site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DISADVANTAGES OF THE NEW GOV.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): DISADVANTAGES OF THE NEW GOV.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anony

Friday, August 25, 2000 - 10:04 pm
Waxaan halkaan rabaa inaan eego bal arrinkaan sidee u arkaan dadka Europe dagan; waxaa la sheegayay ayagu wey noqonayaa hadii Dowlada la helo oo shilimaadka la siin jiray deportation ayaa loogu dabalayaa ee maxaa ka jira. Bal ila eega inkastoo aan aniga raali ku ahay inaan laabto maadaama aan rabo inaan wadankii wax u qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, August 26, 2000 - 02:06 am
,,,,Kadib kolkii la doortay Madaxweynaha baa waxaan telephone ii soo diray Nin aanu saaxiib ahayn oo deggan Amesterdam haatanna ku sugan magaalada Carta, Jabuuti.


Kolkaanu xoogaa is wareysanay oo uu iiga sheekeeyay Shirkii iyo sida ay wax u dhaceen iyo in isaga uu meesha ka soo helay Xubin Golaha Shacabka ee ku meel gaarka ahi baan aad ugu riyaaqay uguna hambalyeeyay jagada meesha uu ka soo helay si kaftan ahina ugu sii raaciyay !!!!! macallinka immisaa Land Cruiser baad meesha ka soo xasilisay!!!!, xoogaa kaftan ahi dabadii baan waxaan wareysi ugu dhaqaaqay bal iney asxaabtayadii kale ay meesha isku arkeen, markaasuu ii warrammay Hebel shirkii Sodare baa na isugu kaaya dambeysay, Hebelna Shirkii Qaahira baa na isugu kaaya dambeyysay Laakinse Hebel iyo Heblaayo iyagu waa ay joogeen oo waxayna noqdeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka,,,Whoa Awguuriyo aan iri,,Markaasaan weydiiyay bal hadduu Hebel iyo Heblaayo ay is arkayaan Markaasuu wuxuu iigu jawaabay tii iigu cajiibka iyo qosolka badneyd oo wuxuu yiri " Maya walaahi Hebelna Canada ayuu aaday kadib kolkii uu jagadiisa helay Heblaayana iyaduna waxay qabatay halkaa iyo Australia, oo waxaa laga yaabaa inaan dhawaanahan aanan is arag oo Shirka kan xiga ee Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed baanu isku arki doonaa, oo aan u badinayo Nairobi, Qaahira, Addis ababa middood in lagu qaban doono"...Cajiiiiiiiiiiib iyo amankaag ma waxaan la ii keenin,,,oo maxaad tiri Shirkan kan xiga ee dib u heshiisiinta Soomaalida!!!!!!oo sideey wax u jiraan,,,,,ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa!!!!!!Sow tanaad Madaxweynaha doorateen!!!!!!Malaha wuxuba waa riwaayad!!!!!!isaga ayaan iri ka warran adigu hadda maxaad qabanaysaa se si sahal eh iigu yiri waxaa laga yaabaa week-gan dhamaadkii inaan halkii ku noqdo,,,Halkee ma carriggii,,,Carrigee inta igu yidhi buu yiri halkii iyo caruurtii oo Cayrtii baa islaanta lagu yara qabqabsaday iyo maqnaashaheyga oo halkii Amesterdam ahayd baa sii cagadhigan!!!!!!Waxan la wad wadana haddeey hirgalaan waanu arki,,,yaabaye kuwannee baas ee la wada doortay ma waxaa loo doortay Amesterdam iyo Australia!!!!!Suaasheyda iigu dambeysay waxeey ahayd Goormaad u malayn in shirka kan xiggee dib ushiisiintu Soomaaliyeed uu dhici doono,,,Jawaab sahlan buu hoosta iga gashoo iyiri "maybe next summer but i dont sure, Laakinse maccallinka Bal meesha iska soo xaadiri, ha lagu arko".....

NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOOMAALIYAD

Saturday, August 26, 2000 - 04:05 am
Hadaynu noqono wax inooga fiican wadankeena ma jiro. Laakiin su'aashu waxay tahay nabad ma dhalanaysaa? intayse qaadaysaa in soomaaliya dhisanto. mida kale qofkii doonaya inuu xukunka soomaaliya ka qayb galo waa inuu tuuro dhalashada uu meel kale ka haysto. Laba godle looma baahna.

Soomaaliyad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. AADAN

Saturday, August 26, 2000 - 02:18 pm
WALWALKA DAAYA!

CABSIDA WEYN EE AH IN LA ISCELIYO, HADDII DOWLAD DHALATO, WAA MID KA JIRTA GUDAHA IYO DIBADA SOOMAALIYA. LAAKIIN TAASI MA JIRTO, WAXAASE LAGA YAABAA IN LA SOO CELIYO DADKA DANBIYADOODU KU BATEEN DALALKAAS IYO INTII HOREYBA UGU DHIBAATEYSNEYD(KUWAAS OO DARYEELKOODU DUL SAARAN YAHAY DOWLADDA SOOMAALIYEED. SIDAAS OWGEED, HA WALWALIN HADDII AAD MUSTAQBAL FIICAN KU LEEDAHEY DIBADA. MIDDA KALE, OGAADA IN LA IDIN SOO CELIN KARO AYADOO AAN DOWLADBA JIRIN, WAAYO, WAXEY KU XIRAN TAHAY DADWEYNAHA ISKA LEH DALALKAAS OO DIIDA SHISHEEYAHA. UGU DANBEYN JECLOW DALKAAGA, DADKAAAGA IYO DOWLADAADA!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABAR

Tuesday, August 29, 2000 - 10:28 am
MR AADAN!HOW ABOUT DIINTEENA MIYAAD ILOWDAY?
***DOWLAD WAXAA LUGU JECLAADAA SHAREECADA UU WAX KU MAAMULAA WAA INAY WAAFAQSANTAHAY DIINTEENA MACAAN WAANAN RAJEYNAYAA IN TAASI DHACDO INSHA'ALAAHU TACAALAA.
***DADNA WAXAA LAGU JECLAADAA UDHOWAANSHA RABI IYO ADEECIDA DIINTA ISLAAMKA.
***WADANKEENA WAAN JACELNAHAY WADANKU MAXUMEE DADKAA XUMEEYEEEN.

WASALAAMU CALEYKUM.
GABAR SOOMALIYEED.
CANADA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Saturday, September 02, 2000 - 03:40 am
Dowlada cusub dhibka ugu weyn oo heysta waa ayagoo ah kuwii 10 sano ka hor waddanka laga saaray markay ku xad gudbeen umadii ku hoos nooleed.

Maxaan u dagaalanay intaasoo sano hadaan isla dowladii soo dhoweyneyno.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.