site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Breaking news from Qaahira

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Breaking news from Qaahira
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/fataax

Monday, September 04, 2000 - 06:32 am
Aqbal Iyo Aqoonsi Ayay ka Heshay
Doowladii Soomaaliya Jaamacada Carbeed.
Somalitalk Team Sept, 4 2000


Masar, Qaahira, Wararka naga soo gaaraya Xarunta dalka Masar ayaa sheegaya in doowlada cusub ee Soomaaliya aqbal iyo aqoonsiba ay ka heshay dhamaan doowladaha ku jira Ururka Jamacada Carabta, waxa ay si dhan isugu raaceen aqoonsiga doowlada Soomaaliya iyo in lo fidiyo taageero xaga dhaqaalaha iyo diifacaba ah.

Waxa ay wararku intaa ku dareen in doowlada Libiya ay ka amuustay ayidida doowladaa Soomaaliyeed iyadoo Ilaa iyo hada aan la garanayn sababta keentay arintaa, mar wax laga waydiiyay ninka mas'uulka oga ah doowlada Liibiya Jaamacada Carabta Cali Turki ayaa ku dooday in aysan doowladani haysan taageerada shacabka Soomaaliyeed, sidaa awgeed buu yiri ma dhicikarayso in aan si fudud u aqoonsano.

Raga wararka lafa gurase waxa ay sheegayaan in xaalku sidaa ka duwan yahay oo ay doowlada Liibiya ka xuntahay guusha ay keentay dalka ay Soomaalidu walaalaha yihiin ee Jabuti, iyadoo lawada ogsoonyahay in ay dhoowr jeer ku guul daraysatay doowlada Liibiya wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/qaasin Salaad Xasan ayaa sheegay mar uu lahadlayay raga wararka fidiya in doowladan Soomaaliyeed maanta lagu soo doortay si sharci ah, sidaa awgeedna ay xaq u leedahay in la ayido oo la aqoonsado, maadama bu yiri ay si sharci ah ku timi.

Waxaa kaloo isaguna isla xalay ka hadlay qalabka la iska arko Cali Mahdi Maxamed oo ah oday ka tirsan Baarlamaanka Cusub, waxa uu cadeeyay in dowladan lagu soo doortay si xaq iyo cadaalada ku dhisan waanan ayidaynaa buu yiri Mudanuhu.

Iskusoo wada duub waxa uu madaxwaynuhu ka helay kadib markii lagu dhawaaqay arintaa waa aqoonsigee casumaad dalal badan oo jaamacada ku jira waxaana ugu horeeyay dalalkaa dalka qadar oo isagu ku balan qaaday in madaxwaynuhu uu booqandoono qadar isaga oo ah Madaxwaynaha Ummadda Soomaaliyeed.

C/fataax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Monday, September 04, 2000 - 07:33 am
Alxamdu Lillaah waan ku faraxsanahay doow lada aay walaalada noo dhalatay waxaanan ku hamiyayaa in aan taag iyo tabar waxaan hayaba ku caawiyo...........nin la su gayoow yaad sugi........dalka dibu dhiskiisu soomaliyeey inta dalka joogta iyo ita dibada joogtaba idinkaa la idinka rabaa...........
Madaxweeynahana gacma furan baan ku soo dhaweeynayaa
Illlaahayna kabaryahayaa in uu noqdo midkii dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisaba anfaca
amiiiiiiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, September 04, 2000 - 08:27 am
war xaggee ka helaa akhbaartaas ma •••••••• times baa qoray, war ii soo sheeg. meesha lagu soo qoray waxaa aqoonsaday dawladihii carabta.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.