site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DOWLADA CUSUB EE SOOMALIYA:

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): DOWLADA CUSUB EE SOOMALIYA:
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, August 09, 2000 - 08:56 am
Asalaamu Calaykum waraxmatulahi.
Intaa kadib waxay aniga ilataha in taageero wayn loo fidiyo Dowlada cusub ee lagu soo dhisayo wadanka Jamhuuriyada Jabuuti, Sababta oo ah hadii aan lataageerin Dowlada cusub waxaa dhici karta in ay soomaaliya ku timaado arin aan weli la,maqal lana,arak. Somaliya waxay dowlad la,aan ahayd mudo kaban 10 sano waa la,socotaa heerka aan gaarnay, marka saaxiibayaal qof walba meesha uu joogo haka muujiyo rabitaanka dowlad soomaaliyeed marnaba haku fikirin yaa ladoortay, yaa wax noqday kaliya ku fikir wax mala,dhisay hadii kale waxaad la,mid noqonaysaa [Warlords] oo si cad u yire hadii aan wax loo magacaabin in ay wax walba qaadacayaan iyagoo dantooda ka hormarinayo tan ummada soomaaliyeed. Xuseen Caydiid, Cabdilaahi Yusuf, iyo kuwa lamidka ah waa kuwii wadankayaga bur buriyay maantana waxay leeyihiin waxaan metelnaa ummada soomaaliyeed war waa su,aale yay metelaan?
Jawaatu waa sidaan cidna ma,metelaan ee waa bur cad dhiig cabyo ah..
Ummada soomaaliyeed waa ku daaleen dagaal iyo is nacayb maanta waa maalintii shacabka [not the warlords, and thier freinds]Waxaa mahad gaar ah leh, Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti...Walaalka soomaaliyeedow ogow hadii aan shirka jabuuti wax ka soo bixin waxaa laga yaabaa in aan soomaali danbe la,maqal oo dowlad leh, sababta oo ah waxaan maraynaa meel aad iyo aad u xun. Anigu mar dhow ayaan soomaliya kasoo laabtay waase ka soo naxay,waxaan tegay in ka badan 10 Gobal oo soomaaliyeed.Taageer danta ummada ha taageerin tan qabiilka..
MAY ALAH BRING PEAC TO OUR COUNTRY, AND OUR PEOPLE, Aamiin,Amiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kkk

Friday, August 11, 2000 - 05:43 pm
skit snack------------------skit snack

skit snack-----------------skit snack

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 28, 2000 - 09:18 am
AM
asalaama calaykum
walaalkay ama walaashay anonymous waan kuguraacsanahay in dowlada cusub la taageero waana farxad aan lakoobi karin qofdamiirlehna uuna diidi karin waan ognahay inaan dhibaato nagu yarayn dadkii dalka dibadiisa joogay iyo kuwii dalka gudihiisa joogayba inay dhibaatoodeen walina dhibaataysan yihiin walaalahayga soomaaliyeed ha,ilaaween qabiil qabiil haduu uu faa,iido leeyahay waxbaa laga heli lahaa in 10 sano kaban ayaa lagu dhaqmaayay oo khasaaro mooyee faa,iido laga helin markaa walaalayaal ilaahay haloo mahad celiyo ilaaha maanta dhibaata naga korqaaday hana lagasoo horjeesto nimankan wali ku fakaraya inay soomaaliya dhibaatada kusii wadaan oo dalka iyo dadka in yar ee haray sii baabi,iyaan waa iska cadaan waxay u danleeyihiin markaa soomalidu wixii dadkaa raacsan sida xuseen caydiid iyo kuwo kaleba hakafakareen waxay u jeedaan ilaa,iyo mudo badan ayay dalka iyo dadka soo dhibaataynayeen maxay hada u qabanayaan aan ahay dhibaatadii hore oo kale madaxaaba igaxanuunaya hadalkooda wali waysii dhaaranayaan iyoo madaxwayna aduunwaynaha iyo umadasoomaaliyeed isku raaceen ladhisay may isku xishoodaan oo iskaga dagaan jagada ay isku sheegayaan inay haystaan balsoomaaliyeey anigoon qabiil ilajeedin maxuu xuseen caydiid u dhaaranayaa haday qabiil noqoto madaxwaynaha la doortay oo umada oo dhan laga reebo kuwa aan caqliga lahayn ee isaga raacsan ku faraxsan yihiin muxuu wali u dhaaranayaa maxaan dhibaata ahayn ayuu horay usoo sameeyay hadana wadaa kuwa raacsan ilaahay hakabaqeen oo ilaahay ha,usoo noqdeen oo walaalahooda soomaaliyeed wax haladhiseen dhibaatada haka daayeen
wasalaama calaykum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.