site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Allow Dawlad Caadil ah (GABAY CUSUB)

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Allow Dawlad Caadil ah (GABAY CUSUB)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMED

Saturday, September 09, 2000 - 03:08 pm
SOMALI COMMUNITY OF RED RIVER VALLEY
DATE: 9/9/00


Assalaamu Calaykum:
Mudanayaal iyo Marwooyin

Suugaanta hoos ku qoran waxaa curiyay Ahmed (Assad) Mohamed Mohmoud oo ah Gudoomiya ku meel gaarka ah ee Bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan Red River Valley (eastern ND and western MN) USA. Wixii taageero ama dhaliil ah kala xiiriir Ahmed-Assad cinwaankan. Email address Ahmedy98@yahoo.com, office phone (701) 271-1606.

Rabiyoow ilaahoow;; Raxamankaan jeclaayoow,
Rafiiqa kaan ka yeesheen; kalidii rumeeyoooow
Raxamadiyo Wanaagiyo; risiqa kaan ka sugayoow!
Rashiidkii wacnaayee; ruuxal qudus wakiishoow
Du'caan ragax ka siiyee; Rabiyoow maqbuul yeeel!!!!

Malaa'iigta run sheegtooy, Rabi caasi diidooow
Raxmaankaan baryaynaa, kalidii rumaynaaa
Rabi kale ma caabudo, Shariik raad kumaan lihi
rabi inuu ajiibooooo, raali noo ahaadaan,
rajadeed dalbaynaaa, idinkuna na raacoo
ducada nala rigeeyoo, rukuucda ducada aamiin!


AAMIIN AAAAMIIN AAMIIIIIIN AAMMIIIIIIN

RABIYOOOW ILAAHOOW;; RAXIIMKAAN JECLAAYOOW
ANAAGAA RIDOOWNOO;;; AAN RAACIN AMARKAA
DARIIQII RASUULKIYO;; CULIMADII RAALIGA AHAYD
QURAANKII RUNTA AHAA; AXAADIIS KA ROOREEEEEE
ILAAH RAALI NOONOQO;; WAAN SOO RUJUUCNAYE;;;;

reera bi'is colaadeed, reebayn saqiirada
waayeelka rubad goys,, umulaha raqlaysiis
ayaa lagu riyaaqooo,, raali'aan ka noqonoo!!
colaad raabsanaysiyo,, jiilaal rakaabtiyo,
Roobli' abaariyo,,, gaajo rubada goysiyo
rafiiq xumo shisheeyiyo,, refugee qaxoontiyo,,
roor-roor ku daaloo,, rafaad baan ku nooleeee,,

rabiyoow ilaahoow!!


Risaaqooow Alahayoow, dadkaygii rafaadyoo
raran iyo cadaabiyo, rafaad iyo kulaylbaa
wada raabsanaayoo, runtii way ildaran yiin
riiqdiina may dayn, rajana way qabaan wali!

Rabiyoow Alahayoow!
badihii kala rognaan jiray, kaluunku uu rasaysnaa!
Taraaqad iyo Tabadiin, libaax badeedku roori jiray waah
Maraakiib wax reebayn, laga keenay reer yurub,
ama raaska eeshiya , ayaa laga raraayoo
rabiyooow idleeystee, raxmadaadii noo keen

Rabiyooow Ilaahoow
rashiidoow alahayoow
adigaa rajada iyo
raxmadaadu badanteee
dawlad raaliyoow wacan
raadcaysa nabadoooo
horumar raadinaysoo
tawxiidkana raacdooo
rabshada iyo colaadiyo
rafaadka iyo gaajada
dhinac nooga riixdaan
Illaah kaa rajaynee
rabiyoow na garab qabo
walina raali noonoqo
adigaa raxmaanoon
kuu soo rujuucnee!!!! amiiin aaamiin aamiiin

Xoolihii rabaysanaa, sida Ramadka geel dhalay
reeraha dhamaantood, dhayda lagu rushayn jiray
xoorka dhiilka caanaha, raaxo loogu dhami jiray.
rarayga iyo goolkiyo, baarqabada lahan jiray!
Lodii dhayda roonayad, gadhodhka iyo Maakhiri
sixin raashin lagu daro, rasmiga looga heli jiray,
Riyo caano badan iyo, idahaan ku roonayn
rogobka iyo baruurtiyo, hilibka laga rasayn jiray
doolar lagu rogrogi jiray, raasamal noo ahaan jiray,
rabiyoow abaar iyo, dhadiga carabta loo raro
raadkood dhamaayooo, raqdoodii badnaateee!!
raxiim waa gabaabsiye, Raxmadaadii noo keen!

