site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MUSIIBADA KU HABSATAY SOOMAALIYA

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): MUSIIBADA KU HABSATAY SOOMAALIYA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, September 01, 2000 - 06:51 pm
Marka hore waa salaaman tihiin soomaaliyeey ,
mida xigta waxaan jeclahay in aan ka hadlo siyaasad iyo qabiil waxa ay yihiin, hadii aan ku hormariyo siyaasada,
walaalayaal muxuu yahay siyaasad, muxuuse qabtaa, walaalayaal siyaasadu waa been lafarsameeyay oo lagu qaraabto balse waxay ku magacaabeen siyaasad si ay u indha saabaan bulsho waynta aduunka, soomaalidana waxaan u maleenayaa in ay ka dharagsan tahay siyaasada micnaheeda maxaa yeelay tobanka sano oo aan ku dhex jirnay burbur iyo rafaad ayaa u daliil ah, walaalayaal soomaali waxay soo aragtay raga isku magacaaba siyaasiyiin waxa ay yihiin khaas ahaan tobankan sano xaqiiqdii dagaaladii ka dhacaayay soomaaliya waxaa sii hurinaayay dad isku magacaabay siyaasiyiin maxaa yeelay dagaalada ka dib odayaashii burburiyay soomaaliya waxay u kala baxeen siyaasiyiin iyo afarjeeble waadna ka dareemi kartaa magacyadoodaas.
arinta qabiilkana walaalayaal waxaan u maleeynayaa in ay ka wada dharagsan yihiin soomaali oo dhan yarkooda iyo waynkoodaba waxa uu yahay qabiil iyo wuxuu qabtaba maxaa yeelay kumanaan ruux ayaa ku nafbeelay ayagoo wax danbi ah aan galin oo lagu laayay qabiil fulaan dartiisa, soomaali hadii aan nahay waxaan ognahay ninkaan waa ••••••• iyo ninkaan waa •••••• dartiisa in loo laayi jiray walaalayaal diintee baa nafaraysa arintaas oo halkee baan uga tagnay diinteena sharafta mudan, marka walaalayaal ma umaleeynaayi in loo baahan yahay faahfaahin oo ku saabsan arinta qabiilka maxaa yeelay caruurteena ayaa garanaaya dhibka uu leeyahay qabiilka ee nabigeena naxariista rabi iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri (qabyaalada ka taga waa qurunee)marka waxaan u maleeynayaa siyaasada iyo qabyaalada in aan ku waynay qaranimadeenii soomaaliyeed.
walaalahayga soomaaliyeed maanta ilaahay wuxuu inoo sahlay isku imaatin soomaalinimo oo ah nimcada ugu wayn iyo wada heshiin oo lagu dhisay dowlad walaalayaalow waa nimco aan laheli karin ee aan taageerno si aan sharafteena u soo celino maxaa yeelay waad ogtihiin soomaali aduunkana lagama yaqaano iyagana isma aqoonsana ee fursadaan aan ka faaiidaysano oo aan ku taageerno dowladaan cusub xil iyo xeeladba.
waxaad igala soo xiriiri kartaan emailadeeda oo kala ah
sadiqalqa@hotmail.com
sadiq_q@yahoo.com
waxaan rajaynayaa soomaali in ay hurdada ka toosi doonta.
intaas iyo nabadgaryo
wassalaamu calaykum waraxma tullaahi

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.