site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DHALLINTA ARAGTIDA FIYOOW IYO DHACDOOYINKA-LASOCO?!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : DHALLINTA ARAGTIDA FIYOOW IYO DHACDOOYINKA-LASOCO?!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Analyst

Sunday, March 18, 2001 - 12:44 pm
Page-kaan waxaa wax kusoo qori kara dadka ku fakara in Soomaali wax noqoto, hormarto, nabad hesho,jahliga ka baxdo,warshado yeelato,siyaasad furfuran iyo ila dhaqaale oo xora yeelato,diinteeda, dadnimadeed iyo dakeedaba xagsato,aay safka hore uga gasho si dhoqso badan adduunka xag tignoolijiyadeed iyo xag dhaqaalaba!.

Waxaad kusoo qori kartaa waxkasta oo aad isleedahay way ka qayb qaadan karaan hirgalinta waxyaalahaas aan horay ku soo sheegnay, adoo barbar dhigaya wax kasta oo ka hor imaan kara horu marka iyo dhisidda umaddeena,

Ogoow, markaad wax diidaysid ama kadigaysid cidna wax ha u dhimin cidna sigaar ah magaceeda ha ugu duulin balse waxaad tilmaan guud ka bixisaa waxyaalaha aad isleedahay way hortaagan yihiin wax ka qabadka rajada wanaagsan ee dad badan oo Soomaaliyeed qabaan,

Waxaad kaloo raacin kartaa siday kula tahay in lagu dawayn karo.
Waxaa karreebban Boggaan in qolo,urur,ama shakhsi gooniya sigaar ah loogu weeraro.

Marka taargetkeenu waa wax dhis iyi wax islabaarid ee maaha inaan furru dood wabiil iyo cay.
Waxaad ka hadli kartaa waxyaalo badan oo aad isleedahay waan kaga fiicannahay waddanka aad joogto,waxaad kaloo kaga hadli kartaa waxyaalo badan oo aad ku aragtay waddamada aad joogtid ama tagtay,oo aad isleedahay waa faa iido naga dhiman lana samayn kari lahaa haddii nidaam iyo nabad lahelo.

waxaad kadigi kartaa dhib aad u aragtid inuu Soomaalida soo food saarayo mustqbalka dhaw ama fogba, waxaad noo soo gudbin kartaa waxyaalaha xiisaha leh ee aad dhawaanahan la kulantay oo aad isleedahay faa iidaa ku jirta xusidooda.

Waxaan ugu talo galay dhallinta maskaxdoodu caafimaadka qabto,oo wax dhisku kujiro halkay wax ka burburin lahaayeen, waayo waxaa jira dad kadaalay qabiilka page-kaad furtidba kaaga soobaxaya, oo ayagu jecel meel ay ku falanqeeyaan dareenkooda caafimaadka qaba.

Fadlan hadaadan ehel u ahayn inaad figrad caafimaad qabta oo wax dhisaysa ka gaysato,akhri oo isaga tag waxaa kugu filan Bogaga kale ee qabiilku naafeeyaye.

Anigu waxaan joogaa USA Gaar ahaan Minnesta gaar ahaan Minneapolis,Ilaa hadda waxaan ogaaday in wadamada aan soo maray sida Ethiopia,Kenya iyo USA
ay ka fiicantahay Soomaaliya, waxa kaliya oo ay kaga fiican yihiina ay tahay Nidaamka iyo dhismaha taasoo ah wax lagu samayn karo sanooyin yar inaan heerka USA kaga fiicnaano,waayo Cimilo. Deegaan, saxo,iyo khayraadba waxaa badan dalkeenna hooyo haddaan dhisnana waxaan kaga fiicnaan karraa USA muddo gaaban,Diinna waan leenahay nahagta.

Marka Su,aashu waxay tahay Soomaaliyeey(Shanta Gobolba) waddankeenii madhisannaa oo oo USA muddo gaaban ma uga hormarraa? sidaan horayba iniiku sheegayba waxaan lahadlayaa Maskax caafimaad qabta. waa qoraal dheer madanse, ee yaa u diyaar ah in Gacan,af iyo fikirba wax looga badalo mugdiga ilmaheena soo food saaray?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Governo

