site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Halyeygii soomaaleyeed {AXMED GUREY} qabiilkeebuu ahaa, mareexaan maqalnay ee yaa kale maxaadse ka haysaa taariikhdiisii maxaad ka haysaa taariidiisii.aa

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics (Current): Halyeygii soomaaleyeed {AXMED GUREY} qabiilkeebuu ahaa, mareexaan maqalnay ee yaa kale maxaadse ka haysaa taariikhdiisii maxaad ka haysaa taariidiisii.aa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bulsho

Monday, March 19, 2001 - 07:54 am
fadlan cid allaala iyo ciddii is bidaysa inay wax
ka hayaan taariikhdii axmed gurey ayaa halkaan looga baahan yahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 19, 2001 - 09:08 am
___ anigu waxaan maqlay inuu AHMAD GUREEY u dhashey beesha MURU-SADE AMA KARANLE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AA

Monday, March 19, 2001 - 10:09 am
AHMED GUREY WUXUU AHAA BARTIRE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jorogo

Tuesday, March 20, 2001 - 08:02 am
ahmed gurey wuxuu ahaaa mareexaan wuxuuna kasii ahaa qabiilka la yiraahdo ina nuur oo ah laf ka mid ah mareexaanka kuwaasoo badankoodu daga gudaha itoobiya taasna waxaamarqaati ka ahtaariikhdiisa ood ka heli karto leebreriyada qaasatan gudaha itoobiya siduu halkaas kutagayna wwaalaguusheegidoonaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fara-cadde

Tuesday, March 27, 2001 - 02:54 am
Asalaamu caleykum

Walaalayaal salaan keddib aqoon is weydaarsigu ma xuma beentuse wey reebbantahay,
Anigu waxaan ku hadlayaa hubaal iyo xaqiiq jirto,

Axmed Gurey wuxuu ku dhashay miyiga Harar wuxuuna u dhashay qabiilka meeshaas dega ee la yiraahdo Seexowle Karanle,
Dad badan ayaan arkay uu faracoodu kasoo jeedo Imaam Ibraahim Axmed Gurey,

Aslaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Food-cadde

Tuesday, March 27, 2001 - 08:24 am
Beenta dhaafa. Imam Axmed gurey wuxuu ahaa nin reer Awdal ah oo gadabursi ah. Hawiye iyo mareexaan maxaa keenay Awdal. Axmed gurey hadii uu soomaali yahay qabiilka kaliya ee uu noqon karo waa gadabursi madaama ay Awdal samaroon dagto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wabxo

Wednesday, April 04, 2001 - 01:31 am
Axmed gurey wuxuu ahaa Karanle taasina muran kama taagna oo jilibkii uu ka dhashay iyo tafiirtii uu ka tegay ayaanu naqaannaa, Ninkii dood qabaana hatago nawaaxiga Harar iyo deegaanka Seexowle karanle oo ah Tol-weynihii uu Imaamku ka dhashay,

Faracadde

SX waxaad tahay Taariikh-yaqaan sababtoo ah anigaa dhulkaa tegay soona arkay meeshii ay gaalada ku dhaawaceen Imaamka iyo qabrigii walaalkiis iyo wiilkiisii, walow ay dadka taariikhda qarinayo ay ku sheegaan inuusan wax caruur ah ka tegin,
walaal wixii run ah aad heyso soo sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muuse tuur

Wednesday, April 04, 2001 - 11:30 pm
TO: Bulsho

sheekadii Siyaad Bare ayaad la'imaatey

war Ahmad Gurey waala wada Ogyahay inuu yahay KARANLE ee sidaa ogow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhulos

Thursday, April 05, 2001 - 03:05 am
Ahmed Gurey wuxuu ahaa Geri Koombe.
Nin nasab ah ayuu ah.

Mareexaan iyo Hawiye midna ma ahayn.Nin Daarood ah oo nasab ah ayuu ahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TaaRiikhyaqaaN

Friday, April 06, 2001 - 09:56 am
Walaalayaal aan adin kala saaree axmed guray karinle ma ahayn mana ahayn mareexaan gudabursigana warkiisa daa waayo axmed guray marka hore waxaan idiin sheegayaa in dhamaan qowmiyadaha dega geeska africa waa ay wada sheegaan oo oromaha waa ay sheegtaan harariyiintuna waa ay sheegtaa laakiin sida dhabta ah axmed guray wuxuu ahaa qolo layiraahdo mareexaan gorgaati oo kamid ah todobada gorgaati hawiye waxaana la oran jiray imaam axmed garaad ee guray waxaa keenay siyaad bare mida kale ugaas xiligiisii nooolaa oo mareexaan daarood ah oo uu imaamku kaguursadatay gabar ayaa jiray oo la oran jiray axmed guray sidaas darteed dadku waxay isku qaldaan axmed guray oo ahaa ugaaska mareexaan iyo imaam axmed garaad oo aanu wadanaqaano oo ah imaamkii muslimiinta ee ka horjeeday xabashida khaladkuna wuxuu kayimid sidoo kale mareexaan oo mareexaan gorgaati ayaa lagu khalday mareexaan daarood.sidaas darteed taariikhdiisu waa taas ee lasocda.
mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waaq

