site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA DHABBAA GADA BIIRSI WAA LA GUMAYSTAA ?

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): MA DHABBAA GADA BIIRSI WAA LA GUMAYSTAA ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Wednesday, September 06, 2000 - 09:34 am
Soomaali wayneey Maqla,

Dood halkan ka socota oo magaceeda la yiraahdo CIISE XIL UMA DIB JIRO ayaan ku war helnay in Reerkii Aqoonta iyo Ilbaxa Soomaalliyeed ee GADABIIRSEY, yahay dad la gumaysto oo gacanta ugu jira IIDOOR IYO CIISE. Arrintam amakaag ayay ku noqon kartaa qof kasta oo Soomaaliyeed waxayna u eg tahay in muddoba ay qarsoonayd. Doodaas socota waxa ku muuqata in dhalinyaro badani u halgamyaan xorriyaddooda ooy rabaan Soomaali wayn, sidoo kale Ciise laftarkiisu rabo soomaali wayn. Hase yeeshee ilaa wali IIDOOR hor taagan yahay oo anay cod madax bannaan oo kasoo baxa degaankooda AWDAL aanay ku dhawaaqi karin. Ilaa imika Awdal, uma dabbaal dagin Dhalashada Dawladda Cusub Ee Soomaaliya, sida Reer Laas caanood sameeyeen. Soomaali dagaalkii Sokeeye eey gashay, guusha kaliya ee laga gaadhay wuxu ahaa inuu qabiilkastaba Goblkiisa maamulkiisa lahaado. Dawladda Cusub ee imikuna waxay u ogolaatay inuu gobol kastaba iskii isku maamulo oo xorriyaddiisa lahaado. Hase yeeshee Awdal uma muuqatao inay is xukumi karto ooy is maamuli karto waayo waxa gumaysta Habar-Awal iyo Gadadiirsi u adeega Habar Awal oo an dhaladka Awdal ahayn. Waa quduro iyo qiso la yaab leh ee qarnigee laga tagay Qabiil gumaysta,Qabiil kale . SOOMAALI WAYNEEY MAXAAN U QABAN KARNAA AWDAL?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hoda

Wednesday, September 06, 2000 - 09:48 am
WALAAL AAD BAAN UGA XUMAHAY LAKIIN WAXAA LA YAABLEH UMAD DHAN SEE LOO GUMAYSAN KARAA XITAA QAAR XUQUUQDODA U HADLA MJIRAAN MIYAA OO INTA XUN KA SOO HOR JEESTA.ANI WAXAAN DHIHI LAHAA INAY SOMALIWAYN WAX U QABATO NIMANKAAS DHIBAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOORAMA

Wednesday, September 06, 2000 - 09:53 am
BEENI MAXAY QABAN BOORAMAAN KA IMID

Haa waa dhab waallana gumaystaa, waxanse u halgamaynaa xuquuqdayada iyo xorriyadayada. Waxanan u baaqaynaa dhammaan walaalahayaga soomaaliyeed, gaar ahaan USP Dhulbahante iyo Warsangeli inay nala arkaan waxan ku suganahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

USP

Wednesday, September 06, 2000 - 02:02 pm
I am not surprised to hear this, because I know the situation of Gadabiirsi. They, gave their energy, intelligency, and strength to Somali weyn, and nothing left for them to save themselves from their enemy No1 of Iidoor. They are so isolated these days and struggling for survival because of the sanction paused on them by Cigaal. Some of them are pretending to be happy with the Administration of Cigaal, but internally fuming. When they come out of the shell we will definitely help them.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 06, 2000 - 02:06 pm
TO: Hoda,

hadal macaan wax ma lagu qabin karayne, waxaas is leehay ma u suubinnaa ciidan oo tiro badan, oo xoreeya gobola dhanba. Ilaa Baydhabo, waalaga jecelyahay Gadabursey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAAFI

