site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xisbiga la dagaalanka qabyaalada

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Ururada Kale - Other Political Parties: Xisbiga la dagaalanka qabyaalada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qabiil-ka-xoroobe

Thursday, March 29, 2001 - 09:47 am
war dadyahow qabiil idin dil, dunidii idinka reeb, ilaahy kaga fogaate, kuwiinii isku qabiilka sheeganayay dhexdiinii iska cunte ee maxaad weli u daba joogtaan bahashan wasakhda ah.

Mars baa la tegay idina qabiil baad weli ka hadlaysaan.
war isla yaabaa oo isku yax yaxa dadyahow duluubow.

Ma ogtihiin magacyadan qabiilku inay been yihiin oo la sameeyay 400 sano ka hor.

Ma ogtahay inay sameeyeen niman rabay inay dadka kantaroolaan oo ku shaqaysataan.

Mase ogtahay inuu qabiilku yahay:

isku dir, xaasidnimo, colaad, dib u dhac, ilaah ka fogaansho, qayrkaa oo aad ka hadhid, dhiig la kala galo oo aad cadaabta ku tegeesid, wadaankaagii oo bur bura, dunida oo kugu qosasha, Ilaahay oo kaa cadhooda, dhalaan yar yar oolaga dhaadhiciyo reer hebel baa tahay.

Mana ogtahay in qabiilkan aad magaca beenta isku sheeganaysaan aanay aakhiro ku shafeeca qaadayn.

Ma aragtay dadka qabiilka ku dhaqmaa inay wada waalan yihiin oo duli wada yihiin?

Waa yaab iyo yaabka yaabkiiye,kan qabiilka ku dhaqmaya oo xarakaynaya ma waxaa lagu yiri

"war hebelow haddaanu qabiil hebel nahay annaga ayaa cadaabta furaheedii haysanaye waxba haka werwerine waxaad doontid samay"


QABIIL WAXAA KU DHAQMA KAN AAN ILAAHAY AQOON AMA KAN MOODAY INUU ILAHAY KA MAARMAY.

Wadada cadaabta toos u tagtana waxaa la yiraahdaa: QABIIL ee la socda.

ma ogtahay kuwa naarta kugu ridaya inay yihiin kuwa aad isku qabiilka sheegataan ee dadku kugu dira! nacas, hadhowna way kugu qoslaan.

War dadyahow bahaloobay qabiil intaad wadaan meel gaadhimaysaan ee qabiil iska tuura oo ilaahii idin abuurtay ka baqa oo ka xishooda.


Ilaahay qof qabiil ku dhaqmay aad buu uga dheeraday.

dadka qabiilka ilaah ka dhigatayow wallee waa idiin dhamaatay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 29, 2001 - 09:48 am
walaal waad mahadsantahay sida qotada dheer oo aad qabiil iyo qudhunkiis uga hadashay.
waana wax lo baahan yahay in ummadda laga tir tiro.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.