Mohamed | Wednesday, August 09, 2000 - 08:52 am Asalaamu Calaykum waraxmatulahi. Intaa kadib waxay aniga ilataha in taageero wayn loo fidiyo Dowlada cusub ee lagu soo dhisayo wadanka Jamhuuriyada Jabuuti, Sababta oo ah hadii aan lataageerin Dowlada cusub waxaa dhici karta in ay soomaaliya ku timaado arin aan weli la,maqal lana,arak. Somaliya waxay dowlad la,aan ahayd mudo kaban 10 sano waa la,socotaa heerka aan gaarnay, marka saaxiibayaal qof walba meesha uu joogo haka muujiyo rabitaanka dowlad soomaaliyeed marnaba haku fikirin yaa ladoortay, yaa wax noqday kaliya ku fikir wax mala,dhisay hadii kale waxaad la,mid noqonaysaa [Warlords] oo si cad u yire hadii aan wax loo magacaabin in ay wax walba qaadacayaan iyagoo dantooda ka hormarinayo tan ummada soomaaliyeed. Xuseen Caydiid, Cabdilaahi Yusuf, iyo kuwa lamidka ah waa kuwii wadankayaga bur buriyay maantana waxay leeyihiin waxaan metelnaa ummada soomaaliyeed war waa su,aale yay metelaan? Jawaatu waa sidaan cidna ma,metelaan ee waa bur cad dhiig cabyo ah.. Ummada soomaaliyeed waa ku daaleen dagaal iyo is nacayb maanta waa maalintii shacabka [not the warlords, and thier freinds]Waxaa mahad gaar ah leh, Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti...Walaalka soomaaliyeedow ogow hadii aan shirka jabuuti wax ka soo bixin waxaa laga yaabaa in aan soomaali danbe la,maqal oo dowlad leh, sababta oo ah waxaan maraynaa meel aad iyo aad u xun. Anigu mar dhow ayaan soomaliya kasoo laabtay waase ka soo naxay,waxaan tegay in ka badan 10 Gobal oo soomaaliyeed.Taageer danta ummada ha taageerin tan qabiilka.. MAY ALAH BRING PEAC TO OUR COUNTRY, AND OUR PEOPLE, Aamiin,Amiin |
Faarax Shirwac | Wednesday, August 16, 2000 - 09:32 am Asalaamu Calaykum Waraaqdan oo isku duba racsan waxaan filayaa iney kaligaa kaa timi haddii lagula soo qorayna aan sidan idinku iraahdo. Markaad liiska Warlordyada qoreyso min fadlan ka saar Cabdulaahi Yuusuf. Dad waligii kumuusan duulin, waligii gabdho ma kufsan, odayaal muusan gowricin, guryana muusan bililiqeysan, cuno loogu talo galay caruur iyo waayeel dhibanna muusan cunin. Thanx |