site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Madaxweyne ABDIQAASIM howl culus ayaa sugeeysa, maxaad ka dhahday?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Madaxweyne ABDIQAASIM howl culus ayaa sugeeysa, maxaad ka dhahday?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Friday, August 25, 2000 - 03:20 pm
Ma u maleeneysaa in Abdiqaasim Salaad madaxweynanimadiisa iyo Baarlamaankiisa lagu dhisay Jabuuti in ay meelmareyso?
Aniga dhankeeyga waan u soo duceynayaa, anoo ogsoon in xaaladda aysan sahalsaneen laga bilaabo ina-adeeradiisa xamar ka taliye, ilaa Puntland iyo Somaliland diidanaanshahooda, adigase aqristoow maxeey kula tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, August 25, 2000 - 03:40 pm
QOF KASTOO LOO DOORTO MADAX WEYNAHA SOMALIA WAXAA SUGAAYA HOWL CULUS < WAXAANA ILAAH KA BARYEYNAA INUU LA GARAB GALO XILKAAS >
SOOMALIDA DHAMAAN WAA U DIYAAR INEEY SOO NOOLEEYAAN SUMCADII IYO SHARAFTII UMMADDA SOOMALIYEED....DHAMAAN DADWEYNAHA DEGAN MAGAALDA XAMAR WAXEEY SI RIYAAQ LEH U SOO DHAWEEYNAYAAN DAWLADDA SOMALIA EE JABUUTI LAGU DHISAY. WAXAANA MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH< GANACSATADA IYO DHAMAAN SHACABKA ISKU RAACEEN IN LA ISKA INDHO TIRO NIMANKA WAALAN EE BURCADNIMADA RABA INEEY KU SII WADAAN DALKA IYO DADKA....XAMAR WAA NABAD>>>SOMALIA WAA NABAD>>> ILAAHAYOO TOWFIIQDA NAGU HAGAAJI

GAABOOW>>>>>XAMAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kalid

Friday, August 25, 2000 - 03:53 pm
TALAABADII UGU WEYNAYD EE SOOMAALI KU DHAQAAQDAY TOBAN SANO.

Aad ayay farxad iyo rayn rayn u leedahay dawladani cusub ee madaxweynaha loo dhameystiray caawa.

PLEASE BE PESIMISTIC SINCE WE HAVE NOTHING TO LOSE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAN AWOOWE

Friday, August 25, 2000 - 04:01 pm
SALAAMA CALEEKUM WALAALAYAAL, SALAAN KADIB SIDA AANU OGSOON NAHEYBA,MAANTA MASUULIYADA SUGEYSA MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALI MID FUDUD MAAHAN LAAKIIN,MARKAA SIDAAS DARAADEED WAXAAN LEE NAHEY ILAAHEY HA UFUDUDEEYO.HADAAN RA,YIGEEYGA KAWARAMO IYO SIDAAN UGU QANAC SANAHEY RUN AHAANTII WAA 100%.MA UU AHA NIN AAN SHAQSI AHAAN U AQAANO AMA ISKU QOLO NAHEY,LAAKIIN WAXAAN UGU QANAC SANAHEY SOMALI OO ISKU TAGTEY OO DOORATEY.WAXAAN ILAAHEY KABARYEEYNANA INUU NOQDO MADAXWEYNEYNE DAACAD AH,WAXAAN KALOO ILAAHEY KABARYEEYNA INUU ILAAHEY XILKIISA LA,GARAB-GALO. AAMIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAN AWOOWE

Friday, August 25, 2000 - 04:05 pm
SALAAMA CALEEKUM WALAALAYAAL, SALAAN KADIB SIDA AANU OGSOON NAHEYBA,MAANTA MASUULIYADA SUGEYSA MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALI MID FUDUD MAAHAN LAAKIIN,MARKAA SIDAAS DARAADEED WAXAAN LEE NAHEY ILAAHEY HA UFUDUDEEYO.HADAAN RA,YIGEEYGA KAWARAMO IYO SIDAAN UGU QANAC SANAHEY RUN AHAANTII WAA 100%.MA UU AHA NIN AAN SHAQSI AHAAN U AQAANO AMA ISKU QOLO NAHEY,LAAKIIN WAXAAN UGU QANAC SANAHEY SOMALI OO ISKU TAGTEY OO DOORATEY.WAXAAN ILAAHEY KABARYEEYNANA INUU NOQDO MADAXWEYNEYNE DAACAD AH,WAXAAN KALOO ILAAHEY KABARYEEYNA INUU ILAAHEY XILKIISA LA,GARAB-GALO. AAMIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IDHAM

Friday, August 25, 2000 - 04:09 pm
ILAAHAYBAA WEYN, WAXAANA KA BARYAYNAA INUU DARIIQA TOOSAN TUSO KUWA UMMADA HOGAAMIN DOONA.

