site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Danta Qaranka ayaa ka Muhiimsan Daantaada

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Danta Qaranka ayaa ka Muhiimsan Daantaada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sadiiq

Saturday, August 26, 2000 - 11:28 am
Waxaan is weydiin mudan sababta ay Soomaalidu uga doodo waxyaabo yar yar isla markaana ay isaga indha tirto dhibaatada weyn ee heysata umaddeena. Ayaan-darada ugu weyn ee naheysata waxay tahay iyadoo qof kastaa (shacab iyo siyaasiba) uu dantiisa oo kaliya daneeyo, tan umadana iska indha tiro. Tusaale ahaan Soomaalideena dibada ku nool (ee Ilaahay u sahlay in ay helaan nolol-maalmeedkooda, caruurtooduna wax u bartaan, ehelkooda Soomaliya joogana lacag u diraan) waan iska indha tirnaa kuwa maalin kasta baahida u bakhtinaya, ehel iyo qaraabo u maqanina aanay jirin, ilmahooduna waxbarasho iyo mustaqbaltoona heysan.
Waxaanu ku doodnaa in raga ku howlan dib u heshiisiinta Somaliya ay yihiin haraagii dowladii hore iyo dhiigyacabyada dagaalka sokeeyo. Miyaaneey dhamaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha maanta jiraa aysan aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda ka helin hogaamintii iyo ka qeyb qaadashadii ay ku lahaayeen dowladii hore iyo dagaaladii sokeeye? Ileen Jinni ninkii keena baa saaree, hadii odeyaasheena, siyaasiyiinteena, iyo wax-garadkeenu aanay dowlad noo dooran, yaad ka fileysaa inay soo celiso qaranimadii Soomaaliya?
Waa dhab oo hadii aad nabad ku seexato, baahina aadan u bakhtineyn, ubadkaaguna wax kuu bartaan waad sugi kartaa inta ay dowlad ku qanciso ka dhalaneyso. Laakiin ogsoonow inaad dantaada oo keliya aad ka fakartey oo aadan ka rooneyn qabqablayaasha dantooda gaar ahaaneed ka hor mariyey tan qaranka, isla markaana aad iska indha tirtay malaayiinta Soomaliyeed ee nololxumada iyo baahida ku nool. Waxaad kaloo iska indha tirtay nolol xumida iyo tixgelin la'aanta aad dunida ku joogto oo aysan jirin safaarad ama dowlad Soomaaliyeed oo xuquuqdaada iyo sharaftaada u dooda.
Waxay aniga shaqsi ahaan ila tahay inaan danteena guud iyo qaranimadeeda ka fakerno, ilaahayna talo saarano, qabiilka iyo jaahilnimada na dulleeyeyna ka tagno, dowladda cusub ee noo dhalatana taageerno. Illaahayoow sharaftii iyo dadnimadeenii Soomaaliyeed noo soo celi, madaxda iyo dowlada cusub ee la soo doortana nooga dhig kuwa na mideeya oo naga saarta aaya-xumida uu dagaalka sokeeye na dhaxalsiiyey. Aamiin!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.