site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Somali daacadnimo kadheer

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Somali daacadnimo kadheer
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 28, 2000 - 02:23 am
Waxay lee yihiin waxaa ladooetey madaxweyne oo soomali way heshiisey oo wey isgacan qaadey.

waxaan odhan lahaa hadiiay soomaali heshiisey
oo aydaacadnimo ku jirto, maxay dadka awoodadalka
haystaa ay shirka uga qaybgaliwaayeen,maxayse inyar oo katirsan soomaalidu ay ugu faraxsan yihiin shirkan iyo madaxda ladoortey.
Hadeyse dhabtahay in ladaweeyo goobtii buktey
maxaa loogadhigey madax kuwuu soomaalinimada baabashey ee qabiilka u horseedey soomaali.

Waxaan u arkaa ragshaqa waayey meelna aan haysan iney iskugu tegeen Jabuuti.
Jabuutina waxaad moodaa iney katalineyso hagardaamo iyo iyadoo layskabaraacsho oo ladhameeyo soomaali inta kahadhey.
Shirkajabuutina waa mid daandaansi oo aan wadin maslaxada soomaaliya.
Dawladisku magacaabayaasha shirka Jabuutina waa niman doonifuushan oo aan garaney meel ay usocdaan
iyo meelaykasocdaan berina kafog yahay.

Qore>muwaadin soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, August 28, 2000 - 03:35 am
Waxaa la yaab leh sida dadka lagu magacaabay inay baarlamaanka somalida ay yihiin, sida ay dawladda jabuuti ku soo xulatay ama isugu soo ururisay, iyadoo adeegsanaysa magaca qabiilada kala duwan ee soomalida. Qabiilna lama siin fursad uu ku soo doorto dadkii iyaga u matali lahaa shirkaa jabuuti, laakiin waxaa la soo urursaday dad guud ahaan suuq joog ahaa iyo Cuqaal iyo duubab nabadda jecel laakiin loo hoos geliyay sida nabaddi ku iman karto carrigeenna somalida,.

Dadka baarlamaanka ka tirsan ee sida xaaraanta ah uu Ismail Ghelle isugu soo ururshay waxaa ka mid ah dad dalka wax ka dhacay, iyo kuwo dad soo laayayba, dad aan aqoon iyo garasho toona u lahayn waxa loo doortay iyo waxay qabanayaan, dad loogu doortay jagadaas si ay danaha dad kale u fuliyaan, dad qabiil lagu magacaabay inay ka socdaan, taas oo aan anigu ra'yi ahaan aad u canbaaraynayo, waayo qabiil waa kii somali baabi'iyay halkaasna keenay, maanta mar labaad qabiilkii oo cad cad iyo dadkii qabiillada somaliyeed soo halligay in jabuuti lagu doortaa waa meel ka dhac somalida lagu sameeyay.

Waa yaabe ragan baarlamaanka ka tirsan markay doodayaan, maxay ka bilaabayaan hadalkooda, (anigu waxaan ka socdaa qabiilka reer dhurwaa, schoolada qabiilka reer libaax buugaag ayay u baahan yihiin,(waaba hadday kuwa school ka fakara noqon doonaan)) guri baarlamaan oo waxaas lagaga doodaa khayr ma soo wadaa, haddii gobollo ama axsaab laga soo dooran lahaa qof kastaa xisbiga ama gobolka horumarkiisuu u doodi lahaa, hadda mid kastaa waa inuu qabiilkii madaxa loo saaray u doodaa si berri mar danbe loogu doorto booskiisii foosha xumaa.


waxa igu maqaala ah in la doortay Cabdiqaasim Salaad Hassan, oo tan iyo maalintii uu Mohamed Siad xukunka qabsaday ilaa maalintii uu dhacay wasiir u ahaa Siad barre, Dabcan waloow Siad barre uu ahaa keligii tashade, haddana haddii ay Cabdiqaasim dhibi lahayd sidii foosha xumayd ee aabihii (Siad Barre) wax u xukumayay wuu ka tanaasuli lahaa xilkii uu u hayay Siad Barre, sida Ahmed Hassan Muse iyo Mohamed Cali Shire oo labaduba xilkoodii ka tanaasulay, waxaan qabaa amaba lagu eedayn karaa in Cabdiqaasim uu ka mid ahaa machine (Mashiinkii) lagu laynayay Somalida Waqooyi iyo kuunfurba, ma waxaan rumaysan karnaa ra'yi raqiis ah oo odhanaysa inaanu waxba kala socon wixii ka dhacayay dalkii uu wasiirka ka ahaa 21ka sano, waxay ila tahay inuu yahay danbiile la mid ah Siad Barre, haddii aan Cabdiqaasim danbi lahayn Siyaad Barre-na dambi ma laha, loomana yeeli karo! waayo Siad barre iyo dawladiisii waxay ahayd machine wada shaqaynaya, oo leh battery, fuel system, ignintion, exhaust, valves, pistons, water tank, coolong system, markaa haddii Siad mid hayay Cabdiqaasimna dhinaca kale ayuu hayay.

