site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILATALIYA SEEN MASKAXDEYDA IGA TIRTIRAA QABIIL

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics (Current): ILATALIYA SEEN MASKAXDEYDA IGA TIRTIRAA QABIIL
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 15, 2001 - 08:23 am
WALAALAYAAL ILATALIYA 15sano ayaan ku dhaqmayey qabiil wax faaiido ah oo uu i gaarsiiyeyna xaqiiqdii ma'arkin dambi mooyee, mida kale markii lacaayo qolada aan kadhashey xataa anagoo aynaan waxbo isku aheen waxay igu noqotaa cuqdad oo waxaan uqaataa shaqsi ahaan maxaa ugu wacan arintaas ii sheeg waxa kalifaya qabiilkeyga aan marwalba ugu maleeyaa iney yihiin dad aan wax isku nahay, miyey jirtaa qabiilkeeyga oo dhan inaan wax isku nahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 15, 2001 - 10:20 am
HABAR GIDIR NOQO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashaa

Thursday, March 15, 2001 - 11:59 am
walaal heedhe waabad khasaartay hadii aad
15 sano qabiil u qaylinaysay
daawadaadu waa toobad keen
iyo inaad ogaatid inuu kaa danbeeyo oo kusugayo
qabri madow oo ciriiriya hadii lagugu dhex cadaabana aan qabiil kuu soo gurmanayn
iskadaa qabriye aduunka ayaa hadii aad u baahato
aysan kuu ar xamayn ilaa inaad ma gacooda u dhimato mooye ilaahaa ka baq una toobad keen
buugana waxaad bari shalaayasid haysaga buuxin.....nabadeey,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Governo

Thursday, March 15, 2001 - 05:48 pm
adoon ayaad waxaad u noqotay qabyaalad ,Ilaahay qabiilka waxuu inoogu sheegay quraanka in aan isku aqoonsano , ee mahan in aad ku dhibaatayso walaalka muslim ah oo Somaliyeed , Ilaahay ayaa cafis ku siinkara ee camalkaaga ilaali.
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamad

Saturday, March 17, 2001 - 11:16 am
TO:Anonymous saaxiib ogoy ale inuu kuu jeedo marwalbo laguna xisaabinayo waxaa familkaaga ah awoowgaa iyo ayeeydaa iyo waxay dhaleen ee ogow qabiilkada waxbo kaama celinayaan aaqiro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.Muse

Saturday, March 17, 2001 - 01:38 pm
inta isku dayday in ay u jawaabto ama qancisu qofka suaasha qabay waa marin habaabeen oo wax aan la waydiin iyo arimo kale ayay jeebka kala soo bexeen. waayo qofku idinma waydiin masalo diini ah ama in uu gafay xag ALLE iyo siduu ka yeeli lahaa.

waxuu idin waydiiyey suaal ah <miyey jirtaa in aan qabiilkayga oo dhan wax isu nahay?>


ANONYMOUS<kan boga furay> waxaan kuu sheegi lahaa in aadan ka shalaayin jiritaan ka qabiilka balse aad ka shalayso habka aad u adeegsatay iyo ujeedada aad u adeegsatay. waayo qabiilku waa wax jira mana la in kiri karo dhibaatadaan somalida haysata na waxaa keenay qabiilka oo la inkiray. diin ahaaan qabiilku ceeb malaha. haddaan kor ka soo bilawno sida in aa nahay banii aadam waa isu dan qanaa markuu libaax cuno qof aadami ah oo aan qabiilkaada ahayn. taa hadana waxaa ka sokeeya waxaan u danqanaa kuwi nala diin ah markaan maqalno dhibkooda, hadana waxaan u dan qanaa ama aan u riyaaqnaa markay badiso kooxda kubbada cagta ee kamiruun oo qaarad ahaan ayaan ugu dan qanaa, hadana qof aadan garanayn oo qabiilkaada ah ayaa u dan qataa markaad dhibkiisa maqasho ama aad taageertaa markaad wax qabadkiisa maqashid.

sidaa darteed wax kugu keli ah ma aha dareenkaas aan u dareensan tahay qofkii qabiilkaada ahba inaad wax isu tahiin ee waaa mid aad kala siman tahay noolaha aadamiga.


Nebi Muhanned mooyee intata kale waxaa loo soo qabiilkooda ama beeshooda. balse habka ay u dhaqmaayeen oo ah in ay waxa toosan faraan oo ay ku adaygaan ilaa ay ku guulaystaan iyo habkaada ayaa kala duwan. qabiilku waa hab ka mid ah hababka kala duwan ee bulshadu isku kaashato, waana kan ugu duqsan hababka. hadaba sxb qabiil ha ka shalaayin ee ka shalaa habka qaldan ee aad raacday.

ANIGU waxaan ahay ninka kaliya ee ku dooda in habka qabiilku uusan qalad iyo ceeb lahayn. Meel kasta iyo doodkasto waxaan la taaganahay in qabiilku uusan xumay ee sida loo adeegsaday ama loo adeegsanayo ay XUNTAHAY.

Fiiri sida uu qabiil xoog u yahay oo uu u burburinkaro beel, bulsho, dudo, gaas, reer, ummad ama qaran, sida SOMALIA.
Hadaba waxaan qabaa in xoogaa loo adeegsan karo dhismaha reer, gaas, qoys, qabiil ,beel bulsho, ummad ama qaran.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.