site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xageey ku dambeeyeen Safaaradihii Soomaalida?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Xageey ku dambeeyeen Safaaradihii Soomaalida?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yusuf

Monday, June 26, 2000 - 05:16 am
Marka hore Illaah ayaa mahad dhamaanteed iskaleh,
Marka xiga waad sallaaman tihiin wallaalaha sharafta leh ee fursada u helay in ay aqriyaan qoraalkaan,Taas ka dib waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan kaga hadlo dhibaato ka mid ah dhibaatooyinkii ka dhacay mid ka mid ah Safaaradaha soomaalida ee Yurub,
Waxaana rajeynayaa in aad ku aqrin doontaan indho furan siaad u ogaataan arrintaas ayada ah.
waxaad ka heleysaan qoraalka oo kaamil ah halkaan hoose. Maca sallaama.

http;//hamaada.tripod.com/yusuf.html

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yusuf

Monday, June 26, 2000 - 05:21 am
Halkaan ka fiiri dhibaatooyinkii ka dhacay Safaarada Soomaalida ee France.

http://hamaada.tripod.com/yusuf.html

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdisamad/bashiir

Monday, June 26, 2000 - 05:33 am
Sallaan ka dib,
Wallaal si aada ayaad ugu mahadsan tahay sida feejigan oo aad iskuugu mashquulisay in aan aqbaarahaan oo kale la socod siiso wallaalahaaga kale ee aan waxba ogeyn weyna fiican tahay in la ogaado qof walba oo Xaqa Soomaalida ama hantideda ku xad gudbay si hadhoowdi markaan soo ceshano qaranimadeenii iyo sharafteenii hore oo hadda cagaha la mariyay loola xisaabtamo shaqsi walba oo dambi noocaan oo kale galay.
Waxaa kale oo aan ku guubaabinayaa wallaalaha kale ee wax ka og arrin sidaan oo kale ah in eey la socodsiiyaan soomaalida kale,
Sidaas iyo nabad gelyo.

Abdisamad iyo Bashiir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAXARDIID

Thursday, July 06, 2000 - 05:01 am
ASALAAMU CALAYKUM

mahadsanid yusuf (if so!)

Marka koobaad Rabbi ayaa mahad leh kadib. Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay warbixintaadan qiima galka ah YUSUF haday sidaas iyada ah u jirto waana wax loo baahan yahay ururinta iyo kawarqabka dadka xun xun iyo ficiladooda ay dalkeena iyo dadkeena kusameeyaanba, haday yihiin somali iyo ajnabiba waxaana kawarqabaa waxyaahaha qaarkood ood halakan kasheegtay sida Safaardii Nairobi iyo wixii ka dhacay iyo kuwo kaleba

Marka howl noowada taala, ee halkaaga kasiiwad dadaalkaaga dhaxal galka ah ayaan kuleeyahay intaanada kale ee hurudana waxaan rajaynayaa inaan kugu dayan doono baraarug noonoqon doonto qayla dhaantaadan inshaa Allaah thanks again yusuf. Somalyey ogaadana dadka iyo Dalkuna daacad iyo cadaalad ayey u baahan yihiin

ugu danbayntii DJibouti hawaarto, Somlaiyana hasoo noolaato inshaa Allaah, Osmail Omar Gellana aad ayuu ugu mahadsan yahay dadaalkiisa taariikhiga ah, laakiin waa wax laga sugayey ee ma aha wax layaableh inuu dadkiisa wax u qabto dhinacaydoonaanba ha ahaadeene shanta qaybood ee Somalida DJIBOUTI, N.F.D., OGADENIA/S/GALBEED, WAQOOYI,IYO KOONFUR. iyadoo qof walba garan karo tabarta ay leedahay dowlad DJibouti oo kale ah.

SAXARDIID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, July 09, 2000 - 06:12 am
Asalaama calaykum,

Mahadsanid yusuf,

Waxa aan kaaga mahadcelinaynaa annaga oo ah
jaari'yada Soomaaliyeed ee Gothenburg,SWEDEN. Sida
xushmadda leh oo noogu soo gudbisay aaradaas aan
dhihi karno waa mid ka timid shaqsi Soomaaliyeed
oo nadiif ah. Waa loo baahanyahay in lala
xisaabtamo raggas oo kale, halka ay maanta u
hanqaltaagayaan in ay ka qeyb galaan cadaalad u
soo celinta ummadda Soomaaliyeed ay shalay ka qeyb
qaateen cadaaladaradii dumisay qarankooda.
Mahadsanid,
Maamulka jaar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

123

Sunday, September 03, 2000 - 10:20 am
Waad mahadsantahay walaal,

Waa loo baahan yahay in wararkaasi la aruursho.
Dalkii dibada iyo gudaha waa la bililiqaystay.

