site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

KA WARAMA DOWLADI HORE IYO MIDA CUSUB

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): KA WARAMA DOWLADI HORE IYO MIDA CUSUB
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHAQLAN

Friday, September 01, 2000 - 05:05 am
MIYAD WEYSEEN SOMAALIYEEY WAX IDIN XUKUMA IDINKOO 10 SANADOOD SOO HALGAMAAYAY OO WIXII CURUD AHAA IDINKA DHINTAY AYAA HADANA GACANTA UGU CELISEEN XUKINKII DOWLADADII HORE WAA WAX YAABLEH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAMUS

Friday, September 01, 2000 - 07:14 am
Fikrad xume, nobody will answer you....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Friday, September 01, 2000 - 07:28 am
wax badala ayaan waynay shaqlanay!!!!!!!
adiga marabtaa inaad naxukunto mise sidaan ayaad dan mooday sis xageese joogtaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ubax

Friday, September 01, 2000 - 09:20 am
waligiinba ooyinta waa la idinku yaqaanee meeshaad ka gubanaysaana waa idin ogyahee rayid diyaar u noqda yuhuud yahay madmadoow waadna jiran tihiinee is daaweeya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warta suuqa

Sunday, September 03, 2000 - 02:49 am
Ubax,

Qof waliba ra'yigiisa xaq ayuu u leeyahay inuu dhiibto.. hadaan lakala roonaan roob ma da'o. Shaqlan hadalkeeda sax buu noqon karaa kaagana qalad buu noqon kaaraa.. Qof walibana qumanihiisa ayaa qoorta ugu jiro..

Waxaan kala jeedaa waxa ay tahay in la isu dulqaato, hadalka Shaqlan waxba kuuma uusan dhibin.. Kaagana ciduu difaaci karo ma ay jirto.. ee waxaa wanaagsan in sida ugu akhlaaqda wanaagsan uguna qurux badan la isaga qanciyo arimaha.. Hadlkeenuna yuusan noqon (Halaan jirin ku jajabisay) Waa iga waano halahaas.


Ku Shaqlan,

Hadaan sidaa la yeelin waxaan ku jiraynaa i jiid aan ku jiidee.. taasoo meelna aan na gaarsiinayn.. Waxaase hubaal ah maanta dadkaan usii gogol xaaray helis dawlad Soomaliyeed ee ay dhabtuna tahay cimrigoodu inuu u dhexeeyo 58 - 75 sano.. In faca ku xigaahi ay barrito u shalaayi doonin talaabada ay qaadeen kuwan hadda jooga.. Saa faca aan usoo shaqayn dawladii Ina Siyad Barre ee aan aniga ka mid ahay ilama aha inay maanta hogaanka qaban karaan dhawr asbaabood awgeed. Sidaa awgeed dadkan hadii ay mar qalad galeen, soow lagama yaabo inay taariikh wanaagsan ka tagaan oo qaladkoodii wanaag ku badlaan.