Aadmiga duunkani wax ka gaadhayna ma ahan kuwa xinka iyo is riixriix wax ku wadda ee waa kuwa hayigoodu siiyay inay meel uun gaaraan xitaa ha u shaqeysteen danahooda. WE CAN SAY THAT THE WEST IS DRIVEN BY SUCCESS.THEY HAVE AN URGE IN WHICH THEY HAVE TO PROVE TO THEMSELVES, THAT THEY ARE CAPABLE OF REACHING THEIR GOALS AND OBJECTIVES AND THUS SUCCESS PAYS. MAY ALLAAH BLESS OUR LAND AND BRING LONG PEACE AND PROSPERITY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAAISA

Friday, August 25, 2000 - 04:17 pm
HAMBALYOOOOOOOOOOOOO DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED MEEL KASTA OO AY JOOGAAN! WAXAAN EEBE KA RAJEEN IN AY NOQOTO DOWLAD LAGU NASTO OO DIINTA ISLAANKA KU DHAC'DA DADKA & DALKA!.... WAXAAN KALE OO AAN U RAJEEN IN UU NOQ'DO MUDANE ABDIQASIN SALAAD MID KATALIYA DANAHA UMAD WEENTA SOOMAALIYEED & HORMARKEEDA MAADAAMA AAN SOO MAR'NAY DHIMAATOOYIN FARA BADAN... WAXAAN KALE OO UMADA SOOMAALIYEED KULA TALIN IN AY GACAN KA QAATAAN HIRGALINTA DOWLADA CUSUB WAAYO FARKALIYA FOOL MADHAQ'DO...MADAX WAYNAHA WAXBO MA QABAN KARO HADII UUSAN KAHELIN GACAN UMAD WEENTA..THNXXXXXXX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED

Friday, August 25, 2000 - 04:20 pm
ASALAAMU CALAYKUM KULIGIIN?

MADXWAYNAHA HOWL BAA SUGAYSO MID ADAG HADII UU
KAMID AHAA DADKII QABIILKA DADKA KULAYNAYAY OO MAKOORFANADA QADANAYAY
ILAHAAY UMA SAHLO ILAA UU CAFISWAYDIISTO UMADA UU GODABTA KA GALAY EE SOOMAALIYEED UU GODOBTA KA GALAY
ILAHAYNA HA UFUDUDEEYO HADUU DACAD YAHAY HADII KALENA ISAGAA YAQAAN CIRKA HALA AADO,INUU DACADNOQDO WAA WAX LOOBAHANYAHAY IN LA HELO XALADAN HADA LAGU JIRO ANIGU AQOON UMA LIHI ISKU QABIILNA MA NIHIN BBC ENGLISHKA AYAAN KAMAQLAY INUU •••••• YAHAY WUXUU KAYAHAY MA AQAAN WAXAY ILATAHAY.
DADKA XAMAR KUNOOL HADAY TAGEERAYAAN IYAGA AYAY QUSAYSAA ANIGA WAXAANRABAA NABAD AAN MEESHAAN DOONA KU MARO ANOO LAIWAYDIINAYN XAGEED KA TIMID
WAYNA ADAGTAHAY DADKIINA WAA DADKII UUUN ISMA BADALIN WAA SOMALI ILAAAH ILMA SIYAAD BARE ILAAH HA UNAXARIISTO AMA HA ISKA DAAYO ILAAH BAA YAQAAAN ANYWAY SOMALI FIICAN WAA LOOBAHANYAHAY OO IS FAHANTA REEEER MAGAAAL AH..............
I HAVE TO GO GUYS I WILL BE BACK TO FINISH MY IDEA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, August 25, 2000 - 05:35 pm
WAXAAN U MALEYNAYAA IN DAD BADANI OO SI AAD IYO AAD NABADDA UGU BAAHNAA AY HALKAN FIGRADAHOODA KADHIIBTEEN.HASE AHAATEE WAXAAN KU DARSANAYAA RAYIGAYGA_ MUDDO BADDAN AYAAN SUGAYNEY DAWLAD KA CADAALAD AH OO KADHALATA WADANKEENII. MAADAAMA MAANTA AAN DOORANAY MADAXWEYNE, WAXAAN SHAKI KU JIRIN IN AY DADBADANI KA SOO HORJEESAN DOONAAN DOORASHADA MADAXWEYNAHA CUSUB, DADKAAS NA WAXAA KAMID AH, QAAR KA MID AH QAB QAB LAYASHA DAGAALKA, SIDA AAD WARARKA KU MAQASHEEN(BBC).HADABA SOOMAALIYEEY MAXAA NOO DAN AH, MA INAAN DIBADAHA WAREEGNAA, MA INAAN DAWARSANAA DAL SHISHEEYE. IT IS TIME FOR ALL PEACELOVERS TO GET UP AND SUPPORT THE NEW SOMALI GOVERNMENT.DOWLAD XUN WAXAAY DHAANTAA DAWLAD LA'AAN.

