site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOMALILAND WAXAY RABTAA SOMALIWEYN

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : SOMALILAND WAXAY RABTAA SOMALIWEYN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diinqale

Sunday, March 11, 2001 - 04:46 am
SOMALILAND WAXAY RABTAA SOMALIWEYN DJABUUTI IYO SOMALI KONFUREED NA MA RABAAN SOMALIWEYN LONG LIFE GREAT SOMALIA .

SHANTOO IS RAACDDA WANAAGASANAYD waa heesihii lagu carbiayay caruurta reer somaliland oo loogu talagalay inaay ku barbaaran colaadda Gumaysiga iyo soo dhicinta dhulka somaaliya oo lagu hamaiyay Qaran somaliyeedoo dunidda qiimo kuleh
taasi waxay sababtay hoog iyo halaag ay reer somaliland kale kulmeen walaal ahooddii ay u diri rayeen ku waasoo cadowgii gumaystaha ahaa si indho laan ah ugu gabraaranayay .somaliland naf iyo maal ba waxay u huratay somaliweyn waxayse abaal u helen in lagu weeraro diyaaradihii aya difaacaka filayeen ee qaranka somaliya ,
somalland waxay billa shuruurd ku dhexe gashay somali konfureed oo ay ku kaliftay gumayis ka carar iyo garabkaa kaasho iyo wallal jaecay somalinimo somali south oo ay haysteen maalayshiyaoyin uu fashiidstihii talayaanigu ku ababbiay beenat iyo khiyaanafda musuqmaasa iyo kale saarid lida maamulka iyo qabiiloda,

waana ta keenatay waayarag nimadii laga dhaxlay in ay jabuuti ku soo biiri weydo oo ay aragtay sida somaliland u dul xuntay ,

Somaliweyn Ma DHabbaa Maanta?
maxay Djabuuti ugu biiriwayday labdii Gobol ee horiyadda ee qaatay horiyadda?
Ma doonaysa koonfurat soomaliya somaliweyn ?

suaalaha jawaabtooda oo cilmiyaysan baan halkan ku soo bandhigayaa

labadii qarni ee la soo dhaafay iyo Sannadihii lixdameeyadii Somaliweyn waxay ku salaysnayd Somali-jacayl iyo wadaninimo ujeedadeedu ahayd in laysku keeno Shantii Somaliyeed ee Gumeysiga Reer Yurub u qaybiyey dalkii iyo dadkii Somaliyeed. Laakiin wixii ka dambeeyey todobaataneeyadii, figradda Somaliweyn waxay isku bedeshay siyaasad ku salaysan dal aan lakala lahayn iyo dad aan lahayn summad qaranimo iyo xuduud qeexan midna.

Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aminsanyihiin in haddii qofku Somali yahay uu Shanta Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka maamulo. Waxaana arrintan cudurdaar looga dhigaa: Somalidu waxay wada wadaagta dhalasho, dhiig, af, haqan iyo diin, sidaas awgeedna ma kala laha Shanta Somaliyeed oo lama kala xigo. Figraduna waa arrin halis ku ah jiritaanka, qaranimada, wadaninimada iyo dawladnimada Somaliland waxaanay horseedaysaa dhaxal wareeg-dal iyo qaran-guur. Waa figrad ku salaysan fowda iyo sharci la`aan waxaana ku adeegta qof raba inuu xukumo dal iyo dad aanu u dhalan. Waa siyaasad cusub oo ay ku adeegtaan dadyowga somali-Galbeed iyo N.F.D si ay u degaan, u maamulaan waxna uga xukumaan dal iyo dad aanay u dhalan siiba Somaliland iyo Somalia.

Dalalka Carabta oo gaadhaya ilaa 18 dal waxay wadaagaan, sideenna, dhiig, dhalasho, af, diin iyo dhaqan laakiin qofka Leebiyaanka ah ama Masaarida ah ma gelikaro, ma degikaro kamana shaqaynkaro Suuriya ama Sacuudiga haddaanu haysan sharci u oggol, waxna kama maamulikaro haddaanu dhalasho qaadan. Sidaas waxaa la mida dalalka Bariga Afrika ee Kenya, Uganda,Rwanda, Burundi iyo Tanzania oo wadaaga waxyaabo badan. Waddanna wadanka kale kuma xadgudbikaro, mana wadaagaan dal, dad iyo sharcitoonna. Haddaba maxay Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somali-Galbeed (Ethiopia) iyo N.F.D (Kenya) kaga duwanyihiin dalalka kor ku xusan. Runtu waxay tahay kama duwana, Waxa keliya ee aynu kaga duwannahay waxay weeye dadwaynaha aynaan weli fahmin qaranimada,wadaninimada iyo dawladnimada.

Mudadii u dhaxaysay 1960-1990, geyiga Somaliyeed waxaa ka jirtay fawda iyo jaahwareer lagu burburiyey qaranimadii iyo dawladnimadii dhulkii hore loo odhan jirey Jamhuuriyadda Somalia oo maanta u kala baxay Somalia iyo Somaliland. Soddonkaas sano, waxaa dalkaas kusoo qulqulayey kuna soo qaxayey dadka Somaliyed ee u dhashay Somali-Galbeed iyo N.F.D waxaana lagu soo dhaweeye gacmo furan oo walaaltinimo si ku meel gaar ah. Raashin, hu` iyo hoyba waa loogu deeqay.

Taliskii Moxamed Siyaad Barre waxa uu ku tuntay dhaawac weynna u geystay qaranimadii, awladnimadii iyo wadaninimadii Jamhuuriyaddii Somalia markii uu dadkii qaxootiga ahaa ee ka yimid Somali-Galbeed iyo N.F.D ka fadilay dadkii dalka u dhashay ee lahaa si uu u qabiil badsado isla markaana loogu difaaco taliskiisii dhiigya cabka ahaa. Waxa uu qaxootigii ka dhigay xubno baarlamaan, wasiirro, danjirayaal,janano, maamulayaal iwm oo bedelay dadkii dalka lahaa.

Dadkii qaxootiga ahaa waxay noqdeen wadaniyiin, wadaniyiintiinna waxay noqdeen qaxooti. Qaxootigaas gacanta loo geshay xukunkii iyo maamulkii dal aanay lahayn, waxay darajadii, jagooyinkii muhiimka ahaa iyo maalkii dalkaba siiyeen dadkii ay isku qaxootiga ahaayeen iyo qoyskii Moxamed Siyaad Barre iyaga oo u arkaayey inuu yahay talis aan weligii dhacayn kuna waaraya dulmiga iyo xaqdarrada ay ku jireen.

Dadka Somali-Galbeed iyo N.F.D, siiba qabiilka Ogaadeenka iyo intii ku soo gabbatay oo si sharcidarro ah iskugu baahiyey ciidamada iyo maamulka dalkii hore loo odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia, waxay aad uga abaal kadhaceen wanaagii iyo walaalnimadii loogu yaboohay, waxaanay shacabkii Somaliland iyo Somalia ugu abaalgudeen xasuuq, dhac, kufsi, qaxin iyo magaalooyin burburin aan hore loogu arag taariikhda Somaliyeed islamarkaana xadgudubweyn ku noqotay diinta Islaamka iyo Somaalinimadaba. Waxay kale oo ku talagaleen una hanqaltaageen inay dadkii dalka lahaa ka dhigaan wax qaxa iyo waxay madhiyaan si ay u dhaxlaan dalkooda. Dadka Somali-Galbeed iyaga ayaa ka mas`uul ahaa raagidda u Taliskii Siyaad Barre ku raagey xukunka dalkii hore loo dhanjirey Jamhuuriyadda Somalia.

Waa taas natiijada dalka iyo dadka aan lakala lahayn. Sow markaas ma cadda in Somaliweyn samankan tahay waxay kusoo gabbadaan dadka Somali-Galbeed iyo N.F.D si ay u degaan, u maamulaan una xukumaan dal iyo dad aanay midna u dhalan. Dadka Somali-Galbeed iyo N.F.D marnaba ma oggola in Dadka Somaliland, Somalia iyo Jabuti ay wax ka maamulaan waxna ka xukumaan Qabridaharre, Dhagaxbuur, Mandheera, iyo Gaarisa waxaana taas markhaati u ah sannadkii 1977 xilligaas oo dadka Somali-Galbeed dhulka soo dhigeen calankii Somalia ee la sudhay dhulkii la qabtay kuna bedeleen calanka Somali-Galbeed isla markaana ay diideen in wax lala maamulo. Waxaan qabaa in arrintaas ay sax ku ahaayeen waayo waa dalkoodii, xukunkiisana iyaga ayaa iska leh. Waxaase aan marnaba gar ahayn inay Somaliland iyo Somalia ku soo galaan baasaboor lagu magacaabo Somaliweyn si aan looga sheegan oo ay wax uga xukumaan. Wax macquula maaha marnaba in Somaliweynta ay dhulkooda u diideen ay wax kaga helaan Somalia iyo Somaliland.