Ka baxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOSHANE

Sunday, September 03, 2000 - 06:38 am
ASALAMU CALAYKUM

WAA IN LATAAGEERO DOWLADA CUSUB IYO MADAXWEYNAHEEDABA dhowr sababood owgood

Mida kowaad: waxaa ladhihi karaa waa loo dhannaa illaa xad shirkii carta marka laga reebo dhowr qabqable iyo fallaago gobolo goooni u faquuqaysa in kastooy fiicnaan lahayd inay kuwa maqana joogaan laakiin ogow cidna qasab shirka laguma keeni karee.
Tan labaad: Dolad xun waxay dhaantaa dowlad la'aan
Tan sedexaad: sida lasheegay ina Salaad Booy waa nin illaa xad khibrad shaqana leh somalinadana ku wanaagsan, lana filayao inuu xamar nabad ka samayn karo.
Tan afraad: Somaliyeey waligeen ma mucaarad unbaan kujiraa iyo xumaan ka shaqayn, waan baranay sida wax loo mucaaradee bal aan barano sida wax lootaageero nabadana looga shaqeeyo
somaliduna waa mid qudha mana kalagu'i karto hal qaran ayaanu nahay waana ahaanaynaa in shaa Allaah.
TO: Shaqlan walaal xorbaa u tahay fikradaada laakiin waa inaysan noqon mid dadka kala qaybisa xumaantana horseeda, qofkii hada akhrista hadalkaaga wuxuu kuu fahmayaa sitoosa inaa tahay qolyahan goosashada raba iska goosta haday idiin suurta gali laakiin hana galaafanina mise waa sidii gabayaagii C/llaahi Macalin (DHOODAAN) ayaad leedihiin
ANNA GALALAF KAYGAAN RABAA CIDAAN GALAAFTAAYE
Maruu ka hadlayey QADIYADA OGADENIA iyo Siyaad Barre oo uu u arkayey inuusan daacad ka ahayn.

WE ARE ONE NATION AND WE WILL REMAIN ONE NATION INSHAA ALLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOSHANE

Sunday, September 03, 2000 - 06:41 am
ASALAMU CALAYKUM

WAA IN LATAAGEERO DOWLADA CUSUB IYO MADAXWEYNAHEEDABA dhowr sababood owgood

Mida kowaad: waxaa ladhihi karaa waa loo dhannaa illaa xad shirkii carta marka laga reebo dhowr qabqable iyo fallaago gobolo goooni u faquuqaysa in kastooy fiicnaan lahayd inay kuwa maqana joogaan laakiin ogow cidna qasab shirka laguma keeni karee.
Tan labaad: Dolad xun waxay dhaantaa dowlad la'aan
Tan sedexaad: sida lasheegay ina Salaad Booy waa nin illaa xad khibrad shaqana leh somalinadana ku wanaagsan, lana filayao inuu xamar nabad ka samayn karo.
Tan afraad: Somaliyeey waligeen ma mucaarad unbaan kujiraa iyo xumaan ka shaqayn, waan baranay sida wax loo mucaaradee bal aan barano sida wax lootaageero nabadana looga shaqeeyo
somaliduna waa mid qudha mana kalagu'i karto hal qaran ayaanu nahay waana ahaanaynaa in shaa Allaah.
TO: Shaqlan walaal xorbaa u tahay fikradaada laakiin waa inaysan noqon mid dadka kala qaybisa xumaantana horseeda, qofkii hada akhrista hadalkaaga wuxuu kuu fahmayaa sitoosa inaa tahay qolyahan goosashada raba iska goosta haday idiin suurta gali laakiin hana galaafanina mise waa sidii gabayaagii C/llaahi Macalin (DHOODAAN) ayaad leedihiin
ANNA GALALAF KAYGAAN RABAA CIDAAN GALAAFTAAYE
Maruu ka hadlayey QADIYADA OGADENIA iyo Siyaad Barre oo uu u arkayey inuusan daacad ka ahayn.

WE ARE ONE NATION AND WE WILL REMAIN ONE NATION INSHAA ALLAAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marian

Sunday, September 03, 2000 - 07:00 am
I THINK SHAQLAN IS NOT NORMAL OR SHE'S MEAN PERSON, WAXAAD KA GARAN KARTAAN SU,AASHAY NA WAYDISAY MID MANTA LA IS WAYDIN KARO MAHA WAA MID LA ISWAYDIN KARO HAL SANO KA DIB MARKA DAWLADAN CUSUB WAX QABAD KEDA LA ARKO, SI KASTABA WAXAAN UMALYNAYAA INAY TAHAY KUWA LA BAXAY SOMALILAND WAXAAN KU LEEYAHAY HADII AAD IDINKU HESHIS TIHIIN UDAA REER KOONFUREED MARKOODA HA HESHIYENA XAASIDNIMADU MA FIICNEE. BAL INTAAS BAA DHIBAATO SOCOTAY ODAYGA CIGAAL WALI REER KOONFUR MA DHEX GALAY MASE ISKU DAYAY INUU NABD KA DHEX RIDO WAA MAYA MARKAA LEAVE THEM ALONE DANAHAAGA KA RAACO SIS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SIYAD