ITS TIME TO SAY NO TO SOLDIER/DICTATORS, WHO ONLY KNOW HOW TO KILL A CHILD BUT NOT HOW TO FEED A CHILD.
ITS TIME FOR ALL SCHOLARS TO GET UP AND SPEAK THEIR IDEAS.
ITS TIME TO STOP THE POVERTY,(THE WORST ENEMY IN THE WORLD) AND THINK ABOUT MIDNIMO.
THOUGH THE NEW PRESIDENT IS NOT MY CLAN, I
SUPPORT HIM 100% FOR THE SEEK OF PEACE AND HOPE. AND I HOPE YOU DO THE SAME.

MOHAMED
MINNESOTA, U.S.A

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shadiya

Friday, August 25, 2000 - 05:41 pm
anon waxaan ku waydiyay maxaa loo doran waayay qof aan ku jirin dawladii maxamed siyad oo cilmi leh xoolahana kala hagi kara m kula tahay nin siyad bare la shaqayn jiray inuu wax sifiican u xukumayao oo cadaladi ku jirto?????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Friday, August 25, 2000 - 08:47 pm
Ma ka shaki qabo in ay Dawladda la dhisay ay meel marayso iyo in kale.

Waxaanse leeyahay Mr.Madaxwayne(Abdulqasim),ama
noqo nin Somali ah oo taarikhdu ammaanto oo ninkii maqla Magacaaga uu ku farxo ,ama aragti gaab taladiisa raac

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faadumo cabdulaahiILKACAS

Saturday, August 26, 2000 - 12:55 am
Hambalyo hambalyo diiran, waxan halkan uga hambalyeynaynaa Qolada habargidir ninkan cusub ay doorteen oo ay madaxweynaha ka dhigteen, waxaan u rajeynayaa in ilaahay ka dhigo kii reerkiisa iyo jifadii uu ka dhashay wanaag barwaaqo iyo bash bash ku hogaamiyo oo dhulkooda iyo dadkiisa kii nabad ku soo dabaalo, soomaalida inteeda kalana waxaan u rajeynayaa iyagana iney meesha iska qaadaan oo ay sida ay qolada ninkan ay si sharaf leh u doorteen oo kale iyagana waa inay dowlad daacad ahi sameystaan oo si sharaf leh isu soo doortaan, Haada shirkii habargidir waa dhamaaday oo si sharaf leh bey isku doorteen,


Muddullood qaasatan abgaal weyne asagana waa inuu sidaas oo kale shir ku qabsadaa jabuuti oo laba seddex bilood markuu socdo ayakana madaxweyne soo doortaan oo si daacad ah dadkiisa u hoggaamiyo,


Murusade isagana sidoo kale oo qof sharaf leh ay madaxweenahooda ay ka dhigtaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadiija maxamad