Wednesday, September 06, 2000 - 02:29 pm
KU: AFARTA WASAKH EEKALA AH:SOOMAALI,HODA,IYO USP.
AAN KU BILAABO,SOOMAALI HORTA AF NOOLI UU HADLI
LAAKIIN ADIGU WAXAAD TAHAY NEEF CIYEY.HADAAN NAHAY
SAMAROONA WAANU NAQAAN DANTAYADA XAGAY JIRTO.
SOOMAALILAND IYO SOOMAALIYNA MEESHAAN DOONO CIDKA-
BARYIMAYNO, MEESHAAN DIIDNANA CIDI NAGUMA QASBIKA-RTO.INAADSE WAALAN TAHAY HADAAN TASHADAY MAXAAD--
IGA DOONI MIYAANAN XOR AHAYN. AMA DACDHAHA AMA DI-
LAACA CAAWA IYO BERIBA WAXAAN AHAY SOOMAAALILAND.
USP,NACAS WAATA JEELKA LADHIGAY QARANDUMISKII EE
WAXTAR. HODA DUMAR BAAD TAHAY HADAL KUGUMA KHASAA-RINAYO.. NACASKA IS BEEN FARIIMAY EE KU HALQABSADY
BOORAMAAN KA IMID BEENLOW WELIGAA MAAD ARAG.
BOORAME IYO AWDAL TOONA SABAROONA MA TIHID BEENLOW
HADII AAD TAHAY GUDABIIRSI DHABA OO DHIIG LEH
DHULBAHANTE WAX HAY TARAAN MAAD TIRAAHDEEN.
WAXAANAN KUU SHEEGAYA BEENFARIINTA JOOJI .
OO MARKAA RAYIGAAGA AAD RABTID INAAD QORTID DADKA
KALE HA KU GABAN EE IS CADEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 06, 2000 - 04:37 pm
To: waxan meesha ka dhaa dhaa leh!

Waar heedhaha, af nooli wuu hadlaa ayna wuu ciyaa ayey somali ku maah maahdaa. Waxaan uga jeedaa ninkastaa wixii uu doono wuu ku hadli karaa sida idinka oo kale, malaa yacni ayaad meesha ku haysaan ayey ila tahay, waayo nintiisaba daryeela ayaa walaal kiisna tiirsha ayey maah maah kale tidhaa. Marka hore koonfur ku heshiiya inta aad isleedihiin waqooyi qalalaase karida. Waxani wax is dhaama miyeyna lahayn waa yaabe? Gadabuursi cid gumaysata majirto waa dad xor ah, waxaanay fahmeen runtii inay dadkay ladhasheen ee ay wada noolaayeen waligood ina latashadaa ayey go'aansadeen, cidina xabad kumahayso hadii ay isleeyihiin konfur ayaa dani idiin ku jirtaa waa sameyn karaan, balse maryaa laysku diray dadkey wada dhasheen mantase uma eeka in la khiyaamayn karo. Markaa aan talo iniinsoo jeediyo, talo ilaahay bari hore ayuu idinka qaadee. Koonfur ku heshiiya caynkey u eegtahay waala wada arkaaye 10+ ayaad isku dirirayseene.

Nasir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khabaardoon

Wednesday, September 06, 2000 - 10:31 pm
Gabadhii wanaagsaneyd ee reer Boorama aheyd ee xorriyadda reer Awdal uhadli jirtey aawey? maxaa loo waayey shanqadhteeda? waa tey BBC ha hadli jurteye? oo ay kaligitaliye Cigaal ka soo orjeedeye? mase Isaacqa ka shaqeeya BBC da ayaa wareysi u diidey? ama wey xirantahey oo sida garaad Abshir baa loo xirey? Ba iga siiya khabaar??
khabaardoon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawade

Thursday, September 07, 2000 - 03:42 am
Khabaardoon adiga meel walba waad iiga horeysaa?!

Aan u soo laabta mowduucee, waxaan ilaa iyo hada meesha ku arkaa 1)hadal si xun loo turjumay laga yaabo inuu fahamkiisa sidaa ku saleysnaa 2)dad ay markiiba qiiro qaaday oo dagaal diyaar u ah 3)dad is difaac iyo weerar ku kala jira iyo waliba kuwo u olo-oleynaya dhalanteedka soomaaliland!.