Rabiyooow Ilaahoow
rashiidoow alahayoow
adigaa rajada iyo
raxmadaadu badanteee
dawlad raaliyoow wacan
raadcaysa nabadoooo
horumar raadinaysoo
tawxiidkana raacdooo
rabshada iyo colaadiyo
rafaadka iyo gaajada
dhinac nooga riixdaan
Illaah kaa rajaynee
rabiyoow na garab qabo
walina raali noonoqo
adigaa raxmaanoon
kuu soo rujuucnee!!!! amiiin aaamiin aamiiin

Baladyadii Raaxada lahaa, laamiyadu rakaabkiyo
baabuurta roortana, lagu raaci jiray waaaah
dugsiyadiii waxbarashe, ilmaha lagu rabayn jiray
cilmi raadinteenii, jamacadihii la rabi jiray
raxmaanoow alahayoow, toban sano rafaadnoo
dhakhtar raajo haystiyo, Injneer rakibe iyo
macalin ubad urooniyo, Lawyer reeba xeerkiyo
Raga iyo haweenkii, bulshada rubada u ahaa
raxmaan nooma qalin jabin, rafaadna way ku noolyiin!!!!

Rabiyooow Ilaahoow
rashiidoow alahayoow
adigaa rajada iyo
raxmadaadu badanteee
dawlad raaliyoow wacan
raadcaysa nabadoooo
horumar raadinaysoo
tawxiidka raacdooo
rabshada iyo colaadiyo
rafaadka iyo gaajada
dhinac nooga riixdaan
Illaah kaa rajaynee
rabiyoow na garab qabo
walina raali noonoqo
adigaa raxmaanoon
kuu soo rujuucnee!!!! amiiin aaamiin aamiiin

Adaan kuu rukuucaa, rabi kale macaabudee
raxmad iyo wanaag iyo; roob iyo xareeediyo
riix lagu qaboobiyo, ubax rays ku yaaliyo
beerahoo raxleeyoo, midhuhu raaracaanoo
rucubtiyo qawlkii, rarab ay u yaalaan!
xooluhu raaxo iyo nolol, raasamaal ku yeeshaan
baduhu ay ka raystaan, rarashada shisheeyaha
barbaartu ay raxlaysoo, shukaansi rabax ka siiyaan
waayeelku rabi caabudkiisiyo, risaaqad fiican haystaaaan
caydigu riyaaq iyo, subcis raadinaaayaaan
schoolku ubad rabeeyoo, jamacaduhu rasmi noqdaan
shidaal noo rogmaa oo, rarnaa oo ka dheregnaaaa
dhuxulsha aan dhir loo ridin. deegaamayn rumowdaaa
rabiyooow nasiiyoo, waliba raali noo noqo
adigaa risaaqooooon, kuusoo rujuucneeeeeee!

Rabiyooow Ilaahoow
rashiidoow alahayoow
adigaa rajada iyo
raxmadaadu badanteee
dawlad raaliyoow wacan
raadcaysa nabadoooo
horumar raadinaysoo
tawxiidkana raacdooo
rabshada iyo colaadiyo
rafaadka iyo gaajada
dhinac nooga riixdaan
Illaah kaa rajaynee
rabiyoow na garab qabo
walina raali noonoqo
adigaa raxmaanoon
kuu soo rujuucnee!!!! amiiin aaamiin aamiiin


AAMIIN AAMIIN AAMIIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIIN!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdiqani

Saturday, September 09, 2000 - 07:34 pm
Asalaamu Calaykum

Aboowe Ahmed woooooooooooooow khayr ilaahay hakaa siiyo waxaad tahay abwaan wayn oo runtii soo koobay dhibaatada wadanka haysata. taageeradayda gudooon abooowe

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.