site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Urur ku sheega israaca yaa isku raacsan?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Urur ku sheega israaca yaa isku raacsan?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Saturday, February 24, 2001 - 12:44 am
waxaan la yaaban ahay in kuwan wadaniyiinta isku tilmaamaya waa maxay sababta ay hal qabii ajenadihiisa ula cararayaan hadii ay somali yihiin?ma banaanbaxyo waajib muwaadin ah oo ay qabnqaabiyeen bey u maleeyeen in ay aygu dowladii soomaaliyeed yihiin yaa idin doortay oo isku kiin raacsan waxan talo ku siinayaa diktaatoradaas taariiqda sida saciid saalx oo kale in dowlada dadka soomaliyeed dhibta ku haly ay rabaan in qabiil dariis ku eedeyaan ma leyskla dhig karaa wadani mise waa loo dhashaa aqri jawabtu lala helay ee dowladu u dirtay oo loogu maahmahay sidii gabdhii tiri hadii ay rooti heli waayeen keek mey cunaan walaahi tani waa dowladii danyarta ee ma aha mid u shaqeeysa koox yar afmiinshaaro ah oo qabiil u janjeera alaah yaa cisak weligey waan taagerayaa dowlad akhri qoraalkan hoose

La faafiyey: February 24, 2001

Ku: Ururka Pan-Somali Council
For Peace and Democracy (ISRAACA).
Ku: Dhamaan Shacbiga Soomaaliyeed
Meel Kasta oy Joogaan.
Og: Madaxweynaha Dowladda KMG ah
Dr.C/qasim Salaad Xassan.
Og: Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah
Dr.Cali Khaliif Galeydh
Og: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dowladda KMG ah
Mudane C/lla Deerow Isaaq.

Ujeedo: Jawaabtii Bayaankii ay ISRAACA usoo qoreen
Dowladda KMG ah.

Waxaa dhawaan qoraal isugu jira digniin iyo talo soojeedin
usoo diray Madaxweynaha dowladda KMG ah Mudane
C/qasim Salaad Xassan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Khaliif
Galeydh ururka la yidhaahdo ISRAACA, ururkan oo
adeegsaday shabakada internet-ka ayaa waxa uu qoray
qoraal dheer oo ay ku caddeeyeen walaaca ay ka qabaan
habsami u socodka dowladda KMG ah iyo hanaanka
Siyaasadeed ee dowladda. Akhri-qoraalkii oodhan,
markaanu akhrinay kaddib ayaa waxay nala noqotay in
qoraalkaas walaalihii soo qoray mudan yihiin in loo jawaab.

Sida qoraalka ku cadd, waxaa ururka iyo ragii soo qorayba
ka muuqata Wadaninimo, Xil-iska saarid, Turxaan bixin iyo
Aragti dheer oo salka ku haysa Dal jacayl.

Waxaan aad ugu faraxsanahay sida aad ula socotaan
dhacdooyinka maalin laha ah iyo xaaladda dalkiina, idinkoo
aan u maleynayo inaad tihiin dad ku dhaqan dalka
dibadiisa.

Hadaba, waxaad ku eedeyseen dowladda KMG ah
qodobada soo socda

1.In Xukuumaddu ku guul dareysatay dhowrista
Axdi-qarameedkii dowladda KMG.
2.In Xukuumaddu ku tumatay dadaalkii waynaa ee
ummadu la timid shirkii Carta.
3.In Xukuumaddu ka gaabisay dadaalkii ku aadanaa isu
soo dhaweynta ama Isu-keenida (waa sidaad
hadalka u dhigteene) Soomalida dhiigbaxaysa.
4.In Dawladdu dulqaad u muujisay ama iska indho
saabeyso kooxaha xooga ku haysta dhul aysan
lahayn kuwaas oo ku amar kutaagleeya dadka
masaakiinta ah ee beeraleyda ama kaluumeysatada
ah ee ku dhaqan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo
Dooxada Juba.
5.In Dawladdu soo iibsatay Hub iyadoo looga
faa,iideysan karay kharashkaas dib-u-dhiska dalka.
6.In Dowladdu ku guul dareysatay inay iska fogeyso
Ganacsatadan dhiiga dadka jaqeysa isla markaana
dowladdu la ogtahay waxa ay wadaan.
7.In Dowladdu ka gaabisay Furid Bangi-Dhexe iyo
sameyn lacag cusub.

Waxaa intaa dheer soo jeedino iyo tilmaamo ka dhex
muuqday qoraalkiina, hadaba waxaan jeclahay annigoo
ixtiraamaya arragtidiina fiyow iyo wadaniyadda qiimaha leh
ee ka dhadhameysa qoraalkiina, dhowrayana xuquuqda
xornimo ee hadalka (free of Speech), waxay jawaabtii iila
muuqatay sidatan;

Qodobka 1aad:
Soomalidu waxay horay u tidhi, Xanuunka ku dhaca
Dameeraha haddii laga daweeyo Fardaha dawadii lama
helin, waxaan ka wadaa haddaad tilmaami
lahaydeenAxdi-qarameedkii qodobada lagu tuntay iyo waxa
ay kala yihiin, wux’uun baanu ka odhan lahayn laakiin
waxaad sheegteen oo kaliya in Dowladdu ku tumatay Axdi
qarameedkii.