Sunday, September 03, 2000 - 07:05 am
TO" Looshane dhareerle cagdheer ah baa tahay kuma jawaabyo lakiin mid baan ku leeyahy tigere hoyadaa wasay ka kici siyad bare iska dhaaf waa ninkii kuu dagaalamay ee somali oo dhan kugu dhameyay markaa jaajuska u ahayd amxaar .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Sunday, September 03, 2000 - 01:09 pm
war iyo dhamaantii, shirka carta madaxweynaa
lagu soo doorta ee ha loo duceeyo yaana lagu
nicin wax cad oo aan lagu heyn, haddii ay dhacdo
in qabiilkiisa lagu nacana waxaan japan weydiisan
doonnaa rocket (computer sida qof u sawiran) oo
aan qabiilna lahay si uu noo xukumo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamarcade

Tuesday, September 05, 2000 - 10:52 am
War waxaan idin weydiiyay mawaxaad iga dhaadhicineysaa in aan u duceeyo dawlad ay ku jiraan Gaani iyo Moorgan iyo Jilicoow.

War mawaxaad iga dhaadhicineysaan in aan mar labaad ku noqdo "Guulwadoow Siyaad inaan subax walba qaado"

War ma waxaan aqbali karaa xukun Militari oo cusub oo haddii uu qaldammo aan dib loo sixi karin dagaal sokeeye ma'ahane.

War mawaxaan aqbali karaa in Somaliland ay go'do dadkaas dhiigyacabka oo aan dabada ka wadano awgeed.

War mawaxaan taageeri karaa Baarlamaan 60-70% dadka ku jiraan aysan waxna aqrin aqoon waxna qori aqoon.

War mawaxaad naga dhaadhicineysaan in tobankii sano ee lasoo halgamayay wixii dhintay eeysan waxba ka jirin, kolkaad u soo celisid dadkii ku kalifay inay dagaalkuba abuurmo.

Soomaliyeey haddii la dhimanayan dhareerka waa la iska duwaaye, ee hala xisaabtamo, meeshaan sugeynay in ragaas maxkamad la soo taago oo dil lagu xukumo, meeymaanta barlamaankii sharciyada wadanka dajinayey inoogu jiraan.

Abdiqaasim haddii aan dambi gooni ah aan loo haysan waxba looma diidanee dad nadiif ah hala yimaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAANO

Tuesday, September 05, 2000 - 12:58 pm
SIYAD

MARKAAN ARKEY WAXAAD U QORTEY LOOSHANE, BAAN DIB U AQRIYEY HADALKII LOOSHANE, OO ILA AHAA MACQUUL.
MARKA SIYADOW MA GARAN MEESHA AAD KA CEYTAMEYSID.
HADDA KA DIB IS ILAALI, OO WAA CEEB CEYDA QAAWANI. HADDII AAD DONEYSID IN AAD QORTID FIGRAD, WAA IN EY NOQOTAA MID TAAGEERO AMA LID KU AH FIGRAD KALE. LAAKIIN, WAA MAXEY WAXA AAD SOO QORTEY? AAWEY SHAQSIYADDAADII? AAWEY CAQLIGAAGII?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 05, 2000 - 01:34 pm
Ma mareexaan shaqsiyad leh baad aragtay, wuxuu maankiisa jiraa quulihii uu cuni jiray, oo afweyne ka soo waday si uu uga dhigto ilaaliye haddana waxay ku qanacsn yihiin inay koofi guduud u noqdaan mujrim abdulqaasim salaad.
allow yaa kuligiin iska kiin kiraysta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GEESI

Wednesday, September 06, 2000 - 12:28 am
War cayda wey reeban tahay dadoow qabiilada "SADE"(MAREEXAAN) ha la iska dhaafo sababtoo ah hadey xukun idiin soo qabteen kaligood wax ma haleynin ee waxaa meesha lugta ku wada walaaqaayey wixii daacada isaga dhigaayey iyo kuwii ka soo horjeedayba, kuwaasoo u kala qeybsanaa mid Amxaaro dabada ku watey, mid reer galbeed been u sheegeen, mid isagaba xukun doon ahaa oo hunguriga geed ka fuulay iyo mid qabiil kansar ku noqday.

