site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gudiga Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Gudiga Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, July 16, 2000 - 11:58 am
Haddii aanu nahay guddiga Ilaalinta xuquuqda kala dheegashada iyo macaamiisha Soomaaliyeed, waxaali ilaa hadda si aad ah ayaanu ugu faraxsan nahay guud ahaan sida habsamida leh ee dadka Soomaaliyeed ee Hanaankan Internet-ka adeegsada intooda badani u ilaaliyaan xuquuqda walaalhooda kale. inkasta oo ay jirto iyo dad tiro ay marmarka qaar meel ka-dhac sameeyaan. wanaagaa aanu sheeganeyna waxa mahadeeda iska leh inta had iyo jeer is xil-qaada . waad mahad san tihiin.
Haddii aad wax raýi ah oo amuurtaa ku saabsan aad heysaan marna ha ka maagina inaad noo soo bandhigtaan.
M.N XAYD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalid

Sunday, July 16, 2000 - 03:51 pm
To Guddiga Ilaalinta Xuquuqda iyo Macaaiisha
(GIXM)
Runtii waad ku mahadsan tihiin Habka aad u
Ilaalinaysaan Macaamiisha Bulshada Soomaaliyeed
ee Ku kulma Internet-ka .
walaalayaal waxaan Idinka Codsanayaa in waano
iyo war celin u soo jeedisaan dadka halkan
kuwada kulmaya Mar walba.

Tan kale waxaa iga su'aal ah , Ma jirtaa xiilad
aad kaga Saari kartaan afkaarta xun xun ee
dadka qaarkood adeegsada am ku soo qora Internetka?, Hadii jawaabtu haa tahay maxaad
wax ugu qaban weydeen Arintaas, nabad gelyo
Khalid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, July 22, 2000 - 10:43 am
Marka hore walaalayaal muddane iyo marwaba waad salaaman tihiin , mar labaadka aniga oo kuhadlaya magaca gudiga sare ee Ilaalinta xuquuqda kala dheegashada (copyright),iyo xuquuqda macaamiisha Soomaaliyeed waxaan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa dhammaan dadkii siyaabaha kala duwan nagula soo xidhiidhey, waxaan intaa raacinayaa ogeysiis gaaban oo ah ; in aanu si aad ah ugu baahanahay dad iskood isku dira oo hawlahan aanu wadno nagala qeyb-gala uu si dadaakeenu u noqdo mid midho dhala , sidaa daraadeed walaalayaal ruuxii arintaa karaya waxaanu si naxariis leh uga codsaneynaa in uu nala soo xidhiidho ama uu halkanba noogu soo bandhigo wixii talo ah.
aad iyo aad baad u mahadsan yihiin.
Mr. XAYD Breda The Netherlands

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.