Aniga waxaan akhristay doodii ka socotay "ciise xil uma dib jiro", waxaana ka fahmay in Gudabiirsi ay doonayaan iney walaalahood soomaaliweyn wax la qeybsadaan in kastoo ay jiraan qaar yar oo u adeega Cigaal ayna ku dhex jiraan laba qabiil oo aan marnaba dooneyn samahooda however reer Awdal kama aysan cabaneynin in ay "free" yihiin iyo in kale oo ma filaayo iney dad hoos joogaan only what they need is to get unity for all somalis and I believe the dream will come true.

Bal aan talo siiyo afartii nooc ee aan horay u soo tilmaamay. Dadoow hubsiino hal baa la siistaa ee wax hubsada oo ha hor boodina dadka, aniga ma ahi dadka Awdal u dhashay balse waan akhristay doodooda waana ku qancay waxyaabaheey ka hadlayeen.

To Anonymous: waxaad mar walba ku andacootaan "koonfur ha soo heshiiso" garanay hadal xun ma'aha laakiin adinku ma waxaad dooneysaan inaad is hor taagtaan dad iyagu doonaya wanaaga iyo midnimada guud?... shalay waxaad lahaydeen Siyaad Barre ayaa na caburiyey oo ma dooneyno xukunkiisa maantana waxaad la soo taagan tihiin anagaa wax caburineyna!...kallaa oo thumma kallaa inaad cid u caga jugleysaan! ee danihiina garta oo kula dhaqma xiriir wacan walaalihiina dariska ah, hadii kale, soomaaliweyn dulmi ma ogola!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOORAMA

Thursday, September 07, 2000 - 05:01 pm
TO: KAAFI

GEEDBAA YIDHI, GUDUNYAHAY IMA GOOYSEEN, HADDAAN GOBOLKAY KUGU JIRIN.

Iriq-laawayaal, Iamaan-laawayaal, Astaan-laawayaal, Iibsaday Arligoodii, oo Adiga oo kale ah oo sheeganay Awdal,ayaa noo lagday Iidoor ee marnaba nagamuu adkaadeen. Ma tihid Samarrronkii dhaladka Awdal ahaa, ee waxad tahay kuwa ka yimi Itoobiya ee dhiiglaawayaasha ah, watana dhaqankii Xabashida, een xurmayn iyo sharaf lahayn. Haddii ad dhiig leedahay marnaba afka masoo mariseen in Samarroon yahay SomaliLand. Ilaa maalintii ugu horreysay eey ku dhawaaqeen SNM eey Amxaaro u galeen ilaa maanta, Iodoor carruur iyo cirroolaba wuxu col iyo cadaw ku ahaa Ciida Awdal. Curaddo, hanado, Habolo, iyo Hooyooyin badanna heddooda ayay gooyeen. Hadddaan muruq wax kaga qaadi lahayn, Mag iyo Mawlaxana la xisaabtami lahayn, maliicayaal Adigoo kale ah ayaa noo hor cararaya oo Cigaal cagaha ka dharqada iskuna sheegaya inaad cod Samarroon ku hadlaysiin. Maanta SomaliLand, waa wax laga arga-gaxo, laga xishoodo oo Soomaali dhalad ah oo Iimaan qaba Muslimna ahi Afka uuna soo marin karin. Waayo Somaliland, waa Cadaw-Al Mu'muniin & Muslimiin, oo mabda' iyo maskaxba la wadaaga Xabashi iyo Yuhuud. Waxayna maaggan yihiin dhulka soomaaliyeed inay Gacanta uga galiyaan Xabashi iyo yuhuud ooy Iibiyaan mar haddayna kaligood is taagi karayn lana aqoonsan karayn. Iidor, intii sharafta lahayd ee xorriyadda Soomaaliyeed usoo halgantay, sida GADHXAJIS,arrintaa way ka qamuumyoodeen kuna gacmo saydheen. Sool iyo Sanaagna wayku gacmo saydheen oo Calankii Buluuga ahaa ayaa ka dul babanaya. Sidaa daraadeed Somaliland waxa ku hadhay Habar-Awal iyo hacooyo u adeega oo Adiga oo kale ah iskuna sheega Samarroon. Gadabuursi, dhexdooda gacan iskuma qaado oo intaa xeerka iyo dhaqanka ayaan xeerinaynaa. Oo waxan leennahay bal 'Kaadi badane waa loo gogol badshaaye' u kaadsha waa intaasooy kas qabta yeeshaane. Haddii kaskiinu idin qaban waayo ood Awr-kiraale Habar- Awal ahaataan. Markaa waxan qaadi doonnaa Jihaad hor Ilaahay dartii ah oon ku badbaadinayno, Diinta Islaamka ah iyo Dalka Soomaaliyeed. Maalin galinkeedna nagu qaadanmayso inaan Gobolka Awdal, gacanta ku dhigno, idinka iyo Habar-Awalna an Garbaduub u xidhno oon Sharci Islaam ah idinla tiigsanno.

