site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MESSAGE U KHAAS AH:DHAMMAAN WAXGARADKA BEESHA "SACAD" YAR & WAYN

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : MESSAGE U KHAAS AH:DHAMMAAN WAXGARADKA BEESHA "SACAD" YAR & WAYN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xubin ka mid ah beesha

Wednesday, March 28, 2001 - 07:53 am
Ugu horreyn dhammaantiin waad salaamantihiin,salaan dabadeed walaalayaal marna ma'iswaydiiseen xaalka uu maantay beesha ku sugan tahay xag: dadeed,dhuleed,duunyo,maaliyadeed,siyaaadeed,diineed,caafimaad,isdifaaceed,wabarasho,horumareed & ...iwm? waxaan filayaa inay jawaabtu haa tahay balse inta fikrad saxa aaminsan ay yar tahay marka loo eego kuwa kale.Maxaa taa ugu wacan? ma waxgaradkeenii ayaa baabay? mise jiilka maanta joogaa ayaa aad u liita oo'aan kala garan karin wanaaga & xumaanta? aaway sharaftii & karaamadii beesha Sacad? sharaf & karaamo wuxuu RABBI Sacad ugu yaboohay mawaxaa ALLE qadaray inay madax u noqdaan dhowr mujrim sida Caato,Xuseen Caydiid & kuwo kale oo barokolaawyaal ah???!!!!!!!!!.Waa nasiib daro aad u balaaran haddii aan deg-deg aan looga hortagina WALLAAHI baan ku dhaartaye beesha Sacad waa loo yaabaa si aad ah.
WALLAAHI & BILLAAHI baan ku dhaartaye inaysan igu jirin nin/lafjeclaysi balse waxaan taageer sanahay ruuxii/kooxdii wada nidaam ALLE raali kayahay danna u'ah beesha: Sacad,Soomaali & Islaanimo.
Marka walaalayaal fadhiga ka kaca oo halays kugu yimaado shirweene ballaaran oo beeshu yeelato, deedna aan ku doorano Shuuradeena(maamul islo tashi ku dhisan).Ma doonayno waxa maanta loo yaqaan:madaxweyne,boqor,suldaan,amiir,ugaas ...iwm.Kaliya waxaan u baahanahay maamul islo tashi ah oo sal & baar ku dhis diinta Islaamka oo saxda ah.
Ugu dambayn raali beeshu ha iga noqoto ma jeclayn inaan meeshaan Publicada ah kaga hadlo, xaalada beesha balse Soomaalida ayaa tiri "matag kuguma simo meeshaad doonaysid" waxaa ii suuragalin inaan la kulmo numbers beesha ah.Wixii communication oo beesha dhexdeeda waxaan rajayn inay maraan code aad & aad usugan,lagana leexiyo meelaha Publicada ah.
Sidoo kale raali ha'iga ahaadeen akhristayaasha mowduucaan haddii ay kala kulmaan waxaysan jeclaysan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Makaahiil/Sacad

Wednesday, March 28, 2001 - 08:57 am
Sacad waa ina Amuudaan!!

Waryaa wiil Sacad, anigu waxaan ahay nin Makaahiil ah aadna runtii waan u jeclahay midnimada iyo isku duubnida Sacad. Waxaan ku dhashay magaalo liyaraahdo Wardheer. Sacadka Wardheer degana waxaa loo arkaa dad wadankoodii iyo dadkoodii la jooga. Marka, haddii aan anaga nahay beesha Absame/Ogaadeen/Makaahiil aad baan u jeclaan lahayn in Sacad midoobo. Shirkii Carta waxaa igu maqaalo ah in Ogaadeenku codka ugu shubeen Cadoow. Haddii aad wax hiil iyo hoo ah nooga baahataana waanu idinla garab taaganahay waa haddii aad tahay nin sax ah oo Sacad ah oo aadan ahayn Dhabayac Majeerteen oo doonaya inuu beesha Sacad khilaaf ka dhex abuuro.

Guul ayaan saaxiib kuu rajeynayaa in aad arintan xal ka gaadhaan hadaad beesha Sacad tihiin. Qolyahan Dhabayacada ahna ka feejignaada. Anaga nagu khaldi maayaan Daaroodbaan isla nahay iyo sheeko raqiis ah. Waxaad ii sheegtaa meesha u Cadoow ku danbeeyay iyo haddii Cadoow Sacad u magacaabo duqa beesha inay suurta gal tahay oo Sacad arintaas ku midoobi karo.

Sidaa iyo Nabaadiino Saaxiib.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALHAREERI

Wednesday, March 28, 2001 - 11:58 pm
Wiil sacad
guul ayaan idiin rajaynayaa, waxaana idiin sheegayaa inuu midowgiinu wax wayn ka tari doono nabadaynta koofurta soomaaliya.
halkaas ka wada oo isaga hara ragaas aad soo tilmantay, waa hubaal in la idinka helayo tag u dhigma cabdullahi ciise alaha u naxariistee,

iga raali ahada meel aan hadal iiga furnayn ayaan isku soo tuuraye, waxaana kaloo idiin sheegayaa inaan aad u jeclaan lahaa inaad taageertaan DKMG, Waan hubaa in shacabka SACAD intiisa badani u taageersan yahaye.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.