site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Madaxweynaha oo maanta soo dhaweyeen ilaa lix boqol oo kun

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Madaxweynaha oo maanta soo dhaweyeen ilaa lix boqol oo kun
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M-Kismaayo

Thursday, August 31, 2000 - 04:38 am
waxaan halkaan rabaa inaan idiinla wadaago warkan oo aan u maleenayo inuu aqliga banii'aadamka sina u gali karin, waxaa warkan soo qoray Saciid Axmed Cabdulwaxid - SWEDEN, sida ku cad meesha, waxaan la yaabay ninkan ma wuxuu isku qalday 60,000 iyo 600,000 mise waligiis ma uu san arag ama uma hayo xog waran capacity-ga stadium muqdisho, walaal waxaan ku oran lahaa wax waa la buunbuuniyaa sidanse wax looma qoro, mal markana aan kula wadaago xog waranka stadium-ka. sideedaba stadium muqdisho waxa uu leeyahay ilaa 30,000 oo capacity oo xitaa haddii aad dhahdid inta field-diga joogta halagu daro waxaa ay gaari kadhaa ilaa ku dhawaad laba laab celcelis oo ah 50,000 ilaa 60,000.
ma ogi haddii uu kan yahay stadium cusub oo capacity-gaas leh inkastoo aanan adduunka lagu arag stadium intaa isugu soo gasho, waxaa ku wanaagsanayd inaad dhahdo marka la isku geeyo inta radio-ga kala socotay iyo inta xaadirka ahayd ayaa intaas lagu qiyaasay.
waxaanse ka codsanayaa maamulka somalinet inay hubiyaan wararka caqli galka ah iyo kuwa qiimo rid u keeni kara reputation-ka page-kan.

nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 31, 2000 - 05:23 am
sxb waxaan adaa ugu xumahahay inaad waqtiga qaaliga ku qasaarisi in soo dhaweeynta madax waynaha cusub ee soomali iyo dadaka soo maaliyeed ee nabad iyo wadani jacayl iyo qaranimo raadis aad ku qabsato waxyaabo la mid ah soo dhaweeynta ha noqoto mid tiro iyo mid tayo ba . sxb soodhaweeyntu maahan mida imaa shaha gegida ciyaarah laakiin waa mid dhamaan shacabka soomaaliyeed ay u dhan yihiin marka laga reebo dad yar oo caadifad qabiil ama mid cudur uu ilaah ku beerayba sxb raali noqo waxaana fikrad iyo tusaalo kugu soo jeedinayaa DADAKAAGAAA DHINAC KARAAC HOOY HOOY DHINAC KA RAAC YAADAN LUMINE DHIAC KA RAAC

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rage

Thursday, August 31, 2000 - 02:01 pm
war hee dheh meeye kuwa aad wadaniga ku tilmaantay, ma kuwa sanad ka yar wadankii oo dhan sidii aboorka u cunay baa mise waa qoom cusub oo maanta dunida yimi, miskiin dawlad waxaa ka horaysa markaad awrkaada cida u dhaamisid,taaska dib ayaan ku dhihi karaa waxaad tahay hanad reerka u soo baxay
laakiin inta taa ka horaysa waxaan rabaa inaan ku iraahdo wake up and smell the coffee. ku dayo asaagaa waa kuwaa maalin walba wafdiyo isu gooshayaan dhulalkooda lana garab taagan yahay in la hormariyo ileen cid walba oo wax ah waa la garab qabanayaayee adna gaalada agoonta u timid ayaad maalin walba afduubtaa, markaa soomaali maanta qolo walba ha isku tashado,
ugu danbayntiina waxaan ku weydiin lahaa hal su'aal oo ah, maxaad kaligiin wax u dhisan la'dihiin oo intaa isugu qarinaysaan inta kale?.
mise kartidaas ma lihideen inaad is maamushaan.
walee wax badan ayaad sugaysaan in la idiinku yimaado xamar-ta qurmuunka weyn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Will Butland.