Anigu Saddex sanadood iyo Afar bilood ayaan Boorama ka sokeeyay, waxana iga saddex WALLAAHI, BILLAAHI iyo TALLAAHI ah inaan ahay SAMARROON. Ab, Awoow iyo Isirna waxan ku dhashay, ku dhaqmay, kuna dhistay Boorama iyo nawaaxigeeda, xuduudka Awdal na haatan ka hor ma dhaafin. Inaad Gunnimo iyo Gumaysi gacanta noo galiseen, ood gabraaratahay cadaw noo garab gasheen, gadateenna sharaftii Gadabuursi iyo Gobolka Awdal. Waxan ku caddaynayaa qodobadan hoos ku qoran

CIGAAL WUXU KULA KACAY AWDAL FALAL TAARIIKHDA SOOMAALIYEED WALIGEED ka dhicin, oo XITAA ISTICMAARKII INGIRIISKA IYO FRANSIISKUBA AANAY KU KICIN. Kuwaasna waxa ka mid ah

1. In, Xabashi oo ah Cadaw shisheeye uu ugu baaqo inay Boorama weeraraan ooy ka saaraan waxa uu ugu yeedhay Muslimiinta Falaagada ah ee ITIXAAD. Arrintaas shir jaraa'id oo loo wada dhan yahay ayuu ku yidhi. Taariikhda Adduunkana way ku cusub tahay , Madax wayne, Dalkii uu hoggaaminayay, ugu baaqa Dal shisheeye inuu soo weeraro.

2. Inuu xidho xuduudka Saylac, ee isku xidha Awdal iyo Djibuuti, oo dhammaan uu cuna qabateeyo dadka Awdal iyo Djibouti,oo 99% dhaqaalahoodu isku xidhan yahay. Nin kasta oo Caqli leh, oon coon maan gaaba ahynina, wuu kuu sheegi karaa in Nin cunaha ku qabtay, oo cunto kaa joojiyay yahay Cadawga ugu xun ee Adduunka.

3. Inuu diiday inuu aqoonsanaado jiritaanka District LUGHAYA oo ilaa Ingiriiskii jiray, isla markaana cuna qabateeyo maadaama ay diideen inay kusoo biiraan Gobol cusub oo qabiilkiisa uu u sameeyay lana yiraahdo SAAXIL.

3. Inuu ku dhawaaqo in Gobolka Cusub ee Saaxil, laga soo dooran doono Kuraasi u dhiganta ta laga soo doorto Gobolka Awdal. Taasi macnaheedu waxa weeyi, in Jilibka yar ee CIISE MUUSE iyo GADABUURSI isku dhigmaan. Taasna waxa aqbalay dareen-laawayaal an degaanka Awdal u dhalan, kuna dhalan, sheeganaayana GADABUURSI.

