site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dowlada Qabiil iyo Qurun Ayaa Lagu Dhisay!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Dowlada Qabiil iyo Qurun Ayaa Lagu Dhisay!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Big Gun

Sunday, August 27, 2000 - 01:22 pm
Soomaaliyey Su'aal?

Waxaan Rabaa haddii Dowlada cusub aan lagu dhisin Qabiil iyo Qurun. Waa maxay sababta loogu daray dad horey dad usoo laayey una soo dhacay dad soomaaliyeed ama dad horey uga soo shaqeeyey Dowladii hore. Kuwaas oo ahaayeen kuwii bilaaway aryiga Qabiilka iyo in ummada layska hor keeno.

Dowlada Ma waxaa lagu dhisay Diin ama Dimocracy

Haddii Dowlada lagu dhisay Diin Waa maxay sabata Dumarka soomaaliyeed loogu ogolaaday parlaiment.

Mise waa democracy oo Dumarka iyo raga weysiman yihiin oo waa iska caadi oo waxaan qononaa kuwo diintooda katagey.

Waxaa idiin kaga baahan nahay Ra'yigiina sida uu yahay Walaalayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar soomaliyeed

Sunday, August 27, 2000 - 02:00 pm
assalaamu calaykum.
Marka hore, ilaah hii ku abuurtay oo aad bari unoqantoondo ka baq oo qabiil iyo qurun is ka saar.Mida kale hadii aad naagaha xilalka loo dhiibay aad dood ka qabto mar hore ayaad wax ka dhihi lahayd ee hada markii madaxweyne aan qabiilkaagii ahayn la doortay ayaad raadinaysaa arin diin ku saabsan oo aad ku dhaliisho.I feel sorry for you, sabab too ah wax qof aqli lihi ku fakaro ma ahan arinkan aad halkan keentay.Waxaa kale oo jiraba in aanu jirin in uga haboonaa jagadan ama siyaad ha la soo shaqeeyo ama yaanu la soo shaqeyn. Marka walaalkiis shaydaanka is ka naar soomaali waa mid kaliya, mana joogno waqti aan qabiil fiirino ee hadii dowlad noo dhalatay that is all we need now, marka aan ilaahay ka barino in ilaahay ka dhigo mid kitaabka ilaahay umada ku maamusha kana taliso danaha umada soomaaliyeeeeeeeeeed.


wasalaamu caleykum.
waxii cudur qabiil qabana alaha daweeyo.
by:gabar soomaaliyeeeeeeeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahid

Sunday, August 27, 2000 - 04:18 pm
runtii anigu ma rabin in ladoorto nin hore uga soo shaqeeyay xukunkii hore, ama Darood iyo Hawieye midna ka dhashay.Waxaan rabay in ama Isaqq laga dhigo, in kasta oo ay oran lahaayeen waa nalagu sasabanayaa, ama laga dhigo Raxanwaein ta, dadka cadcad ama tima adeegga. saa oo ay tahay waan taageerayaa dawladda cusub. sabatuna waxay tahay, wax la'aan ayay dhaantaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji

Tuesday, August 29, 2000 - 11:36 am
Salaan kadib.
To Gabar soomaaliyed..
Si fiican baad ula hadashay kan iska hadlaaya..
malaha wuxuu sugaayay in la doorto mid ay isku qabiil yihiin, laakin marki uu waayay ayow iska dhigaa nin cadaalad ah, walaal anagu waan taageerayna dawlada cusub sheek wax ala waxaad rabto, ogowna in aan cidna ku dhegasanayn..
To: Mahdi..
Walaal waa runtaa oo waa fiicnayd in la doorto cid aan u soo shaqayn dawladadii S/Bare, laakin saaxib
waxaad ogaataa siyaad Bare wuxuu ahaay Madaxwayne Soomaaliyeed, marka cid aan la soo shaqayn waa iska yartahay, tan kale soomaaliya maanta aanu joogno waxay ku dhisantahaya qabiil marak waa in qabiilka wax lagu bilaabo si looga baxo dhibkaan wadanka qasay, markii wadanka is raaco waxaa la dooranayaa cidii as taahisha ha,ahaato cida ay rabto, walaal hadii aan ku xasuusi waxaaba horay loo yire waa in qabiil loo qaybsado sedexda jago oo waawayn sida G/miyaha barlamaanka , Madaxwaynaha, iyo R/Wasaaraha, sababta oo ah soomaaliya maanta waxa qaska ku haya waa qabaa,ilka waa wayn, sidaas darteed ayaa wax loo doortay>>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED TAYIB