Haddaba, sow ma cadda in Somaliweyn aanay samankan ku dhisnayn Somali-jacayl iyo Somali isku-keenid balse ay ku salaysan tahay rabitaanka qof doonaya inuu yeesho dhawr dal iyo dhawr dad oo aan hore loogu arag taariikhda aadanaha. Dadkii qaxootiga ahaa oo dib loogu celiyey dalalkoodi 1990 ayaa weli u ololaynaya figradda Somaliweyn si ay marlabaad gacant ugu dhigaan Somaliland iyo Somalia. Waxayse illowsanyihiin in wixii ay sameeyeen siiba intii u dhaxaysay 1980-1990 ay ka dhigtay kuwo ay ka feejignaadaan dadyowga Somaliland iyo Somalia.

Ha illaaween inaan taariikhdu marlabaad u oggolaandoonin inay degaan, maamulaan isla markaana xukumaan dal iyo dad aanay lahayn, aayahoodu iyaga ayuu dusha ka saaranyahay sida dadka Jabuuti. Shanta Somaliyeed ma wadaagan dal iyo dadtoonna waxaana ka dhaxeeya xuduud qeexan oo aan lagu xadgudbikarin, dalkastana waxaa leh dadka isir ahaan iyo taariikh ahaanba ku dhaqan. Waxa keliya ee Shanta Somaliyeed ka dhaxeeya waa derisnimo, walaalnimo, isxaqdhawr iyo iskaashi dhinaca horumarinta. Haddii mustaqbalka qaarkood israacayana, inkastaba ha noqdeenee, sidiibaa loo kala leeyahay, maamulka iyo xukunka gobollada taas oo ku salaysan dastuur iyo qawaaniin laguma xadgudbaan ah oo qeexan.

Dadka Somalia (Koonfurta) weli uma qeexna qaranimada, dawladnimada iyo wadaninimada oo weli waxay aaminsanyihiin jaahwareerkii jirijirey xilligii Jamhuuriyadii Somalia oo ahaa dal aan lakala lahayn iyo xukun ka dhaxeeya Shanta Somaliyeed. General Aden Gabyow oo ah dembiile dagaal una dhashay dalka kenya waxa uu maanta ka mid yahay Caaqilada Dagaalka ee Koonfurta (Somalia) waxaanu raba inuu dawladnimadooda marlabaad la qaybsado isaga oo qaxooti ah.

Beesha Ogaadeen ma degto Somaliland, Somaliyana waxay ka degtaa Jubbada Hoose. Qaybta degan Jubbada Hoose waxay ka mid yihiin dadka Somalia iyaguunbaana xaq u leh inay ka qaybgalaan talada iyo xukunka Somalia. Bile Rafle, Axmed Cumar Jees, iyo Aden Gabyow oo dadka Koonfur (Somalia) maanta la wadaaga dawladnimada, xageebaa laga soo dooranayaa berito? Ma waxaa laga soo dooranayaa Wardheer, Dhagaxbuur iyo Gaarisa oo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya ahna dhulka ay u dhasheen mise Jubbada Hoose iyo Mogadisho oo ay marti ku yihiin? Dadka Somalia (Koonfur) ayaa jawaabtu u taal.

Dadka somaliland aad ayey ugu adagtahay inay wax la qaybsadaan amaba la midoobaan dad aanay weli u kala caddayn meesha ay kakala tirsanyihiin Wardheer, Dhagaxbuur, Gaarisa, iyo Mandheera, dad aanay weli u qeexnayn qaranimadooda iyo dawladnimadooda oo raba inuu shisheeye la xukumo dadkooda iyo dalkooda lana ogaa dhibaatada ay gesyteen.

Dadka Somalia (Koonfurta) waxay ayaamahan isku maaweeliyaan: "Somaliyey toosoo, toosoo iskutiirsadaee, hadba kiinna taagdaran taageera weligiin". Waxaan dadka Koonfurta kula talin lahaa inay danahooda ka raacdaan arrintan, waayo Somalidu lixdankii ayey toostay iskuna tiirsatay dabadeedna waa tii lakala diley, markaas Somalidan kala seexatay,kala tiirsatay ee kii taagta darraa dishay lama garanayo waqti ay isku soo toosi, isku tiirsan, ka taagta darrana wax tari. Waa hees astaan u ah dal iyo dad aan lakala lahayn oo ku dhisan fawda iyo jaahwareer.

Sababaha taariikhiga ah ee kor ku xusan awgood, Somaliweyn maaha dhab maanta sida ay u hirgashaana waa adagtahay. Sidaas awgeed, dadka Somaliland waxaan uga digayaa riyaaq iyo laab la kac ay marlabaad ku loogaan qaranimadooda iyo dawladnimadooda. Dalka Somaliland waxaa leh dadka isir ahaan kasoo jeeda dhulka Somaliland waxaanu leeyahay xuduud qeexan oo caalami ah. Talada, hoggaanka siyaasadda, maamulka iyo difaaca Dalka Somaliland waxaa iska leh oo keliya Dadka Somaliland. Ciddii kaga timaada afarta Somaliyeed ee kale amaba dalalka kale waa inay kusoo galaan sharci, ku joogaan sharci kagana baxaan sharci. Qofkii jinsiyadda Somaliland qaata, cid kastaba ha nodee, ayaa joogto ugu noolaankara Somaliland waxna ka gelikara muumulka caadiga ah.

Anigu ma necebi midnimada Shanta Somaliyeed laakiin uma jeedo Somaliweyn maanta hirgeleysa oo dan u ah dhammaan dadyowga Somaliyeed ee kala duwan, markaas danta dadkasta iyo dalkastaba oo Somaliyed waxay ku jirtaa in la kala badbaado si aan mardambe layskugu jabin iyada oo lagu soo gabbanayo magaca Somaliweyn.

somali weyn aaway waxaa liqay reer konfur iyo jabuuti oo adhaxdda ka sii jabisay mantan ayaan daro wax magaradda iyo danyartu moodaysa in ay naseexo u tahay ,

Nasiib wanaag somaliland waxaa imin ka gacanta ku haya cigaal oo ahaa Raiisal wasaarihii dawladdii xaq ahayd ee somali doorato tii ugu danbaysay ,ahna hogaamiyihii lixdankii talladda dalka somaliland kala waragay dowladii ingiriska ee ay maxmiydda u ahayd somaliland illa 1884 ,

waxanan ku badhaadh nay hogaanka uu marke nooqabtay idnkana somalida south waxaan idin xusuusinaya inaad fahantaan waxa qaranimadu tahay iyo halka sartu ka qudhuntay waad ee deen xaqdarada aad uga leexada xaq iyo wadani nimadda
WAXAAN ILAHAY IDINKA BARAYAYNAA IN UU XAQA IDIN GARAN SIIYO WAXAANU ILAAHAY IDINKA BARYAYNA IN UU BEER KIINA BURCAD ISU MARIYO WAXAANU ILLAHAY IDNKA BARAYANA INAAD NOQOTAAN DAD SOMALINIMODU GASHO OO QARAN JECAYL YEESHA OO DIB U SAXA KHALADDKA AY GALEN .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somaali

Sunday, March 11, 2001 - 06:40 pm
Diinqale
Ninyahow waan ujeeddaa in aadan somali necbayn , arimaha aad ka hadashayna qaar waad ku saxsan tahay qaarna waad ku khaldan tahay fikrad ahaantayda , markii waqooyigga Somaliya ay xorinimadda qaadatay 26 june , iyagga oo somalinimo jacayl ka buuxo ayey ula yimaadeen koofurta Somaliya 1 july 1960 si Somali u midowdo ayna uga fogaadaan dulmiggii gumaysiga ....1960 ialaa 1969 khaladaad yar yar ayaa dhacay laakin shacabka somaliyeed diyaar ayey u ahaayeen waqti inay siiyaan ...Aabayashii Somaliyeedna fikrad ayey wateen in dadka ay Somaliwayn wax u wadda qabsaddaan oo ay ka fogaadaan qabiil jacaylka , lakin aanay marnaba u qeexin jid wanaagsan oo ay tusaale ahaan u racaan.....

