site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tolow siday noqon

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Tolow siday noqon
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amuraalka

Wednesday, August 09, 2000 - 01:18 pm
salalkan joogtadaa ee hurdadii i seejay tolow siday noqon.
soomaalidan is cuntee anaa sax ah isla hor taagan
allahayaw siday noqon.
sakadaan diiday islaam na waan ahay tolow maxay noqon.
sakaarbaan cunaa ,kamana yaraysan karo kaa soomaalay sideed odhan.
sabigan saaka dhashay ee sarkaalka isku maga caabay tolow siday noqon.
saxardiid maalkii qaaday , sahrana wax uma yaalaan tolow siday noqon.
saacad walba aduun kaan la socdaa taydiina mooyi,
tolow siday noqon.
suubanaw qabiilkay kaagu se silic tolow siday noqon.
surin walba laysku u gaadhsay sanadihii lasoo maray,hada se mooyi.tolow siday noqon.
sakin nafta malagu kuma daro.ka horse sakaraadku ye.shirkaa loo han wayn yahay saluugbaa ku lifaaqan .samaan baa wataa haday taagan tahay
waa wax walba ogolaw eh soomaalay maxaad odhan.
Saatirow ilaahaw sanad,subax,saacad.sakin kii walba adaan ku tala saaranee yaa rabi dhulka nabad noogu soo celi................


xumadu anay idaartee hadad fahmiwaydo kuma hayso
ta i haysaaye walaal ilaah toobada ha ina wada garan siiyo iinsha alaah khayr.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.