site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma ku farxsantahay shirka Jabuuti?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Ma ku farxsantahay shirka Jabuuti?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MO

Thursday, June 15, 2000 - 09:15 am
Walaal shirka jabuuti ma ku farxsantahay? Sababta aad ugu faraxdsantahay ama aad ku diidantahay noo sheeg. Mahadsanid.

Ani ma aaminsani dowlad qabiil lagu dhisay inay horumar na gaarsiineyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FREEMAIL.NL

Tuesday, June 20, 2000 - 05:56 am
WALAAL WAXAAN KULA QABAA INAAN SHIKA JABUUTI WAX KASOO BAXAA YAA JIRIN SABABTOO AH TUUGTII DADKA KALA DILAY EE WALIGOODBA SHIRI JIRAY AYAA ISUGU YIMID.

KALIYA WUXUU SHIRKAASI WAX TARAYAA HADDII AY KU HESHIIYAAN :INTEENAAN AAN SOOMAALI FARAHA KA QAADNO AMA AAN IS DILNO.

INTA DADKA WAX MAAMULAYAA AAN LASOO BARYIN EE KUWO ORDAYA AY YIHIIN WALI RUNTA WAAN KA FOGNAHAY. WAA INUU NINKU MASUULKA SOOMAALIDA MAANTA KA CARARO HADUU KU CARARO ASAGOON LASOO DOORAN WAA TUUG.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, June 20, 2000 - 07:16 pm
To: MO
By Anonymous
walaal anigu waan ku raacsanahay shirka jabuuti waayo ilaahay rajadiisa lagama quusto markasta ilaahay arinta fuli siday tahayba, waa runtiin adiga iyo freemailba oo shirka waxaa wali daba ordaya kuwii soomaaliya quusta nooga riday ee shirarkii horaba iskufahmi waayay hadana waxaan idinleeyahay rajada ale haka tagina umada u haqantaagaysana haniyad jabinina ee ilaahay noo barya inuu kadhigo mid la isku raaco oo noqda shirkii ugu danbeeyay uguna rajo iyo waaritaan wanaagsanaada, si aan wadankeenii hooyo igunoqono waayo sidaad wada ogsoontihiin dhibaato nooma yara iyo kaladaadsanaan, inkastoo hadii lais yidhaahdo halanoqdo aan owlaad iyo waayeelba lahayn oo ay dadkii intooda badnaa gaalada raaceen hadaan ilaahay hada nagasoogaarina oo nadabaqabana dhibaato kudanbeeyn doono aduun iyo akhiraba. Calaakulixaal ale noobarya inuu shirkan noohagaajiyo oo wadankii nagu celiyo inteena hartay Amin
wasalaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

freemail.nl

Saturday, July 01, 2000 - 01:21 pm
walaalayaal way haboontahay in qof walba oo soomali ah ka dhiibto rayigiisa halkan kuna cabiro maskax ahaan waxa uu ka qabo ama sida ay latahay shirkan ka socda jibouti walaalayaal ma wanaagsana in waqtigan la isku mashquuliyo natiijada ka soo bixi doonta shirka iyo aayatiinkiisa danbe waxa uu noqon doono waayo waxaas ooo dhan waa qayb naga maqan inaan ogaanan way adagtahay waxaanse jeclaan lahaaa inaan wada garano waxa nabadu tahay iyo cida u baahan ama cida ay wax u taraysaa inay tahay jibouti ama dowladaha lagu eedeeyo inay masuul ka yihiin qaska iyo colaadan dhamaan weyday waxaan aaminsanahay inaan nahay dad jiritaankooda dadnimo aad u liito garaad ku filan laheyn waxaanad ka garan kartaa nin kasta oo soomali ah marka uu cabirayo rayigiisa ma dhaafsiisna qabiil iyo qolo qolo sheeg walaalayaal hormarka iyo nabada waxaa lagu helaa waa garasho iyo wada shaqeyn adag mahan wax dhagax ah oo meel yaala oo markii larabo la soo qaato mana ahan wax la soo iibsado oo suuqyada aduunka lagu gado .ee waa garasho iyo wada shaqeyn adag oo ka timaada bulshada markaas u bugta waxaanse leeeyahay idin weydiinayaa dhamaantiin intiinaan wax garad ah... yaaa garanaya qiimaha ay leedahay nabadu hadaynu nahay soomaali miyaan leenahay garaadkaan ku garan lahayn??? jawaabtu waa maya waayo waxaad ka garan kartaan heerka wax garasho ee qeybaha ay ka koobantahay soomaliya yar iyo weyn garaad aan ahayn reer hebal iyo anoo reer hebal ah iyo angoo reer boqor ah ama reer malaayiin laaye ayaan ku soo koobnay waxaan aqoon lahayn taasna waxay ka turjumaysaa in wax garadkii iyo iyo aqoontii soomaalidu isugu timid intaas marka maba jiri karto inaan noqono dad wax isla garta ama isku si u fakara taas waxay dhici doontaa markaa dib u abuurano haday dhacdo dib u fakaroo suura gal matahay inaan dib u abuurano waa maya ninkii qabah rayi ka badalan waa argnaa ninkaas wax weyn ayuu na dheeryahay? byy ahmed ali drye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAANGAAR

Saturday, July 01, 2000 - 01:37 pm
TO anonymous
WALAAL WAXAAD TIRI WAXAAN KU HAN WAYNAHAY IN SHIRKAAS WAX KA SOO BAXAAN ILLAAHAYNA WAAD U BARIDAY.
ANNIGA LAFTAYDU ILLAAHAY WAAN U BARAYAAYAA IN WAX KASOO BAXAAN LAAKIIN WAAN INAAN SI REALISTIC AH WAX UNFIIRINO UNA FAKARNO.
WAXAAN UGA JEEDAA YAA SHIRAAYO? MAXAY KA SHIRAAYAAN?
WAXAA SHIRAAYA KUWII DADKA ISKU LAAYAY WAXAYNA KA SHIRAAYAAN DAWLAD.

WAXAAN QABAA INTAAN DAWLADA LAGAARIN INAY KASHIRAAN MAXAAN DADKA ISGU DIRNAY,SOOMAALIDANA U SHEEGAAN INAY HESHIIYEEN AYAGU AMA WALIGOOD AY HESHIIS AHAAYEEN.

WAXAAN ANIGU ORANLAHAA INTAAN KUWAAS WAX KASUGAYNO WAAN HURUDNAA WALIGOODNA WAX KEENI MAYAAN, HADAY MAANTA DAWLAD DHISAAN BARAY BAABA'AYSAA SABABTOO AH WAA WAX DAN GAARA IYO SHEEKO RUNTA KA FOG LAGU KEENAY.

UGU DANBAYNTII QOFKII SOOMAALIYEED EE WADANKEENII RAJO KAQABOW ADIGA DAWLADI KAAMA SOKAYSEE WAX KA QABO HADDII KALE WALIGEEN WAXAAN KU JIRAYNAA ODAY IYO JENARAAL AYAA SHIRAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

freemail.nl

Saturday, July 01, 2000 - 01:51 pm
walaalayaal ma isku raacsanahay inaan inta hubka dhigno aan wixii hanti ah ee lakala dhacy isu celino ooo qof walba oo soomali ah ku maro meel kasta ooo wadankiisa ka mid ah xoriyad buuuxda iyo asagoon qof kale magan u ahayn hadaan taas diyaar u nahay way dhawdahay dowladnimo iyo jiritaan danbe oo somaliyeed hadaad weydaanse ma jiri doonto wax la yiraahdo nabad iyo heshiis dhex mara soomali waayo dad ayaa ka faaiiday burburka dadna wey ku qasaareen ku ka faaiidayna ma rabaan dowlad iyo in la heshiiyo waayo dantooda ayay lid ku noqon doontaawayna ka dagaalamayaan ilaa hada inaysan soomaliya ku soo noqon qaranimadii iyo sharaftii ay lahayd sidaas ayaan u malaynayaa inaad ila qabtaan dadbadanow ugu danbayn rabigay waxaan ka rajaynayaa inaan aragno calankii soomaliya ee xidigta lahaa ee baluuga ahaa oo kor u taagan oo loo dabaal dagayo intaas ayaan ku soo gabagabaynayaa w/salaam..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, July 03, 2000 - 11:38 pm
waan idin salaamay dhamaantiin.
Salaan ka bacdi hadaan hadaan fikradayda ka dhiibto shirka jabuuti wax ka qabsoomayaa haba yaratee ma jiraan sababtoo ah war yaa meesha joogoo shiraya miyaanay ahayn kuwii shalay dhulkooda iyo dadkooda gubayeyey.
miyaanay ahayn kuwii soomaali qabiil u kala saaray ee hubka isugu dhiibay sxb waa kuwii sxb kalee soomaaliya joogay ay booskii ka cidhiidhiyeen oo jago doon ah.
gobolo badan oo soomaali wax ka tirsanayey cidi kama iman mana aaminsanaa shirka war yaa ka jooga shirka qabaailka loo yaqaan ••••• waxa ka jooga c.raxmaantuur oo jago doon ah iyo hal suldaan oo isna ku doodaya ha naloo soo cesho waxayagi nalaga dhacayey ilaa 60kii isna xisaabtan buu u joogaa meesha yaa duub iyo siyaasiba u jooga reer ••••• meesha maxyse ka orondoonaan dowlada laga dhiso jabuuti oo kuwii shalay dhulkooda ugu yimi ee ku gubayey ay hogaaminayaan .
ninkii isleh way aqbalayaan reer waqooyi shirkaas waad riyoon saaxiib .
ninkii is leh reer koonfureed way aqbalayaan shirkaas way u fiican tahay iyagaa in dhoweydba dhibaato iyo colaadi haysataa ee ha ku farxaan inuu geele dowlad u dhiso.
waxan hadalkaygi ku soo gebegebeeyeey bal ha laysla eego shirkaas anise gacan kudhiigle saaxiib horaan xabad iskaga eryay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mike

