site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MADAXWYNE C/QASIM S. XASANOW KURSIGU NAMA DEEQEE CADDAALADAA NADEEQDA CADDAALAD!!!!! CADDAALAD!!!!! CADDAALAD!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): MADAXWYNE C/QASIM S. XASANOW KURSIGU NAMA DEEQEE CADDAALADAA NADEEQDA CADDAALAD!!!!! CADDAALAD!!!!! CADDAALAD!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHANTASoamlai Wayn!!!!!

Tuesday, August 29, 2000 - 12:54 am
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAHI WABARAKAATUH

Dhammaan walaaladayoow waan idin salaamay anigoo aad ugu faraxsan dowlada iyo madaxweynaheena cusub

Balse hal waa iga Dood!!! Hala waa iga dadaal!!! Halla waa iga dardaaran!!!
1- Doodaydu waxay tahay war dalkan yaa iska leh?!!!!! Ma cid gooni ahbaa leh mise somaliwyn oo dhan???!!! Ma gobol gooni ah mise goboladoo dhan. Aaaway kuraastii s/galbeed iyo NFD Baarlamaanka laqaybsaday?!!!!! Ilaba yaab hadaad rabtee sidan ma caddaalad baa, mise waxaa weeye Ninkii dhulka jooga dhurwaagu ha qaato haduu kari waayo haloo goo gooyo!!!!! Kuraastaba arrintu ma ahee oo hintu Orgiga kawayn!!!!! wax sheeg sheegi xataa ma aragteen goboladii gacanta gumaysiga ku danbeeyey?
2- Tan dadaalka: waxaan ku dadaali intii tabartay ah inaan taageero dowladan cusub iyo somalinimadaba intaan taageeri karo
3- Tan digniinta: Waxaa iga digniina (somalidu waxay dhahdaa doqoni qufacday meel laga soo gaadhayna ma'oga) War caddaalad xumo ayey tii hore u bur burtay tana hadaan caddaalad lahelin waxaa dhici doono tu ka xun tii hore
DADKA aan ladareen-sanayn lagana galay danbiga iyo cadaalad xumada waxaa kamid ah somalida gacanta gumaysiga ku jirta, siiba tan S/GAlbeed Ogadenia sababtuna ay tahay oo kaliya in degaankoodi wali gacanta gumaysiga ku danbeeyo sidaa darteed aysan xaq rasmi ah ku lahayn inta xorta ah waa xaqiiqada jirtay ee dhabta ah

Hadaad daacad tahay bal taariikhda dib u fiiri kuwii shalay aabayaashood gumaysiga daba ordayey ama aan wax wayn ka soo qaadanini xorayntii soamliwayn ayaa maanta kuwii aabayaashood soo halgameen kuleh qaxooti ayaad ku tihiin wadankiiniii maadama goboladiini wali xoroobin war goormaan dhulka qaybsanay?!!!!!( waa madax ku sheegta somalida waxa aan ka hadlayo, shacabka ma aha dhammaan dowladihii jirayna way ka sinaayeen arrintaas, nin ciidan u baahnaa waa danihiisee sida SIYAD BARRE oo dadka qaar moodaan inay daacad ka ahayd xoraynta qaybaha lagumaysto ee somaliyed. Laakiin shacabka haaaa daacad bay ka ahayd, xukumadase kama ahayn sida dad xog ogaal ahaa sheegayaan ama iska cad) arrintan oo marag madoonta ah shacabka somalida lagumaysto oo dulmanaa lana dareensanayn marka la eego aragtida somalida xorta ah waxay qayb ka ahayd caddaalad xamadii bur burisay somaliya.
MADAXWYNE C/QASIM S. XASAN WAX MAKA BADI DOONAA mise wadadii madaxdi hore mareen ayuu mari? KURSIGU NAMA DEEQEE CDDAALADAA NADEEQDA!!!!!

SHANTA (Somali Weyn)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kayse

Tuesday, August 29, 2000 - 07:07 am
waryee dhaandhan ogaden baa tahaye meesha ka galbo dhulkan iyo kurastanba waxba kuma lihide.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JANGO

Tuesday, August 29, 2000 - 09:35 am
C/QAASIN SALAAD BOOY HE CAN'T BE SOMALI PRESIDENT BECUZ HE IS MURDERER,,,HE KILLED A LOT OF SOMALI ABOUT QABIIL,,MA WAXAAD RABTAAN INAAD II SHEEGTAAN HADA AYUU DAYNAYAA,,LA ARKIDOONEE,,C/QAASIN S.BOOY HE WAS BOOYAAS OF SIAD BARE AND HE KNOWS ALL, ABOUT TUUGANIMO IYO SIDA LOOGU QARAABTO MAGACA SOOMAALIDA, IIMA AHAN MADAXWAYNE IIMANA NOQON DOONO..JARAA' ID YADA ADUUNKA AYAANA U SOO BANDHIGI DOONAA WAXUU FALAY..
QANDHO XUMOO FILDARANE..

NABADEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WADANI

Tuesday, August 29, 2000 - 07:10 pm
WARYAADA WAA RUNE MAXAA LOO HILMAAMAY GOBOLADA MAQAN EE SOMALIYED! "SHANTAY CALANKA SIIYEEN MAXAY SHAABADU U WEYDAY"

Sxb shanta waa runtaa oo daacad inaysan dowladihii hore ka ahayn waa la ogaa waana la ogyahay waliba waxaa lagu macneeyaa inay ahayd dantii uu in SIYAAD BARRE ka lahaa mashquulinta ciidmada xooga dalka oo looga baqayey afganbi iyo waliba carqaladayn INA SIYAAD BARRE uu ku carqaladaynayey S/Galbeed oo markaa loo ogolaa in lasiiyo xukun hoosaad una ekayd inay gooni isu taagayaan sida reer DJibuutiga aan maanta u baxsanay ee nabadeena ka shaqaynaysa INA SIYAAD BARRESE taas lama maqashiin karin balse la arkidoono sida uu xaal ku danbayn doono

KEYSE nacas........>> sxb ninkaan qabiil kama hadlin ee dhul somaliyed ayuu ka hadlay sxb makuwii jiranaa ayaa tahay Allaha ku caafiyo aaaaaamiin

Ina Salaad Booy la arki doono inuu u qalmo madaxtinimada somaliya iyo in kale balse haloo kaadiyo waxoogay hada waanba dooraneee teeda kale ogoow mid ooman oo hada cusub waxaa noo dhaama ku xooghooy soo boobay oo yara qaboow ama calal aqal khibrad u leh shaqada loo dhiibay ina salaad boyna aqoon ayuu uleeyahay shaqada loo dhiibay

SOMALIDU WAA MIDE QAYB QAYBTA HALAGA DAAYO INTII JIRANA ALLAHA CAAFIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, August 29, 2000 - 07:47 pm
A tiger never changes his color, this guy qassim is comletely tainted and compromised person.He has neither the integrity nor moralty to lead somalia.His record is replete with agrandizement of public money, collaboration with the murderous warlords and clan segregationist.He won't survive for three months.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAASHA

Friday, September 01, 2000 - 07:28 am
SALAAN ALL

Caddaaladu waa asaaska dhamaan qaybaha nolosha bulshada iyo wadada horumarka iyo wanaag walba oo banii'aadamku gaadho. Marka waxaan fili hadii caddaalad lahelo oo madax wanaagsan lahelo C/qaasim Salaad ahaayaa iyo midkaleba in walaal SHANTASOMALIWAYN kuwa ree somali/galbeed ama ogadenia ay iyagana heli doonaan waxa xaqa u leeyihiin.

Somalida caadi ah ama wax garadka ah oo dhanna way ogtahay in dadkii somalida ka muuqday xilliyadii hore sida wakhtigii gumaysiga ay ka imaan jiree dhinaca galbeedka somaliya haday noqoto dhinaca siyaasiyiinta, xornimodoonka, diinta, gaala nacaybka, wadaniyiinta, illa hada dadka ugu somali jecel waa dadka ka imaada g/somaliya adiga tijaabi arintaas iyo waliba qaybo kale oo wanaagsanba waxaa caan ku ahaa somali galbeed laakin qadarta ayaa iyaga ku reebtay gumaysiga i hope one day inay ka bixidoonaan soon inshaa Allaah

CAASHA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samaale

Sunday, September 03, 2000 - 01:29 pm
Cadaalad laga doonay abdulkaasim salaad booy!
war ninkan wareersan ma meel aad cadaalad ka doonto baad weysay,ma kuwii shalay adoo awood daran xoolahaada boobay, kuwii adoo daacad u ah hubka isugu kaa dhiibay, kuwii shalay adinkoo dareen qabin dab idin kala dhex dhigay, kuwii shalay markay soomaali badan la marinayay, oo qaar badan macaluul u le'enayeen (caruur, haween iyo waayeel) hurday five star hotel.
war ma kuwaa baad leedahay soomaali daacad u noqda. walee xaalka waa 10-ka 10 kale ugu dara haddii ay na diidaan, haddii ay na yeelaana waa kolayba sidaan rabnayee awrka dhaamiya.
allaaw ummadda adaa lehee u gargaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WADANI77

Thursday, September 07, 2000 - 05:21 pm
CADDALAD la'aan waata meeshaa na dhigtay maanta waana rumaysnahay haddii lahelo caddalad in wax walba hagaagayaan.

Ee yaa caadila oon aaminaa kuwalba kan kale kadarane. Allaha noo dhaliyo Dowlad caadila balse hala taageero dowladan cusub la'aanbaa kadarane inay iska wanaagsanaatana uleh inay xumaatana lagayaabee50% bakhtiyaa nasiib, xarash iyo madax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUCMAAN

Saturday, September 09, 2000 - 08:09 pm
SHANTA Somaliyeed waa muqadis waana mid wayna midooni inshaa Allaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALEEN

Sunday, September 10, 2000 - 04:51 am
Cadaalad la'aan waa nolo la'aan sidaa darteed waa inaan dhamaanteen cadaalada ku dadalaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ROORAAYE

Monday, September 11, 2000 - 10:27 am
WAAAA ZAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAZ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHAARUB

Tuesday, September 12, 2000 - 08:26 am
Abwaanka Qarniga Alaha ka raali noqdee ABDULLAHI macalin DHoodaan ayaa horay u yidhi

shantay calanka siiyeen maxay shaabadu u weyday shabeelada maxaa laba ka dhigay sheeda kala haysta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOSAASO

Tuesday, September 12, 2000 - 08:16 pm
Shanta waan taageersanahay wayna is raaci ee cidii ka xun ama aan jeclayn meeshay dooni ha qabato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GABILEEY

Wednesday, September 13, 2000 - 03:35 am
CADALADU WAA ASAASKA NOLOSHA MUSHTAMACA SIDA BIYAHA LACABO AAN LOOGA MAARMIN AYAA CADAALADANA LOOGA MAARMIN LOOGUNA BAAHAN YAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

5ta

Thursday, September 14, 2000 - 12:37 am
SHANTU WAA MUQADAS KALA HADHI MAYSO CADAALADBAANA LAGU XUKUMI IN SHAAL-ALLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6da

Saturday, September 16, 2000 - 08:07 am
6da waa inay midoowdo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.