Runlow | Tuesday, April 10, 2001 - 09:12 am Baaq Ku Socda Dhammaan Beelaha Reer Koofur Waxaa qoray: Dr. Runlow Beendiid HORDHAC: Baaqaan waxaan u jeedinayaan dhammaan beelaha dega koofurta Soomaaliya oo ku jiaray muddo 40 sanadood ah cadaadis, xaqiraad, sad-bursi, madax ka qaraacid, dhiig miirasho, boob, dhac, gumeysi, ka xoogid lga xoogo dhulkooda iyo xoolahooda, in la bado in ay noqdaan masaakiin tuugsata oo gacanta u hoorsata kii dhulkiisa ka xoogay, in dhulkii laga xoogay ay falaan si ay quutul yoom ugu helaan ayaga iyo carruurtooda oo kali ah, iyo in lagula kaco wax kasta oo suurta galinaya in ay isga guuraan dhulkaas,iyadoo la adeegsanayo nidaamyadii dowladeed( dulmilayaalkii) ee jiray waqtiyada kor ku xusan Beelahaasow, waxaa falalkaas oo dhan iyo kuwa ka sii daranba idinkula kacay waa Soomaali kale oo aad aaminteen markii hore, laakiin gadaal ka xumaaday, gacantana idinku dhigay ayagoo dowladihii jiray garab xaq darro ka helay. Waa rajo dhigteen laakiin manta waxaa idin hortaal fursad aad xaqiinii ku soo dhacsan lahaydeen, waa addaad midowdaan oo aad wadajir wax ku doontaan, oo aad eridaan kuwii horay idiin boobay oo wali raba in ay idin sii rartaan. Maxaa idinla gudboon si aad sharaftiinii iyo dhulkiinii aad dib ugu hantataan, isla markaasna aad caruurtiina mustaqbal wanaagsan ugu diyaarisaan, si aysan ayana u noqon adeegayaal u adeega kuwii faciina ahaa ee aad u adegi jirten? Sidee dulliga la idin baday isaga ridaysaan? " Far kali ahi fool ma dhaqdo."Runlow Beendiid Haddii aan ra'yigayga ka dhiibto, waxaa ay ila tahay in ay habboon tahay in la qaadno tallaabooyinka soo socda: 1- Ugu horrey in la helo, mabd'a mideeysan oo ay u dhan yihiin dhammaan beelaha reer koofur, kuna aadan sidii ay dhulkooda dib ugu hantin lahaayeen. Taasi waa mid sahlan, waayo ayagaa meesha ugu badan 99.999999%, waxay kali ah oo ay u baahan yihiin in kooxada burcadda ah ee soo galeetiga ah ay ka hor geeyaan sharkooda shar la mid ah ama ka xoog badan, oo xoog ku cayriya haddii nabad ay diidaa. Tusaale; Sida ay RAA iyo SNM oy sameeyeen, "Gacmo wadajirbay wax ku gooyaan" Runlow beendiid 2- In ay yeeshaan maamul iyo milatari mideysan oo matala dhammaan dhulka koofureed, oo aan isku koobin qayb ka mid ah dhulka reer koofurka. Maamulkaasuna noqdaa mid ay u wada hoggansamaan dhamman shacabku, asna mathala dabnaha shacabka reer koofur markii Soomali weyn wax qaybsanayo. Maamulkaas waaa inoo wanaag iyo Soomalinnimo taxadar ku jirto wax ku raaadiyaa, hadii xumaan iyo xoog loola yimaadana uu mid ka sii daran ku isticmaalaa. "Miskiin baa miska la fuulo leh."Runlow Beendiid 3- In lala diriro kala qaybsanaanta, waayo waxaa halkaas lagugu gaarsiiyey kaddib markii lagugu isticmaalay dhagarta ah QAYBI OO XUKUN, waa waxa ay wali soo galeetinnad Abdullahi Yussuf, Morgan, Gabyow iyo Msalle oo aan dhammaantooba u dhalan koofurta Soomaliya kugugula dhexmeeraysanayaan. Ulajeedadoodu wax kale maahee waa in gumeysigii ay iskula dardaarmeen uu sii socdo, kaddib markii Xamar laga soo eryay. 