Saturday, August 26, 2000 - 01:07 am
walaalayaal wxaan maqlay Jabuuti madaxweyne cusub ay dooratay ee goormaa xilka lagu wareejinaa, ninkaan jabuuti loo doortay waxaan u maleen jiray inuu soomaali yahay waligeeyba uma heesan inuu yahay jabuutiyaan, walaahi aniga waan jeclaa ismaaciil guuleed abtidoon laakinse haddii laga doorasho batay waa inuu iskiiga dagaa oo ninkaan cusub CabdiKhaasir Salaado uu ku wareejiyaa, waakaas jabuut oo naga yar madaxweenaheeda si tartiib ay u doorteen, kuwa soomaalina saas camal aa fiicneed inteey qoriga isu heestaan inay iska dhaafaan oo sidii jabuuti camal ay madaxweene doortaan, laakin aniga welli magaciisa madaxeega uu ku wareegeeyaa, haddana waxaa dhaheesiin maxamad siyaad barre eey dadka isla dili jireen iyo ceediid, see jabuuti madaxweene uugu noqonaa ama jabuutiyaanka maa maadaxweene laga waayay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anony

Saturday, August 26, 2000 - 02:04 am
ku labada gabdhood khadiija iyo faduma

ma aakhiraad ka timaadeen hadda mise jeesjees ayaad ka wadaan. si kasta ha ahaatee maanta madaxwayne aan isku raacsanahay aduunyada oo idilna nagu raacsan tahay ayaan soo dooranay. ka naxoow nafta waa. Madaxwayne c/qaasim ilaah ha kula garabgalo xilka wayn ee ku saaran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axe

Saturday, August 26, 2000 - 02:07 am
Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan dadweynaha Somaliyeed ee ku nool Somaliya! Sababta aan ugu hambalyeeynayo waa dadka kaliya ee ku dhibaateysnaa 10 sano ku dhawaad waa dadka keliya ee Soomaliyeed ee u baahan dowlad iyo nabadgalyo.
Somaalideena kale ee dibadah ku nool aynu gacan siino dowlada cusub.
It's about time to unite, lets build Somalia together.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, August 26, 2000 - 02:11 am
,,,,Kadib kolkii la doortay Madaxweynaha baa waxaan telephone ii soo diray Nin aanu saaxiib ahayn oo deggan Amesterdam haatanna ku sugan magaalada Carta, Jabuuti.


Kolkaanu xoogaa is wareysanay oo uu iiga sheekeeyay Shirkii iyo sida ay wax u dhaceen iyo in isaga uu meesha ka soo helay Xubin Golaha Shacabka ee ku meel gaarka ahi baan aad ugu riyaaqay uguna hambalyeeyay jagada meesha uu ka soo helay si kaftan ahina ugu sii raaciyay !!!!! macallinka immisaa Land Cruiser baad meesha ka soo xasilisay!!!!, xoogaa kaftan ahi dabadii baan waxaan wareysi ugu dhaqaaqay bal iney asxaabtayadii kale ay meesha isku arkeen, markaasuu ii warrammay Hebel shirkii Sodare baa na isugu kaaya dambeysay, Hebelna Shirkii Qaahira baa na isugu kaaya dambeyysay Laakinse Hebel iyo Heblaayo iyagu waa ay joogeen oo waxayna noqdeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka,,,Whoa Awguuriyo aan iri,,Markaasaan weydiiyay bal hadduu Hebel iyo Heblaayo ay is arkayaan Markaasuu wuxuu iigu jawaabay tii iigu cajiibka iyo qosolka badneyd oo wuxuu yiri " Maya walaahi Hebelna Canada ayuu aaday kadib kolkii uu jagadiisa helay Heblaayana iyaduna waxay qabatay halkaa iyo Australia, oo waxaa laga yaabaa inaan dhawaanahan aanan is arag oo Shirka kan xiga ee Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed baanu isku arki doonaa, oo aan u badinayo Nairobi, Qaahira, Addis ababa middood in lagu qaban doono"...Cajiiiiiiiiiiib iyo amankaag ma waxaan la ii keenin,,,oo maxaad tiri Shirkan kan xiga ee dib u heshiisiinta Soomaalida!!!!!!oo sideey wax u jiraan,,,,,ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa!!!!!!Sow tanaad Madaxweynaha doorateen!!!!!!Malaha wuxuba waa riwaayad!!!!!!isaga ayaan iri ka warran adigu hadda maxaad qabanaysaa se si sahal eh iigu yiri waxaa laga yaabaa week-gan dhamaadkii inaan halkii ku noqdo,,,Halkee ma carriggii,,,Carrigee inta igu yidhi buu yiri halkii iyo caruurtii oo Cayrtii baa islaanta lagu yara qabqabsaday iyo maqnaashaheyga oo halkii Amesterdam ahayd baa sii cagadhigan!!!!!!Waxan la wad wadana haddeey hirgalaan waanu arki,,,yaabaye kuwannee baas ee la wada doortay ma waxaa loo doortay Amesterdam iyo Australia!!!!!Suaasheyda iigu dambeysay waxeey ahayd Goormaad u malayn in shirka kan xiggee dib ushiisiintu Soomaaliyeed uu dhici doono,,,Jawaab sahlan buu hoosta iga gashoo iyiri "maybe next summer but i dont sure, Laakinse maccallinka Bal meesha iska soo xaadiri, ha lagu arko".....

NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dahabo Isse

Saturday, August 26, 2000 - 04:13 am
Anigu aad baan ugu faraxsanay in kadib 10 sano in kabadan markii somali magacoodu dhulka dhacay, hadda la doortay madaxweynihhii ugu horeyey. Waan u habalyeynaya marka hore, make labaadna waan la dardaarmi maadama ay howlculus sugeyso. Abdiqasimow wadanku waa qalalay oo la quursadeye, qoomkii u dhashay waa kuwaa qaran la'aan darteed qalfoofka noqday, qeyrkaa ayaa aya qoryaha ka dhigay qaarka dhigyacabka eh, oo wadanimo ku carbiyey sida dowladaha hormaraye, ee waa inaad dalka dhista adoo dacadnimo wade, hana u dabacsanaanin kuwa doonaya iney ku duleeyaane, daka u sinaw walaal waa lagu doortaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tooxoow

Saturday, August 26, 2000 - 05:13 am
Aryaa soomaaliyeey xay habargidir nagala dooneen
habargidir xamar goof kuma laha, miney rabaan
Dhuusomareeb ha la aadan. Xamar unukaa iska leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daauus

Saturday, August 26, 2000 - 05:23 am
slmu calaykum w. w.
To: labada gabdhood...
Hadii ay jeesjees idinka tahay, waxaa fiicnaan laheyd in aad ku ekeysaan naftiina si virus-kiinnu ugu soo gudbin inta caafimaadka qabta. Maangaab iyo maanlaawe midna maanso lama weydiiyo...

Rabiyoow dowlad caadil ah oo dad iyo duunyaba anfacda ka yeel.... aamiin ila dhaha inta fayoow.

To: Tooxoow
Goofkaada ha gubto....lol

Ka baxay.....
wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daauus

Saturday, August 26, 2000 - 05:25 am
NB: labada gabdhood waxaan ula jeedaa Faadumo iyo Khadiijo.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheekha

Saturday, August 26, 2000 - 08:38 am
ku socota Tooxoow.
xamar yaa ku siiyay,waa marka u horeysa,
habargidir aad leedahay dhuusamareeb yaa siiyay
Dhulka soomaliya soomali baa leh ee cudurka kugu jira ilaahey ha kaa daaweeyo,Ilaaheyna ha u sahlo Hawsha ruuxa madaxtinimada loo doortay Qabiilka uu doono ha ahaado,Cudurka aad qabtidna Ilaahey uunbaa kaa daaweeyn kara"Xaayoow yohow Xamar sheeganaayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Others

Saturday, August 26, 2000 - 01:51 pm
Anigoo ku hadlaya magaca others waa raacsanahay cid walboo Madaxweyne laga dhigayo haddii nabad la helayo.
Soomaliya Ilaahoow soo nooleey.. AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

darwiish

Saturday, August 26, 2000 - 01:54 pm
anigu waxaan ahay dhulbaahante
jawaabtayda aan ka aaminsahay dawlada lagu soo maqaarsaaray jabuuti, ma iman karto goboladayda sool snaag togdheer hadii ay timaado xabad iyo baasuke ayaa u goran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HIIRANIAN,JAREER

