bariis ah, sonkor iwm) aynu is xasuusino intii aan dunida aqoonsan lacag, waxay dadku is dhaafsan jireen badeecooyin, anagoo taa xasuusan aynu mar labaad u aragno in lacagi tahay hanti, si ay noogu fududaato fahanka waxa ka dhacay soomaaliya. waxaynu kaloo isku wada raacsananahay in hadii badeeco badani oo ka badan baahida loo qabo badeecadaas suuqa taal in sicirkeedu ama qiimaheedu dhacayo. hadii qiimaha lacagta nafteeda dhaco yaa faaiidaya, yaase khasaaraya. waxaa faaiidaya nin alla ninkii iska iibiyay lacagta shilin soomaaliga, waxaana khasaaraya nin alla ninkii lacagta iibsaday.sidee bay taasi ku dhacaysaa weeye suaasha xigtaa: in somalia: waxay reer carta soo daabacdeen lacag shilin soomaali ah, ayaga oon raacin wadadii dowladi u mari jirtay markay rabto inay lacag samayso: by selling gold in exchange and the central bank reserve (foreign currency) in exchange for their currency. waxay taasi dhalisay in lacag badan suuqa imaato sarifikki lacaha qalaad uu cirka isku shareero sababta aan kor ku soo xusnay iyo dhalabkii lacagaha qalaad oo batay oo reer carta iyo ganacsatadii fan garayn jirtay waxay wadanka ka qaateen wax ala wixii lacago qalaad ay heli kareen si ay ugu soo gataan dayaaradahaa ay hada soo gateen iyo xoogaa ay siiyeen reer carta aabahood ina qaasin iyo galayr, waxayna ku bedeleen lacagtii been abuurka ahayd ee ay soo daabaceen. waxay taasi sababtay in aniga iyo agoontii deriskayga ahayd ee u baahnayd shilin soomaaliga si aan ugu adeegano daily lifeka suuqyada xamar in lana dhaco, waxaa kaliya ee badbaadi kara waa nin ogaa waxa dhici doona (sida: ina qaasin iyo galayr iyo nin alla ninkii ku raacay in hantida shacabka la dhaco) iyo nin awood dhaqaale leh oo sugi kara inta ilaa ay sicirka shilinka ku soo noqonayo meeshii uu taagnaa taasoo aan malaynayo inaysan dhici doonin. waad qiyaasi karaysaan ayaa malaynayaa waxa halkaa ka dhacay iyo cida faaiiday. lacagtii laga dhacay masaakiintii iyo agoontii, waxaa lagu soo iibsaday saddax dayuuradood oo midi qaado 160, midina 50 mida ugu yarina 38 qof. kadib markii ay miishinkii(hanitda guurtada iyo mida ma guurtada ahba ay gacantoodii gashay) ay lahaayeen ay gaareen, ayay tuugadii waxay ku dhawaaqeen ayagoo is tusaya dadwaynaha (aan isha dheer u lahayn waxa ku dhacaya dhaqaalaha) in aysan raali ka ahayn arinkaa, ganacsatadana ay kala wareegi doonaan lacagihii ay soo daabaceen; iyagoo oo handadaya cid ala cidii ku kacda falkaa ay ayagu ku kaceen. Lacagtii ay dowladu la wareegtay lama yaabayoinay mushaar uga dhigaan shaqaalahooda. taasoo sababi doonta inaan aragno the second and the third effect of the economy, waxaa macquul ah inaan aragno effect aan waynayn hal mar laakiin waxaanu arki doonaa "very slow longterm negative effect". arinkan waa markii labaad ay ku kacaan. marka bal maxay idinka idiin la tahay???????????????? waxaa ayadana run ah in falalkaa oo kale ay ku kaceen ina yusuf iyo cigaal!! soomaliya ilaahbay leedahay. waa qoray ina calangaalo-gube. |