site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAAN CIISHOONAYAA!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): WAAN CIISHOONAYAA!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. AADAN

Unrecorded Date
Runtii waan ciishoonayaa, waxaan u ciil qabaa waa dad yar oo Soomaaliya ey ka gaabisey dhankooda. Waa kuwee bey kula tahay? Uuuh, Aaah! Maahan kuwaas.
Haku daalin saaxiib, ma sheegi kartide.
Dadka aan u ciil qabaa, maahan Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Kuwa u dagaalamaya madaxnimada maanta, sidoo kale maahan kuwa hubka sita iyo kuwa daba socodka toona, EE WAA KUWA DHAM-AHAAN WAX-GARADKA AH, EE WANAAGA KA SOOCI KARA XUMAANTA, EE AYAGU KA GAABSADEY IN FICILKOODA IYO FIGRADOODA U SOO JEEDIYAAN INTA KALE EE U BADAN DADAALAYAAL MITID AH, OO U BAAHAN MASKAXDA WAX-GARADKOODA. Aqristow, owgow in ey adag tahay, in si fudud loo aqoonsado wax-garadka, oo loo yiraado habel iyo habel. War-garadow, waan ogahay in aad arimo badan isku difaaceysid, laakiin, marnaba intaasi ima qanciso, waana kuu ciil qabayaa intaan kaa arko adoo GACMAHA UMMADDAADA HAYA OO LEH, "DAADAH DAADAH DAADAH" Inta jecel Soomaalidana ey leeyihiin, "EEBBAA JOOGIYEY, EEBBOW MAHAD ALLAH!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Manaxe

Unrecorded Date
Anniguna waan kula ciishoonayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanadyare

Unrecorded Date
Waa runtaa saaxiib hadalka aad tiri laakiin waxaan u maleynayaa in waxgarad uusan hadal ku yareyn laakiin muddo badan ayaa la dhageysanayey laakiin waxaan u maleynayaa in dunidu maanta ay aragtey xaqiiqda waxa jira , taasna waxaa marqaati u ah shirweynaha jabuuti oo waxgaradka soomaaliyeed laga siiyey kaalin mug leh.
Laakiin ciilku wax ma taree maxaan qabanaa saaxiiib?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. Aadan

Unrecorded Date
Saaxiib, Hanadyare, su'aashada ah, "Ciilku wax ma taree maxaan qabanaa saaxiib?", waa mid muhiim ah, waana tii aan ugu ciilqabey waxgaradka. Laakiin, haddii aad leedahay, waxgaradka hortiis maxaan qabanaa, waxaan oran la haa sidan: haddii, maxaan qabanaa la wada dareensan yahay, waxay noqoneysaa baahideena, baahiduna waa hooyada wax soo saarka. Ugu horeyn, waxaan u baahannahay in qof kasta uu barto oo aqoonsado naftiisa-dhinac kasta, una yeelaa muuqaal dowladeed oo kale, sida calan, xuduudo iyo maamul u gaar ah. Kadib, tani waxey sahleysaa in qofkasta uu kooxdiisa ama guruubkiisa helo, taas oo la muuqaneysa wixii looga maahan yahay iyo wixii ey u baahan yihiinba. Markaas, waxaan yeelaneynaa qaab qofeed, madax iyo lugo leh. Madaxaasu, soo maahan waxgaradkii oo qarsoomi waayey? Inta kalase, soo maahan ummaddii oo sida ama og waxgaradkooda?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colonel

Unrecorded Date
colonel

Ninba dhinac u badi! aniga waxay ila tahay in wax garadkii soomaliyeed noqdey sac madow oo tin cadi ku taallo,kuwa loo haysto wax garadkana ay yihiin kuwo ku ganacsada xal raadinta somalia daliil hadaad rabtaana ma deeqi karto beyjkan yarka,lakin waxyabihii dhacey waxa iila yaab badnaa Nabadoon ama caaqil Tuug la diley u doodaya oo leh magtiisii ha leysiiyo! kaba siidarane kubsigii dumarka masakiinta ahna uba aabe yeelayn ama laga dhigey wax lagu faano hadal wax ma taree xaalku maanta waa labo.