Tuesday, August 29, 2000 - 09:52 pm
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu salaan ka dib, waxaan halkaan idinku xusuusinayaa hadii aad tihiin soomaali in dowlad noo dhalata ay ka qiimo badan tahay waxa hada umada soomaaliyeed ku hadlaysa, sababta aan u iri waa hadii aad ku nooshahay wadan shisheeye sharaftaadu muxuu yahay? Sharaf malahni waxaa nahay dad aan dawlad lahayn, Qarab kahayn, Xuquuq lahayn oo la arag wax xuquuq deena ama xaq'qeena nooga dhacsha dawladaha shisheeye, Marka walaalayaal kee baa weyn tobanka sano lasoo dhaafay dhibka haysata umadeena soomaaliyeed ku nool dibada iyo araktidiina sida loo dhisay dawladaan? Aniga waxay ila tahay in la isku bar bar dhigi karin, Marka walaalayaal hala taageero dawladeena cusub haba xumaatee waxaad noqon doonta nin ama naag oo dawlad leh, qaran leh, xuquuq leh, Safaarad leh, Cod leh.

Marka soomaaliyeey waxaan idin kugu boorinaa is bahaysta oo colaadkiin dad ka tusinina.

WASSALAAMU CALAYKUM WARAXMAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, August 30, 2000 - 03:56 am
TO BIG GUM WALAAL WAXAAN KU DHIHI LAHAY DOW LADA DHALATAY WAX KADAMEEYA MAAD OGID WAXAABA LAGAYAABAA INEEY INEEY NOQOTO MID LAGU REEYSTA DHIBKIINA LOOGA BAXA OO UMADA SOMALIYEED MIDNIMADEEDA USOO CALISA IN UU ILAAHEEY KADHIGA AYAA DHICI KARTA MARKAWALAALOOW HADII DOWLAD DHALATO WAX XUN LAMA SAADAASHADA XUMAANTA HAKU DAG DAGINA MARKASTA ILAAHAA WAX OG. EE HORTA BAL ARAG WAXEEY NOQOTO ASALAMU ALEEYKUM RAALINA IGA AHAAW HADAAN QALAD KAA GALAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jacfar,

Wednesday, August 30, 2000 - 04:51 am
Asalaama calaykum,
salaan kadib,
xaaji ceyda iyo aflagaadadu waa ceeb,laakiin sidaad u tiri hadaan kuula qaado Ninkaan la doortay wuxuu rufiyaan u ahaa AFWEYNE, weliba masaakiinta danbi aysan laheen ku ooga, waqooyi b-
urburkeedana ka qaybqaatay, markii labaadna qabii-
ladda soomaaliya isku gubay oo ahaa ninkii koonfu-
r wax ka qasay, markii uu arkay in uu meel cidlo ah taagan yahay oo uu tolkii god ku shubayna u ca-
raray oo naf ka doonay wadaadnimo, marka hadii aad
doonayso caadilnimo ha caayin qofna ee dooro nin
ka xishooda Alle iyo ummaduu abuurtay,
Gabar soomaaliyeed, Allihii ku abuurtay ka xishoo
oo ninkaas diinta ka hadlay ha ku oran qabiilkaaga
la dooran waayey waxaa rabtaa marmarsiinyo, waxa
adduunka gubay waa midaas oo kale diin micnaheeda hadaad taqaan qabiil kuma boodeen, waayo waxay kaa
xaaran timaynaysaa, Dhiiga biniaadanka, xoolaha dadka, iwm hadaad ducaynaysaan u duceeya kuwa ay
colaada baabi'isay ee dilka iyo dhaca iyo dhibaata
du ku dhacday kuwaas oo u badan hooyooyinka iyo
caruurta soomaaliyeed iyo inta laga itaal roon yahay,
Ahmed Tayib iyo Anonymous waan jecelnahay in doow-
lad noo dhalato oo weliba calnkeena oo ka dul hilaacaya safaaraddaha aan aduunka ku leenahay aan aragno, laakiin ummadii ayaa kugu oranaya qabiilkaas waaye ma doonayo iyo inay isku khaldaan
diin iyo dhaqan,
Ugu danbeyntii waxaan dhamaantiin idiin sheegayaa ninka loo doortay madaxtinimadda soomaa-
liya xitaa haduu noqon lahaa midkaan ifka ugu xush
meeynayo laakiinse uusan ahayn ninaan ilaahay ka xishoon ha i DHAAFO, waayo ninkii alla ka xishoon-
ayo waa nin aakhiro iyo aduunyaba ummadiisa xasuusinaya allana uu raali ka yahay,
asalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AZHAR