Friday, April 06, 2001 - 10:05 am
axmed gurey gadabursi waaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

heebaan

Friday, April 06, 2001 - 01:41 pm
waryaada meesha iskaga taga
waxba meesha kuma haysaane waxaad meesha kuhaysaana waa kaalaya muranee
hadaba ana idhagaysta axmed gureey wuxuu ahaa.
nin reer amaadin khalaf'ah
dadkii uu dhalayna waxay kunoolyihiin qari jaqood
so guys try to make your own ahmed gurey
and never claim on that guy again'
peace you all .''''''....''''....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shuceyb

Saturday, April 07, 2001 - 09:05 am
Marka la,iska hadlo warku wuu milga beelayaa laakiin waxaa wanaagsan in si cilmiyeysan ama kala garqaadasho ah wax loo wada faaqido walaalayaal haddii aad ku doodeysaan inuu Axmed y u dhashay qolooyinka dega Harar waan idinku raacsanahay waayo waxaan hayaa taariikh la hubo iyo inuu imaam Axmed gurey ku dhashay tuulo ku taal nawaaxiga magaalada harar una dhashay Seexowle Karanle oo deegaankaas dega, waxaa jidhay goor uu Iimaam axmed gurey talada beesha ku wareejiyey jilibkanaga balse ninkii loo xulay inuu qabto darajada Iimaamnimo ee beesha ayaa waxaa dilay rag kasoo duulay qolooyin kale waxayna ninkaas iyo wadaaddo badan oo salaad tukanayey ku laayeen meel ilaa hadda lagu magacaabo qaar ka mid ah magacyadii ragga lalaayey *Maxamuudyaalo* waa caan waxaana waana garanayaa ninkii baaddiyaha harar ku noolaan jidhay, kolkaas waxaa talada la wareegay reerkii Axmed gurey iyaga ayaana ilaa hadda noo haya xilka hoggaaminta qabiilka, sidaas daraadeed warka soo gaabiya maadaama aan idiin sheegay runtii aad raadineyseen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BULSHO

Monday, April 09, 2001 - 07:58 am
TO:MUUSE TUUR:
SAAXIIB MEESHA CAY LOO IMAN BALSE WAXAAN SOO BANDHIAY ARIN MACQUUL AH ARINTU QABIIL IYO SIYAAD BARRE MA AHA BALSE WAXAA CAD IN SOOMAALI OO DHAMI AY ISKU HAYSATO TAARIIKHNA AAN SAGA QORIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Monday, April 09, 2001 - 08:09 am
Anigu waxaan ogahay in axmed gurey uu ahaa mareen kana ahaa qabiil yar oo gedo daga lana yiraahdo ina nuur, ina nuur waa wiiljii nuur .
nuur wuxuu ahaa odaygii uu kasoo farcamay axmed guray laba wiil ayey ahaayeen odaygii markii uu geeriyooday ayaa ahmed gurey kuharay itoobiya inankii kalana soomaaliya usoohaajiray looguna magacdaray ina nuur oo ah laf mareexaan katirsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Macsaro

Monday, April 09, 2001 - 08:28 am
Aniga waxaan maqlay sas oo kale wuxuu ahaa MAREEXAAN.
laakiin Ilaheey ayaa og xaqiiqda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadil

Monday, April 09, 2001 - 10:54 am
Ahmed Gurey magaciisa runtaahi waa Ahmed Garay(erayga garay) waa eray OROMO asalkisu yahay waxuuna ahaa nin OROMO ah oo muslim ah laakiin waxaa ciidankiisa ku jirey dad badan oo Somali ah.

Iska daaya aniga ayuu qabiilkeyga ahaa iyo beenta aad la wareegeysaan Geesi kale ka raadsada qabiilkiina. Bal Car arag H/Gidir oo ku laha Ahmed Gurey anaguu ahaa, sabatoo ah Habar Gidir geesi ka badey uma baahna mid aan u dhalan in ay isku dhajiyaan.(H/GIDIR waa wada GEESI).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jini

Monday, April 09, 2001 - 11:30 am
Ana waxaan maqlay axmed gurey inuu gadabursi ahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sacdiya 1

Tuesday, April 10, 2001 - 10:33 am
waxaa mushkilo ah inaad ka jaha wareerto arrintii laga hadlayey, arrinta laga hadlayo qabiil ma aha
haddii uusan Geesiga laga hadlayana ka dhalan qabiil kaada ama aadan ka hadlayn wax asiga la quseeyo meesha isaga bax,

Saaxiibbayaal Xog ayaa la idinka siiyey Axmed gurey oo wuxuu ahaa Karanle wuxuuna ku dhashay Deegaanka ay taariikhyahannadu ku tilmaamaan inuu ku dhashay oo ay degaan Karanle, Waana dhul ku yaalla soomaali/galbeed,
Waxaa la yidhi iyo waxaan maqlay maxay kuu tarayaan kol haddii aan aragnay dadkii uu ka tegay oo Reer Sh Cusmaanciil ah,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M/Cabdala

Wednesday, April 11, 2001 - 06:20 pm
AHMAD GUREY WAA KARANLE
WUXUUNA AHAA MURUSADE DAGI JIREY EITHOPIA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.