XIIRANE | Thursday, September 07, 2000 - 01:08 am GABAY "Dagaal waanu neceb nahay, haddaan dani na yeelsiin Dad intii waxgarad ihi, waxay doonayaan nabad Durujaa se waxa jira, dantood tahay bilaayada Door bida xumaantoo, deeqin samuhu weligood Dirir kuma dhintaanoo, lama dilo colaadaha Dedan bay dhasheenoo, dadku kama ilbaxayaan Iyagaa dabkana shida, waxay doonayaan fala Dumar baadhe, diric xade,dariiq jare dhuljiifiyo, Dibad meere sharaf diid, dalkiisii ka cararoo, Docaan lagu jeclayniyo, duleed reerro kale yaal Dib shir ay alooseen, dareen laaweyaashiyo Doqon guul ha moodeen, Duntiisaba ninkii nacay, anaga nooma duurxulo Dabuubteeda maansadan, anoon dooxin oon qalin Qofkastaba dareenkii, markale furantay deeleeye Duqase Geele, Waxan idhi damqashiyo walaalnimo, hadday daacad kaa tahay Dawee aad isleedahay, dabku beeluhuu gubay Degdeg looga roon madax, weligaa dalaadal Ku darsoo midkale hoo :- Dadka golaha joogiyo, taarikhda dibu raac Imisaa danbiile ah,oo galay diliyo reeb Maati duunyadeed dhacay. Maahmaah da’weynbaa duluucdeedu ay tahay:- Mar i dage alleh ha dago mar labaad i dage Anay isdilaye ii daa, dooddu haygu joogtee Deeleyduna innoo furan, dardarsada wadaamaha Ka durduurta waayaha," Ismail Abdillahi "Africaan" ayaa tiriyay EEGA OO U FIIRSADA OO DHUUXA GABAYGAN MAR BAAD NA DAGTEEN MAR LABAADSE ANAGAA DOQOMIINA HADAANU IDIIN AAMINO ANNAGAA IS DILLAY. LAKUM DIINIKUM WALIYA DIIN SOMALIYEEY. DIIDEEN MIYAA ILAAHBAA IGU OGE WIXII SOMALILAND KU SOO DHACA DAGAAL MA RABNO E QASAB BAY NAGU NOQONAYSAA INAANU CASHAR LABAAD FA-QASH IYO JABUUTIBA BARNO(WAXAY SOO DHIGEEN CIIDAMO XUDUUDKA SL AY LA WADAAGAAN KA DIB MARKII UU HEAD FA-QASH HASSAN SALAAD KA CODSADAY). SIYAAD BARRE YAA CIIDAMADIISII IYO DIYAARADIHIISII IYO KAARAYAASHIISII DHAMEEYAY??????????????. SOMALILANDERS. GOD BLESS'EM |