4. Wuxu Boorama Madax u dhigay, nin reer BER-BERA(CIISE MUUSE), si uu u curyaamiyo, horumarka BOORAMA iyo AWDAL.

5. Wuxu jagada Madax-weyne ku xigeenka u magacaabay, nin Gadabuursi ah oo isagu uusoo doortay. Ninkaas oo tafiirta iyo taariikhda Jilibkiisuba ku arooraan Itoobiya, haba yaraatee kuma laha wax Ixtiraam iyo Awood ah Somaliland iyo Awdal toona. Waxa kuu xaqiijinaysa falkii dhacay, markii madaxweyne xigeenku-RAYAALE, u tahniyadeeyay doorashadii Jabuuti ee lagu doortay Madaxwaynaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle. Falka dhacay haddaan idin xusuusiyo wuxu ahaa, in CIGAAL ninkaa ka daba hadlo oo uu masaxo, isagoo yidhi, Ninaasi(RIYAALE) uma hadlin kumana hadli karo magaca SOMALILAND. Markii arrintaasi Reer Awdal ka xumaadeen eey Madaxweyne ku xigeenka, ka codsadeen inuu jawaabo, wuxu si buuxda ugu yidhi, "waar niman yahaw anigu meesha dano dhaqaale ayaan ugu jiraa, oo ubadkaygaan ku korsanaaye iska raalli ahaada".

6. In uu taageeri waayo Dhismihii Jaamicadda Cammuud, oo qaadacaad uuku sameeyay bal xitaa in cashuurta Awdal laga qaado wax loo soo celiyo AMOUD UNIVERSITY.

7. Ugu danbayntii, wararkii u danbeeyay haatan, ee la isla dhex marayo waxay sheegayaan in BOORAMA lagu soo rogay BANDOO, si looga hortago Mudaharaadyo loogu talo galay in Dawladda Cusub lagu taageero.
Imika iyo Haatan Guurtidii Awdal ee ka qayb-gashay shirka Jabuuti Dhawaan ayay soo laabanayaan. Markaa, haddii an lagu gumaysan "KAAFI", bal waakaase ka hor joogso Cigaal inuuna far saarin Odayadaash inaad u basaasto mooyaane.

HADAL IYO DHAMMAAN, HADDII KAAFIYEEY ADIGA IYO INTA KULA AQLIGA AHI, AD IRIQ IYO DHIIG LEEDIHIIN, MAR DANBE HALKAN ADOO SHEEGAYNA SAMARROON HA U SACAB TUMIN SOMALILAND. AF-XIMADA IYO AF LAGAADADANA KA JOOJI UMMADDA SOOMAALIYEED. OGSOOWNOOWNA IN USP AN NAHAY POLITICAL ALLIENCES, OON U BAAQI KARNO.
MASKAXDANA KU HAY MAAH-MAAHDA TIDHAAHDA, "QAYRKII LOO XIIRYOOW, SOO QOOYSO ADIGUNA". NINKA DILAY WALAALKAA, ADNA WUU KUU DAN LEEYAHAY EE TAASNA OGSOOWNOOW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hoda

Friday, September 08, 2000 - 06:22 am
TO:anon

walaal ciidan hadayba somaliwayn haystaan balse markaan dawlad samaysano baa loo talin idoor.

TO:boorama
si fiican baad u hadashay ha walwalin walaalkey somali baa ku soo socota.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khayrreh