Waxaa kale oo ka sii daran midka saacadan wali sii daba taagan 10 sano ka hor wixii tegay oo aan wada ognahay wixii dhacay mudadaas dabadeed iney 1000 jeer ka badan tahay xitaa wixii xukuumadihii hore dhacay oo dhan hadii la isku daro.

Ma waxaadse noo sheegeysaan iney GAANI, MOORGAN iwm. ay faleen wax ka daran waxay sameeyeen kuwa hada haatan diidan dowladnimada? kallaa! thuma kallaa! wallaahi, balse iyagaaba fidno iyo dulmi laga soo gaaray.

Mida kale calaacal wax ma taree, intaad wax walba isku daydeen hadaad xoog iyo siyaasad wax ku weydeen ma internetka ayaa wax idiin qaban?! maya sidaas ma'aha xaaladuye nimankaan baarlamaanka ku jira ee aad "dhiigya-backa" ku tilmaanteen, qabiiladooda ayaa soo sharaxday bal idinka meel u saara "huuraaleyaal" waxayba xaqiiqdu tahay 99% ineysan gacantooda qof ku dilin laakiin ALLA yaraa idinka laftigiina midaanan dhiig ku soo qubeysanin!!!.

Hadda iyo dan, maadaama aad ku qanacsan tihiin qaxootinimo "DUCFI" baad tihiine taageera nabadda oo ilaah u toobad keena wali waxaad tihiin gacan ku dhiigle, af ku dhiigle, uur ku dheegle.

Maxayse tareysaa inaad halkan ka nacnacleysaan INSHA ALLAAH dowladnimadeenu wey shaqeyneysaa waxaadna ka mid tihiin shacabkii loo talin lahaa!

TO: Anonymous: quule adaaba yaqaana, mida kale waa geed la cuno hadaad adiga waxaan geed ka soo bixin ama xayawaan ka imaanin aad cunto bal noo sheeg huuro badneydaye!.
Wabillahi towfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOSHANE

Wednesday, September 06, 2000 - 08:39 am
SALAAN DHMAAN AKHYAARTA IYO XATAA KUWA CAYTAMAYABA

Niman yohow maxaa daaray dadkaan looshane magiciisa haya teeda kale maxaa keenay caydan iyo aflagaadada ma dadkii Ubaxa kacaanka ahaa baa meesha soo galay ee waalid la'aanta ahaa

Anigu lahadli mahayo aan astahilin in afkaba loo kala qaado sida ............ marka hala is ixtiraamo qof walbana fikradiisa haka hadlo xorbuu u yahaye.
Ma Ina Siyaad Barraaa Mujrim Ilaahay ka go'ay ayuu ahaa Somali oo dhann isagaa baday hoogan iyo halaagan
Makan hada ladoortaa la'arkidoonee halla taageero dantaa ku jirtee.
Ma Janaraladaas dambiga lagu sheegayaa taas waxay ilatahay somaliday ula siman yihiin sabab too ah somali inteeda badan waa waa wada dambiilayaal waxayna kala yihiin waana rune maxaa niman qaranka ka difaacayey mucaaradka loo haystaa oo kuwan xasuuqay dad coz of their qabiil looga hadli laayahay waa isku mide haysan kuwan sii dambi badnayne.

Gacan ku dhiigle (isagaaba wax dilay)
Maskax ku dhiigle (wuu u fikiray sidii wax loo dili lahaa)
Calag ku dhiigle ( lacagtiisu ku biyey sidii wax loo layn lahaa)
Minja ku dhiigle (wuu u socday sidii wax loo dilli lahaa)
Af ku dhiifle ( afkuu ku sheegay sidii wax loo dilli lahaa)
Indha ku dhiigle (wuu arkahayey markii wax dillayey)
Ogaal ku dhiigle ( wax buu ka ogaa dambiga dhacay)
iwm.