Tan kowaad oo ah in la huro maskax,maal,iyo muruq lana qabto kuwa isku sheegaya waxgaradka loona diyaar garoobo wax walba oo kaa hor imanaya.

Tan labaad oo ah in Gunnimo la garowsado oo lagu qanco in wiilkaga wiilkisu gun ahado oo cayr iyo qurbe ku noolado. Labadasa inoo furan hadal wey deysay saxibayaal. Nabadino kulligiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Curiye

Friday, June 16, 2000 - 01:37 pm
Salaan qiima leh ka dib. Waxaan halkan idiin kugu soo gudbinayaa fikradayda oo ah mid aan aniga is leeyahay waa mid aan wax kaga dayn karno. Wxayna tahay waxaan jooga mid ka mid ah wadamada Scandinavienka ee waqooyiga yurub. Waxaana ka jiraa nidaam loo yaqaano (Urur) ujeedada erygan laga leeyahay wuxuu yahay in ay dad kooban ay ku kulmaan wax iyaga ay wada xiiseeyaan. Haddii aan taas sii bal-balaariyo waxay noqon kartaa in aan bilaabi karno anaga oo noqon karna urur ka kooban dad soomaaliyeed oo bilaaba in ay wax ka qabtaan ciilka ka hayo waxyaabaha ka qaldan dadkeena iyo dalkeenaba muhiim ma aha in marka ugu horeysa aan ka bilaabno in aan canbaarayno waxyaabaha qaldan oo kaliya ee kuwa saxda marka hore aan meel iska tusno....ka dibna kuwa qaldan aan xal u helno.

Mahadsanidiin walaalaheyga ciishoon!
Sidaas & fikrad is-waydaarsasho wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diirshe

Friday, June 16, 2000 - 07:55 pm
yaa ka dhageey san haya waalale tadaa ayaad ka hadashay daad badani maraaban iin nabaadi yaa ka shacado, somaliya balse noo sheegtay ya ka rumesan haya wiixi miirqaba usheeg walaale,
waa naqaan wiil dhaha waxaa baan abaabulay
waxaa ku gulaa taliin hayaa waxaa in aad barato
waxaan aad tabcatoo,markase kadiib kahaadal
daanta umadaad lakiin hadaa adiiga ayaa taloo
ubahaan ee tasho siidas iyo nabaad galaaya
see you boy?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfa

Saturday, June 17, 2000 - 07:58 am
maciishoten,waan ciishod. twenty times be for
you, think you ????????????????
asol, asol to

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A Aadan

Tuesday, June 20, 2000 - 02:13 pm
Saaxiib Colonel, waan fahmi karaa dareenkaaga, balse sidaad tiriba, "... kuwa loo yaqaano waxgaradka ..." iyo "... kuwa isku heysta wargaradka ..." wali maheyno waxgaradka dhabta ah, ee aan quud dareyno. Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in aan kala soocno ama kala garanno micnaha erayadaan iyo ciddii noqon karta; WAXGARAD, AQOONYAHAN AMA CAALIM, SIYAASI, MADAX IYO ODEY. Sideese ummaddu ugu kala baahan tahay? Kuligeen wey noo furan tahay jawaabtu si aan u fahamno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. Aadan

Tuesday, June 20, 2000 - 02:52 pm
Saaxiib Curiye, arrinta urureysiga isku dareenka ah ee ka dhex socota dadka ku nool wadamadaas barwaaqo sooranka ah ee Yurub, waa mid xiisa leh. Ee majiraan kuwa dhameystiran, haddiise ey jiraan waa maxey nidaamka iyo tilaabooyinka sahlaya in la aqoonsado ama la doorto ururka lagu dareenka iyo danta la yahay? Midda kale, oo aad tiri waa in marka hore aan istusnaa ama isla garanaa waxyaabaha saxda ah, waan kugu raacsanehay, balse si aan u garanno waxyaabha saxa ah, aan iskugu tagno oo ka bilowno kow iyo labo. Aan Su'aal furan ku bilaabee, Maxaa sax la oran karaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Galleyr

