site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GAALAGUUL MA GARATAY!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics (Current): GAALAGUUL MA GARATAY!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

duceysane62

Saturday, March 10, 2001 - 07:46 am
sida xaqiiqda ah ayaa awalba laga weji dadban jiran wargeysyada daciifka ah ee afka qabiil ku
hadla kana shidaal qaata maskaxda gaalaguul ee magaalada muqdisha ka soo baxa inta badanna
cinwaanadoodu yihiin ma sheexoow xaa la sheegay
iyo halkani waa reediyow ma qaloocshe, arintu si
walba ha noqotee hadallo ay cuqdad iyo cabiil ka
buuxaan oo uu gaala guul qoray ayaa i soo xusuusoyay sheeko uu iiga waramay inan dhalinyaro
ah oo aan mar kullanay iskana wareysanay dhacdooyinkii qalafsanaa ee tobanka sano, wuxuuna
ii sheegay,

in isaga oo xamar jooga madaafiic iyo rasaasna ay
sida roobka u da,ayaan uuna dhaqaaluhu u saamixi waayay inuu meel uun u qoxo ay hadana keydkii yaraa ee cuntada ahaa uu ka dhamaaday, inankaasi maalin isaga oo laba qad ah ayey kulmeen wiil ay
isku iskuul ahaayeen oo ay maalmahaas is waayeen,
kadibna yarkii ayaa u sheegay inuu beryahanba ka
naqeysto meel ay tolku habeen walba ku kulmaan
kuna quraan akhristaan halkaas oo habeen walba
lagu gowroco ilaa tobaneeyo neef oo kala duwan,
akhbaar fiican ayey u aheyde cali oo ah ninka
ii sheekeynayay ayaa yiri habeenkaas waxaan iska xaadiriyay goobtii hilbaha laygaga sheegay
waxaan arkaayay dad aan konton qof ka yareyn oo
subac isaga soo horjeestay iyo guruupyo kale
oo meeli kala duwan ku xadreynaya, dhamaadkii
ayaa meel laysugu yimid oday caan ah oo sheekh
weyn ah oo weliba ah ninka ay beeshu u mas,ala
doonato ayaa istaagay xagay hore oo qiblada u
jeestay dadkoo dhanna waa ka daba jeesteen, sheekhaasi wuxuu labisnaa maryaha cad cad gaar ahaanna ku xaramka loo labisto duco ayuuna isla taagay isagoo aad u khushuucsan,

waxaase naxdin iyo uurku taallo aan iga go,in
igu noqotay markii uu shaakhaasi ilaahow aanan
magacaabine yiri, (ILAAHOW QABIILKEENNA FAASIQIINTA U BADI., MAXAA YEELAY DHEH FASIQIIN
AA FARA KULUL NAGU HAYSA, ILAAHOW QABIILKEENNA
FAASIQIINTA U BADI!!!!!)
inkastoo dadku wada aaminsanayeen aniga qamandhacaa igu taagneyd,

hadaan sheekada ininka halkaas uga boxo waxaan
uga danleeyay haaddey aqooni wax tareyso sheekhaasba ku quus qaata, damiirka wanaagsan
caqliga, dadnimada, wadaniyada iyo wax isku falkana looma soo qaato PHD ee gaalaguul ma garayatay

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.