Iisheega yaa somali maryooley ah oo ka baxsan intaas waa yar yahay xaqiiqdii
Ma Siyaad Baraa godka Allaha ku cadaabo isaga iyo itii la midka ahaydba waayo Somali oo dhan ayuu subax dagaal galiyey isagoo kursigiisa ku ilaashanaya mana rabin in Somali-galbeed ama Ogadenia xoroowdo
Aaway kii lahaa cidaasaa tahay is ciiji sxb waan ku faanayaa waxa aan ahay adigoo kalana lama hadlo Mareexaan waa niman somaliyeed sida qoysaska kaleba wax xun iyo wax wanaagsanba way leeyihiin

LOOSHANE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiilhoog

Wednesday, September 06, 2000 - 08:44 am
woooooooooooow Waryaaaaaaaa looshane sxb waa runtaaye kawaran waa intaad sheetay iyo wax lamida ah
I am absolutly agree wiyh u man

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAAGTE

Saturday, September 09, 2000 - 08:02 pm
YAAAAAAAAAAH XAAD KA HADLAYSIIN MARXUUMKAAN XAAD KA RABTAAN DHIB WABA GAYSTEE WAASE DHINTEE NAGA DAAYA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 12, 2000 - 12:09 am
Soomaaliyeey inkaar baad qabtaan, ilaahna wuu idin ka aarayaa, sababtoo ah waxaad tihiin BADANKIIN qaa'inul wadan, tuugo, ahlu zino iwm. Aniga waxay ila tahay in uu ilaah idin ciqaabayo, si la idiin ciqaabo waxaa uu ilaah madax idiin kaga dhigayaa mid idin la mid ah, sida c/qurun oo waligii ahaan jiray madaxdii dowladii siyaad Barre, doonayana in uu dinku dhaqo siyaasadidihii gurucnaa ee looga bartay Siyaad Barre oo ay ka mid tahay af macaanaanta aan runta aheyn, waryaa ka digtoonaada in aad taageertaan mujrimkaas, taageerada ka heysto mujrimka Jabuuti Ismaaciil shuluq, oo horay u heysan jiray hay'adda caburinta bulshada reer Jabuuti, waana gacan ku dhiigle.
C/qaasim siin maayo aniga taageeradeeda, sababtuna waa waan garanayaa cagligiisa iyo wuxuu damacsan yahay.
Haddii umadda Soomaaliyeed ay wareertay oo dowlad u ciil qabto, waxaan leeyahay samra, doortana qof u qalma xilka dadka, ama si toos ah ha loo soo celiyo sidii ay u dhameyd dowladdii Maxamed Siyaad Barre iyo dastuurkeedii, sidda dasruurka ku cadna, waxaa xilka lawareegayo haddii uu geeriyooda madaxweynihii jamhuuriyadda madaxweyne ku xigeenkiisa, wuu nool yahay wuxuuna si sharef leh ugu nool yahay U.S.A. waana sareeye guud mudane Maxamed cali Samantar, haddii kale been la dhoodhoobay hala iska dhaafo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 12, 2000 - 08:25 am
Carte,