Friday, September 08, 2000 - 02:09 pm
To: Dhammaan Dadka Ra'yigooda dhiibtay

Anigu, waxan ka mid ahay dadka ka qayb-qaatay, doodda cilmiyaysan ee halku dhiggeedu yahay CIISE XIL UMA DIBJIRO. Taasi, oo sida ay ilaa muuqato, looga dan lahaa uun, inay is calool xaadhaan labada Qabiil, ee Gacal-wadaaga,Gayi-wadaaga, Goob-wadaaga, Go'aan-wadaaga, Gole -wadaaga, Guri-wadaaga, iyo Gunno-wadaaga ah, ee GADABUURSI iyo CIISE. Dooddaasina imika waxay isugu biyo shubatay in labada Qabiilba ay isku waafaqsan yihiin, heshiisna ku yihiin Maslaxadda, iyo Mabda'a Soomaali-weyn. Waxa oo kale oo doodani ku caddaatay in Dalkii isku sheegay Somaliland, uu haatan isugu soo ururay Habar-AwalLand, oo Isaq intiisii kale taageersantahay Soomaali weyn. Dhul-bahante iyo Warsangelina ay dhulkoodii xoreysteen ooy Soomaali-wayn dhan ka raaceen. Bal haddaba, intaan uba soo dhaadhicin Doodan cusub eed waddaan, waxa halkaa ka cad, in Somaliland ay lafaheedaba halis ugu jirto, oo itaal wax gumaysan kara aanay yeelan karin.

Intaa ka sokow, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa, GOD LIBAAX, LAFO LAGAMA WAAYO. Waxan uga dan leehay, waxan nahay dadka ku abtirsada Boqortooyadii Awdal, ee Ilbaxa Soomaaliyeed, iyo Beeshii Aqoonta Soomaaliyeed ee Amoud-BORAMA. Intaa waxa noo dheer, inay naga dhasheen Halyeeyo badan oo uu ka mid yahay AXMED-GURAY oo u halgamay xorriyadda Soomaali-weyn. Iyo, Geesiyadii ku qasbbay Faransiiska in ugu horreyntii lagu magacaabo Jabuuti,XEEBTA SOOMAALIYEED EE FARANSIISKU GUMAYSTO. Inkasta, oo markii danbe Faransiiska oo Magaca SOOMAALI an maqli karayni uu la heshiiyay Canfar iyo Ciise, Gadabuursina maamulka laga qaaday. Sidaa daraadeedna, magaca Jabuuti loo badalay,"Dhulkii Canfarta iyo Ciisaha". Halkaasi waxa ku cad in Asal iyo Abtirsiin an u leennahay Soomaali Jacayl, iyo Gumaysi nacayb. Haddaba Ummadda taariikhda intaa le'eg leh, waxa cad inaan la gumaysani karin, geesiya kalana laga waayi karin. Sidaa daraadeed rukunka ay dooddiinu ku salaysanthay, aniga ima raalli galin, umana riyaaqin. Shimbiriba codkeedbayse cidaaye, itaalkiinii waad hadasheen, xorna waad u tihiin Ra'yigiina. Haddaan nahay Indheer garadka Awdal, iskuma haynno su'aasha ah, Maxuu Dalkeenu inoo tari karaa?, balse, Maxaan Dalkeenna u tari karnaa?. Soomaali-weyneey, wax noo qabta idinma lihin, waxanse idin leenahay, maxaan idiin qabannaa ama isla qabannaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cibaarkay

Saturday, September 09, 2000 - 09:32 pm
aryaa dhuloos marka hore cayayaanaad tihiin sababtoo ah
hal isx'aaq ah oo caytamaaya maha laguma arkee xaad la qaylinaydaan beriga mugii aw siyaad joogay dhibaatadaad u gaysateen hadaw isx'aaq idinka qaleeyey gob ahaa hadaanaad yaq yaqlaynaydaamiyaa?
waxaa fiicnayd inow ••••• cali baysteenkii oo kale
idinka dhigo hada kadibna isx'aaqaan idinkala soo xariiraynaa qandho ku neefi dheer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMASING

Sunday, September 10, 2000 - 06:51 am
TO: CIBAARKAY,

IS THIS A SOMALI LANGUAGE?! OR DOUBLE DOUCH?
CAN SOMEBODY CALL AN INTERPERETER here?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QUBEYS

