site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"Sama diidow dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonow"

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Siyaasdada Guud - General Politics: "Sama diidow dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonow"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU-HURAYRA

Thursday, April 12, 2001 - 09:26 am
Waa hubaal goor aan dheereen in maxkamadda sare ISLAAMIGA ah ee dalka Soomaaliya la soo hortaagi doonow kooxihii/shaqsiyaadkii ka galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed khaa'inimo,falal lidi ku ah Qaranimada Soomaaliya,xasuuq shacbi Soomaaliyeed oo loo laayey qabiil,dhac hantida Qaranka,sumaynta dhulka,biyaha & hawada Soomaaliyeed,qaybinta & kala goynta dhulka Soomaaliyeed,u'adeegga cadowga (ALLE,shacbiga/Qaranka Soomaaliyeed),isku-dirka & kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed,nabaad guurinta dhulka Soomaaliyeed,daabacaadda lacago been abuur ah si la'isku sii raaciyo intii yareed ee ka nabadgashay (colaadaha,abaaraha & cudurada),ku fidin cuduro sida Aids-ka & kuwo kale,u'adeegsiga qalabka warbaahineed & saxaafadeed isku dirka & kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed,kuwa caado ka dhigtay aflagaadaynta & xaqiraadda in shareecada ISLAAMKA ka bilanto dalka/dadka Soomaaliyeed,kuwa ku sifoobay barro-kicinta & gaalaysiinta shacbiga Soomaaliyeed,kuwa ku sifoobay si ay xukun baadila u helaan inay xasuuqaan shacbi Soomaaliyeed,kuwo caadaystay inay ugur baan tumaan dambiilayaasha & boqolaalo dembi oo'aan halkaan ku xusi karin.
Haddaba shaqsi walba oo Soomaaliyeed ha ogsoonaado intii aan lagaarinba aakhiro in adduunka lagu xisaabtami doono xisaabtan adag wixii ALLE u qadaro inay gaaraan ayadoo lagu kala bixi doono shareecada ISLAAMKA EE MUQADDASKA AH saan ALLE kawada rajayndoono dhammaanteen.
Ugu dambayntii waxaan ka codsanayaa/rajaynayaa in culamaa'uddiinka Soomaaliyeed meel kasta oo'ay joogaan(SOOMAALI WEYN) inay mideeyaan xoogagooda Islaamka ee Soomaaliyeed iskana dheereeyaan tafaraaruq gacanta midigta ahna ku qabsataan kitaabka ALLE & sunnada nebbi MUXAMMED(c.s.w),wixii tageero idinka dhiman(mid askareed& mid aqooneedba) aad la kaa shatiin walaalaheen caalamka ISLAAMKA ee arrintaas ku horay maray kuna liibaanay kana baxay xukun aan ahayn kii ALLE,waa hubaal inaad la kulmi doontaan dhib badan oo'idin kaga imaanaya gudaha,dibadda & xitaa kuwa aad dad iskugu dhowdihiin;haddaba si taas u hirgasho waa inaad iskugu timaadiin shir deg-deg ah aad ku falanqaynaysiin sida:tusaale ahaan ajende magaciisu yahay "waa maxay arrinka kaliya ee haray ee lagu badbaadin karo dadka/dhulka Soomaaliyeed",deedna markaad xalkeeda heshaan aad asiibtaan arrinkaas,waxaadse xisaabta ku dartiin si aanay wax idin kaga khaldamin inaad doorataan amiirul muminiika Soomaaliyeed & golihiisa la shaqaynaya.Waxaadna xisaabta ku dartiin haddii Soomaali lagu qiyaaso 10 milyan inaad kas ban kartiin 99.999% aqlabiyada Soomaaliya wax idin joojin karana ALLE mooyee cid kale aysan jiri doonin aadna abaal marindoontiin dambiilayaasha Soomaaliya ka dagi wayday & cadowga ALLE aadna NUUR unoqon doontiin caalam badan oo xaqqu ka qarsoonaa.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Wa billahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/maxamuud

Thursday, April 12, 2001 - 04:19 pm
I AGREE WITH YOU 100%
SOMALIA WILL NOT TAKE THIS BULSHIT ANYMORE

SOMALIA MOST WANTED LIST
------------------------
MUUSE SUUDI
CIGAAL
OSMAN AATO
SHAAT GADUUD
C/LLAHI YUUSUF
AND COUPLE MORE WHICH I DON'T KNOW THEIR NAMES BUT THE GOVERNMENT DOES
THOSE LOSSERS WILL PAY THE PRISE SOON

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.