site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA WAXAA INOO ROON DAWLADAAN CUSUB? MISE ..........................................?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): MA WAXAA INOO ROON DAWLADAAN CUSUB? MISE ..........................................?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Tayib

Wednesday, August 30, 2000 - 10:58 am
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAH.


Marka hore waxaan alle ka baryayaa inuu iwaafajiyo xaqqa, Marka xiga waa su'aal walaalayaal ma waxaa noo roon inaan ahaano dawlad la'aan mise waxaa noo roon dawladaan cusub?

Waa su'aal u baahan in jawaabtiisa laga fiirsado intaan lagu soo dag dagin jawaabtiisa.

Walaalayaal waxaan u malaynaa inuu yeelan karo wejiyo badan su'aashaan, aniga ahaan waxaan ka arkay wejigaan oo ah mid aad u muhiim ah oona loo baahan yahay qof waliba oo soomaali inuu ka fikiro arintaan.

Hadii aan ugu horeysiiyo ummadeena soomaaliyeed oo ku nool dibeda, sida ay ku nool yihiin, qaarka ku nool Kenya, Ithiopia, Yemen, iyo agagaaraha soomaaliya runtii waxay ku nool yihiin cadaab aan arki karin intooda kale, Kuwa kunool yurub iyo North americana way ka daran yihiin oo ilmihii iyo xaasaskiiba dhaqankii iyo diintiiba waa laga bedelay oo ilmo nooma jiraan dibadaa, Waxaan dhihi karaa sababaha ugu weyn dhibaatadaan keenay waa dawlad la'aanta iyo dal la'aanta soo haysay mudadii dheereed soomaalida, Marka walaalayaal waxaad fiirisaan dhibaatadaas haysa ummadeena soomaaliyeed.

Tan labaad dhibka oo inoo geestay dowlad la'aantu iyo dal la'aantu inteey gaarsiisan tahay?
Waa dhib balaaran aan soo koobi karin oona u baahan umada soomaaliyeed inay xaliyaan,hadii aan wax ka sheego, Umada soomaaliyeed oo ku nool dibada xaquuq malaha sababta dowlad ma lihin, basaboorkeena lama aqoonsana sababta dowlad ma lihin, shalay waxaan BBC ka dhagaystay in ilaa iyo 50,000 oo soomaali ah ku nool wadanka talyaaniga loo diiday sharciga ay ku joogi lahaayeen wadanka iyo sharciyada ay ku dhoofi lahaayeen sababtana lama aqoonsana basaborka soomaalida, Maxaa keenay dhibkaa waa dowlad la'aanta iyo dal la'aanta aan anagu sababta u nahay, Gabdhaheena soomaalidana aad iyo aad ayey ugu dhibban yihiin wadamada qaarkood, Wax yaaboobinka naga soo gaara wadamada qaarkood oo soomaalida ku nool waa wax aan loo adkeysan karin oona la qaadan karin, Maxaa keenay dhibkaa waa dal la'aanta ina haysa iyo dowlad la'aanta, ee walaalayaal yaanan fiirinin dawladaani waa qabiilkee, yuuna ahaa, dawladii horana maku jiray, Yaa loo fiirinin haloo fiirsho umadeena soomaaliyeed sidee ayey ku bad baadaysaa, kana bad baadaysaa cadawga shisheeye, helaysaane dal iyo dawlad, iyo sharaf qaran nimo iyo xuquuq bini'aadan nimo, ka fiirsada arintaa.

Tan sedexaad waa laga heshiinkaraa cadaw sokeeye laakiin waxaan laga heshiin karin waa cadaw shisheeye soow rabo ha ahaadee kan kula dagaalamo iyo kan kaala dagaalama dhinaca bini'aadan nimada, Waxyaabooyinka ka dhacaya wadamada north america qaarkood ma u adkeysan kartid, wallaahi waxaa noo dhaama inaan anaga dhexdeena is cunno, oo dhibkeena anaga nagu koobnaato, ee walaalayaal cuqdada xun ama qabiiliga nagu jiro aan iska nadiifino oon ka fikirno ummadeena ku dhibaateesan dibadaas.

Illaahay waxaan ka bar yayaa inuu na waafajiyo xaqqa, oo naga dhigo dad ka fikiro diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda, AAMIIN YAA RABBI.

Wixii qalad ah aan galayna ilaah haiga cafiyo idinkana i saxa.

email: tayibalqawi@yahoo.com

WASSALAAMU CALAYKUM WARAXMAH.


MUQTAR SHEEKH
Wednesday, August 30, 2000 - 04:22 am
--------------------------------------------------------------------------------
Marka hore salaan.

Marka xiga walaal ahmed tayib waa runtaa kheyr alaah haku siiyo si fiican ayaad aga hadashay xaqiiqada soomaalida haysa aduunka oo dhan wixii wax garad ahna wuu kugu raacayaa, aniga horto aad baan ugu riyaaqay qodobkaaga sharafta lahayd ee aad ka hadashay.

Soomaaliyeey hurdada ka kaca ee runta aan isu sheekno.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.