Aniga waxaan taagero ah oo aan siinaayo Cabdi qaasin salad xasan ma jirto, sababtoo ah wuxuu dowlad u yahay qabiilka uu ka dhashay iyo dhowr ganacsato ah oo intey xooga lacag ka heleen dagaaladii sokeeye maanta raba iney xogaagaas u nabad gasho, taasta waxaan leeyahay waan idinka diidnay, weli diyaar uma nihin inaan tuug ku jiri jiray tuugadii Siyaad Bare uu madaxweyne ku meel gaar ah noo noqdo, waxaan kaloo aan idiin sheegaya in qabiilka uu dhashay C/qaasin ay yihiin nimankii sida ku cad taarikhda soomaaliyeed kiciyay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay somaaliye, waa qabiilkii laayay maatadii ••••••• ee deganaa magaalada muqdisho, bililiqeystayna xoolahooda sidii in Siyaad bare siiyay guryahooda, wexey aheyd xoolo ay shaqeysteen ee ••••••• oo dhan xoolaha kama wada helin Siyaad Bare, waa qabiilka diiday dowladii ku meel gaarka aheyd ee Cali Mahdi, tan maanta la soo dhoobdhoobayna waxba kama duwana tii Cali Mahdi, waayo wexey ahaayeen Habar gidir nimankii hubka culus ku gummaaday maatadii deganeyd Soomaliya gaar ahaan Magaalada Baydhabo, oo wax ka galay jirin dowladii cali mahdi, waad og tihiin taarikhdii foosha xumeyd ee loo geystay reer Baydhabo, intii maato ku dhimatay, nimankii ama qabiilkii dadkaas laayay ilaa iyo dhamaadkii sanadkii 99 ayaa maanta waxaad na leedihiin dowlad iyo madaxweyne ku meel gaar ah ha idiin noqdaan, taas aniga waan ka soo horjeedaa, waxaan madaxweyne u aqoon sanahayna ma jirto, waayo wuxuu wasiir u ahaa Siyaad Bare xoolihii wadankana dhiniciisa ayuu ka bililiqeystay. Hadaba inta dhowr tuug oo ah haraagii dowladii hore ay ku shireen Jabuuti aniga u maleynmaao iney xaq u leeyihiin iney somaliya dowlad tuug madax ka yahay isla maarkaana baarlamaan wada jaahil wadata, Jabuuti aniga uma arko iney soomaali tahay, wax ka quseeyana ma jiraan arimaha soomalaya. waxaan hadalkeyga u soo gabagabeynayaa hadii nin qabiil kale ah sida Nin u dhashay Digil iyo Mirifle loo dooran lahaa madaxweyne ku meel ah ma u maleyneysaan in habar gidir ay hubka dhigi laheyd oo ku soo dhaweyn lahayeen magaalada muqdisho? aniga jaqaabtaas wey ii cadahay balse ninkii mugdi u ga jirow waxaan u maleynayaa inaad is yeel yeeleyso. hadii aan habar gidir madaxweyne noqoneynin dagaal sokeeye ma joogsanaayo hadey arintu mareyso, wax badan soomaaliyey dagaal waad ku jiri doontaan. Xaqna diyaar uma tihiin ee ilaahey iyo diintiisa been haka sheegina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 13, 2000 - 01:19 am
Nin ka dhintay dadkiisa!