Thursday, August 31, 2000 - 06:00 pm
Salaan kadib:
To: M-Kismaanyo.
Saaxib cudurka ku haaya badanaa, intaa aad ka hadli lahayd tire soo dhawaysay president A/Qaasim miyaad waysay wax kale oo aad sheekdo, waxaan maqli jiray waxaa jira war kaa qasaaray, saaxib weligay ma arkin wax kula fikir ah, hadii aad ka soo horjeedo dawlada soomaaliya ee uuu hogaamiyo A/Qaasim iska sheek.. laakin anaga hanoo sharxin tira uu qaado garoonka ciyaaraha..
Tankale hadii aad wax fahmaysid weriyuhu madhihin garoonka dhaxdiis... walaal iska saar cudurka qabiilka yuu ku dhaawicine..
A/Qaasim will visit kismaanyo soon too...
enjoy with that>>>>>>>>!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rage

Friday, September 01, 2000 - 12:44 pm
warkii ninkaa maxaad isugu qaadaysaa ani iiga soo jawaab waxa aan ku weydiiyay. maxaad ummada idinka soocay oo aad dad ugu ekaan weydeen, ileen xaalka aad hadda tihiin waa sidii dugaaga u noolaan jiraye kii xoog weyn ayaa reerka u haraya.
war hee dheh mujrimka aad u nacamlaynaysid marka hore ha kaa soo saaro mugdiga ka dibna inta kale ha ku daydo diday u istaageen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awdal

Friday, September 01, 2000 - 02:59 pm
"Hadal yar iyo hawl badan iyo hanuunsanaanbaa dadka lagu hor marayaa".

Intaad halkan isku haysatiin tirada soo dahwaysay Madax waynaha, waxa ka habboon inaad isku hawshaan sideen u horey marinaa dalkeenna iyo dawladda cusub. Maxaan ku biirsan karnaa Maal iyo Maskaxba, iyo meesheen wax ka biloownaa. Aniga waxay iila muuqataa in maanta Soomaaliya dib u dhalatay ooy dhabbahii xaqa ahaana ku taagan tahay. Inta dhoohan iyo dhuuni raacyada ayuunbaa dheel dheel u arka dawladdan la dhidbay iyo dhawaqa Shacbi waynaha.
Dhaw-dhawdu Cadduur umay dhicine
Dhabtiibayba mooday,dheel-dheele

Walaalaheenna isku magacaabay Somaliland iyo Puntland, waxay dhagar ka galeen dhulkooda, ciiddooda iyo Calankooda Soomaaliyeed. Hase yeeshee maanta waxa la soo gaadhay maalintii ay cafis waaydiisan lahaayeen dadkooda,dhinacna ka raaci lahaayeen Ummadda.

'Kii dhuumanayee, dhabarku muuqdoow, waa dharaar lagu dhawrayee, dadkaaga dhinac ka raac, yaanad lumine dhinac ka raac'.

Reer AWDAL haddaan nahay,waxan u dirsannay ergo ka badan 200 oo qof shirka Jabuuti. Mudanayaasha Baarlammaankana waxan ku biirsannay Aqoonyahannaddii dalka Soomaaliyeed ugu Cilmiga badnaa, waxanan diyaar u nahay inaan dhidibno oon dhisno dhulkayaga. Madaxwaynaha cusub iyo maamulkiisa hiil iyo hooba waan la hareer taaganahay. Carrada Awdal oo idilna, maalin dhawayto ayaan Calanka Buluuga ah ee bilicda san ka dul babinaynaa. Marada caar-caarka leh ee Cigaal iyo Caqli laawe Iidoor calanka ku sheegeenna cagaha ayaan iskaga tir-tiraynnaa. iidoorna waxan leennahay:
"SOOMAALIYOO HALA,HEERYADA GUMAYSIGA,NINKA HOOS ORDAAYOOW,HEBEDYAHAW LAGAA BADI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rage

Saturday, September 02, 2000 - 12:47 pm
Igama istaahishid inaan wax ka iraahdo waxaad halkan ku soo qortay sababtoo ah waan hubaa inaadan ahayn dadka aad afkooda ku hadlaysid, ee ninkaagan marba meel ku cararaya intii hore ayaan haddana ku leeyahay, soomaali way kala tashatay yuusan gabalka kuu dhicin, xamar-ta qurmuunka weyn cidna uma soo socotee, ee dadaal dadkaagana hormari oo heer banii'aadam soo gaarsii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Saturday, September 02, 2000 - 02:07 pm
raage heestaadu murti badan
ma laha, mana fahmi karno
meesha aad qarineyso mageceeda
isla markaana aad amaaneyso,
warkaaga caddee oo waxaad heyso
goobta keen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rage

Monday, September 04, 2000 - 08:49 am
heystaydu ma ahan mid dahsoon
maxaadse igu kalifaysaa inaan mar saddexaad ku weydiiyo, maxaa ummadda kula midka ah ugu dayan weyday oo aad awrkaada u dhaansan la'dahay? mise awooda ma lihid oo waa in laguu taliyaa?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.