Baarlamaanka iyo Xukuumaddu waa laba xubnood oo siman.
Sida dowladdaha qaarna dowladdani wali ma helin awood
dhaqaale oo ay, haddii ay doorato ay ku wiiqi karto ama ku
kala iibsan karto Baarlamaanka, laakiin dowladdan waxaan
odhan karnaa Wasiirkii iyo Xildhbaankiiba waxaa haysta
duruuf adag oo labaduba inay dumaan mararka qaar qarka
u saaran. Qof xaalada Soomaaliya aad ugu xogogaal ahi
wuu garan karaa in mushkiladaha iyo culeyska badan ee
yaala aanay ka mid ahayn dowladd iyo baarlamaan isku xad
gudbay iyo sheekooyiin la mid ah oo ka jira dalal huromaray
oo dhibaatooyinkoodii kale barri hore xalishay, balse
Xildhibaan iyo Wasiirba ay hor yaaliin Buuro iyo mowjado
aan sahlaneyn.

Xildhibaanada iyo Wasiiraddu niyad iyo awood kala horarsi
midna uma hayaan maanta, maalinteedase ilaahay ha ina
gaadhsiiyo!!!.

Qodobka 2aad:
Ma laga yaabaa in ilaha wararkiinu ay ka yimaadaan dad
degdegsanaya in xal yimaado oo doonaya in xal ku yimaado
Todobaadyo gudahood, oo markay waayaana cadhada kula
dhaca hadba cida masuuliyadda haysa.

Annagu waanu u garaabeynaa dadkaa, waanu
fahansanahay xanuunka ku daba dheeraday ummadda
Soomaaliyeed; Haddii ay jirto dariiqo mucjiso ah oo bil iyo
lababa lagaga dulqaadi karo xanuunkaa meel walba oo
DHEER, waanu ka baadi dooni lahayn, su,aashuse waxay
tahay ma jiraa xal mucjiso ihi?. War miyaaney idiin ekeyn
inaad dedaalka nala gashaan (idinkoo ku mahadsan
dadaalkii cuslaa ee aad qaranimada u gasheen) oo nagula
qancisaan ummadda inay u sabraan xalka isla markaana
dhexda noola xidhataan sidii wakhtiga ugu horeeya ee
suuro gal ah aynu wererka iyo quusta, gaajada, dayac iyo
burbruka dishooday dalka uga wada saarilahayn. War ma
taaha taarikkhdu keentay ee dadkeenu la reemayo ayaad
la jibooneysaan oo nagu canaananeysaan.

Qodobka 3aad:
Dib u sheesiinta qaranka iyo nabadgelyada dalka waa
labada qodob ee mudnaanta ugu sareysaya leh siyaasada
Xukuumadda. Warqad uun kumaanaan qorin ee hadh iyo
habeenba waanu usoo jeednaa. Iskama imaan heshiisyadii
lala galay Qanyare iyo Bood Heshiiskii Qanyare oo kamid
ahaa Mucaaaradka kuwa ugu magaca dheer uguna awooda
weyn. Dhamaan wixii kale ee Mucaarad ahna waxaa noo
socda wadahadalo, hase yeeshee wax walba daboolka ka
qaadi mayno dalkuna sir buu leeyahay, doonina mayno in
annagoo wax qadad ku faaneynya aanu warar xasaasi ah
daboolka ka qaadno. Ilaahay uun baa og Khataraha loo
galay iyo dadaalka xad-dhaafka ah ee loo maray dib u
heshiisiinta qaranka. Walaalayaal waxaanu idinka filaynaa
Taageero iyo garab istaag bilaa shuruud ah.

Qodobka 4aad:
Akhri walal go,aanka addag ee golaha Wasiiradu kasoo
saaray arrintan Go,aankii Golaha Wasiiradda Wuxuu ku
tuseysaa go,aankani in aanay dowladda Soomaliyeed
aysan marnaba u dul qaadaneyn muwaadin Soomaaliyeed
oo Hantidiisii ama Dhulkiisa la haysto cid waliba ha
haysatee (Over My Died Body) haddii kale qaran nimo ma
jirto(anniga aragtideyda).

Qodobka 5aad:
Waxaan xusuustay maahmaahdii Boqoradii Faransiiska
ahayd ee tidhi "haday roodhi waayeen may doolshe ama
keeg cunaan". Dowladdu waxyaabaha ay ka fakireyso
waxaa ka mid ah

In ay hubka dadka gacmihiisa ku jira ee xad dhaafka
ah ka dhigto.
In Ciidan qaran oo nabadda suga la sameeya.
In lagala wareego cidii hub gacanta ku haysa Akhri
halkan.

