site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAWAADLE XOOLAHA QARANKA MA LAGU AAMINI KARAA? MISE BANKIGU SIDII BOOSTADII CABDULAAHI COSOBLE MA RABNAA INUU NOQDO?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics (Current): XAWAADLE XOOLAHA QARANKA MA LAGU AAMINI KARAA? MISE BANKIGU SIDII BOOSTADII CABDULAAHI COSOBLE MA RABNAA INUU NOQDO?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JEELE

Monday, March 12, 2001 - 05:31 am
XAWAADLAHA KA XANAAQAY JAGADDA LOO MAGACAABI WAAYA CAMALOOW EE LOO MAGACAABAY CULUSOOW WAA ARIN LAGU QOSLO.
BANGIGA WAA HAYAD QARAN WAXAANA LOO MAGACAABI KARAA SHAQSI KASTA, MANA AHA IN LA YIRAAHDO WAA IN NINKEENA MEESHAAS LOO MAGACAABO IYO HADII KALE WAAN KA SOO HORJEEDNAA DAWLADDA.
CAMALOOW IYO CULUSOOW WAA LABA NIN OO LEH WAAYARAGNIMO XAGGA DHAQAALAHA IYO MAALIYADA AH , LABADANA WAA FINANCIAL EXPERTS AND TECHNOCRATS U QALMA JAGADDA IN KASTOO DADKA QAARKIIS TUHUNSAN YIHIIN IN CAMALOOW KA SOO BIXI KARO JAGADAAS MADAAMA LAGAGA AQOON IYO WAAYO ARAGNIMO BADAN YAHAY BALSE TAAS MAAHA ARRINTA MEESHA TAALA.
ANIGA WAXAAN QABAA IN SOOMALI KA BAXDO WAA IN NINKEENA MEESHA QABTAA HADII KALE MA JIRTO.
SIDAA QARAN LAGUMA DHISI KARO.
MIDDA KALE DADKA DHAHAYA CULUSOOW WAXEEY ISKU REER YIHIIN CABDIQAASIM, BAL AAN IS WEEYDIINEE MEEQA QOF AYAA DAWLADA UGA JIRTA CIDDA UU KA DHASHAY NINKAAS MADAXWEEYNAHA LOO DOORTAY? IYO DHAMAAN BEESHA HABAR GIDIR?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beer-Gadiid

Monday, March 12, 2001 - 09:26 am
Waraa waa nimanka habargidir anaka haneeyskugu kaaya darina Madaxweeyne baan doonahayaa iyo jago qoyan baan rabaa.

habargidir waxeey daarood ula dirirtey waa madaxweeyne jaceel, oo waxeey hawiye ula dirirtey waa madaxweeyne haley dhaho.
Marka hadaan ku siiney oon kaaga herney madaxweynenimo ma hadana ilaha dhaqaalaha haleeygu daraad leedihiin waa maya.

Mida kale Xawaadle malaha jagada Bangiga dhexe ee waa mid uu muteeystey anoo tusaale kuu soo qaadanaa:
Maalintii uu ku dhawaaqey inuu Ali qaliif Galeydh yahay Ra'iisul wasaaraha ayuu Ali Amaloow u yeertey asoo yiri waxaad tahay Gud. Bangiga dhexe taasoon lagu dhawaqin balse aheeyd balan qaad uu C/qazim la galey Xawadle.
Marka Hawiyeha kale lagu dhoobdhoobayey jagooyinka faraha badan een Xawaadle wax laga siin een hadana aan weli taageereyney dowladiina waxeey aheeyd anagoo ku taagneeyn balanqaadkii aan la galney Abdiqazim.
Oke hadaba maxaa dhacey cid kastoo Xamar joogtey ayaa ogaa markii la arkey ayadoo Habargidir isku baakooreeynaayeen guriga madaxweynaha hortiisa taasoo aheeyd jagadaan.