1969 ilaa 1990 Xukuumaddii Afwayne gaar ahaan laga bilaabo 1976 markii uu dilay tobankii culumaa'udiinta ahayd oo ku mudaharaaday , oo dadkii Somaliyeed intiisii badnayd ku dayaceen , ayuu bilaabay inuu ku shaqeeyo qabiil balaarsi aan gabasho lahayn , uuna midab takooro ama uu xasuuqo ciddii uu arko halis inay ku tahay xukunkiisa , Darookuna intiisa badan yac ma oran ee si fiican ayey ula qasteen ,dhibka uu Somaaliya u gaystana Gaalladdii gumaysiggu waligeed umma gaysan...dhibkuu nooga tagayna waa adag tahay in dadkii xanuukaa arkay laga la hadlo markaan iyo mar u dhow Somaliwayn...ma jeclayn sidda wax u dhaceen markii la cayriyey ka dib laakin waa amar nagga waynaa oo xag Ilaah xukunkiisu ka socday ,,oo casharo cusub na baray mustaqbalka dambe....

tan Somalidda iyo degaanka aad la barbar dhigtay carabaha iyo afrika qaarkeed waa jirtaa carabtu inay waddaagaan luqad iyo diinba Qabaailadoodu waa ka farcan dheer yihiin Somalidda ,tan kale Somaliddu waa is wadda dhashay Issaaq ,dhulbahante,Gudabiirse iyo warsangali waa is wadda dhaleen inta badan ,Hawiyaha iyo Darooku waa is wadda dhaleen ,Anigaygan wax qoraya Issaaq Hawiye iyo Darood waa aan ka wadda dhashay ,marka mid waan kugu raacsahay in shacuub kasta oo Somaliyeed ay maamulato degaan goboleedkoodda oo aanay dowlad dambe oo xoog badan aanay guryahoodda diyaarad ku weerarin taa waa mid aanay dhacayn mustaqbal dambe haddii Somali isku soo noqoto ...ukuntayadda aanan hal dambiil mar dambe aan ku wadda ridin....Somalilandna siadda ay hadda ku jirto aad ayey u fiican tahay hanna u joogto siddaa , Qabiilna waa u jeedaan meeshu Ummaddii Somaliyeed dhigay iska ilaaliya , waa cudur aad u dhib badan....Somaliwayna markay wax macquul ah oo Somali oo dhan raali galin kara la wadda yimaadaan Allaha nagaarsiiyo...inta ka horaysaa ducadaydu waa idin la jirtaa............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Monday, March 12, 2001 - 02:50 pm
read my lips

1 Somalia
1 Nation
1 Religion
1 Language
1 Flag


soon or later we will get rid of all the trouble makers,cigaal,c/yuusuf,caydiid........

Th war lord era is over,we the great garxajis are going to take Somaliland back to the 1 Somalia as soon things settle in xamar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qowdhan

Wednesday, March 14, 2001 - 09:46 pm
10 sano baa ka soo wareegatey markii lagu dhawaaqey somaliland,maantana caalamka cid aqoonsan ma laha . canaasiirta hargeysa ka dhawaaqeysa iskuna dayey si kasta ooy ummadda soomaaliyeed ee wada dhalatey u kala fogeyn lahaayeen,laakiin ilaah kama yeelin,caalamkiina ku qosol.
si kastaba dhib waa dhacaa,mana filayo dhibaatada koonfur ka dhacday inay tan waqooyi ka badan tahay...weli koonfur waa dhiigeysaa.
canaasiirta koonfureed iyo waqooyi waan soo qaban doonaa,waddadii ay mariyeen caruurtii baan marineynaa!!
"sareedo hadday ku waarto ,hadduu silic iyo dhib gaaro,samaanteediyo xumaanteed soomaliya soomaali baa leh"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MINIVOICEE

Thursday, March 15, 2001 - 01:24 am
I AM A YOUNG SOMALIAN STUDENT AT THE COLLEGE OF NORTH WEST LONDON WEMBLEY PARK
I HAVE A COMMENT WHERE THE HELL DOES SOMALILAND FIT IN TO ALL OF THIS SHOULDN'T WE ALL STICK TOGETHER COZ IF WE DO WE ARE MUCH STRONGER LIKE THAT WE SHOULD TAKE ON OTHER FELLOW ENEMIES NOT A OUR BROTHERS, LET'S STICK TOGETHER LET'S FORGET
ABOUT TRIBES AND SUCH THINGS AS WHAT TRIBE ARE YOU COZ GOD KNOWS THATB AIN'T TAKING US NO WHERE
IT IS ONLY CAUSING A RIOT IN OUR COUNTRY.

THANKS
WRIGHT@WRONG.CO.UK
WRITE BACK TO THIS IF YOU WISH AT THE E-MAIL
ABOVE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali Soomaali

Thursday, March 15, 2001 - 02:33 am
Fadlan af soomaali oo kaliya aan ku doodno
mahasanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 16, 2001 - 07:35 am
question what is garhejis???

midgaha isaaq miyaa aboow isheeg noo ani waligee ma maqal grhejis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAXGARAD

Friday, March 16, 2001 - 07:43 am
MAS QABO CID ISAAQ KA WADINASANI INAY SOOMAALI KU JIRTO. WAXAAN QABAA IN AY SOAMLILAND KA SOO QAYB GALI KARAAN DOWLAD SOOMAALIYEED OO DHISAN. LAAKIIN SHURUUDAA KA HOREEYA.
1-IN SOMALILAND DASTUURKA LAGU SIIYO XUQUUQ GAAR AH. SIDA IN SHACABKEEDU AY MARKA AY DOONAAN AY GOAAN KU GAADHI KARAAN INAY GO'AAN OO AY KA BAXAAN DOWLAD FEDERAALIGA AH.
2- IN DOWLADA AY KA QAYBGALAYAAN AY AHAATO MID FEDERAALI AH. YACNI MID GOBOL WALIBA UU LEEYAHAY XUKUN HOOSAAD BALAADHAN. MID GOBOL WALIBA UU GOAAN KA GAADHI KARO TUSAALE AHAAN DHAQAALIHIISA.
3- MID DOWLADA DHEXE AY TAHAY MID AAN AAD U AWOOD BADNAYN.
4- MID SOOMAALI LAND DHAQAALAHA KA SOO GALA CANSHUURAHA LOO DAAYO 80%.
6- SOAMLILAND WAA IN AY LAHAATAA BAARLAMAAN HOOSAAD, IYO WASIIR KOOWAAD. TUSAALE AHAAN SCOTLAND WAXAY LEEDAHAY BAARLAMAAN U GAAR AH.
7- DOWLADA AY SOMALILAND KU DARSAMI KARTAA WAA MID LAGU DHISAY XUKUNKA SHACABKA. MID AAN SHAQSUYAAD GAAR AHI AANAY LAHAYN AWOOD XADDHAAF AH.
8-WAA IN SOAMLILAND LOO OGOLAADAA IN LA SIIYO UGU YARAAN 33% XUBNAHA BAARLAMAANKA DOWLADA DHEXE.
9-SOMALILAND WAXAY YEELANAYSAA WAXAY LA WADAAGI DOONTAA UUN DOWLADA DHEXE CCIDAMADA QALABKA SIDA, BOOLIISKA,NABADSUGIDA, IWM.
10- CIIDAMADA JOOGA SOMALILAND WAXAY AHAAN DOONAAN KUWA SOMALILAND U DHASHAY. WAXAAN ULA JEEDAA NIN KISMAANYO KA YIMI AMABA U DHASHAY XAQ UMA UU YEELAN DOONO INUU HARGAYSA DUQA MAGAALADA KA NOQDO.
LA SOCO BERI
WAXGARAD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DIINQALE

Saturday, March 17, 2001 - 12:32 am
Gacaliye ama gacalayaal


marka hore waxaan ka cudur daaranayaa in aan jecelayn dooda in aan ku qoro af ingiriisi , taas oo aan uga jeedo in dooda dhaman kharstayaashu la socdan oo aan cid gaar ihi yeelan waxaanan si gaar ah ugu raali galinaya Mr minivoicee.

walaalayaa marka uu qof walba oo somaliyeed arko sida dunida kale tahay iyo Qaran jabka somalida haysta waa uu murugooda oo waxa aynu u geegaana caruur agoon iyo rajo ah oo aan cid u adeegtana aan haysan ,

Mr minivoicee saaxiib sida aad noosheegtay waxaad dhigataa jamacad ku taala Uk , Mr minivoicee tusaale ahaan marka wiil ka British ah ee kula dhiganay jaamacadada oo awaawgii awwagaan iyo aabahayaasheen gumaystay, waxa uu wali kuu arkaya adoon , adiguna kuma san banaanid oo ma ogalid in aad lib siiso , waxaa in kale fadilay ama isaga taa u samaxay waa waqtiga oo isaga awaawggii ayaa u hiiliyay kuna simay in uu maanta kaa lib sareeyo .

waxa uu awawagii ka dhaxlay Taariikh , Maal , Maamuul iyo Dhisme dawladdeed oo uu dhidibo adag dhulka ugu taagay tiirar uu uga dhigay sharici iyo kale danbayn hormoodna ay u tahay hannan ku salaysan dhaxalaayatiinka jiilba jiilka uu ka danbeeyo, waana taa keentay in ay noqodaan qaar maanta inaga haykal fiican , waliba waxa iyaga haysata inta ay yihiin gaalo balse hadday haysan lahaayeen diinteen shafiir ka ah way ka fadilaan lahayeen qonkan .


Waxaa kale oo is waydiin mudan Maxaa somalida u diiday dowladda Qaran ?