Ninkaas waa Cali Mahdi, weligey ma arkin nin ka xun Cali Mahdi, wax siyaasad uu yaqaanana haba yaraatee ma jirto, Siyaad Bare ayey dadka wax ka sheegaan anigase waxaa iiga sii daran Cali Mahdi, dagaaladii sokeeye ee dhex maray Abgaal iyo Habar gidir waxaa ugu yaraan uga dhintay 50 000 oo qog una dhintay difaaca ay difaacayeen jiritaanka dadkooda iyo xukunka Cali Mahdi, asagana wuxuu wada shaqeyn joogta la lahaa Habar gidir oo wuxuu qayaanaayay dadkiisa iyo ehelkiisa, dadkii abgaal uga dhintay dagaalkaas muxuu ka qabtay Cali Mahdi? Jawaabtu wexey isugu biyo shubatay inuu marka hore Baabi'yo xukunkii islaamiga ahaa ee ka dhashay magaalada muqdisho ee sheekh Cali Dheere, maalin cad ayuu cali mahdi burburiyay diintii islaamka ahaa, ka dibna wuxuu isku dayay inuu Xuseen Caydiid la dhiso wax la yiraahdo gobolka Benaadir, taasna waan wada ognahay siduu ugu fashilmay, ka dib markuu mudolood dhamaantiis ka soo wada horjeesteen fikradaas Cali Mahdi la yimid, ka dibna wuxuu u cararay wadanka Masar, meeshaas oo uu in mudo ku dhuumanaayay, markuu maqalay asxaabtiisii qaar ka mid ah ayaa wexey ku heshiiyeen iney dhistaan dowlad ay fikradeedu ka dambeeyaan jabuuti oo weli gumeysi gabdhahooda wecelo ka dhalo iyo wadaad isku sheega ka haray wadaadadii hore Cumar Faaruuq oo intuu yurub ku soo wareeray hadba meel u cara sidii neef la qalay, ayuu Cali Mahdi si deg deg ah ku biiray asxaabtiisii isagoon aan mudulood la tashan, wuxuu iska dhaadhiciyay inu madaxtinimo helaayo, balse ninka madaxweynaha la dhigaayo horay ayaa loo ogaa, Cabdi Qaasin, cali mahdi markuu arkay inuusan madaxweyne heleyn ayu wuxuu sidii lagu yiqiin cali mahdi isku dayay inuu baarlamaan u sheeka aqoon laawasha la aruurriyay isugu tageen ayuu ka mid noqday, asaga wax ka galay ma jiraan wixii u dhintay dagaalkii sokeeye, iyo wixii ku xoolo beelayba, mar walba dantiisa ayuufiirsanayaa. Balse su'aasha weyn wexey tahay maxaa Mudulood u dan ah? ma cali mahdi oo baarlamaanka u fadhiya dantiisa ayey wax ka sugaan mise dantooda iyo ayaahooda ayey intey dib uga tashadaan ayey doortaan rag tusa qiimaha iyo sharafta Mudulood ku lahaan jiray umada soomaliyeed taas oo ku cayaareen rag u tababaray isla markaana uu hogaamiye u yahay cali mahdi iyo xuseen bood iyo cali ugaas. Sharaftii mudulood lahaan jiray, diinta islaamka oo ku dhaqmi jireen iyo ka talinta aayahoodaba waxaa gatay cali mahdi. balse waxaad ogaataan muduloodow iney jiraan indheergarato iyo dhalinyaro iyo aqoonyahano mudulood una jeeda sida foosha xun oo ay cali nahdi iyo asxaabtiisu u iibsadeen sharaftii mudulood, dadkaas aan kor ku soo sheegnayna wexey diyaar u yihiin iney difaacaan dibna u soo celiyaan sharaftii mudulod, qiimo walba haku kacdee, xataa hadii ka lifto in dagaal sokeeyo ka dhex dhaco mudulood dhexdiisa, si loo la diro dhiig miiratada uu hogaaminaayo cali mahdi, Nabi Maxamed ba nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu la dagaalamay dadkii asaga dad ugu xigay, sida adeeradiis iyo reer qureesh sababtoo ah xaqa ayey ka soo horjeedeen, marka wax qiimo ah kuma fadhido in lala dagaalamo cali nahdi iyo wixii isga raacsan ama fikradiisa qaba, waayo waa mujrimiin, tuugo, isu tagtay, waxaana nin walba oo mudulood ah ku waajiba inuu la jihaado mujrimiintaan , iska daa dawlad ay ku jiraan in la taageeree. Nin la yiraahdo Abuukar cumar cadaan oo isagana intuu xoolo ku helay dhicii umada mudulood ayaa isna ka mid ah mujrimiinta loo baahan in lala jihado , maalin maalmaha ka mid ahna jihaadkaas wuu bilaaban doonaa, xadiis saxiix ah ayaa jira oo la dhahaaya "Ninkii isga is sharfa ayaa sharaf hela" hadaba habar gidir iney tiraahdo anagaa xukumi karna soomaliya oo wadaado ah muduloodna waa tuugo oo lama aamino karo ilaahey raali ka ma aheyn ee Rag la yaqaano oo dantooda fiirsadayaal ayaa ka shaqeeyey arintaan.
Muduloodow dantiina ka tashada runta waad og tihiin ama ku mashquul sanaada Dawlad Habar gidir lacag ay 10 kii sano ee dagaalada bililiqeysaneysay ay ku iibsatay odayaashii tuugada ahaa ee teendhada carta isugu tagay, ka daba naageeya.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.