Tuesday, July 04, 2000 - 01:29 am
SHIRKA JABUUTI WAXAAN UARKAA MID AAN QIIMO KU
FADHIN SABABTOO AH DADKA MEESHA YIMID WAA TUUGADII WADANKA BURBURISAY ODAYAASHAAN IYO KUWA KALE OO ISKU SHEEGA SIYASAINTA DAN UGUMO JIRTO
NABADGALYO SABABTOO DHIGENA AYAY WILIGOOD KU NOLAYEEN MESHA WAXAA LOOGA BAHNAA DADKA DADODA
U DHAXEYSO 30-45 KUWA KALE ANIGA WXAAN KU TALIN
LAHAA INTA MEEL LAGU ARUURIYO HALA GUBO,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gamal

Thursday, July 06, 2000 - 05:02 pm
shirka jabuuti wax kasooo bixidoona ma jiraan haba yaraatee sababtoo ah maanta soomaaali waa heshiis oo cid isdagaalsan ma jiraan Raga tuugada oo aan waxba ka naxayn ee soomaali isku gubay shalay miyaa maslaxad doonaya ayaad isleenahay Maya.
waxa ay doonayaan oo kaliya waa in dabkii ay soo shidaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi dheere

Thursday, July 06, 2000 - 07:02 pm
Waad Salaaamantihiin. Dhawr sano marka la joogo way fiicantahay in wax la dhaqdhaqaajiyo, si caalamka loogu muujiyo in rajo jirto, dadka somaliyedna ogaadaan meesha xaaladdooda nabadeed kala marayso iyo in qabiillada wax kala qabaa is arkaan, balse xal buuxa in mar iyo labo inta la kulmo qalinka lagu duugo xal waara ee arrinta somaliya waa riyo mug gaaban.
Cidda doonaysa xalka somaliya ha u hesho jawaab su'uualahan.
jananno arkay sida awoodda ciidannimo labaatan sano loogu maquuniyo waddan oo isgarab yaacayay aan lahayn waayo aragnimo siyaasadeed iyo aqoonacademic-ah midna sidee loog fadhiisiyaa dalka.
dhallinyaro baahan ku raran hub aad u culus dhimasho,dil,iyo nolol isaga mid ytahay meel loo jiheeyo iyo dhaqaale lagu jiheeyo oo diyaar u ahna aan loo hayn sidee qoriga ay nolosha ku raadsanayaan looga qaadayaa,illeyun qorigiisa ayaa uga fiican qabiil,qaran iyo qofba eh.
qoomiyad aan dhaqaale dhisan lahayn, dadkuna aanu shaqooyin ku kala jihaysneyn, baratey dawlad loo wada shaqeeyo iyo siyaasad iyo afminshaarnimo lagu qaraabto dooneysana dhammaan in ay maalin taajir noqoto, meel kastana u maraysa xataa haddii kun qof dhimanayso saacaddii sidee dawlad loogu maamuli doonaa ayagana isu aaminayaan. xannunkii dagaalka sokeeye keenay cabsi iyo welwel bay abuurtey ee sidee aaminaaddii loo soo celin karaa si qof walba u oggolaado qof kale oo qabiil kale ah inuu matali karo asna xaquuqdiisa wadaninimo uu ka heli karo.
Dadka ay qabaail soo xuleen sidey uga madax bannaanaan karaan qabiilka xakamyntiisa si ay caddaalad ugu sameeyaan dadkooda not qabiilkooda.lacagta qaranka iyo maamulka gobollada sidee loogu heli karaa caddaalad sugan.
Arrinta Somaliland hala socdo ma dhammaan kartaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BBQ

Tuesday, July 18, 2000 - 07:17 pm
hell no...........................................
hell no.........................................
hell no.......................................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KIIKALE

Tuesday, August 29, 2000 - 08:56 am
HELL YEAH
YEAH
YEAH

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.