site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Guddiga Biyaha ee OmarBeerre (Dhambaal)

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Guddiga Biyaha ee OmarBeerre (Dhambaal)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ing_mo

Monday, September 11, 2000 - 11:07 pm
To madaxweynaha cusb een Somaaliya,
Jaalle madaxweyne iga guddoon salaan. Ku soo dhawoow xukummidda Somaliya, waan ku raacsannahay ee na xukun.
Jaalle madaxweyne waxaad ballanqaadey in aad tahey aabbaha ummadda oo dhan. Dawladdan cusubna ay tahey tan masaakiinta iyo dadka dulman loogu gargaaraayo iyadoo qofwalba xaqiisa lassindoon.

Afkaaga waxaa laga hayaa in dawladdanu aysan noqon doonin ninka xoogleh ayaa xabagta goosta.
Ballankan aad qaadey ma ogtahey in uu aad u adagyahey fulintiisa? haddii aan nahay Soomali wexeynu caadeysanney ninkasta oo laga baqayo ama hadlo in lasiiyo wuxuusan xaq u laheyn si uu bal nooga aamuso.
haddaan nahey guddiga biyaha ee tuulada OmmarBeerre waxaa ilaa iyo muddo ku mashquulsaneyn in aan ceel qodanno, waxaa nooga baxdey lacag fara badan oo bangi aan ka soo deensanney, walina ceelkii fari kama qodna, oo biyo lama gaarin, lacagtiina wey naga kala go'dey. Waxaan u baahannahey in aad lacagta ugu soo horreysa ee magaca Sommaliyeed lagu soo qaado aydaan kala qeybsan idinka oo madaxda ah oo kaliya ee ummadda harraadsan iyo waddanka wax loogu qabto.
Ciddii ihtimaam siineysa walaalaha dulman ee ku saacideysa hiil iyo ho waxaan ka codsaneynaa in ay ka dhiibtaan ra'yigooda lacagtaha magaca ummadda masaakiinta ah magacooda lagu soo qaado, oo jeebabka laga buuxsado.
waxaad nagala soo xiriiri kartaan ing_mo@email.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.