Wednesday, August 30, 2000 - 01:18 pm
Asalaamu Caleykum soomaaliweynay waxaan aqriyay ra'yigiina aniga waxaan idin dhihi lahaa ilaahey waydiista in madaxweynaheena nooga dhigo mid ilaahiisa ka cabsado markii magaca Alle lagu dhaariyay ka dib wuxuu rabay ha ahaado markiisii hore illah wuxuu jecelyahay kuwa u toobad keena anaga taas bay dani inoogu jirtaa dowladeenana tii Cumar binu khidaab rabiyow waxaan jeclahay wadankeygee ii hagaaji madaxweynaheyga ka dhig kii dantiisa iyo danta reerkiisa(waa ciyaalkiisa iyo xaaskiisa) ka hormariya danta ummada soomaaliyeed,AAMMIIN.waxaan dhihi lahaa dhalinyarada meeshaan ku caytameyso Rabigiina unoqda soomaali waa soomaali ogaada qofkii qabiil wax ka sheega in maalinta qiyaama la seexin doona waadiga jahanada ay soo maraan carunka ahlu naarka ilaa uu cadeyn ukeeno wuxuu qabiilkaas ku caayay. waxaan in yar dhihi lahaa wiilkii yiri maxaa dumarka ay baarlamaanka loogu daray miyaadan ogeyn indumarka ay shar iyo khayrba ay ragga ku hogaamin karaan mida kale siirada dib ugu noqo waxaad ogaan doontaa in rasuulka(s.c.w) ay xaaskiisa UMUSALMA rayi ay ujeedisay uu ku xaliyay arin markii hore ku adkaatay dumarka madaxweyne uun bay noqon karin ma ogiye waa lataliyaayaal fiican. ASALAAMU CALRYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LAJECEL

Friday, September 01, 2000 - 02:10 pm
TO BIG GUN

ANIGA MARKA HORE MA AAMIN SANI IN QABIIL LAGU DHISAY DOWLADA CUSUB EE ILAAHAY INOO DHALIYAY,

TAN LABAA HADII AAN SUAASHAADA KAAGA JAWAABO SAWABTA RAGII HORE EE DOWLADA KU JIREY AY BARLAMAANKA SOO GALEEN WAA SIDAN SIDA AAD LASOCOTIDBA WAXAA JIRA SHARCI U YAALA ADUUNKA OO DHIGAYA HADII QOFKU UU KU JIREY DOOWLADII HORE EE WAX HALEYSEY IN UUSAN KA QEYB GALI KARIN TAN DANBE,

ISLA MARKAASNA WAXAA KALOO JIRA SHARCI KALE OO HADANA LEH WUU KA QEYB GALI KARAA HADII UU DHIBAATO KA IMAANAYO SHICIB KIISA SI SHICIBKA LOO DAJIYO WADAN KANA KU DAGO WAA UU U FURAN YAHAY QOFKAAS IN UU QEYB KA QAATO DOWLADA WAA SHARCI SIYAASI AH OO QORAN SHARCIGA WUXUU LEEYAHAY SHAQSIGAAS MAXKAMADA ADUUNKA AMA TAN WADANKA KA DHISAN AYAAD SOO SAARI KARTAA MARKUU WADANKA DAGO OO AY DOWLAD DHALATO DADKAAN SIYAASIINTA AH WAXAY KA FEKERAAN MEELO AANAN ANAKA OGEYN AMABA AAN FAHMI KARIN.

ANY COMMENTS YOU ARE MOST WELCOME MY EMAIL IS LAJECEL1@YAHOO.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jay.z

Wednesday, September 06, 2000 - 07:35 am
salaan all.yalinyaro
madaxweenaha cusub eesomalia.
waa maxay.xiriixka ka dhaxeeyo. somaliland
maxaakeenay.inuu kasoohorjeesto. buttland
marakay dhacday. doorashada madaxweenah
maxaa heshii ka dhigay. xuseen caydiid iyo
abdi laahi yuusuf
maxaa rag kalaheesta

jay.z@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.