Saturday, August 26, 2000 - 02:22 pm
"HAMBALYO" "HAMBALYO"
Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga jeedinayaa MADAXWEYNAHA CUSUB ee jamhuuriyadda soomaaliya MUDANE DR.C/QAASIM SALAAD XASSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xawaadle,holland

Saturday, August 26, 2000 - 02:27 pm
Asalaamu/aleykum

Hadaan nahay BAYAXOOW Holland waxaan halkaan hambalyo uga soo jeedineynaa Mudanaha cusub ee loo doortey madaxweynaha jamhuuriyada somaliya mudane CABDIQAZIM SALAAD XASSAN waxaanana ilaaheey kaaga rajeeyneynaa in uu ilaaheey kula garab galo xilkaas cusub ee laguu doortey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABBOOWE

Saturday, August 26, 2000 - 02:47 pm
KU: Faadumo, khadiijo, Neefoowkiniini, Tooxow iyo Darwiish

Waxaa hadalkiina ka cad in aad adeegsaneysaan MAGAC IYO QABIIL BEENBEEN AH, balse waa caddey in aad tihiin JABHAB QORYO LA'AANI HEYSO, oo ILKAHA IYO CIDDIYA KU DAGAALAMEYSA. Wali saas oo ey tahay, waxaa tihiin dadkeenii oo daawo u baahan, taasna waa mid ka mid ah arrimaha la rabo in DOWLADDA CUSUBI XAL U HESHO, HADDII ALLAH YIRAADO!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fowzia

Saturday, August 26, 2000 - 03:42 pm
HAMBALYO, hambalyo to all Somalis where ever you are. For those of you who are still thinking of "Qabiil" shame on you. It was "Qabiil" that was use as a weapon to destroy our country and people. The negative outcome had touch all Somalis regardless of what "Qabiil" they belong to. One would think that the negative exploitation of "Qabiil" would have long been buried, given the millions lives of mothers, sisters, wives, fathers, brothers, husbands, uncles, aunts, grandparents and childrens lost. Keep in mind they are millions of us who will not tolerate hatred any more. I belive those of you who are advocating such hatred are the number one public enemies of all Somalis which we have to look down on. Aren't we tried of endless DEATH and DESTRUCTION?


Love and Peace

Fowzia
Toronto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 26, 2000 - 04:21 pm
Waxan waydiinayaa dadka fooramkan siyaarta inay iiga jawaabaan suaashan.Xidheedhka ka dhexeeya dagaal ooga yaasha iyo ninkan ladoortay waa sidee.Wax lacag ah maka dhacay wadanka.hadii u lug ku lahaa dilkii iyo dhacii Soomaaliya ka dhacay, waa in markiiba laga qaadaa jagada madaxwayne nimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 26, 2000 - 05:01 pm
BISMILA/BISMILA/BISMILA/.KHEY,KHERY,KHEYR/WANAAG;;
ILAAHAY AYAA MAHADLEH DOWLAD NASIIYEY MAANTA DADKII QABTEY AYAA IYANA MAHAD LEH.ANIGU WAX BADAN MA DHEHAAYO WUXUUN OON RABA IN NABAD IYO WADASHAYN WAX LAGU DHAMEEYO,OO LEYSKA DHAAFO DAGAAL LAGU QAADO KOOXA KASOO HORJEDA DOWLADA LADHISAY,IYAGUNA HADII AY WAXWAAYEN KAMID NOQDAAN UMADA SOOMAALIYEED.DADKA SOMALIDA AHNA AY DOWLADA TAGEERAN MEELKASTA OYJOGAAN, CIDKASTANA AY ISKA QABTAN QOFKA XUN,SIMARKA MEEL LOO WADA MARO......
NABADIID.SEATTLE,WA.USA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAACAD & SUUQA MAANTA

Sunday, August 27, 2000 - 03:03 pm
ABDIQAASIM MAXUU KA SAMEEN DOONAA HUSSEIN AYDIID, OSMAN CAATO,MUUSE YALAXOOW & ABDULLAHI YUSUF, SOMALILAND WARKEEDABA DAAYE? WAA SUAAL DA'WEYNOO MADAXA DAALINEEYSEE YAA JAWAAB HAAYA?