Sunday, September 10, 2000 - 04:28 pm
warka meesha ku cad waxeey ila tahay in uusan gadaburis shaqo ku laheen , anigu ••••• iyo gadabursi iyo ciise waa ii wada siman yihiin saa waa walaalee, waxaan la yaabaa kan nacasee u qeylo wacday dhulbahante o yirdhi ii soo ciidimiya!!! caku caqli xumaa halkuu dhulbahante ka soo ciidamin karaa isa gii oo waliba reer tolkiis dhinac ku hayo ayaaba tiisa la il daranee.
hada iyo dan idoor hadii waxa laga sheegayo ay sax yihiin xalku waa bari dhexe lakiin please dadka aan aheen gadabursi ama ciise ama idoor ma ah in ay ka hadlaan waa sidee miyaadan shaqo kale laheen SAMARON maxaa idinku diray oo marba reer tolkii aad ugu horkeeneeysaan xalay waxaan aqrinayey tii ciise imikana waa idoor barina ayaa oga koleyba waa reer kaloo DIR ah uun baad u so doon doneysaan si aad isugu jabisaan cududa duriyada DIREED
waxaan ka fakaraa taloow barina kolaan soo boqdo halakan keebaan hadana arki in laga horgeeye gadabursi tolow waa kuma??? kolay duriyadii DIRREED uun bey noqoniyee ma HABAR MAGAADLAA mise AKISHO!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, September 11, 2000 - 07:39 am
SAMARROON, IYO CIISE WAA DIR, HABAR MAGAADLAA IYO AKISHO WAA WALAALO. LAAKIIN IHABAR-AWAL, SOOMAALI MAAHA EE WAA YUHUUD. SAMARROON IYO DHULBAHANTE IYO WARSANGALI WAXA KA DHAXAYN JIRAY XISBI SIYAASADEED OO LA YIRAAHDO USP, IMIKANA WAXA KU SOO BIIRAY, GADH XAJIS, HABAR YONIS, ARAB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED FAARAX

Monday, September 11, 2000 - 01:26 pm
anonymous,

saaxiiboow habraha isx'aaq habartay noqoto ha ahaatee sow walaalo maahin maxaad kaaga jiro hadii ay is dhabaan iyo hadii kale? adeerow taada ka hadal ee siyaasadaan duugowday ee maroodi isagaa la isku jabiyaa da ah iska daa sababtoo ah habrooshinka dad aad shax barayso ma aha ee way kaa horeeyaan kaana danbeeyaane hady soomalinimo noqto way kaa badiyaan jid loogu hagaagona way leeyihiin oo adigoo kale ma aha oo marba midab leh
yeysana ku waalin dawladaan xamar lagu sameeyey sababtoo ah hadii habrooshinka iyo qabiilada kale ee isx'aaq ka koobmo aysan ku jirin waxay noqonaysaa hal kama jiraan ee dhulka xaaji tartiiso oo yuusan laab lakac yuusan kula tegin
hadaan hiwiye nahay waxaan u dhigaynaa gogol aana ka xaalmarinayno dhibkii isx'aaq loogaytay ha ahaato mid aanu galnay iyo midaad ka sheen intaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

INA-UGAAS

Monday, September 11, 2000 - 10:29 pm
Dhalinyaro waad salamantiin,samaroon-siciid waa dad dega waqooyi-galbeed oo reer Somaliland ah.
way jirtaa colaaddo yar yar oo ka dhex dhacey idoor iyo samaroon,xitaa idoorka dhexdooda sidii dagaaladii Burco oo kale,markiiba waa la xaliyey oo laga heshiiyey.markaa dadka halkan doonaaya iney wax isku diraan koley waa reer koonfur oo iyagu is dhameeyey hadana roba in reer waqooyi is dhameeyo ee walaalayaal dheg ha u dhigina.samaroon la gumesstaana ma jiro oo waa dad Ugaasyo la ixtiraamo leh ,ha iloobina in ay magaaladeena Boorama wax dhiigihi ku daadan eyna tahay magaalada dalka somaaliya ugu nadiifsan.
wiilasha walaalheyga ah ee waxoogaaga colaadu ku jirtana iney xasuustaan dagaalkii Burco oo wax wadda dhashey iyo wax kaleba colaadi dhex mari karto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOORAMA

Tuesday, September 12, 2000 - 12:16 pm
TO: Ina-Ugaas

Haddii ad Samarroon u hadlayso, waxa i deeqi lahayd, inaad tidhaahdo, waxan nahay Reer Awdalland, ee Somaliland iyo Soomaaliweyneey, horta soo heshiiya. Markaa kuwa hungurigu qaaday ee Habar Awal, hablahooda uga fataalla ayaad tahay. Mar danbana ha sheegan inaad tahay INA UGAAS, inaan Ilaahay Afka ku gooyn.