Miyaa laga waayay dadkii jabuuti isugu yimi qaar danblaawayaal ah oo ay xilkaa madaxa u saaraan.

Waxaan kaga baxayaa, in ilaahay Somalida waxaan wax ka fiican ugu bedelo, sharkooda iyo dhibaatada ay soo wataanna ilaahay ina dhaafiyo, qalbiyadeenna, iyo maskaxdeenana ilaahay isu soo ururiyo. AAAMIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Monday, August 28, 2000 - 04:53 am
waxaan u maleenayaa inuu warba meesha ku xiray ninkan iga horeeyay, walaalayaal waxaan ku dari lahaa intaa, kolayba ninkii dhegaystay waa uu dhegaystay qudbadii uu jeediyay mujrim/danbiile abdiqaasim salaad,oo uu leeyahay waxaan hortiina ka cadeeynayaa inaan daacad u ahaanayo xilka la ii doortay, ayna dawladayda ku dhaqaaqayso inaan ciribtiro, eexda, qabiilka,cadaalad xumida. waxaana si gaar ah xil isaga saaraynaa inaan wax ka qabto arimaha dumarka iyo dadka dulman.
walaahi waa yaab ma anaa waalan mise cadan baa laga haysayaa, mar waxaan is dhahaa amuusan ahayn ninkan kii mohamed siyaad bare u ahaa 17 sanadood wasiir, oo uu la wadaagaa oo kaliya magaca, bal aan taariikhda dib ugu noqono, cidii maqashay qudbadii ugu horaysay uu soo jeediyay mohamed siyaad bare markii uu boobay taladii dalka sida uu sifaaleeyay ama qorshihiisa ahaa sida uu dalka uu ku dhaqi doono, isagoo intaa iyo in le'eg ku sheegay inuu aasi doono eexda, musuqmaasuqa, qabiilka ,etc wali waxa uu ku daray inaysan ciidamda dalka aysan lahayn hami ah in ay talada dalka sii hayaan ayna ku soo celin doonaan marka ay tubta toosan tusaan shacabka.
bal labadana arimood kala qaada
tan koowaad waa mide mohamed siyaad barre markaa uu taladdii dalka uu boobay xaqiiqdii waa ay yarayd ama waxaa la oran karaa intii aqoonta lahayd ama siyaasiintii wadanka ee xiligaa ayaa garan kartay sifaha ama xaqiiqda dhabta ah ee xukunkaas militariga, laakiin ninkan abdulqaasim salaad ah miyuusan ogeyn inay soomaali badankeed bislaatay oo aysan taagnayn halkii ay maraysay markii uu aabihiis ama macalinkiisa uu wadanka boobayay, oo ay maanta ilaahay mahadii la helayo kumanaan kun oo mutacalimiin ah halka ay xiligaa la dhihi karay ilaa iyo boqolaal oo aqoon heer jaamacadeed gaadhay.
mida kale uu ku leeyahay waxaan ka hortagaynaa eexda,qabiilka musuqmaasuqa, kolay cid walba waa ogsoon tahay heerka ama darajada qabiil uu gaadhay xukunkii kaliye taliyaha ahaa, musuqmaasuqa, eexda oo ah tan ugu weyn ee burburisay maamulka dalka maxaa yeelay waxaa jagooyinkii laga qaaday intii waaya araga ku ahayd maamulka dawlada sida director generals-kii ama diplomats-kii ilaa lagu bedelay darwalo,askaro,ama dad aan xitaa aan hadal lagu qiyaasi karin heerka garaadkooda uu gaarsiisnaa, halka looga qaaday possitionkaas rag ilaa maamul dawladeed ku soo jiray ilaa iyo 20 sanadood, walaalayaal aynaan runta iska indha tirinee muxuu u dareemi la'aa arintaas ama la dhihi karo wuxuu safka hore kaga jiray raggii u ololeeynayay in talada ama maamulka laga qaado inta saafiga ahayd ee diiday inay wax ku bedelaan qori ee aamin sanayd inay dadkooda wax la qaban una huraan aqoontooda iyo kartidooda u adeega bulshadooda, laakiinse nasiib xume dictatorkii ama danbiilayaashii markaa talada wadanka haayay waxay ku guulaysteen inay wadanka ka sifeeyaan intii ku hartay maamulka dalka sanadkii 1987-dii halkaasoo daaqada laga saaray ilaa 25-kii ugu sareeysay maamulkii hoose dalka ee adeega bulshada