BAARLAMAAN EEY KU JIRAAN GUMAADAYAAL AY KA MID YIHIIN GAANI IYO MOORGAN IYO WAX LA MID AH MASE LA AQBALI KARAA? WAA SU'AAL KALOO CALOOSHA XANUUKINEYSEE SOOMALIYEEY KA SOO JAWAABA...

DAACAD & SUUQA MAANTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Talo diid

Tuesday, August 29, 2000 - 07:29 pm
war Daacad Su'aalahaado jawaabtooda waa adag tahaye, bal quraanka halaga fiirsho.

Soomaliya aan iibino, lacagtaan siisanana aan qeybsano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

davidrobinson

Tuesday, August 29, 2000 - 07:46 pm
Cabdiqaasim, mar haduu ku jiray maamulkii marxuum maxamed siyaad bare, ma' aaminsani inuu wanaag geeni doono sababtoo ah wuxuu ku aflaxay nidaamkii musuqmaasuqa ku dhisnaa, wuxuu gaaray ilaa heer wasiir, siyaadna waligiis meelsare magayn shaqsi soomali ilaa inuu hubo inuu yahay khaa' in isaga u shaqayn doone maahane. Ma filaayo inuu taageero buuxda ka heli doono xamar kaliya iska dhaaf dalka intiisa kale. Laantu markay qoyantahaaa la jaleecin karaa, markay angagto lama loocin karo, Isagu maskaxdiisa waxaa hariyey musuqmaasuqii siyaad ka buuxiyey, marka u malayn miyo inuu wato mid nadiifa ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ceelgaab

Wednesday, August 30, 2000 - 08:26 pm
Salaamu alaykum brothers and sisters:

This is a great time for all Somalis everywhere.
Despite who the president, prime minister or whatever, we have now entered a new period of our long history of clan feuds and fights. Now is the time to leave that mentality behind and focus on catching up with the rest of the world.

In ARTA,we have elected a president democratically that is a huge accomplishment for us concidering almost every member of our great Somalian family was represented.

So let's savour the moment and thank god for making it possiple (I bet you all remember how far fetched it was to even think about something of this magnititude?)

Today, Somalis everywhere should be joyous and happy..... But not still pickering about "I'm laandheer and you are laangaab"

Kings Vs Slaves etc.

Why can't we all be Kings for once?

Soomaaliya Ha Noolaato

Long Live Somalia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHARMARKE

Wednesday, August 30, 2000 - 09:07 pm
Dadweynoow Yaabka Ma igu kaligeybaa mise waad ila qabtaan? Bal hadaan somaali nahay hadii disb loo raaco dadka somalia ku dhintay 10 sano ee la soo dhaafay wey ka badan yihiin 200k waa 200,000 taas wax u jeeda ilaa iyo hada inta dad ah ee halka warkooda ka soo gibisay ma jiraan siyad bare xitaa hadii uu maanta soo noolaado ha xukumo ayaan qabaa aniga sharci iyo kala danbeyn uun baan rabaa iyo dowlad somaliyeed

somaliyey ceeb sumcadxumo iyo wasakhnimo itaa ha noo ahaato walaaceenu ha noqdo sidii aan ula dhaqmi lahay hadii loo laabto somalia wiilasha naagaha noqday iyo gandha........noqdaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHAQLAN

Sunday, September 03, 2000 - 08:49 am
WAXAN TACSI U DIRAYAA SOMALI OO IDIL GEERIDII KU TIMID DOWLADII HORE OO HADANA OO NOO LAATAY MADAXWEYNAHA CUCUB WAA ARDAYDII SIYAAD BARE MARKA WUXU KA SOOBAXAY JAAMACADA SIYAADBARE INTA SOMALI DAGAALKA KA SOCDAYNA WUXUU KU RAAXEEYSANAAYEY HOTEL FIVE ISTAAR INTUU KAKEENAY LACAGTAAS U KU JIIFAY HOTELKA 10 BANKAAS SANO MARKA\Y SOOMALIDA GAAJADA U DHI DHI MANAAYEEEY ASAGA WAXUU CUNAYAY LACAGTUU KA SOO DHACAY DOWLADII HORE WAXA DHAANTAY SOMALIAN SUPER MODEL IMAN OO MARKAY SOMAALIDU DHI DHIMANEYSAY AY XOOGAA CUNTAA U GEYSAY

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.