Waa war aan raad iyo sal lahayn in dowladdu Hub soo
iibsatay, mana jiro arrinkaasi waxaase af-kala qaad ah
meesha warkaasi idinkasoo gaadhay iyo sida aad u
rumeyseen idinkoon xaqiijin.Waxaa la idiinka baahan yahay
inaad xaqdhowrtaan hawsha qaran ee addag ee lagu jiro,
qalbigana ku haysaan duruufta qalafsan ee dalku ku
suganyahay.

Qodobka 6 & 7aad:
Dowladdu marna wax raad ah kuma lahayn Lacagaha ay
Gacansatadda Dhiig miiratada ahi soo sameysatay ee been
abuurka ah (Forger), waxayna kasoo saartay qoraal
arrinkaa ku haboon xiliigii ay dalka lacagtu timid
Akhri-Warsaxaafadeed. Sidaad la socotaanba lacagahan
dalka waa la keenayey waayahanba, mana aha wax hadda
bilowday ee wax dowladda ka horeeyay, oo tan iyo intii
burburku jiray waa la keeni jiray ama ha keenaan
Ganacsato ama Dagaal oogayaashu ha keenaane, balse
dowladdu waxay wali ku daba jirtaa iskuna hawleysaa sidii
ay uga hortagi lahayd lacag noocaas ah oo dalka la keeno
mar danbe iyadoo aad awoodeeda ogtihiin, waxaana
arrinkaa loo saaray guddi heer wasiir ah Akhri halkan. Kuwii
lacagaha keenayna ( Waa balaayo loo baahday) bay
Soomaalidu tidhaahdaa, waayo iyagaa dowladda xaga
dhaqaalaha ka taakuleyn jiray, iminkana Lacagtii ay soo
daabacdeen waxay dowladdu kula wareegtay bilaa
shuruud, oo lacagtii waxay hadda ku jirtaa gacanta
dowladda Akhri halkan. Dowladduna waxay ka yeeli doonto
iminka kuma suubana in laga hadlo ee waa in waqtigeeda
lala sugaa.

Dowladdu waxay ku hawlantahay sidii ay u soo sameysan
lahayd lacag sharci ah oo ka diiwaan gashan adduunka iyo
hay’addaha ku shaqoda leh sida IMF iyo World Bank.

Dowladdu waxay ku hawlantahay sidii ay dhawaan u furi
lahayd Bangi-dhexe, waxaadse moodaa in aan mar labaad
odhan karo maahmaahdii Boqoradii Faransiiska ahayd ee
tidhi "haday roodhi waayeen may doolshe ama keeg
cunaan". Walaalayaal waxaan sugneyn wali AMAANKII,
waxaan dhisney wali CIIDANKII QARANKA, miyuusan
hadalkiinu u ekaaneyn hadalkii Boqoradda.

Gabagabadii:-
Walaaalahayga Sharafta lehow, Waxaanu idiinka
baahanahay taageeraddiina iyo is garab taagiiina, waxaanu
u baahanahay Aqoontiina, Dhaqaalihiina, Caqligiina fiyow.
Walaalayaal qarankani wuxuu burbursanaa in ka badan 11
sano, waxaynu ku jirnay rajo la,aan iyo Tiih, waad garan
kartaan xanuunka ay leedahay, waxaa jirta arragti
odhaneysa "Shay xumaaday haddii la rabo in la hagaajiyo
waa in muddadii uu xumaa in le,eg oo shaqo ah lasiiyaa si
uu shaygii u hagaago". Walaalayaal "Rome was not built in
a Day". Hadaad ka hadashaan maanta in Bangi-dhexe la
furo iyadoo amaankii iyo nabadgelyaddii wali lagu
hawlanyahay sidii loo soo celin lahaa, waxay anniga iila
muuqataa in aad xaaladda lagu jiro dib u fiirisaan.Dalku waa
idiin baahanyahay.

Waxaan idiinka mahad naqeynaa arragtidiina quman iyo ka
warhayntiina, waxaanan marna ilaawi doonin taariikhduna
xusi doontaa sidii aad uga soo dhalaasheen waajibkii qaran
ee idin saaraa, iyo garab istaagiinii banaan-baxyadii
(Ethiopia) ama ha noqoto taageeradiinii tan iyo shirkii
carta.

Ururkan wuxuu noola muuqdaa urur aragti dheer, oo ay isku
bahaysteen ruug cadaa Soomaaiyeed, waana talaabo loo
baahanyahay, Waxaanse Ilaah ka baryayaa inuu noqdo mid
anfaca Ummadiisa.

Wabilaahi Tawfiiq.

Mohamud Yusuf
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
Soomaligov@yahoo.com
Muqdisho, Soomaaliya.


Copyright © 2001 SomaliGov.com, All rights reserved.

Somalia President
Dr. Abdulkassim
Salad Hassan


Somalia
Prime Minister
Ali Khaliif Galaydh



Somalia Government Official website

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.