INAGA AWAWYAALADEEN DHAXAL MA INOO REEBEEN ? KUWII LOOGA TAGAYSE MAXAY INOO DHIGEEN?

ugu horayn haddii aan ka jawaabo su’aasha ugu dabaysa oo ah jawaabta dhamaan suaaalahan ,
WAXAA SOMALIDA U DIIDAY DOWLADDA QARAN WAXA AANAY IS WAA FAJIN
SADEXDAN ARIMOOD EE HOOS KU QORAN , GEED, MASIDKA, XAFIISKA
1- GEED ( DHAQANKA IYO TAQAALIIDA SUUBAN EE UMADDA)
2-MASJIDKA( DIINTA IYO SHAREECADDA ISLAAMC )
3-XAFIISKA ( DOWLADDA CASRIGA AH MODERN GOVERNMENT )
waa mid cad in ay somalidu maanta aanay kale saari la’aadahay sadexda arimood oo marba taydoonan ee ay ku muraad qunsanayaan xidha shaadhkeeda , ma odhan karo somalidu maanta waa gaalo , waa qabiiliyiin, waa muslim 100% oo waxay isku maamuulan diinta iyo waa dad la saan qaadaya bulshadda ooo ilbax ah , mana ah baadow isda africaanka qaarkii ,mana dad qaran jecel , ma ah dad is necab ma adad is jecel ,

Waxa haddaba ina hasta waxaa weeye hogaan aan majare lahay oo aan cilmi ku fadhiye oo si indho la’aan ah ay Gumaystuhu ugu gabraato wali oo somalidda madax ka gumaysta iyagan waranka isugu dhiiba , waxa aynu la ordayna wax aaynaan macnaha ay leedahayba aynan garanay oo inagu cusub hase yeeshe barshadeedan aan loo jeedin , dowladdnimdda somalidu waa Aqal bilaa dhigo ah iyo awr billa cayn ah , oo waxay u dhiganta baaskeel silsiladii ka baxday oo khali wareegaya meelna ku gaadhi maysid waanad daashay .

Akhristow waxa aad u fiirsataa sida ay isugu sar go’aan yihiin dhaqankeena iyo diinta islaamku
Marka aad maanta aragto somalida waa inad aad qirtaa in ay dadkii hore howl culus qabteen , balse ay luntay markii ay mayalka u qabteen qaar aan gayin milga heeda . maanta waxaad arkaysa in uu dhaqankiiwax badan laga guuray oo wax lagu badalaana aanay jirin ,diintiina looma aabo yeelo nkastoo maata inta aqoonta ulihii ay ka batan tahay intii waaga oo qiyaas ahaan ay nu odhan karno .
8.2% ayay waagii hore taqaanay iminkana 65% waa yaqaanan diinta bal haddaba eeg dhibka taagan ,
waxaana jabka oo dhan dhigay xafiiskan modernka ah oo aan waafaqsanay dhaqnkeena iyo diinteena waxaanu inaga soo galay xagga gumaysta oo isagu waafajiayay dhaqankiisa iyo hidahiisa iyo diintiisa .
jabka in ahaystaa wa kaa oo waxaynu jarayna geedkii aynu laantiisa ku fadhinay man ogain inay inala soo dhacayso .


haddaba akhristoow waxaa is waydiin mudan
awaawyaasheen inaga dhaxal ma inooga dhinteen? jiilkiise looga dhintay maxay inoo dhigeen?

taa jawaabteedu waxay tahay haa dhaxalkii Awaawgeen waa caddan oo wax muran ahi kuma jiro
dadkii hore waxay ku guulaysteen in ay is waafajiyaan dhaqanka iyo diinta islaamca oo ahayd tiirka noloshooda taana waxaa suurta gal ka dhigtay culimaada diinta oo maskaxdooda furayda iyo dhaqanka oo ay darseen culaysana isku saray sidii ay dadka ugu sahli lahayeen barshadda iyo ku dhaqanka shareecadda islaamaka iyo is waafajinta diinta iyo dhaqanka, culimadda oo markaa umadda kaga jiratay kalinta maanta ay kaga jiran Rag lagu magaacaabo mutacalinka ,oo loo yaqaan ninka cilmiga maadiga baraty , ayaandarse ninka diinta yaqaana maanta looguma yeedho mutacalin inay gaaladu ina dhaxal wareejisay waxa ku tusayas markii la billabay dhimayaasha maamuul dowladda ha waxaa macalimiintii diinta laga dhigay wax la yaso oo waxaa loo yiqiinay macalin dayaanee oo mushahaaradda waxaa siiin jiraty dowladda hoose halka macalinka kale uu ka ahaa mid ka mushahaaro qaata dowladda dhexe dugsiyadda quraanka iyo diinta waxaa laga dhigi jiaray ood iyo carshaan dhar xun xuna waaynu ku tagi jirnay halka schoolka aynu ku tagi jirnay dhar nanadiif ah ayna ka ahayd daarta dhagaxa ah ee quruxda badan .

akhristo waxba yaan haddal kugu daalin .odayada waxay kaga jirin kaalinta uu maanta ninka loo yaqaan siyaasigu kaga jiro umadda maanta ,

culimad diintu may faragalin jirin arima reer ah iyo danahooda iskuma ay dabaqi jir diinta iyo arima ijtimaaciga oo kuma ay samayn jir talo maroosi iyo dhexe galid maamuuladdooda waana ta keentay ixtiraamka loo hayo culimadda illaa waqtigan xaadirka ah inkastoo ay iminka jiran nima dhaliyaro ahoo ururo samaystay oo ku indha furatay hananka jaantaa roganta ahaa ee aan cilmiga ku dhisnan inkasta oo aynu odhan karno way ka cilmi badan yihiin kuwii hore hadadan la tayo ma ah oo waxay dheeerayeen xeel iyo xaradaf dadwadnimo oo ku dhisan caqli sugan waana ta keentay inay culimadu ka duwanaadan dadka intiisa kale oo ay noqddan beel wadajirat oo sideeda loo qqato loona xaqdhowro .

culimaddii hore tusaale aynu u soo qaadano sheikh iimaamkii macalinkii SHEIKH YUUSUF AL KAYNUUN
oo aad wadda ogtihiin sida aan la malaynkarin ee uu alfaadii carabida ahay uu afsomaliga ugu tarjumay
ALIF LA KORBAY, ALIF LA HOOS DHABAY ,ALIF LA GODAY . sheikh yusuuf al kaynuun iyo culimaddii kale ee la midka ahaaba ma ay jecelayn inay mar kaliyaata isteerinka dhan u wadda jabiyaan balse waxay doonayeen inay is waafa jiyaan dhaqanka suuban ee dadku haysto iyo diinta , taas oo ahayd halka ay wax ka fahmayaan inay ka fahansiiyan , ninkii hal garanay, hasha ugu tilmaan, ninkii baabuur garanayan baabuur ugu tilmaan .hal yaqan baabuur u timaan, culimadda yaryari waxay doonayaan in ay dabadda u tuuraan dhaqanka iyo xafiiskaba oo ay is ticmaalan diinta oo kaliya ,waxaa la doonayaa inay is waafajiyaan dhaqanka iyo dowladda nimadda iyo diinta , waana in ay labadda kale ba ku soo arooroan diinta oo ay salka ku hayaan balse inay ka soocaan mooyane ma hayan siddii ay isu waa fajin lahayeen diinta iyo dhaqanka iyo xafiisakn qalaaad .


Akhristow waxay somalidii hore ahayd qabiilo iyo beello aan lahayn dowladd dhexe oo kulmisa hase yeesha waxay la haayeen oo ay waddagi jireen,DAAQ,DEEGAN, DEEQ, DAGAAL, IYO DUN WADDA DHALASHO oo way is gun ogaayeen waxaana dhexe yiilay xeer, xaqsoor, xidiidnimo , xafiiltan ku dhisan dhica dhaqaale, taariikhda , suuganta , horuumarka ,oo sal u hayd in uu qabiil waliba isku dayo in uu bulshadda kale magac iyo maal iyo muruq ba ka seeryo taasina waxay ku imanaysaa kale danbayn iyo is mudnaan beesha dhexdeeda ah waana ta keenatay beel waliba inay ka dhiidhido nin magac xumo u soo jiida . wax waliba waxay lahayeen hanan lagu waddo oo sidda kan maanta ah haddii ay dhalinyaradeenu moodayso in uu qabiiladdu ahayd kan maanta jooga ma haa , waxaa jiray jannao , injineero, dhakhaatiir, siyaasiyiin , balse maysidan magacan oo ah magac cusub .
Tusaale akhristow marka reer duullayo wax isu iman jiray odaydiisa oo kawadda hadli jiray , haddii aynu duulo magarbaa minse gardaro, haddii aynu guulaysano maxaynu yeelayna , haddii se laynagga guulaysto maxaynu yeelayna ,marka ay n taa si dhacdo waxaa looyeeedhay nimkii xeel dheereyaasha ahaa dal yaqaankii , dagaal yaqaankii, dad yaqaankii ,
walahay maanta reer hebal gugii baa u daya fardahooduna waa ka dheereeryan kuweena inana iminka ayanu degannoo reerkii muu doogsan wali ninkii hebel iyo hebel waa bukaa oo deegaanka isaga ayaa yaqaanay sida looga dow baxo oo colka ka xayn lahaa marka.sida ay warbixinta nin ba intiisa u dhiibo ayuu akhristow reerku inta uu go'aan qaata meel wax dhigi jireen .
MAANTANA WIIL YAR OO KHAMRI SOO CABAY OO AN CIDIN DIRAN CIDNA AAN LA TASHAN BAA BEELO DHAN ROGAN .MARKAA SA LA ODHANAYAA REER HEBEL IYO REER HEBEL BAA IS DILAYA
tusaale ahaan marka reerku duulo waxaa jirtay wax yaabo dhawrsan oo aan loo dhawaan jirin gacan saarkooda waxaana la odhan jiray bir magaydo oo waxaa ka mid ah hogaamiyee beeleed iyo nin weyn oo taliya ah , maatadda .waxaa dadka ka xaaran ahayd in hal irmaan la gaworaco la qalo, ama la ka xaysto xoolaha sabadaaqa looyaqaan oo loo maalo caruurta , guryaha oo la bili liqaysto iyo caarka oo la far xumeeyo waxay ahayd wax aan dhici karin,waxaa reerka soo duulay iska ilaalinayaa waxaa soo dhan oo ka baxsan hanaanka colaadeed iyo qaab dagaalka beelaha soomaliyeed reerka kasta waxa uu dhawrayaay sharafta waxaanuu ogaa haddii uu taa ka tago in ay keenayso collaad hiirtaanyo leh oo aan waligeed damin oo is nac xoog badan iyo kale tag isu mari waa dhalisa .
taa ayaa maanta soomali ku dhacday waxaa laga baydhay hanankii dagaalka iyo colaadda
waxaa ka koow ahaa
1- Abaahi weyne oo majeerteenka lagu laayay dumarkiina laga farsaaray , baraagihiina biyaha glaga aasay , xoolihiina goracloojiiday oo halo dhalay lagu dabsaaray.
raggii magaladda iyo siyaasigiina la xidhay la dilay waxna yaaceen ,
2- tii Isaaq oo sheekadeedu dunida caanka ka noqotay ,lama arag diyaada ciidan oo magaaladii ay ka kacday dib u duqaysa ,shacab ciidankii difaacilahaa damaray , dumar caruur, waayel , waxdgarad midna lama aabo yeelin min 1980-90 waxay ahayd Isaaqu dad uu ku socday mashruuc la yidhaado DABARGOONTA ISAAQA illahay baa wax dabar jara .