Monday, July 03, 2000 - 12:35 am
Ammin Wanaagsan Dhamaantiin

Waxaa Hubaal ah in xaqiiqdu tahay asalka nolosha ay bulsho degaan wada lihi ay ku maareeyaan noloshooda khaaska ah, haddaan u soo noqdo su'aasha Aadan iyo caloolyowga "waxagaradka" waa arrin muhiin ah kana tirsan waaqiciga xalka u noqon kara bulshadeena, haddii ay "dadka waxgaradka ahi" wax ka badalaan xaaladda ay maanta ku jiraan.

Waxaanse Anigu isweydiiyaa Waxgaradkoo dhami ma wada "indheergarad" baa?.

Bulsho Hanaan nololeed lihi waxay kifaaxdaa marka la helo indheergarad cabira majaraha ku soo fool leh mujtamacaas, ayagoo uga diga amaba ka weeciya ummadooda wadiiqooyinka xun xun.

Aadonoow, in badan oo bulshadeena ah ayaa maanta caloolyowsan, siday aniga ila tahayna waxaa looga bixi karaa iyadoo shakhsi waliba ogaado inuu bulshada meel kaga jiro, xilna iska saaro qeybtiisa asagoo dareensan in ay mas'uuliyad tahay, mas'uuliyaduna mudnaanteeda gaarka ah ay leedahay.

Intaasina waa aragtideyda gaaban.

Mahadsanidin.

NABAD iyo CAANO.

Galleyr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Tuesday, July 04, 2000 - 02:37 am
Ku Walaalka Ciisheysan,

Anigu Maciisheysni ee waa murugeysanahay. Ma ciisheysni oo waxaan diyaar u ahay in aan iska hilmaamo cafiyo waxkasta oo iiga yimid dhanka soomaalida, waanse murugeysnahay oo waxaan ka murugeysnahay, dhibka inagaaray oo aan wali laga wada hadlin sidii xal loogu heli lahaa iyo mustaqbalxumada inagu soo fool leh oo haddii aan soomaalidoo dhan ka tashan lawada degi doonta.

Aniga waxaan ku talin lahaa.
1. Ninkii aqoon, waayo aragnimo leh suurtogalna ay u tahay in uu kaligiis wixii uu qaban karo uu qabto.
2. in nin waliba inta u dhow dhow ee la dhalatay, ku xirrirta ama uu la kulmo kala hadlo una sheego waxa wanaagsan iyo dhibka ummaddeena ku soo fool leh haddii aan hadda wax la isla qabsan oo meel aan laga soo wada jeedsan.
3. Waxaan ku talin lahaa in la ayido lagarab istaago dowldda laga dhiso shirka jabuuti. Khasab ma aha in dowladdaas noqoto mid ku qancisa ama reerkaaga u roon, waxaase laga yaabaa in ay wax la aan dhaanto iyo sida aan hadda ku sugannahay ee aan halis ugu jirno in aan noqonno Falastiintii Qarnigaan.

Waad mahadsantihiin

Garyaqaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, August 09, 2000 - 09:25 pm
A. Adam

Ma maqashay ninkii yiri "haddii aad tiraahdo 114 ayan dusha ka aqaan, waxaa kugu filan kaa aqrisan meeyno?".