Waxaan kaloo maqlay mar dhismihii safaaradda Somalida ee Bonn Germany mar rag beec ku raadinayeen, balse dad soomaliyeed ka dhacsheen oo la isku dili gaaray. Ragga gadanaya dhacaya safaaradaha ama hantidii dowlada waa rag safaarada ka shaqayn jiray.

Rabiyoow nadabaqabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garyaqaan

Friday, September 08, 2000 - 04:10 am
Yusuf well dode brother.
Aad baad u mahadsantahey. Waan ogaaney khabaarkan nagu cusub haddaanahey dadka arrimaha Somalida xiiseeyo ee Internetka ee waddanka Holland deggen.
Dadka arrimahaas oo kale ku kacey ee hantidii dadweynaha Somaliyeed mid shaqsi ka dhigtey waa dad u baahan in la dabo galo oo aysan habeen seexan. hanoqoto internetka, ha noqoto jariidadaha, hanoqoto wrgeysyad radityaha iyo talefishinka. Brother ha u arkin wax qiimo leh in ay ka qeyb qaateen ama ay ka mid yihiin xildhibaanda baarlamaanka kumeelgaarka ah ee cusub, waa wax markii xoog loo helo laga jaaseyn doono ama lagala xisaabtami doono. Fiiri bondskconsoularkii jarmalka Kohl waxa ku dhacey ka dib markuu laaluush qaatey. Markii xoog loo heley ayaa haddeer lala xisaabtamayaa. Eeg Pinochetga Chilli. U arag in ay yihiin jaranjaro aan u adeegsaneyno meel dheer in aan ku fuulno.
Ha ka daalin soo bandhig wax alla wixii aad ogtahey.
your brother Garyaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Friday, September 08, 2000 - 04:28 am
Yusuf thanx for the info BUT I think this guy did much less crime than the ones who are going to rule Somalia. The new and well popular president was Siad's interior minister when the civil war started. All thugs such as Mohamed Sh. Osman, Galayr and Caddow are in the government. Also those cold blood killers such as Gaani and Morgan are in the new government. Did we forget Well known warlords Ali Mahdi and Abdirahman Tuur are also in!

I think you singled out this guy which is unfair.

Waddani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAAFI

Friday, September 08, 2000 - 08:15 am
KU:YUUSUF IYO AKHYAARTII U JIIBISAY.
YUUSUF IIL IYO QABRI BAA KAA DANBEEYA ILAAHAAGA KA
BAQ OO BEENTA AAN SAL IYO RAADKA LAHAYN JOOJI.
ANIGU IN MUDO AH AYAAN KU NOOLAA DALKA SWITZARLAND
WAXAAD KU HADASHAY OO DHANA WAA BEEN.ADIGA IYO AS-
XAABTA KALABA WAXAAN U SHEEGAYAA IN QOFKII RIYI KEENAYAA UU KEENO ARIN RUN AH OO RAADLH.WAXAANAN
ANIGU HUBAA OON QIYAAMAHA OGAHAY IN GURIGII SAFAA-
RADA EE GINEVA UU XARAASHAY BANGIGA UNITED SUISSE-
BANK KADIB MARKII UU LACAGTIISII LASIINWAAYAY WAA-
YO ISAGAA MARKII HORE SAFAARADU LACAGTA KA AMAAHA-TAY OO WAXAA LACAGTA LUGU AMAAHDAY MAGACII DAWLAD-
DII WAQTIGAA,KADIB MARKAY DAWLADII DHACDAY WAX LA-CAGTII BIXIYA AYAA LAWAAYAY.SIDSAA DARTEED BANKIGA OO AY KA MAQNAYD LACAG BADAN WAXAA AWOOD
AY U SIISAY MAXKAMAD IN GURIGII LA IIBIYO OO BAN-
KIGU LACAGTIISII SAAS U HELO.MARKAA XAAJO NIN AAN OGAYN IN DHAHUU KA RIDAAYE YUUSUFOOW DABKA JOOJI
OO RAG ISKA CELIN RABIBAA LOOGA FOGAADAAYE,ALLE KA
BAQ IYO MAALINTA QIYAME.WAXAANAN KUU SHEEGAYAA ADIGA IYO DADKA KALABA IN WIXII DADKA IYO DALKA
DEBIKAGALAY SI DAACADA LOO DABA KACO OO AYNAAN KALA XIGSAN MAALIBAAN CADAALADA LASOO TAAGI,LAAKI-
IN BEEN ABUURASHADA HA LAYSKA ILAALIYO.

WABILAAAHI TAWFIIQ,EEBOW RUNTA NAWAAFAJI.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.