3- tii shacabka hawiye laga galay iyo tii ay galen oo wixii ka dhacay an maanta halkan aan ku soo koobi karin waana ta dhaxalsiisya oo waad ka war haysaa in cadaan iyo madoowba xamar ooda loo rogay raggiina la far xumeeyay ,oo illa waqtiga maxkamadda ha rag lagu geeya wiil buu fara saaray somaliyeed. Waa mid lama illa wan ah tii uu maalintii alah u naxariistee JANANRAL MAXAMED FARAX XASAN CAYDIID UU KU SOMAEEYAY CADANAAN IYO MADAOW WIXII CADOW ISU SOO KAASHADAY SOMALIYA
4- darxumadda dadka digle iyo mirifle la baday iyo dhoobay iyo dadka soomaliyeed ee maalin walba doon baa la degtay 1000 qof lagu odhanayo iyo qoxoontiga meel walba dadsan ee aan dhaqan iyo dhaqaalo toona haysan ee bayhoofaya iyo darxumadda iyo diin iyo dal la aanta ku dhacaysa caruurta qurbah ku dhalanaysa iyo iyaga oo doorsan ayay dalkiina tagayaan oo ma ah soomali sinjiga mooye .akhristow ka dalka maanta ku nolli tacliin ma haysto waxa uu cunayaa qaad iyo xashiishad wiil iyo gabadh oday iyo islaamab dadkuna ma kale saara oo ma kale laha sheekh iyo shariif , rag iyo dumar . waa jaantaa rogan
SABATA KEENTAY WAXAA WEEYE KII DHAXAL KA AWAWGEEN U DHIIBAY OO AHAA NINKA LOO YAQAAN SIYAASI AYAAN DHIGAY TAN OO ISMUU WAA FAJIN GEEDKII, MASJIDKII, XAFIISKII,.
waana taa waxa u horseed ah dhibka iyo dhibaatadda ilaa waqtigan xaadirka taagan aan ka soo waqsan la’aanahay.


Akhristow markii la billabay dugsiyadda aqoonta maadiga ah lagu barto waxaa aradaydii ka soo qalin jabisay loo yaqaanay ALMADAR, almadar waxay ay illaa iminka u haytaan inay umdda in teeda kale ka caqli iyo cilmi badan yihiin , balse waa riya maalmeedkooda oo ma dhaafsiisna HADHKOODA .


Waxa uu wax garad somaliyeedoo gabay u tusaaleyaysidan .


ALMADAR DUUG MAREEBTEE AY TOLLOW DIRIRTA YAA AADI
DUQYDII DHAMAATAYE AYAA DIRIKA NOO EEGI
DABSHIDKII HADDUU GALO AYAA DHUXULIHII DAADIN
AYAA DAAHA LAAN DHEER KU XIDHI QUDHAC INTUU DIIRO
TOLLOW YAA DADKOODII WAX SIIN GACAL MA DOONANE .

MIDKALE WAXA :
ISMA DOORIN GAAL KAAN DIRIYO DAARKII GALAYE .

MD KALE WAXA UU YIDHII:

SIDDIIBAN MARYAHAH UGA SITA LABA MARAYKAANE
SIDIIDABAN MIJAHA UGU SITAA LABA MARQAAFODE
BAL MUXUU ANIGA II SOO WADDA MINISTARKAAN DOORATY .
Akhristow waxaan khadalkii ku soo gabaaynayaa gabaygan oo uu curiyay in la yidhaahdo maxamed a/rahman lugooyo oo ahaa nin ka mid ah almadar oo gabayaa nimo dheera kana mid ah ragii ugu qaayaha roona almadarta ,


MARKA QOYSKA HOOS LAGA DHISA QARAN HAGAAGAYE
HADDII MEEL SARUUN LAGA QABSADO WAA QOLFOOF MADHAN.

Somalidu maanta uma bahna in ay meelsare wax ka qataane oo ay noqdaan geedsare waab
Waxaa loo bahanyahay in qoys qoys loo soo he shiiyo oo beel iyo degaan loo heshiiyo oo
Waa sida aanu maanta anagu haddii aanu nahay shacabka reer somaliland ku heshiinay ee anu ku wadda naalo waxaana saraftaa iyo cisga aanu maanta hadhsanayno isku hawlaya allana la garb galay Odayaasha ay ku sheegan badaowga almadartu , anaga almadarta maanta waxaa ka adag odaydda oo ah hogaanka ugu sareeya taana waxaanu ku heleay dhaxal odaydii hore somaliland dhigeen oo ah inay gumaysigii ka yeelin in uu baabiiyo dowladd dhaqameedkayagii oo wali nool taaso ay wali muuqa to awooda ay bulshhdada ku leeyihiin , halka uu konfurta somaliya masaxy u suulkii dowlad dhaqmeedkii soo jiraanka ahaa oo haddii dowladda dhexe la waayo ay koonfur u tahay kii roonow reerka u hadhan ama aynu odhankarno konfur colaaduba way ku cusubtahay .mana jiro xidhiidh ka dhexeya odayga iyo bulshadda .

Tusaale kooban haddii aan ka bixiyo sida ay dhaqan ahaan u kale duwan yihiin konfur iyo somaliland

HADDII LABA NIN IS QABSADAN SOMALILAND NINKA U HOREEYA EE DARIIQA MARAYA AYAA UGAR NAQAYA OO ISGA AYAA DHEXE GALAYA AMA IYAG AYA U YEEDHAY WAAR BAL KALAY NA KALE GUUR MID WALIBA WAA UU KU QAN CAYAA GOAANKA SOO BAXAY INKASTA OO ANU MID KOODNA AQOON NINKA ,

HALKA AY KOONFUR UU ODHANAYO SAAXIIBOW SOO BAXA DACWO AAN KUU QABA SALDHIGA AYAAN AADAYNA AYE KALENA U RAACAY ISGA OO SALDHIGA DHEXE U ARKA ,LAKIIN SALIDHIGII HADDII LA WAAYO WAA KII ROONAOW REERKA U HADH SOW MA AH ILAYN CID KALE OO DHEXE LOO ARKA MAJIRTO OO DADKA LAE GUTA .

ALA AH U SALO SOMALIDA SOUTHKA.

JUXE ayaa lagu yidhi waa dameerkaagii baa lumay markaasuu yidhi alxamdulilaah, waar maxaad la alxamdusatay dameerkagaii baba lumaye ,

Markaasu yidhi oo sow lamaan lumeen ahddan saranahay .


HADA SOMALILAND WAXAY LEEDAHAY ALXAMDULILAH HADAY LUNTAY SOMALI WEYN ILAYN WAANU LA LUMI LAHAYNE .


