SOOMAALI | Tuesday, August 01, 2000 - 02:55 pm UGU HOREYN, MAADAAMA AAN HADDA SUGEYNO MAAMUL MEEL KU GAAR AH, HA ISKA RAALI AHAADEEN ISA SOO SHARAXAYAASHU OO HA SUGEEN WAQTIGII DOORASHO LA GAARO. HADDASE, WAA IN GUDIGU SOO MAGACAABAAN QOF LOO DOORAN KARO DOWLAD MEEL KU GAAR AH, OO AAN XUKUN JECEYLNIMO HEYN, BALSE QADARIYEY MAGACAABIDA AS. DHINCA KALE, MAADAAMA WALI QABAA'ILADU EYSAN ARRINTA WAX QEYBSIGA U BISLEYN, OO EY WALI KU HOOS JIRAAN HOGAAMIYAASHOODA MADAX DOONKA AH, WAA IN; GUDIGU AWOOD KU LAHAADAA SOO MAGACAABIDA CID KASTA OO RAAD KU YEELAN DOONTA DOWLADDA MEEL KU GAARKA AH. WAXAA LA SAMEYN KARAA IN COD IYO QEYB LOO QAADO QABIILKII KU HESHIIN WAAYA WAX-WADA QEYSIGOODA. ARRIMIHII INTAA KU DHAMMAAN WAAYO, WAA IN DHAMEYSTIRKEEDA DIB LOOGU DHAAFAA DOWLADDA MEEL KU GAARKA AH. WAXAA UJEEDADEYDO TAHAY IN SHIRKU MIRO DHALLO, OO DHAQSO WAXUUN U SOO SAARO, KADIBA HA LA SII KAKABEE INTEY KA TOOSEYSO. KOLLEY WIXII ALLAH KA DHIGO BEY KU DHAMMAANEYSAA, EE CIDNA YEYSAN FARAX IYO NIYAD JAB TOONA LA DILAACIN. |
MXF | Tuesday, August 01, 2000 - 07:18 pm koley waxay aniga ila tahay,cid maanta dowlad la'aan doonaysa majirto. laakiin waxaa jira shaqsiyaad iyagaba markii horeba u tagay seed wax u heshaa iyo sideed wax u noqotaa walow ay jiraan kuwo meesha u tagay oo qarbudaad wada sida war lordska qaybta libaax ka soo qaatay burburintii umada soomaaliyeed. hadaba hadaan galo mowduuca ah qaybsashada TNCga marka hore waxa jira umad qabiil lagu ababiyey oo labadii jufee isla dhashay is eeganayaan way adag tahay sidii ay wax uwada qaybsan lahaayeen hadaan la abuurin system kala haga.mida labaadna waxa weeye waa in ay jiraan damage control joogta ah sida qabiil walba shirka ka qaybgalaya qof ka mid ah uu ka mid noqdo gudiga fulinta iyo joogtada mid kood si ay u8 fudaato aqoonsiga dhibaatada iyo xal u helka qabiil walba.gacanta shisheeyena meesha laga dhowro si aysan u dhicin dhabar jabis ama fashilaad |
Soomaali | Saturday, August 19, 2000 - 03:20 pm MAXAAN IYO SIDEE U DOORANAA CIDDII NAMATALI LAHEYD? Waan garaney in inta la doortaa ey jago helayaan, oo ey matalayaan magaceena, waxaanan garaneyn cidina noo sheegin waxa ey noo qabanayaan, haddii ey tahay; Gobal ahaan, Qabiil iyo Qoys ahaanba. Tusaale, Qoyskeenu wuxuu ka kooban yahay 15 qof(qaarbaa carruur leh) oo xaaldoodu kala tahay sidan; labo aqoontooda bey dibadaha oga shaqeystaan, labo waa ganacsato ku tiirsan beer iyo kalluun, labo waa ardey, hal waa qaxooti, ninna dugsi buu miyiga ku hayaa, hal qabiilkuu askari u yahay, inta soo hartey waa xoolo dhaqato guurguurta oo aan magaalo war ka heyn. Haddaba, su'aasheydu waa, ciddii aan doorannaa sidee wax ugu qaban karaan Qoyskeena mid maqan iyo mid joogaba? Haddiise ey waxba noo qaban waayaan, maxaa nala gudboon in aan sameyno? Maxeyse Dowladdu awood ku leedahay arrintaas? |