kuwaas kuwii ka horeeyay waxaa daaqada laga saaray sanadkii 1984, mujrim abdulqaasim wuxuu markaas ahaa wasiirka madaxtooyada wuxuuna ahaa dadkii ka soo shaqeeyay in raggaas talada laga qaado si fursad loogu helo in wadanka si fiican loo sii boobo, xaqiiqdiina waa ay dhacday, wadankiina waad garan kadhaa burburka dhaqaale ee soo gaadhay sida xad dhaafka ah ilaa iyo sanadihii ugu danbeeyay, iyadoo sababtay boobkii xad dhaafka ahaa ay ku kala tartamayeen ilmihii siyaad barre uu ku jiray abdulqaasim salaad.
meeday waxa uu leeyahay waxaan la dagaalamayaa eexda iyo musuqmaasuqa
tan kale ee ah qabiilka, waad la socotaan tan iyo intii uu xukunkii dhiigya cabka ahaa uu talada wadanka hayay, waxa uu adeegsan jiray siyaasad ah qeybi oo xukun, oo markiiba waxa uu bilaabay inuu caburiyo shacabkii ayagoo loo kala aaba yeelaynin rag dumar iyo caruur waad la socotaan waxay dawladii uu ku jiray abdulqaasim salaad ku kacday laga soo bilaabo si bareer ah sanadihii dhamaadkii 70s qaar ka mid ah degmooyinka gobolada mudug iyyo nugaal.
ka dib waxaad la socotaan sidii ayana loo xasuuqay shacabkii waqooyi ama somaliland sanadihii sideetamaadkii, dhamaan kuwii ka mas'uulka ahaa falalkaas waa kuwa maantay doortay mujrim abdulqaasim salaad, ayna ka mid yihiin ama u magacaaban yihiin gole shacbi ku sheega carta.
iyo waliba falalkii loo gaystay shacabkii ku noolaa meelo ka mid ahaa degmooyinka galguduud oo waliba uu xiligaa ahaa mujrim abdulqaasim salaad wasiirka arimaha gudaha halkaasoo loo adeegsaday jabhadii dhega bacayr ama daroogo.
waa yaab waxaan la fajacsan nahay ninkaa aanu wada naqaano ee sida foosha xun ula soo shaqaystay ayaa maanta si cad u sheeganaya inuu yahay madaxweyne soomaaliyeed waxaanse is weydiiyaa umadduu hogaamiyo mujrimkaaasi maxaa ka hari doona?.
waxa kale ee iga yaabiyay waxay tahay oo aan aad uga naxay waliba in nin sharaf iyo magac diimeed ku dhex lahaa umadda soomaaliyeed(omar faaruukh) inuu shalay oo taariikhdu ahayd 08-27-2000 uu ku dhaariyay mujrimkaas carta, waxaan halkan ka dhihi lahaa walaal sheikh soomaaliyeed baad tahay yuusan ilaahay kuu caroonin ee danbiilahaa sharafta xun iska daa, waxaana ilaahay ka baryayaa inuusan ku fidnaynin oo magacaaga uusan bi'in.
walaalayaal aad baad u mahadsan tihiin sida aad iigu samirteen waxa aan halkan ku sheegayna waa tilmaamid shaqsi qura ku kooban oo aan waxba ka galin qabiil dhan uu ilaahay abuurtay.
waxaana soomaaliyeey ilaahay idiinka baryayaa inaad garataan dantiina aadna kuligiina iska soo dhex saartaan kiina xun kiina fiican aydaan xaqirin ileen waan u baahanahayee.

wabilaahi tawfiiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.