4- In sidii ay yoolkooda u mideeyeen reer koofur ay si cad u xaddidaan goblolladooda, si ay maamul mideysan uga samayn lahaayeen gobolladooda BAY, BAKOOL, JUBBADADA HOODE iyo JUBBADA DHEXE. "Haddi ay kala qaybsanaadaan midba meel baa haad ku cunayaa."Runlow Beendiid 5- Si arrinta aan kor ku soo sheegay u hirgasho waa in deegaan walba oo reer koofurka ka mid ah la wacyi galiyaa, loona tuso natiijada daacadnimadoodii iyo dhagartii lagula dhaqmay ay dhshay oo ah in ay gumeysi iyo cadaadis ku noolaadaan. "Waligiin nin god kaa tuurayana taladiisa ha qaadan."Runlow Beendiid 6- Waa in walalkaa aad nacabkaaga ka barato; nacbkayagu waa kan raba asgoo MUDUG, GALGADUUD iyo BARI ka yimid in uu ku gumeysto, oo tii hore raritaan kuugu sii daro. Mar dambe ha aaminin. " Mar I dage ilaahay ha dago, mar labaad I dagase anaa is dagay." Runlow Beendiid. 7- Waa in Hawiye waa laba qayboode: a- Kuwa dariska nala ah ee aan xudduudka wadaagno, isuna dabeecadda dhownahay, aan calaaqad wanaagsan oo is xushmayn ku jirto la yeelanno. b- Kuwa Galgaduud iyo Mudug ka yimidna dhulkayaga ay gumaystaan si wadajir ah deg deg looga saaro, laguguna xisaabtamo gumaadkay ka geysteen dhammaan dalka koofur Soomaaliy. Dhabarkay naga mudeene waa in caloosha laga dooxaa, haddaysa gar qaadan. 8- Kuwaa aan kor ku sheegay in habdhaqankooda la darso la iskagana celiyo sida ugu habboon tusaale; MAJEERTEEN: Waxaa u dabeecad ah qalooc, waa hanqaraarac, martina ma galo. Waligiis wuxuu ku riyoon jiray in uu dhulka dihin iyo murqo weynayaasha reer koofur uu ka manaafacaadsado. Taasina waa u socotay ilaa iyo muddo waxay ku qabsadeen KISMAAYO iyo BAYDHABO in xaddidan , waxay riyadaan daba la'da ahi bilaabatay waqtigii ay dowladihii Abdirahiid iyo Abdirisaq ay jiraan. Ilaa iyo hadda oo aad moodid in riyadii naxash saran tahay wali dhuuxooda ayay ka sii ciic leedahay, oo waa taas wiil kasta oo Gaalkacyo ama Garawe ku dhashay uu ka tiiraanyeysan yahay riyadoodii beenta ahayd o sii gubanaysa. Intay booli qaadnimo ka gaareen waxaad arkaysaa in kuwa aan waligood Galkacyo , Garawe ama Tuulo-buuryo-qab soo dhaafin ay yiddidiilo darted la magac baxeen; Ali Baydhabo, Jamac Jamamme, Faarax Kismaayo….IWM, waa yaabe ma saasaa dhul dad leeyahay lagu hantiyaa. Waxaa nasib darro u ah, isla markaasna ah xaq feeraha ka dilaacay in deegaankoodu uusan xad la lahay MARKA, BAYDHABA iyoKISMAAYO toona. Waligaa ha aaminin Majeerteen, waxa uu abriska ugu weyn ee Abdullahi idiin hoos ordayaa waa in iinaan gacantooda ka bixin, si uu taasi ugu hirgashana wuxuu isticmaalayaa siyaasaddii ahad qaybi oo xukun. Tan kale ogaada DAAROOD sidiisaba WAA FULAYO oo haddii ay arkaan reer koofur mideysan oo ay ka dhab tahay dib u hantiyidda dhulkooda wanaag iyo xumaanba, waxaa hubaal ah in ay doonyaha is ku buuran doonaan. MAREEXAAN: Sheegatada cusub ee Jubbada Hoose, waxaa is weydiin leh maxay u sheegan waayeen 21 sano ee ay waddanka banooniga ku dheelayeen, dadka boobayeen, oo ay hadda ugu soo baraarugeen sheegashada meelo ka mid ah dhulka Soomaali koofur, gaar ahaan KISMAYO?. Taasi wax kale maahee waa; Ugu horreyntii xabashidoo nafta u keentay darteed bay is tuseen in ay siduu Majeerteen sameeyay oo kale in ay sameeyaan oo boobaan qaybo ka mid ah dhulka wax iskama dhiciyayaasha, markaasay ku dhiirradeen in ay Kisnmaayo qabsadaan. Taas waxaa ka sii daran waxay rabaan in aan Soomaali la xissabtamin wixii ay