To: Haawiye, Maxamad Faarax

Habaarqabayaal ayaad tihiin, dadka Soomaali weyn baabi'iyayna waa inniga. Allaha idin Baabi'iyo oo isku kiin bur-buriyo. Annaga Dawladda Xamar, waxba nagama galin, oo aayahayaga iyo Awdal ayaan ka tashanaynaa, •••••• iyo Iidoor midkoona nagu xukumi maaayo, oo Illaahay ayaan ka Magan-galnay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Thursday, September 14, 2000 - 11:43 pm
SALAAMU CALAYKUM.
WALAALAYAAL bal inta aydaan u jawaabin qofka furay pageka bal waxaad dib u fiirisaan ninka page-kan furay oo isku magacaabay SOOMAALI,markaasuu hadana isu jawaabay isagoo isku magacaabaya HODA, mrkale ayuu haddana isu jawaabay isaga oo isku magacaabay boorama.walaalayaal fiiriyaa saddexdaa maqaal time-ka uu qoray waa isku waxaa u dhaxeeyay daqiiqado.SOOMAALI=HODA=BOORAMA.INTAAS OO MAGAC AYUU la baxay isaga oo iska dhigaya nin samaroon ah mana aha waxaa uu halkan u furay in uu isku diro dad walaalo ah.waxaan hadda soo aqriyay meelkale oo isaga laftiisu uu furay oo sidaas oo kale uu laba magac qaatay oo uu isu jawaabay
waxa uu cinwaan uga dhigay BOORAMA WAA BANDOO! bal soo aqriya hadalkiisu waa isku mid.waa qof buka.
walaalahayga samaroon ee halkan ugu jawaabay qofkaa buka waad mahadsantihiin wax garad ayaad tihiin anigu waxaan ahay issaq samaroon waa dad walaalahay ah waa dad aan ogahay in ay karti leeyiin oon cidi waxayna rabin ku qasbi karin.
issaq iyo samaroon labadaba dantooda weeye nabad iyo wanaag iyo jaarnimo wacan midna mid ma qasbi karo waxii uu diido.
walaalayaal ilaahay ka cabsada iskana jira diradiraalayaasha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOORAMA

Friday, September 22, 2000 - 12:41 pm
TO WALAALKIIN

CAQLI XUMIDAA MA IIDOORBAAD TAHAY.
KALA QABOOJISKU MA XUMA. LAAKIIN ADIGA LAFTARKAAGU HA DANBAABIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DARWIISH

Saturday, September 23, 2000 - 02:46 pm
Gadabiirsi,Dhulbahante iyo Warsangeli waxay degaan sadex gobol oo waaweyn oo ku yaala waqooyiga soomaaliya,waxaa weligood ka dhexeyn jirey iskaashi dhan kastaba leh, meel walba oo ay isugu yimaadaanba waa dad isku fikrad ah ,weligood wax colaad ah ma dhexmarin,waxay lahaan jiren jabhad la yiraahado USP(united somali party). Hada waxaa loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo jabhadii USP si iidoor loola dagaalamo.Maxaa yeeley waa dad jaahiliin ah oo aan garan karin siday ula dhaqmi lahaayeen dadka jaarkooda ah,waxay bilaabeen, markay ka quusteen riyadii beenta ahayd ee somaliland ,inay qabqabtaan suldaama, caaqilada ,waxgaradka,aqoonyahamad iyo ganacsatada USP.
LONG LIFE USP!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.