ALAHAYOW SOMALI KALE QABOOJI OO XIQDIGA IYO XASDKA IYO XUMAANTA KA MAYDH .ALLAHAYOW BEERKOODA BURCADA ISU MARI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 17, 2001 - 09:34 am
ANIGU WAAN KA SOO HORJEEDAA IN LAYSKU DARO SOMALILAND IYO SOMALIA MAXAA YEELEY SOMALILAND WAA LAXUMEEYEY OO WAXAA XUMEEYEY DAAROOD OO BURBURIYEY DHAMAAN WAXWALBO ISAAQNA UMALEEYN MAAYO INUU ILOOBAYO LABAATAN SANO CADAADISKII UU KU HAYEY DAAROOD AMA FAQASH, ISAAQ HADAAD GO'DAAN IYO HADII KALE ANAGA HAWIYE WAA ISKU KAAYA MID EE OGAADA WAANA KU FARAXSANAHAY INEY HELAAN ISAAQ XORNIMO DAAROOD, NOMORE FAQASH NOMORE FAQASH NOMORE FAQASH,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ccn

Sunday, March 18, 2001 - 01:57 am
saaxiib anagu daarood umaanan ahay adoon laakiin waxay raranjiraeen waligood iminkana ay abaraan sida gurgooda loo gubo waa adiga xukunkii siyaad barena anagu uma naqaano xukun daarood ee waxaanu unaqaanay nidaama leexday oo dadka xun xun taageera khaladdad badanna ka galay reer walba somali ah,shacbiyadda daaroodna waanu is naqaano maana filalayo inay afkooda soo marinayaan waxaas oo kale dooda si cilmiyaysan uga haddal ha keenin wixii qoxntinimadda ku baday iyo in aad dad nolnol
cunto , ninka maanta bay hoofaya ee reerka sawaaxili iyo sujuu iyo saancadaalama caarkoodu u baylahay ee maanta dunida ceeb la fadhiyi la waa la yaqaan . daaroodna waxaan wali ka xoraoobin ee ay gumaysan jireen maskaxddan ka haystan iyga oo ka tiro iyo degaanba badan waa la yaqaan raggii ay boqoradda majeerteen raranjir sida dameeraha ee ilaa xkunkii afweyne booyga ahaa.

waxaan salaamaya ninka doon furay oos axiibu caqli ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, March 18, 2001 - 07:18 am
tO:CCN HAHAA HUHU WAAN QOSLEY RUNTII OO AH SAAD U HADASHEY MA;ISKA QORTEY MISE WAADAN SOO BAARIN TAARIIQDA WAR MARKA HORE AAN KU IRAAHDO DADKA QABIILKOODU YAHAY HAWIYE WAA DAD AAD IYO AAD U BADAN DADKA MAJEERTEENKU GUMEYSTEYNA WAA HABARGIDIR MA AHA HAWIYAHA KALE EE TAAS GOW TAN LABAAD HAWIYE WAXA UU DAGAA KOONFUR OO XATAA MANIHIN ISKU DEEGAAN ANAGA IYO MAJEERT BALSE WAXAA ISKU DEEGAAN AH MAJEERTEEN IYO HABARGIDIR OO XATAA WAXAAN MAQLOO KALE SHAABAD BEY DABADA KAGA DHUFAN JIREEN OO HABARGIDIR WEY SHABADEYNAAYEEN, ANIGU UMA ARKO TAAS RUN MAXAA YEELEY SOMALIDA WAXAA GUMEYSTEY TALYANI IYO INGIRIIS, BALSE WAXAAN LAYAABEY MARKAAD TIRI FAQASH NAMA SILCIN AMA NAMA CIILBADIN BEEN LEE AHAAHEE QAXOOTIGIINII WAXA UU JOOGIJIREY XAMAR OO DAGAY HALKAAS,OO AAN IRAAHDO DHIBKII AY FAQASH IDIINGEESTEEN WAXAY KU NOQOTEY INKAAR WEYNA KASOO BAXDEY INKAARTII DAAROOD, OO AYAGAA HADA U BADAN QAXOOTIGA WADANKOODA KA MAQAN AMA WALI KU JIRO XEROOYINKA QAXOOTIGA EE XAMAR KU YAALO,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/G

Sunday, March 18, 2001 - 03:36 pm
Anonymous...taariikh haka leexan maantay Habar Gidir ayaa wax shaabadaynaysa sidaa ula soco dabadaadda ma ka fiirisay shaabada ku taal.....

Magaca Habar Gidir haka nixin iyagaa ku badbaadiyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runsheeg

Monday, March 19, 2001 - 02:33 am
TO nacasyada.
WAR isku fiiri muraayad intaanad hadlin dameeryahoow.waa ayo kuwa maalin walba doomaha bada kula qalibmaan? waa ayo kuwa maalin walba isbaarada isku laaya 1000 shilin ? waa ayo kuwa aan kala danbeyn waxna kala maqlina? DAAROODKA aad tiri waa qaxooti sow ma ogod iney dhulkooda maamul iyo kaladanbeyn ka jirto?sow ma ogid in duleedka BOOSAASO ay hawiye qaxooti ku yihiin ? sow ma ogid in sanad walba dhismaha iyo taranka PUNTLAND oo ku kordo4,5%kiiba sow ma ogid in sanad walba in kabadan 8000 oo reer puntland ah kusoo laabtaan dalkooda nacasyahoow yaan laguugu qoslinee ha isku barbardhigin DAAROODKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

darwiish

Monday, March 19, 2001 - 02:37 am
IDOOR ISKU DIRKA JOOJIYA YUHUUDYAHEY:
Waan idin aqaanaa oo iima dhuumaneeysaan taniyo DARAAWIISHTII faraha kala baxa qabiiladan hawiye iyo daarood yuhuudyahoow ruufiyaanka ah orod amxaaro u geeya hablihiina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DIINQALE

Monday, March 19, 2001 - 06:38 am
TO:

DHAMAN KA SOO QAYB GALEYAASHA DOODAN WAXAAN KALKACALTOOYO IYO XUSHMADI KU DHEEHANYAHAY U XUSUUSINAYA IN AANAY HABOONAY INAYNU KU CAYTANO AMA AYNU KU HADALO WAX AAN CILMI KU FADHIYIN ,
MINFADL ADIGA OO UDOODAYA SIDII DADKA ILBAX AH U DOOD GOBLKAAGA AMA QABIILKAGA CADEENA TAARIIKHD IYO XADARADDA AY LEEYIHIIN SI AY DOODANIN U NOQOTO MID DHAXLGAL AH , AMA QORAAL GASHA , AMA LA DAABACDO , BALSE MARKA AYNU SIDA DADKA XUNXUN U QORNO MA NOQONAYSO WAXTIXGALINE .

WA BILAAHI TOWFIIQ.

FROM: DIINQALE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DiinQale

Monday, March 19, 2001 - 06:42 am
SOMALILAND IYO 6 QARANI EE LA SOO DHAFAY

Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca galbeedka waxa ka xiga oo ay deris kala tahay dalka jamhuuriyada Jabouti, barigana waxaa ka xiga Ethiopia, koonfurtana waxaa ka xiga koonfurta Somaliya. Tirada
dadka Somalilad inkastoo aan indhawayd lagu samayn tiro koob waxaa lagu qiyaasaa inay udhaxayso 3,5 milyan oo qof. Baaxada dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 109,000 km2. Caasumadeeduna waa Hargeysa.

Taariikhdii hore ee Somaliland ( Prehistory):

Inkastoo taariikdu Somaliland aanay qorrayn wixii ka horeeyey qarnigii 14 naad dhamaadkiisii, ayaa waxaa hadana la rumaysan yahay inay Somaliland leedahay taariikh aad u fog, ay seh adagtahay in lagu helo tix raac dhab ah oo taariikh ah. Waxaan seh ognahay in taariikhdaas fog ee Somaliland ay soo jirtay qarniyo aad u fog fog oo lagu qiyaaso 3000 sanadood Ciise hortii. Somaliland waxay xidhiidh la lahayd ilbaxnimooyinkii hore jiray sida faraaciinta. Waxaana la rumaysan yahay in Faraaciinta asalkoodu ahaa Somalilanders oo ay ka tageen dhulka Somiland. Waxay kaloo xidhiidh qoto dheer lahaayeen xadaraadii hore ee bariga dhexe( yuhuudda) iyo ilbaxnimadii hore Romaniyiinta.

Somaliland waa dal leh taariikh iyo soo jireen aad u dheer. Waxaana jirta in magaca Somaliland uu baxay dhowr boqol oo sanadood horteed waxaana baxshay dawladii hore cusmaaniyiinta oo maamuli jirtay Somaliland qarnigii 16naad bilowgiisii markii Ahmed Guray la jebiyey ilaa kii dhamaadkii qarnigii 18naad. Taasoo dawladii Cusmaaniyiintu ay maamulkii ku wareejisay dawladii Masar oo hoos imaan jirtay maamulkii Cusmaaniyiinta ayna maamuli jirtay Somaliland ilaa dabayaaqadii qarnigii 19naad ee ay yimaadeen Gumaystayaashii reer Yurub.

Soo gelitaankii gumaysigii reer Yurub:

Sannadkii 1869kii ayaa waxaa la furay marinka kanaal Suways oo taasi ku dhiirigelisay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika qaybsaday 1884 shirkii Barlin. Reer Yurubna waxay u arkaan qaybsadii Europe inay ahayd mid looga jeeday inay dadka Afrikaanka ah gaadhsiiyaan xadaarada iyo cilmiga oo ay soo ilbixiyeen.