Dadka aqoonta lihi waa minoriti 'waqti qalad ah ayay meel qalad ah ku dhasheen'. Omar!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. AADAN

Friday, August 11, 2000 - 02:12 pm
Saaxiib, Omar, dadka aan u ciilqabo maahan aqoonyahanka, ee waa WAXGARADKA SOOMAALIYEED.
Laakiin, haddii aad adigu aqoonyahanka u dhaarsan tahay waa adiga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 19, 2000 - 05:48 am
waayaabe somalida miyeeyna is ku diin,is kudhaqan,is ku luuqad, somali ninmo, walaaltinimo iyo umad muslimah aheeynba///?xukunkoodana ilaaha usoo dajiyey kitaabka quraankariimka ah ayuu kacadyahay sidi wax looxukumilahaay. hadaba waayaabe maxeey laheshiinlayihiin ayagoo umada nabi maxamed ah . waayaab ee ma ilayaabteen walaalaheey.///?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KIIKALE

Tuesday, August 29, 2000 - 08:55 am
ANI IIL DARTEED BOORAAYE. UUUUUUUUUU UUUUUUUUU AAAAAHHHHHHHHHH UUUUUUUUUUUUUUS BUUUUUUUUUUFFF BUFF BUFFFFF , BUUUUUUUUUUUUUUUUUF, BOORAAYE ANI IIL AA BFFFF BFFFF BFFFFF

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

s/lander

Wednesday, August 30, 2000 - 08:46 am
s/alaykum.
meesha waxaan usoo galay baldadkan ciishaysan eeg waxa ayka ciishaysan yihiin.
saxibayal wan idiin garaabay waana gar in aad ciishootaan.
Aniguse maciishaysne waxgaradkaygiina hawshiisii waa gutay anoo kahadlaya waxgaradka s/land.
nimanyahow reer soomaaliya ama koonfur talo aan idin siiyo oo ah taanu ku baraarnay.
iska ilaawa cid kale oo idiin talisa ama nabad idiin keenta, warlords kana iska qabta odayaal iyo waxgaradkiinii xaguu galay waa yaabe.
anagu askartayadii markii ay siad barre tuureen waxaanu niri hadaba iska nasta inta wadanku nabad yahay waanuna yara nasinay odayaashii iyo waxgaradkii ayaanu niri hadaba idinku wadanka haga waa kuwaasoo meel fiican ayay marinayaan.
markaa reer koonfurow isdaba yaaca joojiyoo askarta fariista dhaha oo odayaal,waxgarad,maalqabeen,culimo. isu taga xamarna isugu taga nabada ka bilaaba xamar sidaasaydun ku liibaani qurbahan ama ciishood ama ha ciishoon waxba bedeli maysid ilaahay ha idin garab galo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. AADAN

Wednesday, August 30, 2000 - 03:35 pm
S/LANDER


W/CALEYKUMU SALAAM

UGU HOREYN, CIILQABKEENU WAA MID KA YAMID AYAAN DARADDA HEYSATA DHAMMAAN INTA MAGACA SOOMAALI SHEEGATA, ADAANA KA KOW NOQONAYA, OO KA BILAABEYBA MAGACAAGA S/LANDER(SOMALILANDER).

DHINACA KALE, WIXII HORUMAR AH EE ILMA SOOMAALI GAARAAN WAAN KU FARAXSANAHAY, BALSE SIDAAD XUSTEY HADDAAD XAMAR DAAWO LA DOONEYSID, WAA HALKII SHAACIRKII CARBEED KA YIRI: "MAGACIIN BI'IWAAYE, MA WAXAAD DOONEYSAAN HILIB AAN WADNIHII KU JIRIN IN AAD KU DAAWEYSAAN RUUX WADNAHA LAGA HAYO." KADIB MARKII UU JACEYL DARTI BUURAHA LA GALEY, OO UU MUDDO KU GAAJEYSNAA, BAA DAD EHELKIISAA U QAADEEN HILIB, WAASE DIIDEY ASAGOO U SARBEEBEY IN AAN LA KEENIN YARTII(WADNAHA) UU JECLAA.

HADDABA MAGACAA BI'IWAAYE S/LANDER-OW, MA WAXAAD DOONEYSAA IN AAD XAMAR DAAWEYSID, HARGEYSA LA'AANTEED, WAAYO XAMAR WAXEY U ILDARAN TAHAY WALAASHEED HARGEEEYSAAA.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.