site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dantaada ku gaar wadaninimo"ee ha ku raadin qabiil."

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Dantaada ku gaar wadaninimo"ee ha ku raadin qabiil."
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdulcasiis Maxamed ciise

Friday, April 06, 2001 - 06:26 am
Arimo kala duwan awgood ayaa ku kalifay wadaniyiin badan oo soomaaliyeed inay hoos tagaan qabiil si ay u gaaraan hadafkooda ammase danahooda. Taasina waxay ku tusaysaa inaysan dadka soomaaliyeed marnaba fursad u helin inay aaminaan dawladooda amma qarankooda, maadaama uusan soo marin kuxun si caadilnimo ugu daneyey dadweynaha soomaaliyed ee hogaamiyey qaranka Soomaaliyeed. Hadaba si aan uga gudubno arinta qabiil ku hoos noolaanshaha iyo aamindaradda qaranka waa in wadani kasta uu ka fiirsadaa qofka amma cidda uu codkiisa iyo kartidiisa ku taageerayo, waayo waa arin aad muhiim u ah in qofkasta uu xog ogaal u yahay waxa u damacsan yahay amma u qorshaysan qafka uu taageerayo "hadaad qof ku taageerto codkaaga iyo kartidaada wuxuu qafkaasi awood u helayaa inuu wax ku wanaajiyo amma ku bi'iyo kalsoonidda uu ka helay qofka taageersan darteed." Qabiilku wuxuu matalayey dowlada inteynaan dowlada dhisan, markaan dowlad yeelanay, waxay ahayd innaan qabiilinimadda uga gudubna qaranimo taasina ma dhicin. Waayo dowladii ayaa u dhaqantay sii qabiilku u dhaqmayey amma u dhisantay hab qabiil ku saleysan, dhaqankii iyo dhismihii dowladda ee qaldameyna wuxuu sababay kansooni daro ku dhacda shacabkii dhistay dawladda si ay uga baxan xirxirnaanta qabiilka oo ay u gaaraan furfurnaan qaran iyo iskaashi ummaddeed. Markuu qarankii qaloocdeyna ummaddii qabiilkoodii ayaa uga kalsooni badnaadey dowlad qaloocan. Haddii aan ku guuleysano mar labaad innaan taabagalino dowlad soomaaliyeed umma baahnin qabiil ku xirnaansho, waayo waxaan dooreynaa dowlad waxaanan diideynaa qabiil. Ma dhici karto in laysku garab wado qaran iyo qabiil waa sida ayadoo laysku darey dab iyo bensiin. Waa innaan si buuxda uga gudubna marxalada qabiilka ugana gudubnaa marxalad qaran. Allaha weyn qalbiyada ummadda soomaaliyeey ha u furo raxmada iyo is jeclaanshaha hana ka saaro naceybka iyo qilaafaadka dhex yaal "aamin"

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.