Nimankii gumaystayaasha ahaa ee qaaradeena loo dirayna waxaa loo arkaa inay ahaayeen tabliiqiyiin fidinaayey Cilmiga Sayniska, Xadaarada cusub iyo barista habka cusubee maamulka dawliga ah. Afrikaanku waxay seh arrintaas u arkaan in lagu soo duulay oo reer Europe doonayeen dal balaadhsi iyo inay soo gurtaan macdanta iyo barwaaqada Afrika.

Waxanaa jira dhibaatooyin iyo hagar daamo badanoo loo gaystay dadkii Afrikaanka ahaa ee bushka ku jiray, waxaa seh kaloo jira waxyaabo badan oo ay ka faa'ideen oo kamid tahay dhisme qaran iyo nidaam dawli ah, sharci iyo kala dan bayn. Waxay kaloo keeneen ilbaxnimo, dhaqamo cusub iyo barashada cilmiga sayniska.

Inkastoo Afrikaanka laftoodu aaminsan yihiin in ay iyagu aasaas u ahaayeen ilbaxnimada dunida, ahaydna meelihii ay ka bilaabmeen xadaaradihii ugu horreeyey ee adduunka ka bilwoday haygu sii horrayso xadaaradii Masaarida iyo abasiinaya eh.

Waxaana la aamisan yahay in Somaliland oo ahayd dal ku fiican dhinaca istiraajiyada oo isku xidhaayey bada cas iyo bad weynta India. Hadaba salaanka gumaystayaasha ee Somaliland waxaa uu kawsaday 1839kii markii Ingiriisku Cadan qabsaday.

Sannadkii 1827kii ayaa Kabtan Bermer oo ahaa badmareen ingiriis ahi yimid Somaliland oo uu xidhiidh la yeeshay odayaashii dhaqanka ee Somaliland. Lugtii ay lasoo galeen gumaystayaashu Somaliland waxay dhaafi kari waayeen xeebaha waxaana usuuroobi wayday inay horuu galaan waddanka. Hadaba u suurta galay Sir Richman Burton inuu gudaha galo oo tago miyiga, waxaana uu sanadii 1854kii lug kumaray Berbera ilaa Herar.

Ninkan oo dadka isaga dhigi jiray inuu yahay nin muslin ah yaqaana diinta iyo dhaqanka muslinka, waxaanu tagay Macca, waxaana loo yaqaanay shiikh Cabdalla mana ahayn nin muslin ah ee wuxuu ahaa nin sahamiye ah waxaana la rumaysan yahay inuu Ingiriiska sahan u ahaa.

Engiriisku wuxuu ku dhawaaqay in Somaliland ay mustacmarad utahay sanadkii 1886kii. Waxayseh Somaliland hoos iman jirtay maamulkii Ciidamada Engiriiska ee Cadmeed, ilaa iyo bilowgii dagaalkii labaad ee dunida. Waxaana Somaliland si toosa uhoos tagtay boqortooyadii Ingiriiska oo ay maamulaysay sanadihii 1930-1960kii. Markaas oo ahayd bur burkii daraawiisheed.

Dhowr iyo toban sano kadib markii Ingiriisku yimid Somaliland waxaa ku kacay ina Cabdalla Hassan oo bilaabay halgankiisii hubaysan sanadihii ugu danbeeyey qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo bilowgii qarnigii 20naad.

Xornimadii Somaliland iyo ku darsigii Koonfurta:

Dalkii la odhan jiray British Somaliland protectorate waxaana ay dawladii xornimadooda ka dawladii Ingiriiska ka qaateen 26 Juun 1960kii, sida aan la socono Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya(indepedent state) intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii. waxaana ay noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo
1960kii.

Dabadeedna waxaa ay siyaasiyiintii markaas joogtay ee uu horkacaayey xusbigii SNL ee uu hogaaminaayey isla hogaamiyaha Somaliland ee hadda jooga waa Pr. Mohamed Ibrahim Egal wax loogu yeedhay midow la sameeyeen dawladii ka dhalatay koonfurta Somaliya 01dii Luulyo 1960kii, iyagaan la tashan shacabka Somaliland.

Dawladda koonfurta ka dhalatay lafteedu lamay tashan dadkooda sida ku cad dastuurkii midowga labada dal ee yaal xarunta Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Waxaana kaaga sii daran inaanay labada dawladood ee midoobay wax heshiis ah kala saxeexaan. Waxaana jiray dhinaca koonfurta lafteeda dad badanoo kasoo horjeeday midowga labada dal oo uu hor kacaayey xusbigii siyaasiga ahaaye la odhan jiray SDM(ururkii Digil iyo marifle) oo taageerayaashu ahaayeen dad beeralaya kana baqaayey in qaba'ilkan kale ee xooladhaqatada ahaa ay is bahaystaan oo ay manorati noqdaan.

Waxaana igu maqaalo ah in waftidii Somaliland ee gaysay dawladnimada ay ogolaadeen sidan:-

1. In marka tirada Paarlamaanka Somaliland ay yeelato rubuc ama hal dalool marka afar meelood loo qaybsho.

2. In magaalo madaxdu noqoto Muqdisho
3. In madaxweynuhu noqdo reer Koonfureed
4. In Raysal wasuuruhu noqdo ciddii la doono
5. in Wasiirka gaashaan dhiga iyo ka ammuuraha dibadu noqdo reer koonfureed.
6. In lacagtu ay noqoto ay noto ta Somaliland oo ka adkayd liirihii Talyaaniga. Iwm.

Waxba kama jiraan isku darsigii labada dal:

Waxaana jirta in heshiiskaas aan kor kusoo sheegnay la kala saxeexan, waxaana markiiba soo baxay tuhun iyo kala kashi, markii kooxdii Somalilandee heshiiskan gaadhay lagu eedeeyey inay is dhiibeen ee aanu waxani ahayn heshiis laba dal oo hadda xornimadooda qaatay ay ku midoobi karaan oo markiiba uu bilaabay kacdoonkii dadweynuha.

Waxaana markii ugu horreesay ee cod loo qaaday midowga dal oo ahayd Luulyo 1961kii, ay dadka reer Somaliland cod majoorati ah ku diideen dastuur ku sheegii labada dal. Maxsuulkii doorashadaas oo aanay aqoonsan xukumadii marka joogtay ee Somaliya. waxaa ay keentay kacdoon dadweyne iyo mudaharaad balaadhan oo ka dhacay Somaliland. Waxaana muddo xidhnaa dugsiyada iyo xafiisyada kale ee dawladda.

Taasoo sababtay inqilaabkay dhigeen madaxda ciidamada Somaliland December 1961kii. Inqilaabkaas oo ay dadweynuhu ku kallifeen in madaxdii ciidamada ee waagaasi ay inqilaab sameeyaan si loola soo noqdo xornimadii luntay. Laakiin nasiib darro inqilaabkaasi waa uu fashilmay. Waxaana ay keentay in la xil xidho madaxdii ciidamada ee inqilaabka wadday laguna qaaday qodobka khiyaano qaran, iyadoo lagu eedaynaayo inay kala jarayeen labadii dalee midoobay.

Haddaba Maxkamad magaalada Muqdisho lagu saaray madaxdii inqilaabka wadday waa lasii daayey kadib markii ay ku doodeen in laba dal oo isku darsadayba aanay jirin, isku darsiga la sheegayaana aanu ahayn wax sharci ah. Waxaana halkaas lagu siidaayey madaxdii ciidamada ee danbigaas kala go'a labada dal loo haystay. Kadib markii dawladii wakhtigaasi ay caddayn kari wayday in labada dal ay si rasmiya u midoobeen. Isla markaasna ay Maxkamada sare Muqdisho xukuntay in isku darsigu aanu sharci ahayn.

Sidaas awgeed baa dadka badankiisu uqabaa in isku darsigaasi uu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn, Somaliland ay xoog ku haysatay koonfurta Somaliya muddo soddon sano ah. Wax midow ahoo labada dal dhex marayna aanu jirin, mar haddii wax caddayna aan lahayn. Waxaana jirta oo cad in labada gobol ayna waligoodba midoobin ee koonfurta Somaliya ay xaqdaro, dulmi iyo dhac ku maamulaysay Somailand ayna gumaysan jirtay muddo 30 sannadooda.

Waxaana jirta in qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland rajaynayeen inay midow ku sheegaas aan soo sheegnay ku gaadhi doonaan barwaaqo iyo horumar deg deg ah. Waxana jirta in riyadaasi markiiba beenayday,
loonana isticmaalay sidii maxaabiis dagaaloo la qabtay. Lagana buuxshay jeelasha. Taas oo ah arrin ayna u fadhiyin. Waxaana loo baxshay markiiba magaca khaldaan oo ah yasid ama waxgarasho la'aan oo ka dhigan kuwii aan waxba garanayn ee dawladoodii hanan kari waayey isna soo dhiibay.

