site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maanta maanta waa maalin weyne maanta

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Maanta maanta waa maalin weyne maanta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, August 26, 2000 - 12:39 pm
soomaali weyn hadeynunahay waxaa maanta waa jib nagu ah in aynu iidno oo ilaah barino ka barino isuu wadankeynu mar labaad dib u soo celiyo.
dadkeyna qurbaha ku nool iyo caruurteena anan ku celino dalkeyna dadkeena iyo diinteena .
ilaah mahadii waa soomaaliya soo noqotay .
walaahi ma aan seexan xaley faarxad ima ay yareen
anigu waxaan ahay hooyo caruur qurbo ku dhashay
jecel in ay caruurteed ay ku ceshato dhulkeena
dabeecada macaan dadweynaha soomaaliyeed ilaahay
hanaga dhigo kuwii isku niyadsamaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 28, 2000 - 05:21 pm
Maxaa deeqa somaali!!

Waxa la yaab leh dadka wixii la ogaa soo maray,
toban sano ku soo jiray dawlad la'aan, qabiil halkii uu dhigay ogaa, qurbe iyaga iyo caruurtoodiiba ku dhaqan wareegeen, ee maanta weli isu caynaya qabiil, qabiil ama waqooyi iyo konfur, war meeday dadnimadeenii ama damiirkeenii
Madaxweyne Cabdiqaasim waa laga yaabaa inuu hore u soo khaldamay markii soomali dhammaan wada waalayd ee mid afaka ka dagaalama, mid lacag bixiya walaalihii lagu dilo iyo mid adin ka dagaalamaba
lahayd, waxaanse idiin sheegaya qofku wuu toobad keeni karaa ee miyaan la cafiyi karin soomaaliyeey
Illaah boqorka ayaa ina cafiya marka aynu khaldanno!!!! Haddaba GIVE HIM CHANCE AND SEE!!!!
wuxuu sameeyana arag, markaas ayaa hadal kuu banaan yahay, sidii Ina Siyaad loogu seeta dheereeyeyna yaan la yeelin waayo belaayo daba la qabto ma leh!!! Ha seexaninee ha la feejignaado oo marku xaqqa ka leexdo ha la qabto!! Waxaan Cabdiqaasim leeyahy Rabi Xaqqa Haku garansiio!!
Aamiin! helina maysid soddon sano sidii Ina Siyaad!!!!!!!!!!!!!!! waayo soomaliyi waa fiigsantahay oo aaminkii ayaa xumaaday ee iska jir!!

Ma ahi •••••• ee Darood baan ahay ee waxaan u hamuun qaba dawladnimo.

Mahadsanidin Dhammaan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.