site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDA LOO DHISI KARO DOWLAD CADALAD AH OONA LOOGA BXI KARO MARXALDAAN SOOMALIA AY KU JORTO

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): SIDA LOO DHISI KARO DOWLAD CADALAD AH OONA LOOGA BXI KARO MARXALDAAN SOOMALIA AY KU JORTO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULMALIK

Thursday, August 31, 2000 - 09:22 am
Waxaan aaminsanahay in Somalia ay ka gudbi karto marxaladaan ay ku jirto. Hadaan iraahdo ma ka gudbi karto waxaan ka hortagayaa taarikhda dadyowga dunida, maxaa yeelay tan iyo mid ka daranba dunida way soo mareen wayna ka gudbeen. Markii arinkasta laga hadlaayo waxaa haboon in Taarikhda lagu soo noqdo iyadoo la raadinaayo Marxaladaha lasoo maray iyo dhibaatooyinka ay keentay. Markii aan ka hadalno Halganka xornimada Xisbiyda oo markaas joogeen oo u dagalamayeen xornimada, qolo kasta ha lahadaan fikiradooda gaarka ah lakin waxay isku mowqif ku ahaayeen Somaalinimada. Mowqiyadooda makala fageen. Qaar ka mid ah xisbiyooyinkaas ayaa rabay xornimidada dag daga ah, qaarna waxay ku jireen umada soomaaliyeed wali uma bisleen xornimo iyo ismaamul. Waxaa ku guulestay kooxda rabay xornimada dag daga ah. Markii United Nationka ogolaadeen xornimada dag daga ah 1960kii la siiyo hadana waxay u kala baxeen axsaabta ay doonayeen in lagu maamulo hab Dowlada dhexe awooda dhan la siiyo, iyo kuwa qabay in hab federaaliga ah dalka lagu maamulo. Iyadoo arinta meesha mareyso oo dowlada markaas wadanka maamulaaye sidii uu ka fa'idesanayo siyaasada kala gadisan ay xisbiyooyinka markaas qabeen waxaa awood dowlada shisheeyaha ah ee talyaniga markaas mamulayey dalka uu awood ku heley in wadanka lagu dorto hab qabaa il ah. Kaas oo ay ka heshay xisbiga kaliya oo ka soo horjeeda falsafda qabaa'ilka inay ogolaato mowqifka talyaaniga. Hadaba wadankaas sida laga warqabo dawladii kowaad ee c/laahi Ciise oo markaas la bilaabey in lagu doorto hab qabaa'il ah, wuxuu keenay in dowladii oo idil lagu maamulo hab qabaa'il ah. Hadaba dhibaatooyinkaas oo bilaawday 1956dii ilaa shirkaan Jabuuti ah falsafada ay ku socoto kii hore oo qabaa'ilka ah isma badalin. iyadoo saas Ah MA RAJO BEELI KARNO, ani shaqsiyan kalsooni gaar ah ayaan ku qabaa hogaamiyaha ama Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo Barlemaanka doortay, hadii uu isticmaalo maskaxda indheergaratada uu leeyahay, asagoo ku dadaalaya dawladiisa inay noqoto dawlad national consiliation ah, taas oo aan ognahay in ay soomalida maanto beelad beelad iskaga soo horjedeen diyaarna u yihiin inay doodaan oo ay is afgartaan una baahan yihiin hogaan wanaagsan. Madaxweynaha cusub sida la ogsoonyahay uu yahay nin diinta jecel inuu u jeesto wadanka lagu maamulo hab diin Islamka ey aheyna sidii wadamada qaarkooda oo sharciga Islaamka ah lagu dabaqo dabaqada masaakiinta ah dabqada sarena leyska indha tiro, Inta aan lagu dhaqmin sharcigaan waxaa wajib ah in dadka la baro sharciga Islaamka ah iyo wajibaadka saaran qofka Islaamka ah lagana fageeyo extremeska ku saabsanaan karo diinta, qabiilka, iyo mabaadiida kale midig iyo bidix oo umadaha dunida kala fageynayo. Kooxdaan hada la doortay hadii Xilkaas isa saaraan hubaal waxaa ah dadweynaha soomaliyeed oo 10kaan sano dhibaatooyin fara badan soo maray Gacan weyn ay ka heli doonan shucbi weynaha soomaliyeed guulna ay gaari doonaan. Kan ku saabsan warlordka inta badan shirka way ka qeyb galeen inta kalena hadii waan waan fiican la sameeyo guul waa lagaari doonaa, sababtoo ah koox walba way ogyihiin in ciidamadooda ay diyaar u eheen inay dagaalka wadaan. Kan ku saabsan Somaliland iyo Puntland arin fog maha waa arin laysku keeni karo. Somaliland waxay ilaalinayaa qaladaadkii hore ay galeen markii xornimada laga shaqeynaye, hadii laga doodo qaladaadkii hore ee laga galey in la saxo iyagana way og yihiin anagana waan ognahay in ay dan noogu wada jirto in aan isku wada imaano. Puntland wuxuu ku dadaalay in uu nabada uu ka sameeyo gobalkiisa hadaba waa uu ku guuleystay arinta nabadeed ee gobolkaas, lakin su'asha taal waxay tahay saas ma ku soconkaraan jawaabtana waa maya, maxaa yeelay hadii gobolada soomalida kale la dajiyo la barwaaqeeyo iyaga probaleenka gudahooda ayey ka imaaneysaa, maamulka hada ay ku socdaan ee habka qabaa'ilka ah ku dhisan way ogyihiin in aysan ku socon ka rin in the long run. Midnamadooda waxaa uu ku waari karaa midnimada umada soomaliyeed. Aniga waxaan hubaa Baarlamaankaa oo lagu dhisay qaladaadkii hore, dadkii la doortay hadii ay xil gaar ah isa saraan umada soomliyeed meel dheer ay gaarsiindoonaa waxaana hubaal ah inay gaari doonaa maxaa yeelay anarchismada ee 10sanadood ah beelkasta dhibaatooyinka gaartey way la socotaa, qolo kasta maanta waxay ka shaqeynayaan sidii arimahaan loo xalin lahaa. Guul Guul Guul ayaan u rajeynayaa Umada soomaliyeed oo idil iyo dowlada caadil ah ee noqota tii dalka wax tari lahey, taasna waajibaadkeeda waxaan ka rajeynayaa dowlada cusub ee la dhisay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.