waddanka caddaalad darro soo mariyeen, tusaale: immisay dileen, immisaa xabsiyda ku cimri dhamaysatay xaq darro, immisay dad boobeen, waxa ka sii daran falalkii Hangash, Guulwade, Koofiyad casta, NSS, iyo aaladihii cadaadiska ee xukuumaddoodii. Laakiin ha ogaadeen waxay koofur ka sameeyaan waxaa loogu biirin doonaa,buugii horay u buuxay ee dabiyaday ka galeen shacabka Soomaaliyeed, sheegasho ay dad dhulkiis sheegtaana meel saas u sii dheer geyn mayso. HABARGIDIR: waa dhab in hooggi Mareexaan aan wali la soo gocan, kaddib markii Habargidir ay samaysay mid la mid ah kase casriyeysan kii Mareexaan. Ayagoo geed ku soo gabban, bay reer koofuroo oo gacal mooday oo u soo dhaweeyey siday Daarood isaga dhiciyeen darted, seeftii kula soo jeesteen oo dhac warjaaf, gumeysi cusub iyo xaqiraad ku bilaabeen. Taas waxaa ka sii daran inayana ku dhacay cudurkii Daarood hayn jiray oo ahaa qabshashada, kala qaybinta, dhul ballarsiga iyo gumaysashada reer dad is kama dhiciye. Taasi waxay gayeysiisay in la arkay Habar gidir (Cayr) oo Mareexaan kula riyoonaya KISMAAYO. OGAADEEN: Asagu waa gumaysi ka dale dhul doon ah, Gabyow oo kale oo aan Soomaaliba ahaynbaa dhulkiina qayb ka mid ah ku riyoonaya. Waa yaab ka yaabkiis. Intaasaa ugu daran ee dhagartooda iyo hagardaamadooda iska jira, kuwa yaryar ee soo raaca, sida Dhulbahanye, Warasangali, iyo int ala habar wadaagtaa way dareerin marka 100 ka dambiile ee Majeerteen, Mreexaan iyocayr iyo Ogaadeen doon la saaro, taas waxaa ku filan in maamul iyo milatari mideysan si hagaag ah looga hirgaliyo dhulka Soomaali koofur. Taas haddii aan uga baxo waanadii aan reer koofur u jeedinayey, waxaa Soomaalida kale ku leeyahay, ha la isku soo noqdo beentii hore ee ahayd qof baa qof ka sareeya oo amaba leh hadda waa dhmaataye indhaha ha la furo oo waa cusub oo caafimaad qaba Soomaali ha loo yagleelo, oo reer koofur faraha iyo fara galinta iyaga iyo dhulkoodaba ha laga dhaafo; "haddii kale Soomaalinnimadii geed bay ka fuushan tahay bahda Hawiye, Bahda Daaroodna buur bay ka fuushay, Reer Woqooyina dayaxay ka dul dhakowsatay, reer koofurna sida ay ku socoto Mars(Mariikh) bay kaga dul boodi doontaa oo lama soo qaban doono haddaan waxa lagu hayo laga dayn."Runlow Beendiid. TALO: MAJEERTEEN, waxaan kula talinayaa ha raalli galiyaan reer koofur,marti fiicanna ha noqdeen, ama doonyo badan ha sii samaysteen, si aysan isugu layn xabbadda taal marka la isa soo galo. MAREEXAANNA: waxaan kuu sheegayaa in buugaagii buuxo, ee qaraxa ha isku soo dedejin, maalin faraha waa lagu saari haddii aada n joojin qar iska xooridda. OGAADEENOW amxaar iska celi, waan kugu daba tir iyo tacab beelnaye saan gobannimo kuugu raadinaynaye, haddase abris baad noqotay oo angaad nagu soo jeesatay, adiga iyo absamahaad wadatidba HABARGIDIR: Idinku waxaad sii badsanaysaan cadowgiina, waxaan filayaa in maalin ay hal mar idin kala diiran doonaa. Is daba qabta haddaad caqli leedihiin oo dhulka Soomali koofur ka baxa. Taasi waa waanadaydiiye, haddii aad igu raacsan tahay wixii aad hayso ku soo dar, haddii aadan igu raacsanayna, bal si xushmadi ku jirto doodaada uga dhiibo wixii aan anigaan Runlow beendiid ahi been ka sheegay, adigoo Soomaalinnimo ku soo gabban. |