Balse ogoow Xawaadle waa uu ka weeyn yahay jago lagu murmoo anaga hadaan nahay Xawaadle guud ahaan go'aankeena wuu cad yahay koleeyaan dowlad habargidir waxqabad laga sugeeyn waxaan goosanay inaan mucaaradno anagoo 100% isku af iyo adin ah.
Abdiqazimna wuu ogyahay meesha kaliya oo dowladiisa eey ka kufi karto in Hiiraan eey tahay waa meeshii dowladii Siad barre ka kuftey tiisana meel iiga gunid weey ka kufee oo mug horaan u faaliney.
Ethopiana maalin dhaweeyd jananka xukumo ciidanka Godeey waxuu yimid Feer-Feer asoo kula kulmey Faarah Gubadleey kaasoo ka biyo diidey inuu jilaafeeyo dowladaan balse hadeer waanu jilaafeeynaynaa anagoo Saraakiishaas Ethopianka dib u martiqaadi doono haba olosho dowladaan bal cidii eey u darantahay hala arkee.

si dhaqsi ahna waa loo joojin lacagahan deeqaha ah ee ku soo qulqulayo jeebabkiina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahamoow

Monday, March 12, 2001 - 09:34 am
Abdiqazim showed to everybody that he is a shortminded, corrupted and selfish, look at his latest actions, by nominating Dr Culusoow,his Cousin, as the director of Central Bank of Somalia.

Even Late Siad Barre Avoided to give such very important position to his Marehan clan, instead it was given to Hawiye Particulary Hawaadle Dr Ali Amaloow who has long expriences and well respected in this field.

Now we understand the idea behind this cynical nominition which is to steal and to loot whatever available aidmoney, and to put millions of dollars to international banks.

so we have to contact all international organizations such as world bank, imf, Arableage, etc, not to issue any finencial assistance to the socalled Carta Group who joined venture Mafia.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GUUDLE

Monday, March 12, 2001 - 10:42 am
GAW WAAR BAL EEGA CAWAANTII HAWIYE HALKAY MAREEN
WAXAABA YAAB IYO FAJAC NOQOTAY AQLI XUMADA HAWIYE
OO SI'AAN LAFILAYN AFWEYNE IYO AYDII DOOROODBA
WAARYAADHA HEE MIYAYDAAN XISHOONAYN
DEE AWALBA AQLI MAYDAAN LAHAYNE MIYAYDAAN OGAYN
IN SOOMAALIDU GAAR AHAAN INTIINAN WANLAWEYTA AH
AAD JAGADA QAYBSATAAN OOYDAAN WAXABA HAWIYE KADHIGIN
WWAR YAANU ADUUNKU IDINLA YAABINA WAX ISKU FALA
OO DHAN'UUN USOCDA OO WAX'UUNDEE KUHESHIIYA
DEE HADII KALE NOO IMAADA OO WAXABA WOQOOYIGA KEENA WAXUUNBAANU IDIN BARI LAYN SIDA WAX LOO XUKUMEE ...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISAAQ

Monday, March 12, 2001 - 12:12 pm
war soomaliyeey habar gidir iyagoo ugu badan uguna ragnimo iyo geesinimo badan ayay dawlada ka heleen hal wasiir oo qura siiba cidda ceyr oo lagu tiriyo ineey yihiin dadka ugu xooga iyo dhaqaalaha badan. marka jago bangi oo loo magacaabay ninkaas culusoow la yiraahod oo runtii ah nin wax badan ka soo shaqeeyay maaliyadda una heysta ilaa aqoon gaarsiisan PHD iyo khibradeeda leh hadii uu noqday gudoomiyaha bangiga maxaa ku jaban.
warar lagu kalsoon yahay ayaaba sheegaya in ninkaas lagu waday inuu ahaado ama noqdo madaxweynaha wadanka ................

midda kale qabiil qaran ma lagu dhisi karo, qof kastoo la magacaabana ha la fiiriyo aqoontiisa, dadnimadiisa, shaqsiyadiisa,waaya aragnimadiisa iyo weliba siduu u doonayo inuu wadankiisa wax ugu qabto.
Aniga oon aheeyn hawiye iyo daarood midna waxaan aaminsanahay in xilkaas ninkaas culusoow la yiraa u mudan yahay aqoontiisa iyo khibradiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Tuesday, March 13, 2001 - 05:53 am
aan aragno abdiqasim meeshuu geeyo dowladan.
waayo waxaan aragnaa mucaaradkiisu in uu sii badanayo.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.