Sunday, March 18, 2001 - 04:58 pm
waad ku mahadsan tahay arintan aad bilawday dhul wanaagsan iyo Diin fiican ayuu Ilaahay noogu deeqay waddamo badan oo muslim iyo kuwa gaalo ah waan ku nooladay waxna ka bartay , haddii aan Somaali nahay waxaan sharaf iyo wanaagba ku leenahay waddankeeni Somaliya ...mid waqtigan xaaladda uu ku sugan yahay dhulkeeni hooyo waxaa aad u muhiin ila ah in aan midan iraahdo ..in ummaddii Somaliyeed horta lagu dadaalo sidii loo heshiisiin lahaa oo la magacaabo guddi ka baxsan qolooyinkan siyaasadda oo gobol walba laga soo xulay dad wax garad ah oo ay si caafimaad qabta u doodaan kadibna Ummadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan qoraalkoodda la gaarsiiyo in Somali ay dad wadda dhashay oo aan kala maarmin qabiiladana ay yihiin hal qoys oo farcamay Diin iyo dhaqana wadaaga ay yihiin...laysna cafiyo shaqsiyaddii iyagu dambi dheerad galay hadhow lala xisaabtamo..
taas waa intaa raali noqda ..waa jirtaa in aan Somaliya ka dhigi karno meel lagu nasto nolol wanaagsana lagu noolaan karo waayo-wabiyadda , xeebaha iyo beero ahaanba ku fiican dad badan oo Somaliyeedna ay diyaar yihiin laakin ay waleeco kaga jirto xaaladda waddanku ku sugan yahay .. waxaan aniga ila haboon qof walba oo Somaali ah in uu dhisto meesha uu degaan ahaan jecel yahay oo aanan mar danbe dhaqaale la wadda galin hal magaalo,,,waana dhici kartaa muddo aad u gaaban in waddanka la hor marin karo iyadoo shacabka loo ogolaado baayacmushtar madax banaan oo aan dowladdu ku canaadin waxii aan koontaro baan ahayn marka waa in heshiisku bilawdaa ayna hogaaminayaan Odayaal wax garad ah iyo culumaddiin iyagoo qolooyinka siyaasada aan wax shaqo ah ku lahayn oo masilaya shacabka Somaaliyeed kanna wadda yimid Gobol kasta oo Somaaliya ...taasna aay keenayso in dadwaynaha Somaliyeed is raaligalin iyo cafis uu u bilowdo.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Analyst

Monday, March 19, 2001 - 08:55 am
Waan ku salaamay,Mr Governo, iyo inta kaloo wanaagga jecelba, waxaan kugu mahadinayaa,sidaad fikradaada u muujijasay adigoo aan cidna si gaar ah wax ugu yeelin, waxaana jeclahay inta kalana inay sidaas iyo si kafiican wax noola garandoonaan.

walaalayaal, waxaa inagu dhacay,Musiibo waana khayr haddii laheli karo,dad ku fakaraya in sidaan gabi ahaanba laga fiican yahay.Runtii wax lama filaan ah hadday dhacaan oo kadis ah qofba sibuu u wajahaa wax ka qabadkeeda.Tusaale,Haddii gariga aayadoo lahurdo dab xolcaya lagu tooso, qofba tallaabo deg deg ahbuu qaadi karaa,mid waxuu samayn karaa,inuu cararo, midkale waxuu samayn karaa,inuu dabka ul ladhaco taasoo keeni karta in dabkii sii fan faniino oo meelo kale gaaro, mid kale waxuu samayn karaa inuu ilmaha iyo waxyaalaha muhiimka ah la baxsado,midkaloo salalsan baa waxuu helhaleel usoo dafi karaa jirigaan gaas kabuuxo asagoo biyo u qaba waxuuna ku rushayn karaa dadbkii awalba xolcayey(Nin ambaday halkuu aaday waa ula ekoonayde) midbaase Alle towfiiqda waafajin karaa oo si fudud biyo ugu daminkara dabka isla markiiba,kaasaana anagu raadinaynaa,Insha Allaah.