Waxaana intaas usii dheer in midaw gaas aan lagala tashan labada shacbi midna. Siyaasiyiin labada gobol ka tirsan ay kaligood go'aan iska gaadheen. Waxaana markiiba la khimaayey oo xoog iyo xeelad lagu
muquunshay kuwii reer Somaliland.

Midow ku sheegaas aan soo sheeganay oo noqday malag laaya maatadii masaakiinta ahaa ee reer Somaliland waxaan ognahay wuxuu ku dan beeyey. Waxaana midowgaasi keenay qasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh, waxaana la rumaysan yahay in midawgaasi ahaa mawtii dilay boqolaal kunoo shacab ah, waxuu kaloo qaxshay malayaayiin masaakiina oo reer Maandeeq ah, waxaana ku baaba'ay maal ka badan milyards doolar ah.

Waxaana muuqata in shirka jabouti oo lagu doortay kuwii xasuuqaba gaystay ee ugu horreeyaan hormuudkana ka yihiin Morgen iyo Gaani. Taas oo shacbiga Somaliland u arkaan dhoola tus iyo ishabayn dagaal cusub. Markaas markaan arkay maxsuulkii midowgii hore, ma xashiishyo cabbaan ahay markaan hada Maandeeq mar labaad Muqdisho geeyo?.


Afar jeer ayaa cod loo qaaday gooni isutaaga Somaliland:

Dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in dadweynaha afti laga qaado( refrendum) lagu go'aaminaayo gooni isutaagga Somaliland. Waxaana jirta in afti dadka ah ugu yaraan 4 jeer ilaa 1961kii midow ku sheegii labadii dalee Somaliland iyo Somaliya loo qaaday, afartaas jeerna shacbiga Somaliland waxay kii ugu horreeyey ee sannadkii 1961kii ku diideen midowgii cod majooriti ah. 3dii kale ee la qabtay intay Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay laguna qabtay dalka Somaliland
gudihiisa.

Waxaana ay kala ahaayeen shir beeleedyadii ururkii SNM iyo dawladdii Somaliland ku qaban qaabiyeen siday ukala horreeyaan Burco, Boorame, iyo Hargeysa. Waxaana shacbiga Somaliland oo ay matalayaan madax dhaqameedyadoodu saddexda jeerba go'aansheen gooni isutaaga qaranimada Somaliland, iyadoo sidoo kalena saddexduba ahaayeen refrendum . Waxaana maxsuulkii refrendumku noqday in majooritiga Somaliland
ay taageeraan gooni isutaag qaranimada Somaliland.

Waxaana halkaas lagu diiday midow ku sheegii. Waxaa intaas kasoo horjeeda majirin muddadaas 40 sanadood refrundum laga qaaday Somaliland ama Somaliya oo taageeraya midnimo ku sheega labada dal.

Iyadoo caynkaas tahay oo midow ku sheegu yahay riyo iyo dhalanteed, oo aan lahayn wax sharciya loo cuskado ama loo raaco. In hadana madaxda siyaasadeed ee Somaliland ayna ka hadlin arrinta dhabta ahee jirta iyo
sida ugu yar ee aan aqoonsiga lagu heli karo oo ah in dunida loo sheegno in wax midow ahi aanu jirin ee ay arrintu ahayd in koofurta Somaliya ay gumaysan jirtay muddo 30 sanodooda Somaliland ayna 18 May 1991 lasoo noqotay xornimadoodii luntay.

Isla markaasna ay koonfurta Somaliya samaysay xusuuq iyo falal dhan ka ah aadamaha. Waxaana ururka African watch ku qiyaasay in 50 kun oo shacab Somaliland lagu casuuqay intii uu socday kacdoonkii dadweyne ee
dhamaadkii sideetanadkii. Waxaana African watch ku qiyaastay in sanadii 1988 kii oo qudha ay dhinteen in ka badan konton kun oo shacbi ahi.

Waxaase la rumaysan yahay in boqolaal kunoo shacabka Somaliland ay habkaas midow ku sheega naf ku waayeen.

Waxaana jirta ilaa wakhtigii Somaliland lasoo noqotay xornimadeeda oo ah muddo ku dhaw 10 sanadood, in Somaliland ay gaadhay horumar iyo deganaansho la taaban karo. Waxaana ay Somaliland kamid tahay waddamada ugu dimoqraadisan geeska Afrika. Waxayna kamid tahay wadamada ugu xasiloonida badan qaaradda Afrika mana jirto wax baahiya oo ay u qabto inay la midowdo koonfurta Somaliya.

Waxaana haboon in dadka Somaliyeed ay aqoonsadaan Somaliland si ay u noqdaan laba dal oo walaalo ah oo derisa. Waxaana labada dhinacba dani ugu jirtaa heshiis iyo is aqoonsi. Waxaana dhab ah inaan xal lagu
gaadhayn is dhaleecayn iyo is dafiraad oo aanay soconayn riyadii horee ahayd ee Somali wayn. Dadka Somaliland iyo Somaliyana ay danahooda gartaan una soo noqdaan xaqiiqda dhabta ah ee jirta oo ah inay noqdaan laba daloo darisa oo walaalo ah isna taageera.

Refrence:
1. The case for the independent statehood of Somaliland , Anthony J. Carroll/ B. Rajagopal. Copyright 1993, American University Journal of International Law & Politics, Vol. 8:653, 1993. Reprinted by permission, Somaliland forums web site.

2. Somaliland and Somalia: The Unlawful Merger Of Two States, Abdi Hassan, Holland( Somalilander website)

3. 1. The Development of the constitution of the Somali Republic, by Dr. Haji N.A. Noor Muhammad M.A: (Madras), LL.k (Yale): J.S.D. ( Yale 4. Somaliland-1991, report and reference by John Dryasdale, Global-states ltd, suite 10, 98 Goldstone villas, Hove BN3 3RU UK
5. Somaliland state 40 years anniversary, by Abdi Hassan, Holland (Somalilandnet website)

6. SNM Executive Committee Memorandum, Somaliland: On The Restoration of Its Sovereignty And Independence, Hassan Essa Jama ,SNM Acting Chairman, Somaliland forums website

7.waxba kamajiraan Midnimaddii lidankii
Abdi Abdillahi Hassan, Holland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aboole

Monday, March 26, 2001 - 06:34 am
To Diinqale


waxaa aad tahay in aad u fiki wanaagsan balse soo koob qoraalkaga .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 12:27 pm
Diinqale taariikh yaqaan baad tahay,dawladaa deriskiina ah si fiican baad taariikhdeeda uhaysaa,bal tiinana noo yara sheeg,kaftankaa gaaban dabadii runtii adiga ciyaar bay kaa tahay oo walaahaya laakiin qodobada aad qortay ee 6da ahi walaahay oo bilaahay oo tolaahay axad yaqaanaa loogu dhaartaaye waatay koonfurtu rabto inay naga daadejiso anana waxaanu ka xignaa intuu awr malaa awr garan mayside RATI uu irbad daloolkeed ka gelaayo,riyada kakac wiil koonfureedaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DiinleQale

Thursday, April 05, 2001 - 11:25 am
Gacale

marka hore la ma aad bixin naanays aan kuugu yeedho marka xiga waxaad ii soo sheeg su'aasha aad ka qabto taariikhda dalkayga ?

waan aqaan awarta iyo geelba oo waxaan ahay geel jire reer howd ah .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed

Saturday, April 07, 2001 - 12:46 pm
brothers we are 1 religion,1 language, 1 culture,
what is missing from us. Why can't somaliland be united with somalia.I understand somaliland has been oppressed by siad barre for his personal believes.I believe that 100% of somalis do not share this with him.Only our enemies benifit from our division remember we need to get ogaden from
ethopia. Ethopia does not want somalis united because it wants to keeps ogaden to itself you see. Why the hatred brothers, eventually we have to join the muslim ummah brothers. Any ways think about it ethopia has 70 different languages , 70 different people and god know how many tribes within these 70 groups of people and 2 major religions. WAKE up somalia if ethopia could be stable like this what is wrong with us please anyone email me. The illusion of somaliland and borders have been given by our enemy the british. You know this brother, if fact they want to divide us apart. You know what Churchill british prime minister said to the western nation "United we stand divided we fall" Think about it long live
united greater somalia!!!!!!!!!!!Allahu akbar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, April 12, 2001 - 12:54 pm
War aniga one religan iyo buhaa buhaa iyo qiiq ha isgu kay soo qarin ee waxaad dood hayso goobta lakaalay,diintiinu waa siyaasasd maaha mid daacada anigaygan kula hadlaya qabiilka aan ahy dartii ayay niman reer koonfuri masaajidkii Eebe iagaga tuureen kadib markay iga waayeen arimo la xidhiidha siyaasad oo ahayd in dadka qaybtooduun laga hadlo waaana iaga walaahay oo bilaahay reer koonfur diintoodu daacad maaah RUN AYNU ISU SHEEGNO,ta kale yaa yidhi dadka wixii isku diini way isku khasban yihiin,NEVER nolol hela dhulka intiina maamula anana intayada hadaad diidaan miyaa waa usgaynaa waxaad qaaadi kartaan,ha iska indho tirina xaqiiqda.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.