site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RAJADAAN LAHAA DHUNTAY

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): RAJADAAN LAHAA DHUNTAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Sunday, September 10, 2000 - 11:57 pm
Wamaxay ninyahow rajadaad lahay`d ?

Waxaan is lahaa markii ILAHAY no kaso oo Somaliya ay ka dhalato dowlad ay u dhanyihiin dadweynaha Somaliyeed intooda badan,inta ka hartayna soo raaci doonto hayaanka markii EEBBE idmo waxa waddanka ku noqon doona Somali fara badan oo aragtay sida dad wax u qabsadeen, sida ay u xisaabtamaan arrin dhinac kasto laga eegoba, balse markaan boggaan ra`yi iswedaarsiga furay waxaan ka akhristay in ummaddii aan ku rajada weynaa ay noqotay waxa ay ka hadlayaan oo qura Qabiil.

Maxaad ka rabtay in ay ka hadlaan?

Waxaan rabay in ay ka hadlaan in qabiilku yahay kan ina rogay, dalkeeni hooyo baabi`iyey madama ay arkeen in asagood ku gaareen guusha iyo horumarka aqoon, iskuduubnaan,sharci dhowris, kala dambayn, isixtiraam, is qadarin iyo demoqradiyad.

Waxaan rabay ama sugaayay in ay waddanoodii kula noqdaan inta asagood guusha ku gaaray oo aan kor ku soo sheegay ummaddoodana ay u noqdaan kuwa guusha u horseeda,balse waxaan tagnahay caalwaa iyo quus.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmi

Monday, September 11, 2000 - 09:47 am
ASALAAMA CALEYKUM .Somali:walaaloow rajadaada yey baabin,sababtoo ah qabiilku wayna wada ognahay inuu yahay midka umada rogey .somali waxaad u fiirsataa qofka qabiilka ka sheekeynayo hadaad fiirisid waa qof aduunyadii ay ka tegtey aakiradana ilaahey baa og.ragii ku shaqeysan jireyna maaliin ayey dhulka soo dhacayaan sidii ay usoo dhaceen kumministihii aduunka ka jirey.raalina iga noqda hadaad hadelkeyga qalad u fahanteen,ayna iscafino.wabillah towfiiq.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.