Waxaan kawadaa ninba sibay ula muuqataa in wax looqabto,Tusaale ahaan,nin waxay ula muuqataa siduu noo sheegay walaalkeen Governo, mid kale waxay ula muuqan kartaa in dadka baraarujin iyo wax barid lala dhexsocdo ilaa xalku ka imaanayo,mid kale waxay ula muuqataa in dhibka looga bixi karo ayadoo Diinta si dhab ah looqaato,
midbay waxa ula muuqataa inay dadku qiimaha waddankooda fahmi karin ilaa ay arlada Alle maraan oo ay indhahooda ku arkaan balsiday yihiin dadyoowga iyo dalalka kale, ayna saas ku dareemi karaan qiimaha sharafta dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.intaasoo dhan iyo in kalaba waa macquul ismana diidayaan, waxaase muhuum ah in la isla falanqeeyo lana dhagaysto qofkasta figraddiisa iyo waaya aragnimadiisa si loogala soo baxo miro dhaxal gal ah oo la isku hallayn karo.
Haddaan ini siiyo tusaale,shirkadaha Maraykanka oo aan u shaqayno,bilkasta ama xilli kasta waxay ka ururiyaan aragtida shaqaalahooda,ayagoo waydiinaya balsida lagu hormarin karo Companiga, Xataa adoo shalay xero qoxooti lagaa soo qaaday waxaa lagu way diinayaa bal sida lagu hormarinkaro Combaigaan 200 oo sano dhisnaa! waxay ogyihiin in cilmiga ka maqan uu cid kale uga maqan yahay( Al cilmu beena talaamiid) wayna say ku hor mareen runtii,waxaa shaki la'ah inay ka dhex haleyaan shaqaalahaas badan fikradday rabeen.marka (war aan wada hadalo waa an heshiino)

ee aan adeegsano siyaalaha iyo qaababka lagu hormaray ee la jitaabiyay horteen, iskana ilaalino waxyaalihii iskana ilaalino siyaabihii lagu guul darraystay horteen.

Tilaabada ugu harraysa ee aan qaadnaana ha noqoto bal inaan qofkasta dareen kiisa iyo waaya aragnimadiisa ka dhagaysano.

Ismaqal wacan Insha'Allaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cibaado

Thursday, March 22, 2001 - 02:06 pm
Walaal waad ku mahadsantahay bage kaan aad noo furtey iyo ficradan fiican aad dadka hor keentey horta waa midoo somaali way wada ogtahey waxa dhulkeenii dhibaato ka dhacey mid dibada inooga timidna maaha ee waa midaan inagu isu geysaney, qasaare yarini ma dhicin haseyeesheeyee waxa aniga ila tahey waxan inagu dhecey inuu ahaa wax ilaahey qorey, marka qofwalba oo soomaaliyeey taa rumeysto ayuunbaan xal u heleeynaa dhibaatadaan,aduunkoo dhan dhibaato wayka dhecdaa noocwalba leh middagaal iyo mid dabeecadu keentaba waad aragta oo mareykanka duufaanaa ka dheca wabiyaa ku fadaha, dhulkaaba gubta oo keymaha iyoodoon cidina u imaan dabka holcaa oo meelaha dadku degenyahey waxyeelo u geeysta waxey ka qaban karaana ma jirto ee dib uun beyudhistaan wixii xoolo ka lumey, markaa walaal marka dhibaatadaan inuu Ilaahey keeney dadkana soboblooga soo dhigey la rumeeysto xalweeynu heli wadankiina weynu dhisan,mida kale waxey aniga ila tahey soomaaliyoo dhani waa 7,000,000. hadeeynaan ka yareen mana wadanoqonkaro madax waain leysu kalsoonaadaa oo ninqudha oo shaqadaa qabankara oo soomaali oo dhani soo dooratey loo dhaafaa.mida kale waa inuu gobolwalba iskii isu maamulaa,waa inshaqooyinka sare ee dowlada nin u qalma oo waxan uu ku shaqeeynayo bartey ama shahaadad u sida oo laga wada raali yahey loo dhiibaa waainu qofwalib jagadaa loo dhiibey uun ku ekaadaa oo aanu faragelin meelkale oo qofkale loo magacaabey,waa inaan sharciyo adag sameeysanaa dhicana laaloosh qaadashada iyo dhinac walba waainaan qof dambi gelyo layska xidhin ilaa la buuruuf gareey oo dambigaa lagu cadeeyo.waninaan gacmaha isqabsano oon wadankii si wada jira u dhisanaa wa inaan qurbahan dhibta badan ka noqonaa oo intaan dhiseyno dhul aaynaan leheen dhulkeenii quruxda badnaa aan dhisano, dhulkii loogu heesey. dushaadu waa barwaaqee dalkeeygoo dabeeshaadu wey udgoontee dalkeygoo.dalxiiskaagamaan imaaniney dalkeygow meel aan kugu doorsanaayaa miyey dunidaba kutaalaa dalkeeygoow,,walee ninwalba oo diba yimid uu ogyahey imika inaaney waxdhaamaa jirin dhulkeenii,,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.