site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Carte Ma ogalyahay in lagasaaro dhismaha qaranka somaliyeed Dadkii kaqeybqaatay Dawladii siyaad Bare oo aanan dooneyn

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Carte Ma ogalyahay in lagasaaro dhismaha qaranka somaliyeed Dadkii kaqeybqaatay Dawladii siyaad Bare oo aanan dooneyn
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maya.Haraa

Saturday, August 26, 2000 - 12:03 am
Walaalayaal asalamu alikum.
carte ma wuxuu rabaa in uu ku abaabulo sida wadan kiisa uu udhaqo mise wuxuu ka wareeystaa aqoonyahanada ama Mutacalimiinta soomaaliyeed mise
Shicibweynaha soomaaliyeed. sidee xaalku usocdaa??
waa wareer maaha? War dawlad lagu kor dhisayo dawlad kale ma maqasheen? Waa Dawladii siyaad bare
oo soo laba kac leyneyso marka carte waa sidii Clinton oo uu kaga doonayey Magac in uu kaga helo Yahuudii iyo falastiinta oo socon weydey miyuu doonayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faadumo cabdulaahiILKACAS

Saturday, August 26, 2000 - 01:03 am
Hambalyo hambalyo diiran, waxan halkan uga hambalyeynaynaa Qolada habargidir ninkan cusub ay doorteen oo ay madaxweynaha ka dhigteen, waxaan u rajeynayaa in ilaahay ka dhigo kii reerkiisa iyo jifadii uu ka dhashay wanaag barwaaqo iyo bash bash ku hogaamiyo oo dhulkooda iyo dadkiisa kii nabad ku soo dabaalo, soomaalida inteeda kalana waxaan u rajeynayaa iyagana iney meesha iska qaadaan oo ay sida ay qolada ninkan ay si sharaf leh u doorteen oo kale iyagana waa inay dowlad daacad ahi sameystaan oo si sharaf leh isu soo doortaan, Haada shirkii habargidir waa dhamaaday oo si sharaf leh bey isku doorteen,


Muddullood qaasatan abgaal weyne asagana waa inuu sidaas oo kale shir ku qabsadaa jabuuti oo laba seddex bilood markuu socdo ayakana madaxweyne soo doortaan oo si daacad ah dadkiisa u hoggaamiyo,


Murusade isagana sidoo kale oo qof sharaf leh ay madaxweenahooda ay ka dhigtaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Saturday, August 26, 2000 - 02:09 am
,,,,Kadib kolkii la doortay Madaxweynaha baa waxaan telephone ii soo diray Nin aanu saaxiib ahayn oo deggan Amesterdam haatanna ku sugan magaalada Carta, Jabuuti.


Kolkaanu xoogaa is wareysanay oo uu iiga sheekeeyay Shirkii iyo sida ay wax u dhaceen iyo in isaga uu meesha ka soo helay Xubin Golaha Shacabka ee ku meel gaarka ahi baan aad ugu riyaaqay uguna hambalyeeyay jagada meesha uu ka soo helay si kaftan ahina ugu sii raaciyay !!!!! macallinka immisaa Land Cruiser baad meesha ka soo xasilisay!!!!, xoogaa kaftan ahi dabadii baan waxaan wareysi ugu dhaqaaqay bal iney asxaabtayadii kale ay meesha isku arkeen, markaasuu ii warrammay Hebel shirkii Sodare baa na isugu kaaya dambeysay, Hebelna Shirkii Qaahira baa na isugu kaaya dambeyysay Laakinse Hebel iyo Heblaayo iyagu waa ay joogeen oo waxayna noqdeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka,,,Whoa Awguuriyo aan iri,,Markaasaan weydiiyay bal hadduu Hebel iyo Heblaayo ay is arkayaan Markaasuu wuxuu iigu jawaabay tii iigu cajiibka iyo qosolka badneyd oo wuxuu yiri " Maya walaahi Hebelna Canada ayuu aaday kadib kolkii uu jagadiisa helay Heblaayana iyaduna waxay qabatay halkaa iyo Australia, oo waxaa laga yaabaa inaan dhawaanahan aanan is arag oo Shirka kan xiga ee Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed baanu isku arki doonaa, oo aan u badinayo Nairobi, Qaahira, Addis ababa middood in lagu qaban doono"...Cajiiiiiiiiiiib iyo amankaag ma waxaan la ii keenin,,,oo maxaad tiri Shirkan kan xiga ee dib u heshiisiinta Soomaalida!!!!!!oo sideey wax u jiraan,,,,,ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa!!!!!!Sow tanaad Madaxweynaha doorateen!!!!!!Malaha wuxuba waa riwaayad!!!!!!isaga ayaan iri ka warran adigu hadda maxaad qabanaysaa se si sahal eh iigu yiri waxaa laga yaabaa week-gan dhamaadkii inaan halkii ku noqdo,,,Halkee ma carriggii,,,Carrigee inta igu yidhi buu yiri halkii iyo caruurtii oo Cayrtii baa islaanta lagu yara qabqabsaday iyo maqnaashaheyga oo halkii Amesterdam ahayd baa sii cagadhigan!!!!!!Waxan la wad wadana haddeey hirgalaan waanu arki,,,yaabaye kuwannee baas ee la wada doortay ma waxaa loo doortay Amesterdam iyo Australia!!!!!Suaasheyda iigu dambeysay waxeey ahayd Goormaad u malayn in shirka kan xiggee dib ushiisiintu Soomaaliyeed uu dhici doono,,,Jawaab sahlan buu hoosta iga gashoo iyiri "maybe next summer but i dont sure, Laakinse maccallinka Bal meesha iska soo xaadiri, ha lagu arko".....

NeefoowKaniini

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jaajuumoow

Sunday, August 27, 2000 - 06:44 pm
salama
soomalida waxaan kula talinaa ihadii ay doonayaan iney dowladaan hirgasho waa iney kasaaraan gacan ku dhiiglayaasha kala ah ina adeerkeeey cali mahdi , dariskeyga gaani ,iyo morgan, bile rafle guuleed intaan oo dhamaantood soomaliya dhiigoodii daadiyey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kheyrto

Sunday, August 27, 2000 - 06:50 pm
khayrto

salaan

madaxweynaha cusub ee soomaaliya hadii uu doonaayo in la aqoonsado dowladdiisa gudaha iyo dibadaba waa in barlamaanka ka saaraa dadka kagalaydenbiga soomaliya iyo soomaalilandkuwaas oo kala ah ali mahdi mahamed, morgan , gaani, bile rafle guuleediyo qaar kaloo badan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runta

Monday, August 28, 2000 - 05:29 am
LOl Kherto:
Madaxweynuhu waa gacantii midig oo siyaad uu ku dhaaran jirey.

Waxaan ku weydiinayaa C/Raxmaan tuur oo laga yaabo inuu ra'iisul wasaaro noqdo kana mida dowladan cusub somaliland danbi maka galaya? Ma xasuusataa dagaaladii ka dhacay magaalooyinka waaweyn iyo inta miskiin ku dhimatay ama ku dhaawacantay?
hadday noqoto in la saarodadka soomaaliya dhibka u geystey madaxweynaha iyo tuur aa ka koow ah. Cigaalna danbigiisu ma yara. Waa ninka intuu intaas xirnaa marka lasoo daayey wasiirka u noqday siad Barre oo ilaa last minute u shaqaynayey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

X-tani

Monday, August 28, 2000 - 06:54 am
Kharaarka iyo Qabyaalada ha la iska dhaafo oo hala taageero madaxweynaha cusub.

X-tani

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.